SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RUMAYSO AMA HA RUMAYSAN(QOYS SOOMAALIYEED OO KUNOOL AUSTRALIA OO ILAAHAY UGU DEEQAY NIMCO...)

Akhristayaasha sharafta mudanoow dhamaan meelwalba oo aad kajoogtiin dunidan waxaan idin kusalaamayaa salaanta islaamka "Asalamu Caleeykum waraxmatulaah). Inta aanan utalaabin in aan idin lawadaago qormada maanta oo aan rajeeynayo in ay kaduwan tahay qormadii hore ayaan rabaa in aan laba sadar ka iraahdo qormadii hore oo dad badan oo akhristayaal ah oo ku taxan bogaga internadka ay aragtiyo kala duwan kadhiibteen.

Qormadii hore ama sida cinwaanka kumuuqatayba waxaan ugu magac daray (Rumayso ama ha Rumaysan). hadaad rumaysatay in arintu suurta gali karto ama dhici karto waxaan rumayasanahay in aad kala soo dhaxbaxday qormada waxyaabo aad ku rumaysan kartid in ay dhici karto arintaas. Hadaad rumayasan wayday ama aad galisay khaanad ah in ay arintan tahay mid la mala awaalay sidoo kale waxaad kala soo dhaxbaxday qoraalka waxyaabo aad rumaysan tahay in arintan ayna dhici karin. Dhamaan akhristayaal idinka oo mudan qadarin wakhti dheerna aan uhayn in aan idin lawadaago doodihiinii ayaa waxa aan rabaa in aan idin kaga tago in arintaas ayada ah ay dhacday ee rumayso ama harumaysan.

Gunaanadka qormada ayaa ahaa in runtii waxwalba dhici karaan ee waxwalba ubaahan yihiin in ay mudan yihiin in laga feejignaado. qasadkeeyguna ma ahayn in aan cabsi galiyo kumanaanka rabo in ay ilma hooda gacanta qabsadaan oo ay soo gutaan waa jibka ilaahay ee Xajka in aan cabsi ku abuure ee qasadku wuxuu ahaa in dunidan aan kunool nahay ay tahay duni imtixaan. Sida aad urumaysan waydeen ayaan ana markii iigu horeeysay ee aan maqlo aan urumaysan waayay ilaa aan baadhitaan galo si aan arintan salkeeda uga midho gaadho.

Akhristayaal badan ayaa iimaylo ii soo diray dad badan ayaa wax badan iga waydiiyay.Akhristayaasha qaar ayaa igu tilmaamay in aan arinta buunbuuniyay, ayada oo ay qaarna ku tilmaameen qormadeeyda mid xayaysiin u ah boga (Somalitalk). Mar hadaad tahay qoraa eedeeymaha akhristayaasha waxaa wanaagsan in ay ku dhiiro galiyaan eedeeymihiinana waxaan uqaatay dhiiro galin ee barasho wanaagsan. waa taxano socon doono sanadka oo dhan. Intaas waxaa sii dheer in akhristayaasha qaar ay ii soo gudbiyeen dhacdooyin naxdin leh oo ka argagax badan midaan aniga qoray waxaana rajeeynayaa in aan qormoyinka soo socdo idin lawadaago.

Hadaan ugudo galo qormada maanta inta aanan bilaabin qormadan waxaan rabaa in aan xasuusiyo akhristayaasha in qormo walba aan ka faaiidaysano waxyaabo badan gaar ahaan qormooyinkan (Rumayso ama ha Rumaysan) waxaan ugu tala galay bahweeynta soomaaliyeed ee kunool qurbaha in aan is lawadaagno xanuunka iyo wanaaga, aana noqono umad isku duuban keena kunool carigan Australia, Newzland, Yurub, America,Canada iyo meel walba oo aan joogno.

Qormadan ayada ah ayaa ah midii ugu horeeysay ee katimid akhristayaasha ayada oo akhriste kunool wadankan Australia igu canaantay in aan naxdin galiyay quluubta in badan oo waalidiin ah ee uu yidhi bal midan maxamadoow lawadaag aniga oo baadhitaan sameeyay kabacdina soo helay in ay jirto dhacdadan ayaan idin leeyahay dhagaysi wacan.

"Hadaan nahay jaaliyadaha soomaaliyeed ee kunool qurbaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka, gaar ahaan hadaad tahay waalid ay hoos joogaan ilmihiisa in ay nahaysato ama hoowsha noogu dhibka badan ay tahay saan ilmaheena u tarbiyayn lahayn, una bari lahayn quraanka kariimka si ay u noqdaan oowlaad aan ku in dha qaboowsano kuna faraxno midhaha ay gaadheen, laakiin in badan waxaan dareesan nahay in aa nan ku guuleeysan arintaas ayada ah.Sabab walba ha ahaatee mida cajiibka badan waxay tahay in aan idin lawadaago qormadan aabo iyo hooyo soomaaliyeed oo ilmahooda dusha kabaray quraanka kariimka ah ayaga oonan habeen uga wadin wadankan Australia meel kale. Aabahaas iyo hooyadaas ilamahooda waxaa kamid ah gabadh xaga waxbarashada uga jirto ama ku jirto lixda qof oo marwalba ugu buunda sareeyso Australia marka lasoo gubbiyo buundooyinka dugsiga sare gobalwalba. hadaba akhristoow waa tan.

"Aabaha oo layidhaahdo magiciisa u danbeeyo Mahamuud, hooyadana xaliimo kuna nool gobol layidhaahdo Westren Ausralia magaalada (Perth) ayaa waxa uu tilmaamay in aduunyadan intii uu kunoolaa waxa ugu wayn ee uu qabto ay tahay in ilaahay baray oowlaadiisa quraanka kariimka ah laga soo bilaabo suuratul baqara ilaa suuratu Alnaas. Ilaahay ha usiyaadiyee nimcada ilaahay siiyay qooyskaas ee maxay tahay ama sidee buu aabahaas iyo hooyadaa ugu suura gashay in ay gaadhaan in waxbadan oo waalid ah oo jecel ilamahooda in ay gaadheen.

"Hadaan ahay aabahood runtii ilaahay baa nimco iska leh ee hooyadood ayaa abaal marintan iska leh, ayada ayaanan bartay quraaka. Aniga xoogsade ayaan iska ahay guriga unbaan aabo ka ahay laakiin hadh iyo habeen hooyadood ayaa ladadaasho, oo latacaasho. Dhiira galin waxay igashay kabacdi markii ay oowlaadeeyda ii keeneen shahaadooyin ay kusoo barmooseen oo ay kusoo guuleeysteen tartan quraan. Tartankaas asaga ah aabo joogay ayaa ixasuusiyay oo igu yidhi "oo ilmahaad dhashay ayaa wacdaro kadhigee tartankii quraanka ee kudadaal ilamaha".

Aabihi asaga oo sii wato hadalka ayaa waxa uu tilmaamay in ay hoowshan ayada ah suurta galisay ilamah hooyadood " Runtii hadaan nahay aabayaalka oowlaadaanada in aan xuquuqdoodii aan dayacnay, oo hooyooyinkood ayaa meelwalba lataagan meelwalbana waxaan lataaganahay "Imihii waa halaabeen ilamaha maxay uhalaabi waayeen anagaa dayacnay. " waxa kaliye oo aan runtii ugu abaal marinayo hooyadood waxaa weeye subax walba gaar ahaan salaada subax kabacdi ayay kuligood bari jirtay quraanka inta aanan lagaadhin iskuulka, kabacdina iskuulka markay ka soo noqdaan oo ay nastaan ama cunto cunaan, waxa kaliye oo ay hooyadood kuguuleeysatay waxaa weeye in ay kajoojiso in ay kumashquulaan daawashada TVga, ayada oo ay amarto in ay seexdaan, kabacdi xoogaa markii ay soo kacaan inta aanan lagaarin maqribka ayay xoogaa iska ciyaaraan. saas markii loo tukado inta ayna cashayn ayaa halsaac iyo wax lamid ah ay cashir umeerisaa, sidaas ayay kuwaday ilaa ilaahay kuguuleeyo in ay sidii quraanka ku bartaan.

Aabaha wuxuu tilmaamay in runtii dadaal walba oo lagu bixiyo ilmaha ay midho wanaagsan kadhalan karnaan " Inagaa dhalnay, inagaa korsaneeyno, haday hagaagaana inagaa hagaajinay, haday halaabaana anagaa masuul ka ah." " Intaas waxaa sii dheer gabadha ugu wayn runtii ilaahay wuxuu siiyay fahmo aad ubadan, sanadwalba waxay ka gashaa ama heshaa buundada ugu sareeyso iskuulkeeda ama galaaskeeda iyo aradada gobalkaba, markii la isku geeyo buundooyinka aradada ayaa hadana waxay kujirtaa marwalba lix arday oo gobalada Ausralia kamid ah oo marwalba aan kahoos marin buundada ay keenaan in ay kakormaraan mooyee.' " taas waxay surta galisay in doowlada ay nagala wareegto waxbarashadeedii oo wixii kharash ah ee kubaxa doowlada ayaa bixiso oo aniga hal shilin kuma bixiyo wax barashadeeda. " mararka qaar ama in badan baabuur gaar ah ayaa uyimaado oo qaado oo soo celiyo waa qof runtii laqiimaynayo oo gaaladii ayaa saas uqiimaynayso ee anagoo waalidiinteen ah ayaa kawanaagsan in aan ilmaheena latacaalno waxaana hubaa anagaa gabnee gaar ahaan aabayaasha in ilameena ay kabuuxdo fahmo iyo in ay awood uleeyihiin in waxwalba bartaan, waana midaa mida ilaahay noogu sheegay quraankiisa " waa kuwa dhahayo ilaahayoow nooga dhig dumarkaanaga iyo oowlaadaana kuwa in dhahaanagu ku qaboowsadaan kuwa hogaan unoqdana dadka ilaahay kacabdo naga dhig".

Aabahaas wuxuu ku daray in ay jirto in waalidiin badan in ilmahooda geeyeen wadamo kale si quraanka loogu soo baro " Meelwalba oo aan geeyno ilmaha wax waa baranayaan ee in aan dadaalno ayaa wanaagsan. dardaaranaka uu waalidkaa bixiyay ayaa kamid ah in runtii ilamaha midho laga gaadhi karo hadii aabaha iyo hooyada wadaagaan masuuliyda maxaa yeelay buu yidhi aabahaas " hada masuulida hooyada unbaa hayso, anaana taas markhaati ka ah, maanta in hooyadood ay bartay quraanka kariimka ah ee runtii dhib waa jiraa laakiin waxaan kutalinayaa dhoowr arimood oo aan isleeyahay ilmaheena waxbay ku taraysaa waana sidan
1-In aan wakhti badan siino oowlaadeena.
2-In aan tusno in aan jecelnahay.
3-In aan tusno in an mudanahay in ay nagu daydaan
4-In aan tusno dad kale oo ay kutusaala qaataan.
5-In aan tusno ama aan barno waxwalba in ay nagala tashadaan.

Intaas waxaa sii dheer
6-In aan kayareeyno in ay waqti badan kaga baxo daawashada tiifiiga.
7-In marmarka qaar aan uwadno casho ama familkoo dhan laisraaco.
"Arimahaas oo dhan is badal ayay ku abuuri karaan." "Runtii hadii ay kasuurta gashay in ilmahayga ay ku xifdiyaan quraanka halkan, in ilma walbo kuxifdin karo quraanka, ilmahaygana kama fadli ama fahmo badno ilmahoo dhan ee waa un nimco aan isleeyahay ilaahay ayaa idin ku deeqay, ilaahayna waxaan uga baryayaa qooys walba oo rabo in uu ilmahooda barto quraanka in ilaahay ufududeeyo barashada quraanka.".

Hadaba akhristoow waxwalba waa suurta gali karaan sida hooyadaas ugu guuleeysatay in ilmaheeda quraanka barto ayaa suurta gal ah in waxbadan lagu guleeysan karo gaar ahaan waxbarida dada yaryarta ah, tarbiyayntooda, iyo hagaajintoodaba ee aan adeegsano wado walba oo ay adeegsadeen qooyskaas si aan ugaadhno midhaha ay gaadheen qooyskaas soomaaliyeed.

Intaan mardanbe dib ukulmeeyno nabadgalyo.

Mohamed Wali (xiish)
Australia.
xiish3@hotmail.com

Qiso Naxdin leh: Wiil Soomaaliyeed oo Dil suge ku ah Sacuudiga

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com