SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sanad Guuradii Tobnaad Ee Maamulka Punt land.

MAXA QABSOMAY OO LA HORA MARAMARIYEY MUDADAS TOBANKA SANO AHAYD OO UU JIRAY MAMULKA PUNT LAND:MA ILAA LINTA BADAHA IYO BADBADINTA KHAYRADKA DABICIGA MISE XAKAMAYNTA TAHRIIBTA,MA ILAA LINTA DEGANKA DAQA XOLAHA XAYAWANKA DUURJOGTA IYO HORMARINTA BERAHA,MA ARIMAHA DHAQALAHA IYO XAKAMAYNTA SICIRBARARKA,MISE WA URURINTA CANSHURTA AAN WAX QABAD AAN LA TAABTO AAN LAHAYN,MA HORMARINTA REER MIYIGA, MAHAWLAHA CAFIMADKA ,KUWA WAX BARASHADA ,MISE WA HOWLAHA AMINAG IYO NABAD KUWADA NOLANSHA HA ,MISE WA SOOSARISTA BATROOLKA IYO MACDANTA DABIICIGA ,MISE WAXA AY KU HORAMARTAY ARIMAHA SAFARADA IYO AAYRA BOORADA

W/Q: ENG:Xaydar Xaaji C/raxmaan AW Siciid

Contact: xaydar87@hotmail.com

India-AP-Hyderabad

Maamul goboleedka Punt land oo toban sano jirsaday isagoo la aasasay 1998 kadib markii ay isu tageen aqoon yahaniin u dhashay deeganka Punt land shirkaas oo lagu guulaystay mamul yeelashada Punt land waxa xusid mudan ilaa intii la'aasasay mamulkaPuntland inuusan bilaa mamul noqon ha ku jiro mudadas tobanka sano ah rabitaan shacab ama xoog iyo xeelad siyaasadeed hase ahaate an lahayn wax wax qabad ah oo lataaban karo markii laga reebo isku dhac sukeeye iyo burbur dal iyo dowladeed

waxaa is waydiin mudan mudadas tobanka sano ah maxa sababay inuu so shac bixiwayey waxa qabadka mamulka Punt land iyadoo ay bulshadu ku qanacsanayd mudadas inta waxa dheer in ay bulshadu tageeraysay oo anay jirin cid diidanayd ama kaso horjeday jiritanka mamul gobeledka Punt land

Waxa kale oo u firsasho u bahan cida diidan wax wabadka iyo horumarka ma wasiirada xilalka la isugu bedbedalo mise waa madax sare iyo madax wayna yasha ma masuuliyanta gobalada iyo bulshadooda waxa ay u muuqata in la arki laha isbede muddadas tobakasano ah hadii si wada jir ah loo wada shaqayn laha.

Hadii aynu dib u bilic sano maxa qabsoomay mudadi tobanka sano ahaa oo uu jiray mamulka Puntland oo aynu mid mid ulafagurno waxyabihi muhuiim ka aha.

DEKADA IYO XEBAHA PUN TLAN:

Dekada magaalada bosaso oo si xowli ah u shaqaynaysay mudadas tobanka sano ah ayasana lahayn wax qabadki looga bahna cid ay wax tarto iska ba daaye iyadi ba nafteedi ka qatan in ay duugowdo mahne marki laga reebo cida faraha ku haysay mudadas tobanka sano ahayd.

Maamul gobeledka Punt land oo ilaahay ku manaystay xeeb aad u dheer oo ku hareeraysan deganka Puntland balse nasiib xumo ma uusan noqon mid ka fa'iidaystay marki laga reebo shakh siyad xoogood u xamalato ah .

waxa inta ku dhaca dhegaha shacabka reer Punt land in xeebahooda sun lagu soo dadiyo kuwas oo dhawacaya khayrad ka dabiiciga iyo bulshada reer Punt land .

Waxa kale oo jira in ay xeebaha Punt land ay noqtay xarunta burcad badeeda tasoo suncad xumo uso jiiday mamulaka Punt land inta waxa dheer inay jirto cid si sharci daro ah oo anay jirin cid mamula oo u ansixisay iyago har iyo habeen ka dal dasha khayradka dabiciga ee ku jira xeebaha u ka taliyo mamulka Puntland.

wa jira mamulaka Punt land ila iyo mantana majirto wax ay ka qabatay arinata tahribta taas oo sabab ta musiiboyin ad u bahsan .

ARIMAHA DEGANKA DAQA XOLAHA IYO HORMARINTA

BERAHA:

Xoolaha nool oo u ah laf dhabar muhib ah arimaha bulshada kan midka ilaha dhaqale ee mamulka Punt land ayaa waqtigan xanibad kalaso gudboontay wadamadi qadan jiray halka uu san mamulka Punt land uusan samayn wax isku day ah ama daryeelid iyo baxnaanayn xoolo.

Maamulka Puntland wax uu maamulkiisu garsiisanyahay gobolo badan basle wax tar iyo wax qabad maamul usan garsiisnayn waxa jirta inuu dhulku nabad guuray waji walba ba ha la hate dhuxul shidid ama ugaarsi sharci daro ah mana ay jirto cid uu xilsaray howsha mamulka Punt land marki laga rebo hay'ado uu canshur ka qato.

ARIMAHA REER MIYIGA:

Wax u qabadka reer miyiga oo noqotay mid la been abuurtay anaysana jirin cid booqata ama wax u qabata iska da wax u qabade waxa loonabad gelinwayey dhulki xooluhu u daqi laha

waxa jirta in loo balan qadayey tobanki sano oo lasoo dhafay in ceelal loo qodi dono reer miyiga ku dhaqan deganka Putland ilaa iyo mantana lama hayo wax ceel ah oo loqoday mar ki laga reebo hal iyo labo ladayactiray.

Reer miyigu waxa uu la ildaranayen cafimad daro iyo daryeel la'aan iyo abaaro dad iyo dunyaba sameyey mudadas tobanka sano ah waa ay silcaayen reer miyiga iyo xoola dhaqatada reer magalna wax ma dhaamin .

mamulka Punt land wa jiray wana shaqaynayey waxna kama qaban tan reer miyiga iyo mida guud ba.

Waxa hubal ah in ay ku sugan yihin degeanata Punt land hey'ado aad ufara badan oo howla kaladuwan in ay fuliyan ku magacaban laakiin aan wax qabadkoodu anuu dhaafsiisnayn xafiisyadooda mamulaka Punt land ayaa shacabka dhibataysan waxa uu ku ma weliya hey'ado baa wax inii qabanaya taasina wa mid is beenisay kadib markii la'arkiwayey wax qabdkii hey'adaha taasina waa ku shaqayn la'aan iyo habac sanaanta mamulaka Punt land .

ARIMAHA DHAQAALAHA IYO XAKAMAYNTA SICIR BARARKA:

Bulsha waynta ku nool deegaanka Punt land oo aad u fahmay ganacsiga kaladuwan iyo ganacsigii oo aad u bahay balse anay jirin wax warshada ah oo hir geliyey mamulka Punt land mudadas tobanka sano ahayd markii laga reebo kuwa shakhsiyad leeyihiin oo aanu mamul shuqul ku lahayn canshurta uu ka qado mooye.

Sicir barar ay dadku faraha kaga gubteen ba somaray deegaanada Punt land tobanki sano oo lasoo dhafay waxa taagan maanta sicir barar halsano jirsady oo ay dadku faraha ka taagen mamulkuna wax kama qaban canshuur siyaaden maahee.

Maamulka punt land oo mareeyn kari wayey sarifka doolarka kaso saba sicir bararka ay dadku la dhibataysanyihin.

DAKHLIGA IYO CANSHUUR URURINTA:

Maamulka Punt land oo aan lakulmin wax caqabada ama mudaharadyo lagaga sohorjeedo canshuur ururinta mudadas tobanka sano ah u jiray mamulka Punt land waxana looga qaadaa sandale,lixbiloodle ,bile,iyo kuwa wagi beryaba ah , mamulaka Puntland wax canshurta kaso xareeyaa bada, beriga, iyo hawada iyodo intaas ay dhedhay mid laga qado ganacsatada iyo gaadiidlayda tasoo aan wax logu qaban dadki laga qaday tobankii sano oo lasoo dhafay.

LANTA AMNIGA:

Bal aan wax ka ogaano lanta amniga ee Puntland iyadoo oo ay ahayd mida u ku faani jiray mamulka puntaland hasetan lawaayey kadib markii loo magacabay masuuliyiin darajooyin kala duwan wata basle haatan lamahayo amni buuxa oo gacan ku jira oo lagu faani karo .

Waxa is waydiin mudan khal khalka ya wada ma cid baa dibada ka timi oo fara gelin wada msie shacabkii reer Punt land baa saa noqday oo qaska wada .

Maya Waxaa jira urura gaar ah oo dano gaar ah fuliya ,

waxa jira urura beegsada dad shakhsiyaad ah si ay dhaqaale uga helaan waxaa kale oo jira kuwa habeen kii khal khal ka abuura

magaalooyinaka Punt land kuwaas oo aan muhiimadoodu durugsanayn mararka qarkoodna sababa in ay cid dilan ama laga dilo ama ay dhexdooda iska dilan ,

waxaa iyaguna mesha an ka maqnayn kuwa kharijiya isimada ,nabadoonada ,salaadiinta, madaxda iyo dad xubna muhiib ah u haya bulshda waxa kale oo jira ururo cadaysty dilida iyo dhaca shaqaalaysha hay'adaha ajnebiga si ay madax furasho uga helaan mamulka Punt land oo ay deegankiisa kahowl galaan ,

taasina mamulaka Punt land ayaa gacan ku siyey in ay faraha ka baxado kadibib markii u bixiyey madax furasho aadu badan,

waxa jirta in lawiiqay aminiga xududaha Puntaland sanadadii danbe aaway wax qabadkii aminga ee mamulaka Punt land ee toban sano jirsaday.

Waxa aan u sababaynayaa in la arki waayo wax qabad muuqda mudadas tobanka sano ahayd kadib markii la wayey xiiir ka dhaxeya dowlada iyo aqoonyahaninta , xiriir ka dhexeeya dowlada iyo isimada iyo xiriir ka dhexeeya dowlada iyo bulshada taasina waxa ay keentay dib u dhac dowladeed iyo horumar la'aaneed dal iyo bulsho.

Waqtiga oo ah mid sidii daadkii u qulqulaya ayaa dantu waxa ay ku leedahay waa in an dib loo jaleecin tobankii sano oo la soo dhafay ka wantoobid mahane balse loo bahan yahay bararug bulsho iyo kafekerida mustaqbalka dhow iyo kan fog eePunt land taasina wax ay keeni karta ka dhayasho tobankii sano oo la soo dhafay iyo si bedel siyasadeed dhaqaale iyo amni buuxa oo lagu faani karo waa hadii si run ah looga fiirsado mustaqbalka Puntland.

W/Q: ENG:Xaydar Xaaji C/raxmaan AW Siciid

Contact: xaydar87@hotmail.com

India-AP-Hyderabad

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS