SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa ka dambeeya mashruucyada lagu indho-tirayo shacabka Soomaaliyeed.???

Waxaa weli shacabka Soomaaliyeed kuwooda ku nool gudaha iyo dibeddahaba fajac iyo afkalaheys ku noqotay falalka qaarajinta isdaba jooga ah ee kowooda ugu naxdinta badani ay dhaceen intii u dhaxeysay 9.07.08 iyo 11.07.08, (Khamiistii dorraad aheyd), kuwaasoo lagu dilay 4 ka tirsan saraakiil fir fircoon oo ka shaqeyn jirtay hay’addo caalami iyo kuwo maxali ah, isla markaana xiriir wada shaqeyn ah kala dhaxeeyey hay’addaha gargaarka ee Q/midoobay, gaar ahaana UNDP iyo WFP.

Saraakiisha la qaarajiyay intii u dhaxeysay 9.07.08 iyo 11.07.08, waxay kala ahaayeen:-

Madaxii hay’adda UNDP xafiiskeeda Muqdisho marxuum Cusmaan Cali Axmed

Maxamuud Max’ed Kheyre (MMJ) oo agaasime kuxigeen ka ahaa hay’adda DPG Daryeel Bulsho guud

Farxaan Diiriye Aloore oo madax ka ahaa hey’ad maxali ah (NGO), laguna magacaabo SOLDA kana howlgeli jirtay Muqdisho iyo gobolada ku xeeran

C/nuur Sheekh, oo madax ka ahaa hay’ad maxali ah (NGO), oo ka howlgei jirtay Galhareeri, Galgaduud iyo gobolo kale.


Ma ahan mashruucii ugu horeeyey ee lagu ugaarsado dadka indhaha iyo gacmaha u ah shacabka tabaaleysan ee Soomaaliyeed, waana qorshe aad u xeel dheer oo lagu doonayo in indhaha looga rido shacabka inta ka hartay MB-ka Amxaarada, si dadku uu u noqdo mid, dhintay, mid dhaawacmay, mid cararay ee badaha ku dhintay, mid barokacay oo waayay wax uu cuno kadibna u dhintay gaajo iyo haraad.

Waxay shacabka Soomaaliyeed aad uga dheregsan yihiin mashaariicdii kuwan la midka aheyd ee soo martay waxgaradka Soomaaliyeed, kuwaasoo laga soo qaadan karo, mashruucii qaarajiinta saraakiishii ciidamada dalka Soomaaliyeed kuwaasoo lagu tuhmayay inay mustaqbalka dhow badbaadin karaan shacabka, isla markaana ay difaac xoogan u noqon karaan qorsheyaasha caddowga sida haatanba dhacday, maadaama ay waayo aragnimo xoogan u leeyihiin burburinta caddowga Xabashida oo ay taariikhyo hore u soo joogeen.

Sidoo kale, mashruucii ugaarsiga culimada Soomaaliyeed kuwaasoo loo arkay inay qeyb libaaxleh ka qaadanayaan dib u soo celinta ku dhaqankii shareecada islaamka ee ummadeenu caadada u laheyd, iyo weliba inay hormuud ka noqon karaan maamul iyo kala dambeyn uu yeesho dalka Soomaaliya, maadaama adduunkan oo dhan loogu talo galay in lagu dhaqo Diinta Islaamka, maamul iyo kala dambeyn iyo badbaadona ay ku jirto Kitaabka Alle oo la isku xukumo.

Sido kale, waxaa jiray mashaariicdii lagu ugaarsan jiray ganacsatada oo aheyd dhaq dhaqaaqa kaliya ee ugu xooga badan isla markaana faa’iidada ugu badan ay ka heli jireen shacabka Soomaaliyeed, la’aantoodna aaney horumar, difaac iyo tabarba aaney yeelan laheyn, iyadoo lagu xusuusto, saraakiil qaali ah, ganacsato, culumaa’udiin iyo aqoonyahano fara badan oo dhegta dhiiga loo daray.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, aqristow ma ka war heysaa dadka sidaasi u gumaadaya dadka waxgalka ah ee shacabkeena, ugaarsigii ugu dambeeyeyna ku haya samafalayaasha Soomaaliyeed ee har iyo habeenka dedaalka ugu jira sidii loo quudin lahaa Malyaayiinta shacabka Soomaaliyeed ah kuwaasoo ku barokacay qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.?

Meel dheer adigoon u raadin, bal taariikhda dib u baar, yaa doonaya in Soomaaliya aanan laga helin dad wax gal ah, haddii ay ahaan laheyd, aqoonyahan u dooda dadka, samafalayaal quudiya dadka, culimo wadada toosan ku hagta, iyo saraakiil firfircoon oo Soomaaliyeed kuwaasoo dhegta dhiiga u dari kara caddowgooda iyo weliba ganacsato kor u qaada dhaqaalahooda.


Sida aanu la socono mashruuc walba oo dalka ka dhacay wuxuu lahaa ujeedo ka dambeysa iyo ka hortag loogaga hortagayay baahiyo u muuqday markaas caddowga umadda.

Aan soo qaato qaar ka mid ah falalkii qaarajiska ahaa ee soo maray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana dhacdooyinkii aadka u naxdinta badnaa ee ka dhacay gobolka Banaadir iyo degaanada ku xeeran, sababtoo ah caddowgu wuxuu cayaarayaa xigmadii aheyd Mas, madaxaa laga dilaa, oo wuxuu doonayaa inuu arko Muqdisho oo magaceedaba la waayay.

1)-, markii ugu horeysay caddowgu wuxuu ugaarsi qaarajin ah ku bilaabay saraakiishii hore ee dalka Soomaaliya kuwaasoo waayo aragnimo fiican u leh kaartooyinkii Xabashida goobo fara badana ku tusiyay Naartii oo soo daahirtay, waxaana ka mid ahaa dagaaladii 1964-tii iyo midkii 1977-dii, markii ay Soomaalidu fiyoobeyd, wuxuuna caddowgu markaas u Xeyd-xeydanayay soo gelista dalkeena sida maantaba dhacday, wuxuuna si weyn uga hortagayay in dalka laga helo muwaadiniin Damiirkoodu fiyowyahay oo ummadda u sheega cadaawada Xabashida iyo weliba kaartooyinkii loogaga hortagi lahaa, sida la ogyahahna mashruucaas waxaa lagu dilay saraakiil tiro dhaaftay oo muhiim ahaa Alle ha u naxariistee, kowooda ugu badana waxaa barqo cad lagu toogtay bartamaha magaalada Muqdisho xilli xittaa aaney faraha kula jirin howlo Milateri.

2)- Waxaa ku xigay mashruucii dilista aqoonyahanka tirada yar ee ku haray dalka, waxaana si weyn loo wada xusuustaa in lagu dilay Muqdisho aqoonyahan farabadan oo udub dhexaad u ahaa dadka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedada caddaawadaasina ay aheyd, qorshe Xabashidu uga hortagayeen marka ay dalka soo galaan oo ay BM-ka 42 dhuumoodka ah ay wataan marka ay ku xusuuqaan shacabka in la waayo dad aqoonleh oo caalamka u bandhigi kara dhibaatada Soomaalida, isla markaana ka hadla falalka ka dhanka bani’aadaminimada ee ay waddaan Xabashidu.

3)-, waxaa ku sii xigay mashruucii ugaarsiga culimada kaasoo isagu xadka dhaafay kadib markii ay soo dalbadeen Xabashida iyo kuwo gadaal ka taageerayay in la soo dilo culimada haddii wax kale iska daaye la waayo wadaad ay soo qabtaan inay keenaan madax go’an oo wadaad ay ka muuqato Sunaddii Nebigeena (NNKH), si ay u arkaan in mashruucu dar dar ku socdo, iyadoo mashruucaasina loogu waqlalay qowleysatadii ku bahowday isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda, wallow uu mashruucaasi si weyn dadka Soomaaliyeed u anfacay, maadaama laga taqalusay kuwii waday mashruucaas harcadna ay duurka kala galeen, wuxuuna caddowgu uga gol lahaa in la cirib tiro culimada wadaniyiinta ah ee ka damqaday calooxumada heysata shacabka, waxaana culimadaas si gaar ah loogaga baqayay in dadka Soomaaliyeed ee 100%100 Islaamka ah inay u tilmaamaan tubta toosan ee dowladnimada, cadaalada, sinaanta iyo barwaaqada oo ah isku xukunka Kitaabka Alle, (SW).

4)-, kaba sii darane, kooxo Iimaanka beelayaal ah ayaa maanta waxa ay qandaraas ku soo qaateen qaarajinta iyo barokicinita samafalayaasha Soomaaliyeed, kuwaasoo har iyo habeenba u taagan sidii loo kaalmeyn lahaa Milyamaadka Soomaalida ah ee iyagu u barokacay daafaha dalka, waxaana mashruucani uu yahay mashruucii ugu xumaa uguna cawaaqib xumada badan, sababtoo ah waxaa maalin qura la dilay saddex sarkaal oo ka howlgali jiray hay’addaha samafalka kuwaasoo qaarkood la toogtay iyagoo ku guda jiray howlo lagu quudinayay shacabka ku barokacay degaanka ceelashabiyaha ee duleedka Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in mashruucan, uu barbar socdo mashaariic kale oo raqiis ah kuwaasoo caddowgu uu ku doonayo inuu dib u soo hubeeyo una soo nooleeyo awoodii hogaamiyeyaasha kooxaha ee dadka dhuunta u galay, waxaana maalmahaan socda xeelado caddowgu hub ugu soo dhiibayo qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii la xaalufiyay kol hore, miciyahana laga siibay, waxaana sidoo kale jira qorsheyaal uu caddowgu hub ugu dhiibayo qeybo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, si haddii ay wadanka ka baxaana ay Soomaalidu inta hartay gacmahooda isugu laayaan.

Aan inyar dib ugu laabtee, mashruucan aan ugu magac daray mashruuca indho-ka ridista shacabka, ayaa ujeedadiisu tahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u le’an lahaayeen inta ka hartay madfaca Xabashida, maadaama halka qura ee ay ka noolyihiin ay tahay, warbaahinta oo caalamka u gudbisa waxa dhacaya iyo hay’addaha gargaarka oo haba iska yaraadee la garab taagan shacabka barabaxay gargaar ay naftu ku ceshadaan, waxaana dhici karta haddii la waayo howlaha gargaarka ee hay’addaha inay gaajo u dhintaan kumanaankun oo shacabka Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, yaanan ka tegine waxaa jiray mashaariic kale oo caddowgu in badan waday kaasoo uu ku beegsamayay dadka waxgalka u ah shacabka, gaar ahaana qoonyahanka, odayaasha nabadda u ololeeya, saraakiisha Milateri, culimada, ganacsatada, Suxufiyiinta aan daalin, iyo weliba u doodayaasha xuquuqda aadanaha, taasoo uu uga goleeyahay mar kasta in la waayo dad waxgal ah oo Soomaali ah kuwaasoo mustaqbalka dhow ku soo ooga maamulka Xabashida ee Tigreegu maamulo in dacwado lagu soo oogo.

Isku soo duuboo, qorsheyaashan daahsoon ee caddowgu halbowlaha ku goynayo shacabkan dhibaatadu daashatay ee Soomaaliyeed, waxaa looga hortagi karaa, midnimo, nabad, dib u heshiisiin iyo weliba danaheena oo aan garano, waase haddii Alle nala doonee, waxaana baaq aniga ii gaar ah ujeedin lahaa kuwa Alle Iimaanka ka qaaday ee u dhega xugul qorsheyaasha ugaarsiga dadka waxgalka ah ee caddowgu adeegsado kuwaasoo si arxan darro ah dhiigooda u daadiya dadka nadiifka ah, waxaana leeyahay war Alle ka cabsada, oo ka fikira aaqiradiina iyo aduunkiinaba, oo ka fogaada qorsheyaasha caddowgu idiin soo dhiibayo ee uu idinku siinayo sandareertada aduunyo, sababtoo ah waxa aad dileysaan waa, dadkii u doodi lahaa sharafta iyo karaamada caruurtiina.

W/Qoray, Garaad Salaad Xirsi, wixii talo iyo tusaaleyn ah fadlan igala soo xiriira E-mailkan:- garaadcadde@hotmail.com


FIIRO GAAR AH:-, maqaalkeygan waa la Copy gareyn karaa, waxna waa lagu kordhin karaa, welibana wax waa laga bedeli karaa, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in dadka aan wax u sheegayo inay yihiin, dad iga aqoonbadan, kuwo ila aqoonsiman iyo kuwo iga aqoon hooseeya intaba, muhiimadeyduna waa in shacabka Soomaaliyeed si nadiif ah loogu soo bandhigo dhagaraha daahsoon ee caddowga oo ay dadka qaarkiis arkaan oo kaliya xusuuqyada muuq muuqda,:-
Mar kasta xuquuqda maqaalkan waxay u gaartahay qoraha maqaalkan.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 16, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS