SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Faallo ku sabsan Xaalak magaalada Laasqoray...

Faallo:- Faalladan waxaan maanta ku yara eegaynaan xaalka ay haatan marayso xiisada Xasaradeed ee ka taagan Degmada Laasqoray ee ah xudunta Gobolka Sanaag, ma jecli inaan aan cid si cad farta ugu fiiqo ma doonayo inaan dad si gaar ah farta ugu mudo e, waxa ujeedkaygu yahay inaan sheego waxaan ogahay iyo xaalku meesha uu marayo.

Waxaan dhamaanteen wada ogsoonahay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay soo galeen laba Isbuuc ka hor gudaha Laasqoray iyaga oo ay hor boodayaan kuwa u dhashay Gobolka, arinkaasi markuu dhacay ayaa Puntland waxa sheegtay dhankeeda inay ciidamo xoogle u soo dirayso Gudaha Laasqoray si looga difaaco Somaliland.

Maxaa wakhtigan kalifay Puntland


Maamulka Puntland oo inta badan sheega inuu Gobolka Sanaag hoos yimaado ayaa marka ay maqalaan dhaq dhaqaaq ciidan waxay ciidamo iyana soo dhoobaan jiidaha hore ee Sanaag........ waxaynu wada ogsoonahay in gacnta Puntland ay ka baxday magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool taasi oo ay 10-Oct-2007- la wareegeen ciidamada Somaliland.

Akhristaw maxay tahay muhiimada Puntland ay sida aadka ugu tafa xaydanayso difaaca Laasqoray oo ah Degmo iyaga oo meel mar hore iska dhigay soo celinta Laas-caanood oo ah xarunta Gobol.
Somalida ayaa ku maah maahda [Meel aan rabay Roob maygu Iryay] Puntland ayaa walba doonaysay inay wax yar uun oo fursad ah ku helaan sidii ay qoobka u galin lahaayeen Gudaha Sanaag, Maxaa keenay in wakhtigan ciidamadii Puntland ee joogay jiidaha Laas-caanood loo soo raro Laasqora?????.

Maxaa la Gudboon dadka Reer Sanaag.


Dadka reer Sanaag oo lagu yaqaan inay ka shaqeeyaan Nabad iyo wada noolaanshaha ayaa waxa looga fadhiyaa inay iska difaacaan wax kasta oo u keeni karaya dhibaato inay ka shaqeeyaan xasiloonida inay gacanta ku dhigaan kuwa doonaya inay maja xaabiyaan Hanaanka Nabadeed ee Sanaag ku caan baxaday.

Muxuu Salka ku hayaa Loolanka Puntland iyo Sl ee Sanaag


Waxaynu wada ogsoonahay in dhawaanahanba Gobolka Sanaag laga waday xusul duub loogu jiray in Gobolka lagu soo kordhiyo mashaariic hormar ah oo ay ugu wayn tahay dhisida Dekeda Laasqoray,Maamulada hareeraha ka xiga Gobolka Sanaag ayaan inaba raali ka ahayn in la hir galiyo hanaanka lagu doonayo in Boodhka dib looga jafo Dekeda Laasqoray kuwaasi oo doonaya inay qas iyo fooda ka Abuuraan Sanaag si ay u wiiqaan dadaalka ay wadaan Hay'addaha Deeqaha bixiya iyo dadka Deegaanka qaarkood.

Door Intii leg bay Isimada Sanaag ka qaadan karaan Hormarka Gobolka


Duqayda Gobolka Sanaag ayaa inta baadan waxay xusul duub ugu jireen sidii loo hormarin lahaa Gobolka Sanaag iyaga oo kulamo goono gooni ah ku yeeshay Magaalada Badhan, waxa wafti ay isla garteen u direen Goobta Afduubku ka dhacay kuwaasi oo la faray inay la xaajoodaan Afduubayaashaasi oo ay ka dhaadhicyaan in si nabad ah ay ku sii dayaan dadkaasi Afduubka ay u haystaan.

Maxaa la Gudboon Qurba Joogta Gobolka Sanaag

Somalida ayaa horay ugu maah maahday [ Dhiciska inta birta loo soo siduu dhintaa] qurba joogta waxa looga fadhiyaa wax qabad muuqa oo ay ku soo kordhiyaan Gobolka inay sameeyaan wada tashoyo dheeraad ah oo ay ka taliyaan Ayaaha danbe ee Gobolkooda, inaga oo wada ogsoon in Gobolka Sanaga uu maanta u baahan yahay wax qabad buuxa in lagu soo kordhiyo adeegyada Caafimaadka iyo waxbarshada oo ah Udub dhexaadka nolosha.


Waxaan Idiin Rajaynaynaa Guul iyo Barwaaqo

Noo dir Email Wixii Talo ah
Feyte37@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 14, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS