SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Horta Somalia saaxiib maleedahay Q4aad.

Markii ciidamadii iyo khubaradii soofiyeetka laga eryay Somalia dawladii soofiyeetku waxay qaadatay talaabo ay kaga jawaabayso goaankaaas kudhawaad 15000 ee ciidamadii iyo khubaradii waxaa loo wareejiyay Ethiopia  waxaana ay ku dhaaratay in Somalia ka aarsandoonto.

itoobiya oo fursad taariikhi ah heshay waxay isku diyaarisay sidii ay milatariga Somalia looga saari lahaa dhulka Somali galbeed oo markaas ay dhamaantiis gacanta kuhayeen marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Harar

sidaas daraadeed dhamaan bahdii huwanta warso waxay isku diyaariyeen sidii ay Somalia ugu qaadi lahaayeen dagaal saf balaaran ah.

Dadka somalidu marka waxay kudoodaan inay yihiin dad carab ah taasoo ay sabab u tahay dhaqanka iyo diinta kadhexeeya carabta iyo Somalia maxamed siyaad barre oo Somalia kudaray jaamacada carabta markii ay Ruush kalatageen cidda kaliya oo taageero uu karabay waxay ahayd carabta oo markii horeba ballan qaad sameeyay Yurub iyo Mareykan ayaga sicad bayba mar hore udiideen inay Somalia taageeraan  waliba mareykanka gudiga arimaha yahuuda ee mareykanka ayaa dawlada mareykanka usheegay in Somalia uusan hub kana iibin Karin siina Karin maxaa yeelay  xiriir fog ayaa kadhexeeya itoobiya iyo yahuuda itoobiyana waxaa kunoolaa yahuud aad ufarabadan.

Huwantii warso waxay itoobiya ufidiyeen taageero balaaran oo milatari oo isugu jirta cirka badda iyo dhulka  wadanka Cuba wuxuu ugu deeqay 15000 oo askari  Ruushku intaas in kabadan jarmalkii bari asaguna taageero ayuu bixiyay yamentii koofureed 1750 askari liibya ayaduna ciidamo ayay ku deeqday dhamaan ciidamadaas iyo kuwii itoobiyaanka ee dagaalka loo diyaariyay waxaa taliye loo dhigay taliye ku-xigeenkii ciidamada lugta ee Ruushka Gneral Petrov  kuxigeenkiisana waxaa laga dhigay ninkii taliyaha u ahaa Ciidamadii Ruushka ee Somalia joogay oo asagu sirta ciidanka Somalia dhan yaqaanay waa General Barisov.

01/03/1978kii  ayuu mengistu wuxuu yiri Ethiopia hada ayay bilowday dagaalkii ay dhulkeeda kaga sifeyn lahayd Somalia  dagaalkuna hada kadib gudaha Somalia ayuu kasocondoonaa,

intaas kadib ciidamadii huwantu dagaalk cir iyo dhul ah ayay kusoo qaadeen Somalia min nageyle  ilaa derirdawe waxayna maalmo gudohood gacanta kudhigeen dhamaan dhulkii Somali galbeed ee markii hore laga xoreeyay  waliba mengistu markuu arkay sida soomaalidii loo jabiyay ayuu damcay inuu Somalia oo dhan  qabsato si aan mar dambe loo arag Somali duullaan kusoo ah Ethiopia.

laakiin boqorkii Iiraan Mohamed Raza bahlawi ayaa u sheegay huwantii in hadii ay kagudbaan xuduuda la aqoonsanyahay ay Iiraan dagaalka gali doonto Somalia u hiillin doonto.

Dhinaca kale taageeradii carab laga sugayay waaxay noqotay in ay kasoo barbar dagaalamaan xabashidii sida aan kor kusoo sheegnay  mucamar al qadaafi hogaamiyaha libya waxay ciidamadiisu kadaalamaayeen barbarka xabashida, yeman sidoo kale masar iyo sacuudiga ayaga waan soo sheegnay in hadafkoodu ahaa in laisku diro Somalia & Ruushka  ciraaq ayaa timir keentay Somalia kor iyo hoos hiil iyo hoo kale carab waa laga gablamay,

markii Somalia burburku kudhacay dadkii soomaaliyeed meesha ay xiriir iyo iskaashi karaadiyaan waxay noqotay Ethiopia iyo kuwa meelaha lataagtaagay dalalka walaaleheen ah ee carbeed, waayaabe goormaa Ethiopia noqotay meel laga raadiyo maslaxad somaliyed aaway walaaltinimada carbeed sootan sacuudiga dadkii somaliyed ee islaanimada miciinbiday  soo tarxiilaya soo kuwaan maahaa sacuudiga hooyooyin soomaaliyeed oo qaxooti ah xabsiyadooda kudhex umulayaan.

kornayl qadaafi waligiis Somalia hub ayuu kusoo daldalayay si somaalidu isugu dhameeyaan tii uugu dambeysay xiligii maxaakimta,

maxaakimta hub ayuu siiyay Cabdullahi yusufna wuu siiyay waa wax Somali oo dhan ay ogtahay ma ahan anigu mid aan been abuurayo, dhalinyaradii soomaaliyeed oo dalkiisa aaday xabsiyada ayuu kabuuxshay ayagoo waliba qaar lafara xumeeyay  bilo kahor waataan idaacadaha kadhagaysanaynay wiilal lafaraxumeeyay iyo gabdho intii fool kuqabatay xabsi dhexdiis misana markay ilmihii dhaleen xabsiga dib loogu celiyay ayagoo aan maalin joogin ma waxaas baa islaanimo iyo bini aaadanimo ah. Marka waxaad arkaysaa dad soomaaliyeed oo kudoodaya carabtu waa walaaleheen waxaan way diinayaa aaway walaaltinimadu waa kuwaas dadkeenni saas u ciqaabayee midda kale ninka soomaaliga ah oo manta carab wax kasugaya carabi waxa ay kuu qabanayso adigoo ay kuuyaqaanaan adoon madow  oo waliba ayaga tuugsada waxay kuu qabanayaan  maa falastiin uqabtaan oo u hiilliyaan.

Marka anigu waxaan leeyahay dambi kaweyn oo uu siyaad barre soomaali kagalay majirin daritaankii jaamacada carabta waxaan hubaa in dad badan oo maqaalkaan akhirindoona hadii ilaahay idmo ay ileeyihiin waa nin waalan dadkaaas waxaan waydiinayaa yaa iisheegi kara wax aan dhibta iyo khiyaamadaas aan soo sheegnay ahayn oo jaamacada carabta lagafaaiday sodon iyo dhowr sano ayaan xubin kannahay xoghaye guud oo ay leedahay Somalia cag masoo dhigin marka waa inaan garanaa cadawgeenna sida aan itoobiya uugu aqoonsanahay cadaw soomaaliyeed waa inaan ugaanaa inaan cadow kale leenahay maxaayeelay markaad cadawgaa ogaatid ayaad maslaxadaada raadin kartaa waatii murti ay ahayd

Baadida ninbaa kula doondoonayoo daalna kaabadane

Hadana inaad hesho aan doonayn daa’in abidkaaye…

Marka hiilka iyo wax qabadka carab 40 sano laga waayay ee maanta laga raadinayo waa mid aan garan waayay.

hada manta soomaali oo dhan way ogtahay in itoobiyaanku yihiin cadowga soomaalida inta yar ee maanta lasocotana insha allaahu mardhow way ogaandoonaan markuu ayaga dib ugu soojeesto.

marka dhibaatada Somalia haysataa tan koowaad waa qabyaalada tan labaadna waa soomaalida oo aan aqoon saaxiibadooda dibada iyo halka dantoodu kujirto maxaayeelay ninka madaxda ah waxaa laga rabaa inuu yaqaan meesha danta shacabkiisu kujirto Tusaale ahaan Suriya waxay saaxiib lanoqotay Iiraan oo ah wadan aan carab ahayn carabta xiriir wanaagsan kalama dhexeeyo, masar  markii in badan dagaal kula jireen yahuuda carabna aysan wax hiil ah kahelin waa laogyahay sida uu yeelay Anwar al saadaat.

Qaybtii 3aad: :::Horta  Somalia saaxiib maleedahay qaybtii 3aad. | Cali-dhuux

WQ cali muxamed diini ( cali dhuux) Perth Australia.

Email calidhuux20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 15, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS