Mar-marsiimadii Al-Shabaab waa ay Dhamaatay, Itoobiyaankuna waa ay tegayaan
(Faallo)
Marka dib loo eego sida ay wax uga dhacayeen Soomaaliya iyo heerka ay taagneyd
colaada jirta waxay aheyd arrin aan la filan karin in la gaaro heshiis deg-deg
ah oo soo celin kara rajadii dhimatay ee aheyd in Soomaaliya mar kale ay dib ugu
soo laabato nabaddii iyo kala dambeyntii.
Ma aheyn dhaqan siyaasadeed oo Soomaaliya lagu yaqiinay in dowlad iyo mucaarad
hubeysan o la diriraya ay heshiis isla gaari karaan, waxaana muuqatay in biseyl
siyaasadeed iyo daacadnimo ay kusoo korortay madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan
Raysal Wasaare Nuur Cade oo tan iyo markii uu qabtay xilka xafiiska uuna ka
quusan inuu is-faham nabadeed la gaari karo mucaaradka hubeysan ee degenaanshaha
u diiday dowladiisa taagta daran, isagoo haddii nabad lagu helayo ay xitaa ka
gaartay heer uu mucaaradka u yabooho kursigiisa, balse arrintaasi ma aaney
shaqeyseen haddii aanu hogaamiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta iyo saaxiibadiisa
howsha la wada aaney la imaanin tanaasulka taariikhda galay ee aan abid laga
maqlin jabhadaha hubeysan ee Soomaaliya soo maray, taasoo ka dhigan in Shiikh
Shariif waqtigii ku haboonaa uu albaabka u garaacay dhanka nabadda, isagoo
ogolaaday inuu soo gaabiyo dagaal uu habeenkii uu ka carayay caasimadda Muqdisho
inuu socon doono labaatan sanno, tan iyo inta uu ka guuleysanayo Itoobiyaanka
dalka qabsaday.
Shaki kuma jiro in Shiikh Shariif iyo xubnaha uu hogaanka u yahay ay qiimeeyeen
in maxsuulka ama natiijada dagaal ay sii wadaan uu yahay mid dhibaatadda jirta
kusii laba jibaaraya dadka Soomaaliyeed, adiguba isweydii haddii sanadkii hore
oo keliya ay dagaaladii dhacay ay galaafteen nolosha dad lagu qiyaasay lix illaa
toddaba kun, inta dhiman karta sanadkan oo haatan kala bar maraya, hantida ku
baabi laheyd iyo barakacayaasha cusub ee ku biiri lahaa kuwii hore ee gaajada
iyo hoy la’aantu heysato ee tiradooda lagu sheego iney halka milyan kor usii
dhaafayaan.
Haddii uu Shiikh Shariif qaatay go’aanka uu dhinac ugu turayay dadka dushooda
lagu dagaalamayo, dhinaca kalena uu ku guuleystay inuu si nabdoon ku xaqiijiyo
hadafkii ay u dirirayeen oo ahaa in Itoobiyaanku ay ka baxaan Soomaaliya, weliba
waqti xadidan oo leh marqaatiyaal caalami ah, maxay tahay ayaa leys weydiin
karaa ujeedada iyo hadafka dahsoon ee ay leeyihiin qolooyinka doortay in aaney
xabaddu istaagin ee weliba dadka dhexdooda hoobiyaha ka tuuraya?
Haddii labada cusbitaal ee ugu waa weyn Muqdisho illaa bishii May ee sanadkan la
dhigay illaa kun iyo shan boqol oo dhaawac ah, sida ay Qaramadda Midoobay ku
cadeysay warbixinteedii ugu dambeysay, hadii sicir bararka jira uu marayo
meeshii ugu sareysay oo ganacsatadii ay nabadgelyo la’aan dalka uga carareen,
hadii beerihii la falan kari waayay nabadgelyo xumo awgeed, haddii ay dooman
sida boqolaal tahriibayaal Soomaali ah oo ka cararay dhibaatada ka jirta
Soomaaliya ay meydkooda ay dul sabeynayaan xeebaha Yemen iyo tan u dhaxeysa
Libiya iyo Talyaanga oo misana ay kumanaan kale ku xeran yihiin xabsiyada dalal
badan oo Afrika ku yaala, maxay tahay cudur-daarka ay dadka u hayaan kooxda
Al-Shabab oo ay ku leeyihiin waan sii wadeynaa dagaalka, haddii aaney dantooda
ka gelin ma dan Soomaaliyeed ayaa ku jirta iney diidaan rajada mar kale usoo
bidhaameysa dadka Soomaaliyeed?
Hadda mar-marsiimadii waa ay soo dhamaatay, Itoobiyaankuna wuu baxayaa boqol
maalmood kadib, caalamkuna wuxuu cod dheer ku taageeray heshiiskii lagu gaaray
Jabuuti, marka ma waxaynu ayidnaa fursadan mar kale albaabka usoo garaacday
Soomaalida, mise Al-Shabaab ayaan ka sugnaa mar-marsiimo kale oo ay daaalka
kusii baneystaan oo aah ka aheyn midda ay hadda sheegayaan oo ah iney dagaalka
sii wadayaan, isla markaana ay caalamka tusinayaan in aaney jirin cid xabadda
joojin karta, koley kama sugeyno iney soo bandhigaan ujeedooyinkooda dahsoon
Waxaa Qoray; Ciise Axmed
Issa_barde@hotmail.com