SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xornimadii 1da Luulyo & Xornimo la'aanta maanta taagani ma inoo Xalbaa

Taariikhda soo yaalka ahi ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hordhac u ah 1da Luulyo oo ah maalin aad iyo aad qaali u ah qof waliba oo Soomaali ah oo jecel Shacabkiisa,Diintiisa iyo Dalkiisa maalinta 1da Luulyo ayaa ah maalin lagu tilmaamo maalmaha qaaliga ah ee Waddankeenu uu leeyahay ,hase ahaatee waxaa is wediin mudan Xornimadii iyo qarankii xagee bay aadeen waa kan ay Ciidamo Itoobiyaan ahi ay dhex boodayaan dhammaan Dhulkeenii Hooyo Magaalooyinkii ugu Waaweynaa oo ay Caasimadii ka mid tahay.

Ururkii siyaasiga ahaa ee ay hogaaminayeen 13-kii dhallinyaro ee Soomaaliyeed ayaa horseed u ahaa Xornimadii ay gaadhay Soomaaliya 1dii Luulyo 1960-kii ,hase ahaa waxaa ka dambeeyay dowlado kala duwan oo shacabka ay dooranayeen kuwa militry ahaa oo Dalka xoog ku qabsaday ,waxay taariikhdu soo jiitano ayaa waxaa abuurmay Jabhado ay Hoggaaminayaan Qabqablayaal Dagaal Oogayaal ah oo Shacabkii isugu dhiibay Hub iyo Saanado kuwaa oo Shacabka baday Dagaal Sokeeye ay ka dhex muuqdaan quwado Shisheeye oo dana gaar ah ka lahaa Dalka Soomaaliya oo maanta gacanta ku haya Dalka

Shirar fara badan oo ay wada galeen DFKMG iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta Dalka ayaa waxaa ugu natiijo wanaagsanaa Shirkii Jabuuti kaasoo oo horseedka u ahaa Rugcadaaga Siyaasiga ah ee R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyo Halgeyga Geesiga ah ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed go'aamada ka soo baxay ayaa waxay ahaayeen kuwa uu Shacabku raali ka yahay ,Sababtoo ah marka hore waa in uu Dalka Xoriyadiisii Dib u hantaa Ciidamada Gumisigana ay ka baxaan Dalka kaddibna laga wada hadlaa Mustaqbalka Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed laguna dadaalaa in la badbaadiyo Dadka

Xornimadii 1da Luulyo iyo Xornimo la'aanta maanta taagani Xal inooma ah, sidaa darteed Sheekh Shariif Sheekh Axmed go'aanka uu arrinkani ka qaatay ee Dib u heshiisiintu waa mid Geesinimo wuxuuna badbaadiyey Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee leh Carruur iyo Maati oo Dhibaatooyinka ay iyagu ku dhacayaan maallin walba ,waxgaradka Soomaaliyeed waa inay dhammaystiraan Dib u Heshiisiintani aan weli ka dhicin Dalka Soomaaliya Isbahaysiga ka biyo diidanina waxaannu ka codsanaynaa inay Dib u eegaan Dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed una arxamaan Walaalahooda Dhiban .

Dowladda Federalka ee Soomaaliya waa inay dib u eegtaa cidda u baahan inay is Casisho si loo gaaro maslaxad Caam ah Madaxweynuhu waxaan talo ugu soo jeedinaynaa inuu iska Casilo jagada Madaxweynenimo ee ay Huwiyeen Qabqablayaashii Shirkii Nairobi ku gatay Shacabka Soomaaliyeed ee Xornimadoodii ku Xayuubsaday ee Dalka soo geshay Ciidanmada Maxaysatada ah ee maanta ku amar ku taagleeya Dalka Soomaaliya oo dhan
Xalku wuxuu ku jiraa in la dhiso Dowlad loo dhan yahay oo Kitaabka Alle Dalka ku Xukunta

Dhagarta iyo khiyaamooyinka reer Galbeedka ayaa waxay yihiin kuwa mar walba taagan si looga badbaado waa in Shacabku noqdaa kuwa uusan Khilaaf dhexdooda oollin haddii ay helaan Ilo banaan ama Khilaaf Shacbiga ay isaga soo horjeedaan waxay adeegsanayaan hadba waddada ay uga faa'idaysan karaan ,Soomaaliyeey Midooba oo Cadow baa idin Hareereeyey kuwa inaga inaga mid ahina ay u Sacabatumayaan Midnimadu waa Guul.

Xuskan 48-Guurada ka soo wareegatay maalintii 1-da Luulyo ee Sanadkii 1960-kii oo ay Soomaaliya Xornimo buuxda heshay isla markaana ay ku midoobeen labadii Gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu leeyahay Muhiimad gaar ah sababtoo ah ,go'aankii ay wada gaareen labada dhinac ee DFKMG iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta Dalka oo ahaa Dib u Xoraynta Dalka iyo ka Bixitaanta Ciidamada Itoobiya ee Dalka ku sugan ahmiyadaani ayaa waxay tahay mid abuurtay jawi Siyaasadeed oo ay ka iman karto yididiilo nabadeed oo farxad gelisa Ummadda Soomaaliyeed oo dhan .

Haddaba, gabagabadii iyo qoraalkani waxaa sal u ah ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa waxay noqonaysaa Xornimadii ay Ummadda Soomaaliyeed hanan lahayd mar kale si kaddib markii Ciidamada Cadow ah ee Itoobiya ay Duulaan Qaawani ku qabsadeen Dalka Soomaaliya oo dhan ,iyagoo ku andacoonaya waxaannu caawinaynaa DFKMG ah taasoo ay Baarlamaan ku sheegiina qalanka ku duugeen iyagoo Shacabkoodii dhaafsaday Shilin
tani waxay noqon doontaa mid taariikhi ah sida kuwii Xornimada dhaliyey ee S.Y.L ay taarikhdu u xustay ayaa kuwii Dalka iyo Dadka iyo Diinta u gefay ay mudan doonaan taariikh mugdi ah waa kuwii ka dambeeyey inay Itoobiya Dalkeena Xaaraan ku haysato.


Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS