SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Ari Qayilay oo Dhurwaa Shaah u Karinaayo”

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ari Qayilay oo dhurwaa shaah u karinaayo! Oraahdaas waxay ku jirtay majaajillo uu duubay C/hi-Dhoodaan. Marna isma oran waa arrin dhici kara oo suurtogal ah ee waxaan iskaga haystay sheekooyinka lagu yaqaan hal-abuurrada oo qaarkood waaqici ahayn ama aan la fahi karin waxay ka wadaan. Ma hubo in Dhoodaan u danlahaa in dadka Soomaaliyeed saas ku dambeyndoonaan iyo in kale laakiin anigu waxaan yaqiinsaday in hadalkaasi ku jeedo ummadda Soomaaliyeed khaasatan markii Meles Zenawi Xamar iyo Soomaaliya qabsaday dabadeedna noqday qofka koowaad ee xalka Soomaaliya laga sugo ama hadalka ugu horreeya ee arrimaha Soomaaliya leh. 

Ilaahay baan idinku dhaarshee shacabka Soomaaliyeedoow, dadka xildhibaannada sheeganaya ee Baydhabo ku xareysan iyo kuwa leh dowladdaan u sarreynaa ee Zenawi martida u ah maka duwanyihiin ari daroogeysan oo dhurwaa shaah ka sugaya?  

Waxaan dhici karin ma aha in mar mar la arko wax sida dhurwaaga iyo ariga isku ah oo mar meel wada jooga iyagoon is dhibeyn arrimo soo kordha awgood. La yaab maaha in madaxweynayaal Soomaaliya iyo Itoobiya ka socda kulmaan ama heshiis gaaraan laakiin waxa hal-abuurku cabbirayo isagoo sawiraya masawir iska cad oo qof kasta fahmi karo ma aha taas. Soow Xayle Salaase Xamar ma imaan? Musiibo dabiici ah waa isku keenikartaa dhurwaayo iyo ari. Tusaale ahaan haddii dab ka kaco ama biyo maasheeyaan degaan waxaa dhici karta in dugaag iyo xoolo ay saacado isku dhexjiri karaan iyagoo raadinaya dariiq ay dabkaas ama biyahaas uga badbaadaan. Laakiin oraahda Dhoodaan ee ariga iyo waraabuhu waa mid marqaameed. Waa mid arigu doorbiday in waraabe u khidmeeyo. Hal-abuurka waxaad mooddaa inuu leeyahay waxyaalaha arrintaas gacanta ka geystay waxaa ka mid ah: 

  1. Maandooriye. Waxa meesha yaal waa daroogo/qaad oo keentay in arigu u yeerteen cadowgoodii koowaad ee dhurwaa. Yeerasho keliya maaha ee waxay leeyihiin dhurwaayoow noo khidmee! Soow ma aha hadalkaan ka maqalno madax-ku-sheegga Soomaalida, xildhibaanno-ku-sheegga iyo shacab badan: Tigreegu wuxuu Soomaaliya u qabsaday iney dowlad noo dhisaan?! Muxuu yahay faraqa u dhaxeeya ariga iyo dhurwaayada iyo dadkaas iyo Meles Zenawi? Ilaahay baan ku dhaartee dadkaasaa ka xun! Sabab? Arigu wuu ka garasho yaryahay dadka marka sawirkaas Dhoodaan waxaa ka yaab badan dadka aaminsan in Zenawi iyo Tigree horumar la rabo Soomaaliya. Maandooriyahaas ariga iyo dhurwaaga isu keenay laftiisa baa u sahlay in la arko Zenawi oo u khidmeynaya shacabka Soomaaliyeed? Jaadku qeybaha ugu weyn buu ka geystay in Tigreegu Soomaaliya qabsado maxaa yeelay wiilal badan oo jirri ah waxba arigaas kama duwana. Maandooriyaha kale waa qabiilka oo keenay in dadka qaarkiis uu gaarsiiyo meel ay lumiyeen miisaanka garashada. Shaki ma leh in dadka Soomaaliyeed is gaarsiiyeen waxyeelo aan ka yareysan tan hadda Tigreegu ku hayo Soomaaliya laakiin faraqa u dhaxeeye wuxuu yahay markuu mooryaanku waxaas falayey waxay ka ahayd qabiil ama waalli ee dan kale oo fog oo uu lahaa ma jirin halka Zenawi rabo inuu diin, dal, iyo dadba na dhaafiyo.
  1. Tan labaad hal-abuurku ma oran dhurwaagu wuxuu ariga usoo gurayey ama siinayey caws ama caleen ee wuxuu yiri wuxuu u karinayaa shaah! Shaaha ama kookadu waxay sii kordhinayaan in jaadku si fiican u saaqo jirka. Xitaa haddii dhurwaagu ariga caws usoo gurilahaa isagoo uga dan leh hakuugu naaxeen waxaan shaki lahayn in arigu ay dani ugu jirto cawskaas wax kastoo hadhoow yimaada. Waxaa dhici karta in la samata bixiyo ari cayilan oo caws helay laakiin maxaa laga soo gaaraa ariga daroogeysan? Zenawi Soomaaliya ha qabsadee sidaas oo kale buu wuxuu sii abuuray isku dir qabiil iyo inuu Koonfur iyo Waqooyiba isku diro shacabkii Soomaaliyeed. Sida ariga daroogeysan aysan waxba u fahmeyn ayuu Zenawi ka dhaadhiciyey shacab ay qabyaalad iyo qaad isku darsameen in qabiillada kale ay cadow u yihiin. Markaasey ku soo baxeen ari qayilsan oo shaah ka sugaya waraabe.

Ama aan rabno ama dhibsannee waan ognahay in maanta qofka ugu horreeya ee hadal ka oran kara arrinta Soomaaliyeed yahay Zenawi! See ku dhici kartaa innagoo nool inaan halkaas gaarno? Waa uun ari daroogeysan arrintiis. 

Dhibta ugu daran waxay tahay Dhoodaan iyo halabuurrada Soomaaliyeed intooda badan meel loo raaco ma leh. Anigu waxaan aaminsanahay iney ku jiraan dadka Soomaaliya kuwa ugu liita ee ka gaabiyey waajibkii saarnaa. Waa kuwii tirinjiray intaas oo hees ama gabay ee ka soo horjeedda Itoobiya. Maanta marka laga reebo dhallinyaro u badan kuwo cusub ma hayno meel ay ka baxeen. Xaggee qabteen kuwii magacooda ay yaqaanneen Soomaali oo dhan? Waxay ka helaan in la yiraahdo kaalaya oo Addis Ababa ka sameeya bandhig-faneed. Imisa jeer aragnay “hal-abuurro ama fannaaniin” gabay ama hees ka tirinaya Addis Ababa? Ma kula tahay dad Zenawi ka sugaya casuumad iney wax ka sheegi karaan isaga? Ma filayo in Soomaaliya ay soo martay maalin ay maanta ka liidato marka ninkii ama haweeneydii hal-abuur ah ee maanta aamusa/aamusta waxaan filayaa inaan la isku halleyn karin. Inkastoonan rabin inaan u gefo hal-abuurrada haddana Dhoodaan iyo saaxiibadiis meel loo raaco ma leh. 

Goormuu dadku noqdaa ari ama xoolo? Yaa garanaya cid Ilaahay ka badisa dadka? Diintu waxay sheegtay in gaalanimada iyo diin la’aantu keento xoolonimo. Rumeyso ama ha rumeysan waxa Soomaaliya ku dhacay kama suuroobi karto cid kale. Qof qof dhabodhilif ah la arag laakiin weligeed lama sheegin ummad intaas le’eg oo dalkooda cadowgii koowaad ku soo dhoweysay. Akhri waxa kala raacay gumeystayaashii qabsaday Shiinaha iyo Kuuriya. Akhri kuwii Hitler qabsaday dagaalkii labaad. Marna ma dhicin in dad gaalo ah ay waddankoodu ku casuumeen cadowgoodii koowaad. Laakiin qof muslim ah hadduu diinta Ilaahay la dagaalo wuxuu noqonayaa xoolo waxaana ka suurtowda wax aan gaaladu sameyn karin. Waxaan hubaa in shacabka Itoobiya aysan ka suurtoobin waxa Soomaalidu ku sameysay dalkooda.  

Marar badan baad maqleysaa dad leh: hebel ama hebla maqaalkooda kuma sheegaan waxa xalku yahay! Dadkaasi waxay xal u arkaan waxa dhegahoodu jecel yihiin iney maqlaan. Marka qofkii raba inuu xoolonimo ka baxoow ku dheg diinta Ilaahay. 

Maxaa xiga marqaan? Soow seexasho ma aha? Ka warran ari uu awalba waraabe soojeedka uga adkaa oo intuu jaad siiyey u seexday? Soow inuu dabarjaro maaha? Arrintaas darteed baa Zenawi u rabaa inuu Koonfurna uu qabiil iskugu diro sida hadda socoto isagoo xitaa sheekada soo gelinaya Kismaayo. Soow hadda ma aragtid in gaalo iyo maangaabka Soomaaliyeed bilaabeen: in argaixiso laga biilo dekedda Kismaayo? Sidoo kale hadda Zenawi wuxuu furay furun cusub oo ah inuu isku diro Puntland iyo Somaliland. Marka xoolahaasi isku daalaan buu sida ariga hurda rabaa inuu ciribtiro. 

Arigaas waxaan ku la yaabay waxay tahay ma ogola in orgidoodu ay horboodaan. Soow dowladdii hore iyagu ma ridin? Orgidu inkastoo aysan ariga kale wax u ogoleyn waxay dhurwaaga uga duwantahay in ay ari kale yihiin oo aysan dani ugu jirin in arigu marto. Sidoo kale orgi maanta qoor ah ayaa berri laga badinayaa oo mid kalaa ku soo baxaya laakiin fursadda ah in ari dhurwaa ka adkaado si kasta oo dhurwaagaasi u tabar daran yahay waa mid aan horay loo maqal. 

Waxaan ugu necbahay oon makhaayadaha la fariisto ku nacay inaan arko ari kale oo ku haya orgigii ina helbood ahaa (inta qabiilkiisa sheegaan) iyo ridii ina heblood ahayd ayaa waraabuhu wuxuu u magacaabay jago (wasiir)! Ariga dibadaha jooga waa ka sii caqli xun yahay kuwa Soomaaliya jira oo marqaansan. Kuwa Soomaaliya jooga qaarkood cawskii baa u gooyey (bariiskii) laakiin kuwayaga halkaan jooga origigii ama riyidii aan daaq (shaqo) tagi karin waxaa cawskiisa/cawskeeda (ceyrta) qaaday dadka ay u carareen. Belaayo haku dhacdo xoolo u qaba in xoolo kale oo Zenawi xero ugu jira kheyr keenayaan. 

Afeef: Micnaha maqaalku ma aha in qof kasta oo Soomaaliyeed xun yahay laakiin intaanna badan waxaynu nahay xoolo.

cabdulwaxid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com