SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa Sillan Maxaa Sugan?

Mugdiga waayahani xambaarsanyahay, hamuunta inagu gaaxatayay iyo godol

la'aanta maankeena, ayaa sababtay in ceeryaamo fuusho aayeheena,ladhka xumada boogahu soo kicinayaan ayaa wiiqay riyadeeni, bulshokasta waxa ay ku naalootaa jiilkeeda soo koraya, waxayna u carbisaahogaaminta mustaqbalkeeda, iyo u horseedida nolol cusub.

Wakhtigan seeftu jarayso ayaa waxa ina dul heehaabaya humaagxambaarsan farxad, murugo, walaac, yidiidiilo iyo rajooyin.Garashadeena sabooshay iyo basaasta uu jahligu inagu keenay ayaahadheeyey inaynu garawsano kaalinteeni iyo doorkeeni mustaqbalka.

Dhanka kale waxa ina dhinac socda fursado dahabi ah oo abuuri karainaynu ka guulaysano caqaqbadahan inagu meersan. Inaynu maskaxda furnaa waa laga maarmaan, tacliinta ayaa fure u ah injiilkeenu keeni karo mustaqbal dahab ku qoran, halka taariikhdii ina dhaaftay ay tahay mid ku qormaysa dhiig. Xaqiiqda dhabta ah iyowaaqiciga suuro galka ah oo aynu fahamno ayaa ah iniinta soo saaraysaaqoonta iyo xikmada, taasaa inagu dhalin karta inaynu ciida dihin eecarrigeena calaf ka soo saarno.

Taas macnaheedu waa in aynu garwaaqsano in haddii aan jahliga laga bixin in aan baahida lagaxorobeyn, waa inaynu garanaa inta baahi iyo sinaan daro jirto inaancadaaladi jirayn, waa inaynu ogaano inta cadaalad daro jirto inaannabad iyo xasilooni la helayn, marka xasilooni daro timaadona in mujtamacu dulinimo kaw u noqonayso, in la cuudiyaana ay cakirnaandoonto. Waan ogsoonahay inaynu dulinimadan jahligu keenay ee aynu eednay horistaagayna horumarkeeni, taariikhda dalka, iyo tan dadkaba baalka madow inooga xardhay aynu ka bixi karno, ugana bixi karno qalinka ooaynu suntano. Asxaabtayda mustaqbalkaygaay waxay tahay inaynu isu diyaarino beriwaxa soo socdo, abuurnona jawi wax wada qabsi iyo isku tiirsi ku salaysan meeshana ka saarno nacaybka malaayiin, colaada, jahliga iyocudurada ragaadiyey bulshadeena, sidii qoriga qalin loogu badali lahaawaa mid iyana inaga ina sugaysa, isusidashada qorigana ugu badalilahayn ubax in laysu qaado, tanina ay inooga baahan tahay wakhti, fakir, dadaal, iyo samir dheeraada.

Waynu la soconaa in dhalinyaradaiyo haweenku ay yihiin kuwa dib u dhisa dalkooda, unkana dib ukabashada dhanka aqooneed, dhaqaale, fikradeed iyo dhanka bulshoba,waxaynuna u baahanahay inay meesha ka saarno wixii inakala qaybinaya isuguna nimaadno wixii ina midaynaya. Waxaan xasuusan karnaa indhalinyaradii ay ka midka ahaayeen Jomo Kenyatta, Kwame Nkrumah,George Padmore iyo kuwo kaloo badani ay ahaayeen kuwii abuuraydhaqdhaqaaqii Pan Africanism, kuna midha dhalay in Africa ka madax

banaanaato gumaysiga! Akhriste xaalku waa maqaar saar! Akhriste hadabaMuragadani maxay tahay isa soo taraysaa? Sharaftii dadkeeni maxaageliyey hoosiis? Maankeeni miyuu gudhay? Akhriste maxaa dhacay maxaarogan? Maxaa sillan maxaa sugan?

Guntii iyo gebagebadii murtidu waa dhaxalka u hadha jiilka soo koraya,waxana halkan idiinku soo gudbinayaa gabay iyo masafo uu tiriyey XaajiAadam Axmed Xasan (Xaaji Aadam Afqalooc) Illaahay janadii ha ka

waraabiyee, halka gabaygu inagu guubaabinayo, tusaalaynayona waajibkaka saran jiilka soo kacaya hanashada hawlaha dalkoooda iyo dadkoodaba,iyo inay beri mudan doonto kaalintii hogaaminta dalka, gabaygani wuxuu ina dareensiin doonaa kaalinta ina sugaysa, xogogaalna inooga dhigayaadayaca dalka haddii aynaan jiilkeenani u kicin, masafaduna waxay inaguguubaabinaysaa waxbarashada, waxa kale oo masafadu si cad inoo tusini sida cilmigu saldhiga ugu yahay horumarka dalkasta iyo bulsho kasta.

Gabaygan oo magaciisa la yiraahdo Dhalinyarada iyo jiiftada oo iyanamagaceedu yahay Ubaxii dalkeenow ka akhri hoos:

1. Hadduu geed engego xaabadaa lagu idlaystaaye
2. Mid yaroo iniintiisa baa soo awaal baxa'e
3. Usgaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya'e
4. Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
5. Ubadkooda hadha baa tabcoo aayatiin hela'e
6. Aadam iyo xaawa iyo markii kaynta la abuuray
7. Sidaasay arwaaxda iyo dhirtuba kku isirrayeene
8. Ummaddan shabaabkeedu hanan waw ayaan xumo'e
9. Inamo iyo hablaba waxaad tihiin aaranki kacay'e
10. Itaal gabe dadkiinnii hore oo waydin aragtaane

11. Adinkaa ammaanada xilkii eeggan qaabiliye
12. Iskiin wax u qabsada nolosha waw udub dhexaadkiiye
13. Israafka iyo fadhigu waa waxaad ku ambanaysaan'e
14. Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegay oohin kugu reebye

15. Ayaantii ku dhaaftaana waa waxan la eegeyne
16. Arsaaq yaridu waa caajiskaan la ogglayn hawle
17. Ma amdaro cirkuye lacagta waa lagu adeegaaye
18. Axadkii kaslaan ihina sabool abadi weeyaane
19. Rabbi nimuu laxaadka u ebyey oo camal awood waayey
20. oo aan shaqo naftiisa oggolayn waa abaal dhacaye
21. Istiqlaalka waxa taam ka dhiga waa adduunyada'e
22. Mar haddii dhaqaaluhu akhiro calunku iimowye
23. Kolkaasuu amaahiyo baryaba arad ku doonaaye

24. Icaanaduna xornimaday u tahay eebadii melege
25. Albaabkuu gumaystuhu ka xado umada weeyaane
26. Wixii uu ajnabi kuu qabtona aayatiin ma lehe
27. Isku tiirsi baydiin egiyo ururin xoolaade
28. Ictsimada Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode
29. Aaydaha diinta iyio sharcigu waynagu amreene
30. Axaaddissta Nebigey ku timi saadu aragtaane
31. Ikhtilaafku waa naar jannana waa isu imaade
32. Aradkiyo dadkuba waa dhismaha waxay u aayaane
33. Ragannjimo nimaan tacab ku arag aayar heli waaye
34. Ishtihaada gobannimo dhibaa lagu ilaashaaye

Ubaxee Dalkeenow

1. Doogada xayaadkiyo ubaxii dalkeennow
2. Rabbi haydin daayee tacliinta u dadaala
3. Dadku waa isku abuure jahlaa dilay intiisee
4. Ubixii dalkeennow tacliiinta u dedaale,
5. Cilmigu waa daruuriyo hogol idiin da'aysa'e
6. Cilmigu waa daawada ruuxa indhaha u dillaacsha'e
7. Cilmigu waa dariiq nuura halkaad adigu doonto'e
8. Cilmigu waa kan diinteennu dalba tidhoo ammaantaye
9. Cilmigu waa kan dawladaha dayaxa u horseedaye
10. Cilmigu waa kan daabbadha dusha mara sameeyaye
11. Cilmigu waa kan dulimaadka batrool lagag doonaye

12. Cilmigu waa kan daaddihiya doonyaha Abboollo'e
13. Cilmigu waa kan lagu duulay laguna soo degaayo'e
14. Ubaxoo daleennow tacliinta u dedaala
15. Kuwo idinla da' ahbaa dayuurado sameeya'e
16. Adinkuna ku daydoo tacliinta u dadaala
17. Deriskii habsaamiyo saacaddii dayacantana
18. Dibbaan loo arkaynine tacliinta u dedaala
19. Daacad walideyn iyo daryeel macalliimiintaad
20. Derejada ku gaadhiye tacliinta u dedaala
21. Dadkiinnaa idiin aayi weli adhiga daaqiyo
22. Dool leh awrka guura e tacliinta u dadaala
23. Dahabka aydin qodateene tacliinta u dedaala
24. Gobollada dib u dhacay baa idin soo deyaaya'e
25. Aad xorriyad u doonteene tacliinta u dedaala
26. Dulmigii horeetiyo dib dhicii ma joogo'e
27. Daawada bilaadkoo tacliinta u dadaala
28. Yididdiilo dhiniyo dabayl caafimaad baa
29. Dalkeennii ka muuqda e tacliinta u dedaala
30. Dawlad ishtiraakiyo madax daacad u ah baa
31. Rabbi inoogu deeqee tacliinta u dedaala
32. Duco iyo salaam aan golaha weyn u dirayaan
33. Hadalkii ku daayaye tacliinta u dedaala.

Abdinasser Ahmed H. Adam Afqallo'
Erigavo, Sanaag
golishoney@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com