SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ku: Shacabka Reer Gaalkanyood
Ka: Cabda Abdullahi

Ujeedo: Walaalaha Reer Gaalkacyoodow Yay Idinku Dhicin (Ma Wixii Rag Igu Kuunyay baa Igu karaamoomay)

Assalaamu calaykum wa Raxmatullaahi Wa barakaatuhu

Waxaan ku bilaabayaa magacaAllaah

Haddii qof aad si mayn u jeceshahay oo la maliilay xanuun xoog badan oo madaxa ka haya, xanuunkiinna ku fiday xubno kale oo jirkiisa ka mid ah, adigoo la daalaa dhacyaynaya dabiibidiisa aad maqashid xanuunkii wadnihiina waa gaaray naxdintii ku qaban lahayd oo kale baa ka haysa arrinta Gaalkacyood qof kasta oo damiirrSoomaalinimo iyo iimaan muslimnimo qalbigiisa ku jiraan, madaxii dalku waa Xamar oo aan la socono waxa ka dhacaya 18 sanno, Gaalkacyana waa wadnihii Soomaaliya, waa meesha Soomaalidu isaga gooshto, waa meel ay u cararaan shacabka dhibaataysani oo lagu soo dhaweeyo.

Walaalayaal shacabka Gaalkacyoodow waxaa idin soo gaaray xanuunkii madaxa hayay, sida cad waxaa dalkeenna ka dilaacay dad dareenka ka jiran, dadkaasi qabiil iyo qaraabo midna ma leh, waa dad jiran oo bulshadu u aragto inay caafimaad qabaan. Waa cudur ka jira dalalka gaaladu ku badantahay, innaguse aynaan horay u aqoon, sidaas daraadeed bulshadeenna waa ku adagtahay inay garwaaqsato cudurkaas. Waa meeshuu ka laha nin xikmad badan oo Soomaaliyeed "garanwaa dhul laga sheegi jiray bayna soo galaye" ummadaha galbeedku waxay bulshooyinkooda uga digaan dadka noocaas ah, iyagoo u soo gudbinaya wacyi galin la xiriirta siday isaga ilaalin lahaayeen dadkaas. Dadkaas dareenka ka jirani waxay ku kacaan falal aan caadi ahayn, ayna adagtahay si looga hor tago, waxay cadaw u noqdaan wanaagga iyo nolosha, waxay ku kacaan waxyaabo caqli kasta oo caafimaad qabaa ka argagaxo. Kuwa dalkeenna ka dilaacay waxay laynayaan cid kasta oo wanaag ka talisa, sida samafalayaasha, cuqaasha, dadka cibaadaysanaya iwm.

Haddaba walaalaha Gaalkacyo wada dagow waxaad ku caana maasheen heshiiskii ay wada saxiixeen Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Maxammed Faarax Caydiid, Allaha u naxariistee inta dhimatay iyo inta noolba. Heshiiska waxay ku saxiixeen magaciinna iyo raalinimadiina, waxaadna ku ammaanantihiin sidaaad uga mira dhaliseen heshiiskaas oo ugu liibaanteen. Waxaa ceeb iyo cayr idinku noqonaya hadday maanta idinka daadshaan nicmadaas dadka jiran oo aan kor ku tilmaamay, ha hilmaamina waxaad ku sugnaydeen heshiiskaas ka hor, hana noqonina eedaadka soo maray umulbaa ilowda. Dariskaagaa dantaadu toos ugu xirantahay, diinteennuna aad bay uga hadashay xaqqa dariska, Soomaaliduna waxay tiraahdaa oodi ab ka dhaw, waa xaqqiqa aan labo isku diidi karin, tusaale anigu markaan warqaddaan qorayo waxaan jooga dal aanan u dhalan ha yeeshee iyagaan ku dan ahay oo khayr iyo shar wixii iyaga taabtaa anigana i taabanaya.

Meel uga soo wada jeesta mujrimiinta raba inay dab ka shidaan guryihiinna, oo cadawga ku ah nabadda ka jirta magaaladiinna, iska kaashada dhibaatada, iskuna kaashada wanaagga, iska ilaaliya inaad war baahinta isu marisaan arrimaha dhexdiinna ah, kuna dadaala inaad u dhammaysataan si xigmad, dagaanaansho, naf xakamayn iyo walaalnimo ku dheehantahay. Waxay doonayaan kuwa dadka laynaya iyo kuwa soo adeejinayaaba inaad isku dhacdaan, halkaasna halaag ka bilowdo, waa meesha laga yiraahdo dabka munaafaq shido mu'min baa ku gubta. Dabkii waa shideen hadal kasta oo dalab leh oo aad war baahinta isu marisaanna wuxuu noqonayaa badrool aad ku shubteen dabkii, waana waxa ay doonayaan shar wadayaashu guul bayna u arkaan, idinkana waxay idiin tahay guul daro, waxaan soo xusuustay tixda aan cinwaanka uga dhigay fartiintan gaaban oo ka mid ah gabay uu tiriyay abwaan Soomaaliyeed isagoo ka cattaabayay necmo uu haystay oo laga kala tuuray wuxuuna yiri "ma wixii rag igu kuunyay baa igu karaamoomay, kumbiskii miyaa layga qubay kolaygii ii buuxay...".

Waxaan leeyahay walaalahay haweenka Soomaaliyeed meelay joogaanba nabadda ka shaqeeya, iska ilaaliya inaad isku guubaabisaan raggeenna horay shaydaanku isugu gubay. Boggaad ka gasheen 18-ka sanno oo dalkeenna dhibaatadu harasay taariikhdaa laga akhrisandoona mustaqbilka in shaa Allaah. Dadku waxay kala baxaan wakhtiga dhibaatada oo la kala gartaa macdantooda, Allaah tala saarta oo samra, diinteennu waxay in baraysa in marka dhibtu ugu badantahay guushu ugu dhowdahay.

Allaah SWT waxaan ka baryaynaa inuu inaka daaweeyo cudurka dadkeenna ku dhacay inuu Allaah toobadda ina waafajiyo, inakana damiyo dabka shaydaanku shiday.

Waa walaashiin Cabda Cabdullaahi oo idin leh guulaysta adduun iyo aakhiraba shacabka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba..

Cabda12@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 13, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS