SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sheekh Shariif ma is-taahilaa Madaxweyne????

Farhan Warsame
Melbourne, AUSTRALIA
bile1971@hotmail.com

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alxamdu Lilaah wassalaatu wasalaamu calaa rasuli-laah (SCW)

Intaa kadib

Waxaa laga yaabaa in dad aan anigu ku jiro markay arkaan su'aasha aan cinwaanka uga dhigay maqaalkeyga ay isla markiiba la soo boodaan Haa! Nacam, Yes! Why not? IWM.

Haddii aad dadkaa sii weydiisid sababta ay sidaa u leeyihiin waxaa laga yaabaa in ay jawaab ku qancisa ku siiyaan. Laakiin aan anigu ugu horeeyo inta aadan asxaabta kale jawaab ka sugin.

Maxaan Sh. Shariif ku taageeray?

Intii Dowlado la soo dhisayay oo maalinba shir lagu qabanayay dalal dibedda ah halkaas oo maamulo lagu soo dhisay arrinteydu waxay ku koobneyd FIIRI OO SUG, WAXA KA SOO BAXA….Ma taageerin shakhsi ka mid ah madaxdii halkaa lagu soo magacaabay, laakiin Sh. Shariif Sh Axmed xafidahulaah, wuu iiga duwanaa kuwaas, ma aheyn sheekhu waqtigaa Madaxweyne ama Hoggaamiye kooxeed ama qabiileed markaan taageeray. Keliya dhaqan-ka wanaagsan ee uu la soo shir tagay iyo weliba badbaadintii caruurta iyo shacabka soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen waxyaabihii ugu horeeyay ee aan ku taagero.

:::Tolow muxuu oronayaa marka la weydiiyo | c/karim

Sh. Shariifoow xaal baan ku siinnay | Farhan

Turaabi iyo Sheekh Shariif, Maxaa isaga dan ah? |Dalmar

cwaxidTuraabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif - C/waaxid

Abuu Mansuur Vs Sheekh Shariif - C/waaxid

Maxaynu Bakhtiga Ugu Afureynaa (Shirka Jibuuti)- C/waaxid

Ka: Sharaf; ku: Sharwadanimo (Labo Shariif iyo Yemen) Akhri - C/waaxid

Laguye Ergadii baa ka Didday Safiirka Itoobiya Maxaa sidii lo’ libaax aragtay “ergada” Soomaalidu uga dideen Akhri.. C/waaxid

Sheekha isku qabiil ma nihin, laakiin waxaa suurto gal ah in aan isku si wax u aragno. waxaa ka loo suurto gal ah in aan isku magaalo wax kusoo barannay. wuxuu bilo gudihii ku noqday shakhsiga ugu caansan waddanka soomaaliya, waxaa indhaha caalamka soo jiitay sida maamukiisu ugu baahay magaalada Muqdisho oo ay markaa kooxo qabqablayaal dagaal ay kala xirxirteen.

Maalintii iigu horeysay ee aan sheekha arko waxaan ka daawaday telefishinka Al-jazeera qeybta carabiga waxaan aad uga yaabay habka uu ugu jawaabayay wariyihii wareysanayay isago weliba afka carabiga markaa ku hadlayay.

Waa nin dhalinyaro ah maskax nadiif ahna wata, Caalamkuna maanta waxay door bidayaan madax dhalinyaro ah, Tusaale haddaan u soo qaadano Barack Obamaha Mareykan-ka ama Kevin Rud-ka Australia, IWM.labadoodaba nimankii ka horeeyay da'dooda qiyaas farqiga u dhaxeeya.

Xagga tacliinta sheekhu wuxuu heystaa shahaado jaamacadeed wuxuu doono ha ku takhasusee, waxaana taa u sii welisa aqoonta wanaagsan ee uu diinta u leeyahay isagoo sida aad magaciisa ka dhadhansan kartaan aabihii xitaa uu ahaa nin culumo ah diintana ku barbaaray.

Soomaalida ayaa ku maahmaahda oodo dhacameed siday u kala sareyso ayaa loo kala qaadaa, wuxuu noqoday qofkii ugu horeeyay ee aan afkiisa ka maqlo kelmadda ah " Qof walba hantidiisii ma guuraanka ah sida Guryaha iyo Beeraha waa in loo celiyo" waxaa ku xigay ABU QUTEYBA allaha u naxariistee haddaanan khaldaneyn oo la dilay dilkiisana fari ku godan tahay, Maxuu ku dhintay Sh. Boqolsoon markii Magaalada Muqdisho makarafoon inta la dul istaagay ku qeylinay:"Ilaahay ka baqa dadka islaamka ahna yaan la dilin"

Wuxuu Sh. Shariif afkiisa ka ilaashay kelmadda ah reer hebel, ama anoo reer hebel ah, ama reer hebel waa khaldan yihiin IWM. Beenloow nin dheer iyo nin dhintay ayuu markhaati u qabsadaaye bal dhageyso wareysigii BBC-da ugu dambeeyay ee uu lahaa "haddii ciidamada Ethoipian-ka ay baxaan ciddii cid kale ku duuleysa iyaday u taal". Waxaad halkaa ka dhadhan-san kartaa in sheekhu ogyahay dad ku dagaalamaya magac qabiil ee aan wax diin ah shaqo ku laheyn oo ujeedadoodu tahay haddii ciidamada ethiopianku baxaan tuulo hebel ama magaalo hebel aan weerarno.

Weli afkiisa lagama hayo kursi ayaan rabaa ama doorashada waan ka qeyb galayaa IWM ah. Wuxuuse ku celceshay Soomaali ciddii ay rabto hadoorato, markii waddanku nabad noqdo. Laakiin waxaa hubaal ah in Soomaali ay doonayso qof isaga oo kale ah oo sida lagu arkaa ay adagtahay waqtiga xaadirka ah. Markaa xaalku sow ma aha sheekhoow Soomaali adigay ku sugi.

Weli ma noqon qabqable dagaal magaalo kalena kuma duulin taa marka aan leeyahay waxaan ka wadaa oo aan rabaa in aan iftiimiyo haddiiba ay kacdoonkii shacbigu qaar ama kooxo ka mid ah ay meelo ku duuleen isagu mala qabay arrinkaa?? Waa su'aal muhiim ah oo u baahan in la isweydiiyo laakiin anigu waxaan qabaa MAYA.

Marka uu siyaasadda dowladda FKMG ah wax ka sheegayo wuu isku qabtaa dhammantood oo shakhsi shakhsi uma weeraro, waana waxa qof-ka siyaasiga ah lagu garto,taana waxay ku tuseysaa in maamulka C/laahi Yuusuf inta ku jirta ay isku aragti ama hadaf yihiin, cid walbana ay ku jirto haddii aad shakhsi shaksi u weerartana macnahaagu waa reer hebel baan la dagaalsanahay ee ma aha qaadiyad ayaan wataa.

Muxuu sheikh shariif ku qoonsaday eriteria?

Eriteria oo aan garaneyno inta ay jirtay waxyaabihii ay qabatay & weeraradii ay ku qaaday dowladaha dariska ah. Ka kaalay Ethiopia, waxay weerartay YEMEN, SUUDAAN & JABUUTI oo kulligood dowlado Islaam ah ma kula tahay in ay adiga kujeceshahay? Taas Macquul ma aha! sheekhu hadafka Essias Afawarke ayuu darsay waxaan u soo baxday waxa keliya ee uu u taageereyo in ay tahay isagoo raba in uu Ethiopia kula dagaalamo Soomaaliya gudaheeda maadaama uusan isagu ka dagaalami karina, ay arrintu tahay cadawgaaga cadawgiis waa saaxiibkaa ee Soomaalida adeegso iyo isagoon rabin in wax wada hadal ah ama nabad ah Soomaaliya laga hirgeliyo. Hadde qof aan soomaali NABAD la rabin aniguna ma rabo ayuu sheekhu taagan yahay laakiin shacabka Eriteria wuu amaanay.

Haddaba maxaa dhacay markii ciidamadii maxaakiimta Muqdisho laga qabsaday. Meeshii ugu horeysay ee la weeraro waxay noqotay hoygii Sh. Shariif…. Bililiqo xooggan ayaa loo geystay guriga sh shariif, Waqtigaa UN-ka isma aysan arkin wax saxiix ahna ma sameyn, cidna lama shirin, maxaa gurigiisa loo gurtay maalin kadib markii uu baxay haddii markii hore sacabka loo tumayay? Yaase weeraray gurigiisa? Jawaabta meel dheer haka raadin waxaa jiray dad badan oo sheekha la socday laakiin aan ku hadaf aheyn oo markii horeba ku taageerayay waa reer hebel ama annagoo reer hebel ah aan ku dan gaarno. kuwaas weeye kuwa gurigiisa u daba maray.

Kadib maxaa dhacay Alle waa caadil sheekha waxaa laga samata bixiyay gantaaladii mareykanka ee wadaadada lagu bartilmaameedsanayay. Maxay mareykanku sh. Shariif u kaxeysteen? Ma jaceyl ay sheekha u qabaan baa? MAYA! Waxay ka yaabeen wuxuu noqday sheekhu qofkii ugu horeeyay oo soomaali ah oo taageero soomaaliyeed oo buuxda hela, waxay kaloo u arkeen in uu yahay nin aan dooneyn in uu dad dilo weliba dadkiisa soomaaliyeed iyo in uu doonayay in uu soomaaliya dhibta ka saaro, waa haddii lala garto. Qofka noocaa ah Mareykan ma ka hor imaan karaa? muwaadinimada u dhiman-se maxay tahay? Ogow sh. Shariif weligii Mareykan lama shirin, kahor markii uu isu dhiibay Dowladda KENYA.

Haddaba maxaa looga hor yimid waqtigan???

Dadkii siyaabaha kala duwan ula socday sheekha daaqadda ayay ka baxeen sababta oo ah, waxa uu sheekhu rabo iyo waxa ay iyagu rabaan waa kala labo. Kuwaasi waxay bilaabeen in ay dacaayad ku furaan sheekha iyagoo adeegsanaya idaacado waaweyn oo daku aad udhageystaan, oo ay BBC-du ka mid tahay. Qaar baa heerka ay naceybka shakhsiyadeed meesha uu ka gaaray darteed xitaa u quuri waayay laqabka sheikh ee uu wato iyagoo ku koobay Sharif Sh. Axmed, laakiin su'aashu waxay tahay haddiiba ay isaga u diideen sheekhnimada maxay aabihiina uga xayuubin waayeen? Waa wax lagu qoslo.

Heshiiska jabuuti miyaa meesha sartu ka qurunsan tahay?

Waxaan filayaa in arrintu jabuuti ka weyn tahay waxaana kuu caddeynaya wareysigii ugu dambeeyay ee sheekhu bixiyo wuxuu ku yiri "Annaga waxaan dooneynaa in Ethiopia ay baxdo taana Un-ta ayaa ballan qaaday, haddii ay bixi waayaan qoryihiina waad heysataan" haddaba taa maxaa ku jaban? Maa la sugo waa wax maalmo ku siman? Dadka qaar waxay ku taageereen sheekha in dantooda ku fushadaan. Haddaba sheikh shariif ma yahay nin lagu dan gaari karo? Musuuse intaa wax u baranayay haddiiba mid jaahil ah uu dantiisa ku fushan karo? Waa wax aan macquul aheyn.

Muxuu uga hor yimid max'ed Dheere markii uu ahaa madaxa maxkamaddii Jowhar haddiiba wax lagu shuban karo qabiil-na lagu xodxodan karo? Tan kale markii hore ma waxaad sheekha u dooratay in ra'yigaaga oo kaliya meel mariyo? Oo tan caamka ah uu ka tago. Ka waran haddii la taliyaashiisa ay maamulka ku wada jiraan ay sidaa kula taliyeen! Oo ah in uu NABADDA raadsho. Ma caqli baa in wax walba aan ka hor nimaanno xitaa NABAD?.

Haddaba ma is tiri Akhriste waxaa la joogaa waqtigii aan hurdada ka kici laheyn, oo caqliga fiyoobi shaqeyn lahaa. Anigoo ogsoon in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ee wax garadka ah ay taageersan yihiin Sh. Shariif Sh. Axmed haddana ujeedadeydu waa in aan wax fahamsiiyo kuwa caadifadda qabiil madaxa ka gashay oo ku fakaraya keliya halkaa reerkeyga dani ma ugu jirtaa isagoo aan oran halkaa soomaali dan ma ugu jirtaa?

Sow lama gaarin waqtigii aan dooran laheyn Sh.Shariif Sh. Axmed ilaah haka raali noqdee in uu hoggaamiye ka noqdo Soomaaliya oo dhan. Taageer akhriste qofka dantu ugu jirto shacabka oo aad adigu ka mid tahay xitaa haddaad joogto waddan NABAD ah, kana fogoow qabyaaladda iyo waxa soomaali kala geeyay….

Waxaan ilaah ka baryeynaa in uu towfiiqda na waafajiyo, xumaantna noogu badalo samaan, soomaaliya mar qura nabadi shanteeda dhinac ka unkato. AAMIIN.

Wa billaahi Towfiiq.

Farhan Warsame

Melbourne, AUSTRALIA

Bile1971@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS