SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
  • Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud.

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle

Waaberigii Jimcadii (Jan 25, 2008) waxaa magaalada Balli Doogle weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee kusugan Soomaaliya muddada ka badan halka sano. Dagaalkan ayaa la sheegay in muddo ay halkaasi la wareegeen muqaawamadu ayna halkaas ka rarteen hub sida uu sheegay Sheekh Mukhtaar Rooboow "Abuu Masuur".

Balli Doogle oo ku meel u dhexaysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah meel lagu tababaro ciidamada DFKMG uuna u yaal hub. Waxaana wararka u horeeya ee halkaas ka soo baxay ay tibaaxeen in ciidamada DFKMG lagaga gubey labo gaari.

Khamiistii ayey ahayd sidoo kale markii dagaal gaadmo ah lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo xarun u tahay Kalabayr oo u dhow magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.


MADASHA BULSHADA SOOMAALIYEED AYAA MAR KALE SOO BANDHIGTAY DHIBAATOOYINKA BULSHADA KA HAYSTA HORUMAR LA’AANTA

Madasha Bulshada Soomaali-yeed oo maalmahan wadday olole ballaaran oo looga hadla-yay dhibaatooyinka bulshada haysta sida nabad gelyo xumida, caafimaad la’aanta, waxbarasho la’aanta haweenka, gaajada iyo faqriga, ka hortagga cudurka HIV/AIDS, difaaca Xuquuqda caruurta iyo umuuro kale, iyadoo maanta ahayd ay ku soo bandhigeen madasha bulshada Soomaal-iyeed maalintii labaad dugsiga Mogadishu Primary & Secon-dary shcool ee magaalada Muq-disho, iyagoo hoolka dugsigaasi ku sharraxay waxyaabaha ay sababeen arrimahaas oo ay ugu horreyso nabad gelyo xumida, dagaalada sokeeye iyo waxbarasho la’aanta.

Madasha bulshada Soomaa-liyeed waxaa kale oo ay soo bandhigeen doorka iyo isku duubnida madasha looga baahan yahay inay u wajahaan arrimahaas.

Axmed Diini Xasan oo ka mid ah madasha Bulshada Soomaal-iyeed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dugsiga Mogadishu Primary & Secondary school ayaa wuxuu tafaasiil ka bixiyay waxyaabaha ay madashu soo bandhigtay iyo yoolka ay higsaneyso madasha, wuxuu sheegay in kulankan ay sanadkiiba mar madashu qabato iyadoo markii hore ay ahayd in mar uun kulan laysugu yimaado loogana hadlo laguna kala tago, balse sanadkan xoogga la saaray in la soo bandhigo waxyaabaha xaqiiqda ah ee jira iyo dhibaatooyinka ay reebeen arrimahaas.

Wuxuu sheegay inay tahay in dareenka madasha Bulshada Soomaaliyeed la baahiyo lana soo bandhigo iyadoo arrimah-aasi laga duulayana ay waajib tahay in madashu ay ka qayb qaadato arrimahaas.

Madasha Bulshada Soomaa-liyeed ayuu sheegay inay berri oo Sabti ah soo gabagabeyn doonto ololahan socday mudada saddexda maalmood ah, kaasoo billowday maalinimadii Arbacada aynu soo dhaafnay.

Waxaa lagu soo bandhigay qoraallo iyo isloogano ka turjumaya meel ka dhaca xuquuqda bini’aadamka lagu sameeyo sida xarigga, dilka iyo barakicinta, sidoo kale waxaa sanadkan xoogga la saaray in la muujiyo dhibaatooyinka ay geystaan miinooyinka, kuwaa-soo waxyeello u geysta caruurta aan waxba galabsan, sidoo kale waxaa hoosta laga xarriiqay xadgudubyada loo geysto saxafiyiinta iyo waxbarasho la’aanta haysata haweenka iyo ku xadgudubka xuquuqdooda, taasoo qoraal iyo maqalba lagu soo bandhigay.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623


Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud.

Ololahaan nadaafadeed ayaa maanta ka soconayay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo ololahaan ay ka wadaan ururada haweenka, hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiga ee degmadaasi.

Howshaani qashinka looga qaadayey isbitaalka iyo agagaarkiisa ayaa waxaa ka qayb qaadanayey ururka haweenka ee GOWDA, hay’adaha ILEYS, BRADO iyo shirkadaha ganacsiga ee degmada Guriceel, ma ahan markii ugu horeysey howshaani qabtaan iyadoo in kabdana labo biloodna ay ololahaasi qashin qaadista ay soconayaan.

Dadka ka shaqaynaya howshaani qaadista ayaa qaadanayey lacag dhan $ 3 dollar, iyadoo lacagahaasina ay bixiyaan hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiga ee degmadaasi.

Isbitaalkaan ayaa mudo lix bilood ahi u xirnaa ciidamda dowlada Ethopia kadib markii ay bishuu June – 2007 ay soo galeen degmada Guriceel, iyagoo saldhig ka dhigtey isbitaalka iyo guryihii ku dhawaa.

Ciidamadai ayaa mudadii ay daganaayeen kala eryey shaqaalihii isbitaalkaasi kana dhigtey hooy ay madaxdoooda jiiftaan, sidoo kalena waxay qalabkii iyo alaabtii kale ee isbitaalka intooda badani burburiyeen.

Mar aan manta booqdey ayaa waxaa ii muuqanayey dayactir weyn oo lagu samaayey isbitaalka kaasi oo gacan ka gaysteen jaaliyadaha degaanka, sidoo kale halkaasina waxaan ku soo arkey qashin farabadan oo buuxa isbitaalka iyo hareerihiisa.
Waxaana iyana burbur ka muuqdey qalabkii isbitaalka iyadoo daawooyinkiina gabi ahaan ay ka dhamaaden, arinkaasina waxa loo aaneynayaa ciidamadii Ethopianka ahaa ee ka guurey halkaasi bishii December ee sanadkii tagay.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Mail:muxsin55@hotmail.com

Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose

Kulan ballaran oo ay sigu yimaadeen Nabaddoono ,Waxgarad,Saladiin,Culam’uddiin qeyabaha Bulshada sida Ururada Bulshada,Dhalinyarada iyo Haweenka iyo Xubno ka socday Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/.Hoose deegaanka KuunyaBaroow oo 90 K-m ka xigta dhinaca koonfuur galbeed munasaabadaas ayaa lagu soo dhoweyey Sulddaan Xeydar Sulkdaan  Sulddaan Munye oo ah Sulddaanka Beelaha Baraawe Shangamaas/Toddoba Tol iyo Torre,sido kale ayaga looga hadlay kulankaas sidii loo xoogin lahaa Nabadglayda Guud Ahaan waxna loogo qaban lahaa dhibaatooyinka ay ka yimid yihiin biya la’aanta iyo weliba deegaanada oo aan laheyn Goobo waxbarasho iyo caafimaad haba yaraate,

Waxa intaa dheer in Masuliyiintii hadalka ka hadashay waxay diirada saareen in wax walba ay fura u yihiin Nabadgalyada isla markaa loo baahanyahay deris wanaag taaso sababa u noqon karta in la fuliyo adeega guud ee ay u baahanyihiin bulshada .

Waxaa intaa dheer in dadkaas isgu yimid deegaanka Kuunbarow iyo Tulooyin ku xiran ay si weyn u soo dhowyeen Sulddaan Xeydar Suldaan Suufi ayago sita CalamoQoyan in ka badan muddoo Lix sacaadood ay taagnaayeen qoraxda inta u safar ka soo baxini Sulddaanka iyo wafdigii la socday degmada baraawe..

Ugu horeytnii waxaa warbixin kooban soo jeediyey Guddoomiyahay Deegaanka Kuunya Barow C/qaadir Baarka Ku Dheer oo sheegay in ay soo dhoweynaya Suldaanka,oo 18 Sanno qurba joog ahaan gaar ahaan Dalka Mareekanaka loo baahanyahy dadkani masiibada halakeysay wax loo qabto,asaga halkaasi Mukuroonfka ku soo dhoweyey Suldaan Xeydar oo sheegay oo u tacsiyey guud ahaan dadka ku dhaqan deegaanka Kuunya Barow iyo nawaaxigiisa wuxuuna ku nuxnuusaday in u wax ka qabn doono dhibaatooyinka muuqda oo ay ugu horeyso biyo la’aanta ,waxbarashada ,caafimaadka asago kaashaanayaa walaalaha qurba joog iyo Hayadaha Caalamiga sido loo badbaadiyo dadka inta ka hartay gabgabdi kulanka ayaa waxaa ku dhamaaday jawi aad u qurx badan oo ay dadka halkaas isku yimid ka muuqato faraxad iyo reenreen,

Guud ahaan kulaankas waxaa joog ahaan Nabaddoon Sayiddiin Xaajiyow Nuurki,abuukar Gameela ,C/qaadir Baarkudheer, iyo Nabadoon Aw Nuunow ,Aweys Sheekh Mumin iyo Masu’uliin ka socotay maamulka degmada barawe.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com