SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Waala Doogiyee, yaan la Dacaroon 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib  dhammaan akhristayaasha sharafta iyo maamuuskaba iska lahow iga gudooma salaanta Islaamka ( A.C.W.W). 

Kadib markii ay daba dheeraatay dhibaatooyinka ka aloosan dalkeena, oo maalin walba akhbaarta ka imanaysaa ay noqotay mid aan u wanaagsan qul;uubta dadka, ayaa waxaa soo badatay dadka ka niyad jabay dalkooda, oo qaarkoodba ay gaarsiisan yihiin heer ay yiraahdaan magaceyga ayaan badalayaa, si aan la ii garan inaan Soomaali ahay. Waxaad arkeysaa kuwo oranaya waligay kuma noqonayo Soomaaliya, sidoo kale kuwo ka dhaadhiciya caruurtooda inay yihiin British Muslim, uuna halkan yahay dalkoodii. Waxaa kaloo jira kuwa mar walba ku dooda ama aaminsan inaanay Soomaalidu wax wanaag ahba ayan laheyn.  

Waxaad arkeysaa dad had iyo jeer tirsanaya dhibaatooyinka ay geystaan Shaqsiyaadka damiirka xun, oo ku oranay fiiri waa Soomaaliyee.  Qof baa wuxuu arkayaa qof wax dhacaya, ama been ku qaraabanaya, ama dad lugoonaya, waxey ku oranayaan la yaab malaha waa Soomaali. Waxa isweydiin leh kuwa had iyo jeer wanaaga sameynayaa iyagu miyaanay Soomaali aheyn. Maxaa ku tusa kaliya kuwa xun, oo maad aragto kuwa wanaaga u ehelka ah. 

Waxaa  muhiim ah in qofka Soomaaliga ah ogaado, in adduunka oo dhan lasoo wada maray dhibaatooyinka, oo weliba qaarkood ay aad iyo aad nooga darnaayeen, haddana ka gudbay oo runtii isugu yimid. Ogow dhibtu annaga kaliya nalama ayan dhalan oo maalin uun ayaa laga bixi doonaa. Runtii Soomaaliya oo idil marka la isku daro inta dhibaatada ka waddaa waa nisbo aad iyo aad u yar, oo waqtigooda ayaa dhiman inta la fahmi doono. Ogow waxa baddan inta wanaagsan, laakiin waxey la’ yihiin fursaddii ay isku arki lahaayeen. Waxaan aaminsanahay maalin uun inay waddanka u hari doonaan inta wanaagsan, ee yaan la quusan. 

Wallaalka iyo walaashaa Muslimadda ahey ogow in laga wanaagsan yahay in uu quusto qofka muslinka ah. Allaah talada saaro oo dhibta ku samar. Isku day inaad dhankaaga wax ka hagaajiso, oo aad dhankaaga dadka xun u caqli celiso, oo aad saxdo. Haddii qof walbaa uu dhibaatasda ku fiirsado waddanka, yaa laga doonayaa inuu wax saxo. Waxaan xasuustaa : - { waa aan arday ka aheyn waddanka India, ayaa waxaa aad noogu badnaa, in ardeygii waxbarashada dhameystaba uu Qaxootinimo u soo aadayey ama Kanada ama Yurub. Sidoo kale dad iyaguna dhoofitaan u soo maray India ayaa halkaa ka bixi jiray. Ardayad Nigeria u dhalatay ayaa aad ula yaabatay, ardeydii soomaaliyeed ee la rabay inay dalkooda ku noqdaan, oo gebi ahaan u sii safraya waddamo kale., kolkaa waa sanadihii 88 – 89ki, intay nala yaabtay ayeey na weydiisay war yaad waddankiin ku haleynaysaan inay saxan haddii, kii wax bartaba uu Qaxootinimo sii aadayo }. Arintaas illaa iyo haddeer markaan soo xasuusto waa weli mid taagan 

Ogow had iyo jeer waa sunanka rabbaaniyanka, in wax walboo xun ay wanaag ka danbeeyaan, Abaar waxa ka danbeysa Barwaaqo, jiro waxa ka danbeysa caafimaad, faqri waxa ka danbeeya hodantinimo. Ogow maalin uun ayeey iska tagi doonaan inta waddankeena lugeynaysa, oo waxa waddanka u hari doona inta Allaah ka baqeysa, oo xalaal quudatada ah. Wey iska tegi doonaan dhammaan Jirri, Mooryaan, Dayday, Qabqable dagaal, Mujrim, Gacan ku dhiigle, Daneyste, Qabyaaladiiste. 

Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa war yaan la quusan, oo guusha Allaah wey dhowdahayee. Haddii la nool yahay waan arki doonaa Soomaaliya oo uu u kaco Hogaamiye  isku darsaday Alle ka cabsi, waddanimo, diyaarna u ah inuu waddanka kasaaro heerka fakhriga iyo dhibaatada, gaarsiiyana horumar la taaban karo. Soomaaliya inshaa’allaah wuu soo mari doonaa sida hogaamiyihii Maleysiya ( Mahatir Maxamed ) oo 1980ki Maleysiya u jeexay dhabbihii horumarka ee “Maleysia in 20 years”, kaasoo maleysia kasoo qaaday heerkii la ogaa maantana gaarsiiyay heer ay adduunka horumaray la tartanto. 

Soomaaliyeey waa la doogiyee yaan la dacaroon. 

Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  July 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS