SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Weriye Cawaale oo Dammiin lagu soo daayey

Boosaaso: Maanta [Jan 16, 2008] ayaa weriye Cawaale jaamac Salaad waxaa lagu soo daayey damiin, kaddib markii uu xabsiga magaalada Boosaaso ku xirnaa muddo 24 maalmood ah.

Weriye Cawaale waxaa laga soo xigtey in loo sheegay in lagu sii daayey damiin oo markii ladoono maxkamad looga yeeri karo, balse waxaa maanta waxa uu haystaa xor nimadiisii loo soo celiyey.

SomaliTalk Bosaso, Jan 16, 2008

Wariye Cawaale Jaamac oo Xabsi Ku Mutaystay Xaqiiqo Soo Gudbinta

Afrika Waa Qaarad Weyn oo ay wada dhasheen Musuq maasuqa, Gaajada, iyo Qabyaalada. Waxaa ku abtirsada oo ka tirsan Dalal gaaraya 53 Wadan Dalalkaas badan kooda Dawladaha ka jira waxaa Hogaanka uhaya oo talada Dadkaas iyo Dalkaas-ba ay ka go'daa Hogaamiyayaal Aan Aqoon badan lahayn Kaligood tali yayaal-na ah, islana Quman, inta Badan Raga Madaxda ah ee Afrika Hogaanka uhaya ayagaa isa soo doorta oo waa ay ku yar yihiin madax si Madax banaani ah Dadku ku soo dortaan, Mudane Kastoo Madax ka ah Dal ama Maamul Goboleed Afrika kamida waa ay adag tahay si uu xukunka si nabad ah uga dago oo ugu baneeyo Dad ka kale ee Aqoonta leh Kana Wanaag san Asaga.


Isha: Aminarts.com

Afrika Waa Qaarad weyn oo ay udhasheen Dad Aqoon leh Hawl kar ah, Afrika Aduunka mar kii laga sheekaynaayo waxaa lagu sheegaa in ay Tahay Dunida Sedexaad, Kow Maahan, Labana Maahan ee waa Sadex. Ogowna in ay san jirin Wax la yiraahdo Duni Afarad Macnaha Afrika cid ka lidataa majirto, Madax ama Hogaan waxa uxun oo uliita midka udaran Shacab kiisa una roon Shisheeyaha. Magaca Puntland wa magac qiimo leh waana Magac ay ku miday san yihiin Qabaa'ilo badan oo Somaaliyeed oo Nabadda  Jecel. Puntland Waxa ay ka mid tahay Goobaha ugu nabdoon uguna hormarsan Gobolada Dalka Somalia.

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa talada uhaya Rag isku jira oo kala Shaqaysanaya hadana wada shaqaynaaya, Masuuliyiinta Reer Puntland markii ay qabanayaan jagooyin kala gadisan looma eego Aqoon ee waxaa loo egaa Qabiil. Ninka jagada loo dhibayaana ma eego waxa uu Dad ka ugu qaban karo Jagadaas loo dhiibay ee waxa uu fiirshaa waxa kasoo gali kara Dhaqaalo ahaan Arimahaas iyo kuwa kaloo badana waa kuwa dib udhaca iyo Hagardaamada galiyey maamulka Puntland.

Calaamaha kusoo cusboonaaday Mudooyin kii dambe Puntland waxaa ka mid ahaa Amar deg deg ah oo aadan garin karin meesha uu sida rasmiga uga soo baxay iyo cida soo saartay. Maamul is feer yaacaya oo aadan kala garanayn kan sareeya iyo kan hooseeya. Ammaan aan caga badan ku Taag nayn oo aan la is ku halayn karin.

cawaale
Weriye Cawaale Jaamac Salaad

Cawaale Jaamac Salaad Waa nin Wariye ah oo wax kusoo Bartay Gobolada Puntland kuna soo bar baaray isla degaanadasi, waa Wadani Reer Puntland ah oo Magac iyo maamusba ay Shacabku uhayaan. Cawaale maalintii 10 Naad ayuu ku jiraa Xabsiga Noloshiisu ay adag tahay oo ku Yaala Magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari, war looma haayo waxa uu kusugan yahay balse warar hoosaad ka soo baaxaya oo warbaahintu helayso ayaa sheegay in uu la xiran yahay oo ay Noloshu ka wada dhaxayso Dad Gacan ku dhiig layaal ah, Kuwo Dhacay Hanti oo Bur cad ah iyo Eeday sanayaal kale oo lagu soo qab qabtay Dambiyo Cul Culus.

Wariye Cawaale Xarigaan xad gudubka ku ah Noloshiisa ee ay kula kaceen Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Gen Cade Muuse ee Puntland waxa uu ku mutaystay kadib markii uu dhexda marada ugu xirtay sidii uu xog iyo Sawiro uga keeni lahaa Saxafi lagu magacaabo Gwen Le Gouil oo reer Farance Laguna qafaashay duleedka Bosaaso kadibna lagu sii daa yey madax furasho lacageed. Cawaale Jaamac Waxaa lagu ilaaway Xabsigii uu ku mutaystay gudashada Hawl maal-meed kiisa, waxaa wax lala yaabo ah in la sii daayey oo Madax furasho lacageed lagu sii daayey Nin kii Shisheeyaha ahaa ee Afduubka loo haystay laakiin Xabsiga lagu haayo Wariye Cawaale Jaamac Salaad oo aan Wax dambi ah Galin Xaqiiqada una soo gud biyey.

Madaxda Maamul Goboleedka Puntland waxaa laga filayey oo laga sugaayey in ay la tashiyo lasameeyaan Wariye Cawaale Jaamac kadibna ay soo qabtaan oo ay soo xir xiraan dambiilayaashii Afduubka geystay balse halkii Cawaale laga sugaayey in Madaxda Puntland la tashato oo ay umahadnaqdo ayaa xabsi loogu abaal guday, Maahan markii kowaad oo uu Xabsi Galo Wariye Cawaale Jaamac Salaad balse marar hore ayaa si sidaan la mid ah oo sharci daraa loo xiray Wariyahaan Xaqiiqda Sheega.

Aqoon la'aanta haysa Madaxda Puntland noocay rabaanba ha ahaa deene waxaa ka mid ah in ay san kala garanayn mid ka usokeeya oo tix galinta Kowaad leh, Wadaniga iyo Shisheeyaha, Dad badan oo Reer Puntland ah Aqoon yahanana ah ayaa sheegay in Cawaale uusan Xabsi ku jireen oo uusan ku raageen haduu ahaan lahaa Shisheeye dal kale udhashay waayo siidanytiisa waxaa uwada is taagi lahaa Dhammmaan Madaxda Maamulka Puntland, Qofka Shisheeyaha ah waxa uu kula jogaa waa waqti tirsan Bilo Maalmo Saacado Ama Sanooyin ba kadibna waa kii kaa taga isa goona mar kaas ka sheekaynaaya Ceebahaagi uu kaa arkay in tuu kula joogay balse Shaqsiga Wadanigaa Mar naba kaa tagi maayo mar walbana waa garab ku dhinac taagan oo Runta haday tagto iina kala maar mayn.

Cawaale Jaamac Salaad "Cawaale (Geesi)" Waa wadani reer Puntland ah mushaarka uu qaato Bishii waxaa suura gal ah in Canshuur ay kasoo gasho Puntland, waxaa kaloo lagayabaa in uu ku Caawiyo oo wax ku taro Dad Masaakiin Reer Puntland ah. Sidoo kale Wariye Cawaale oo ka hawlgala warbaahin ka jirta Gobolada Puntland Badanaa Waxa uu Carabkiisa uga shaqeyaa oo uu Dad ka Reer Puntland ugu sheegaa wax yaabo badan oo Hormarkooda ah Ayagana dan u ah Hadaba Waa yaabe intaas ma arki waa yeen Madaxda Reer Puntland ee Amar ka qalafsan uu kasoo Horeeyo.

Maahi Shaqsi Ama Qof niceb Maamulka Sharafta badan ee Somaaliyeed Puntland, Balse waxaan ahay Qof Jecel in Puntland ay hormarto Aana ku faano Hormarkeeda Qalinkayga mar walba waxaan diyaar ula ahay Wixii Awoodayda ah ee aan ku garab is taagi karo in aana kala gaban istaago ee Sida Geesinimada Lahayd ee Caawale oo kale aan ugu adeego.

Ugu dambayntiina Puntland waxaan dhaho garan maayo, Balse Wariye Cawaale Jaamac Salaad ayaan leeyahay Saaxiib Meeshaa ku jirto Allaha kugu Nabad yeelo, Waana ka xunahay Xarigaaga in Xoriyadaadi aad dib uheshaana kuu rajaynayaa Kulana Jeclahay. Xabsi kastoo Madaxda Puntland kugu Ciqaabayaan kuguna Bahdilayaan Alle weyne waxaan ka Baryayaa in uu kugu Badalo Meel Nabad ah oo Naftaadu Jeclaysato Gurigaagi Horena kaaga Fiican Dhanka Nolosha.

FREE WERIYE CAWAALE:::

Qore:

Jamaal Mohamuud Ahmed Shuuriye

Shuurye55@yahoo.com

Shuurye55@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2008

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com