SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Okambo & xaqiiqda Sudan ee Maxkamadda Aduunka  

    Maxkamada Aduunka Ma garan. !!!!!  Dhankee…?  Waa su,aashan :  intee in la,eg ayeey dhab noqon kartaa Caadaaladeedu..??  waa su,aal u baahan in la kor is taago, adiga Iska soo qaad sidee Baad Cadaalad dhab ah ugu sameyn kartaa Bulsho isku dhafan oo aad ka adag tahay dhan walba, Dhaqaale, Cilmi, Casriyeyen..IWM.,  Miyeeysan marna ku qaadayn Dabeecada Insaanimo eeku dhisan Jiritaanka Jaceyl ee Kaliga ah…?? maxey nagaga duwanaan karaan dacwo qaadayaasha Maxkamada Aduunka la sheegayo, Miyeeysan dad anagoo kale aheyn..?? mase Dimuraadiyadu Insaanimada ayeey wax badashaa..???  

Tusaalaha  Sudan: 

      Sudan waa Dal eey ka jirto Dhiilo Siyasadeed oo kacsan, waxaa ka dhex jira Xisbiyo badan oo Qaarkood talada dalka soo hayay Mudooyin badan oo is xigana Xukunka soo qabtey,  Xisbiga Islaamka ee talada Dalka hayaa xiligan ma noqon mid Farax geliya Shisheeyaha (Caalamak)  waxuu u janjeera Dhanka Islaamka , Bilowwgii uu talada Dalka qabteyna waxaa ku furmey Colaad & hagardaamo ka imaneysey Dhanka Shisheeyaha , uma dhutin, in badan buu ka gudbey oo dhibaatooyinka Gudaha ah, waxaa lagu furey Dhinacyo badan oo dagaal ah, dhawr wadan oo deris la,ah ayaa hal aroor dagaal huwiyey ,waxba ma saameyn, Guulo ayeey la noqdeen, Caalamku  waxuu xooga saaray Colaadi ka dhex jirtey Koonfurta Dalka, si loogu wiiqo Xisbiga Islaamka ee talada dalka haya. sanado badan marki la isku riiqey waxay ka fursan weysey in caalamku gudo galo heshiisnta labada garab, waxaa u muuqan waayay wax guul ah oo eey soo hoyinayaan Dagaladaa, waana ka fursan weysey in la dhigo heshiiski Nifasha ee lagu diirsaday. 

        Xisbiga Dalka ka taliyaa Guulihiisu ma,aheyn dagaalada kali ah, & hor is taaga Cadowga Debada, waxuu ku dhaqaaqay Talabooyin badan oo ah Horumarinta Dalka, gaar ahaan Dhismaha Hoose, si fudud baa Caasimada oo dhan Laami loo mariyay, waxaana la sahley isku gudubka Sadexda Xafadood ee ey ka kooban tahay Caasimada wabigu kala baro, waxaa mar qura la taagay dhaw Buundo oo calaamad u noqotey wax qabadku dalku gaaray inta  Xisbiga talada hayaa uu Joogey, Mashruucyo waaweyna waa la taba qaaday ha ugu caansanado midka (Biyo Xireenka Marawe ),  waa adkeyd Xisbi dagaal Caalami ah ku jiro in uu intaa gaaro, waxaana dhacdey in eey noqoto talaabooyin wax ku ool ah oo  aan cidna ka qarsaneyn, xataa waxaa qirey Mucaaradka Dawalada oo kari waayay in eey qariyaan ama in kiraan ,   Batroolka Sudan waxaa la qorsheynayaa in sanadkan  gaaro Dhoofintiisu  hal malyan oo fuusto maalintii, arimaha Malagashigu waxuu noqdey mid leh tartan badan oo aan qarsaneyn , dhamaan shirkadaha aduunka & ganacasatudba gaar ahaan kuwa carabta waxey si gaar ah u bilaabeen mashaaric eey ku maalgashanayaan dalk Sudan , ogoow Somalidu  dhan beey kaga jirtaa!!!!   Ma, ahan in dhaqaale Badan la yimaadeen ee waa fursada Niyad sami ee ay ka heleen shacabka Sudan ayaa u sahashay oo ka dhigtey Bulsho ka jirta gudaha Dalka oo in la sheego ka shaqeysata.  (Allow Badbaadi inta na badbaadisey & inta aan na dhibinba ). 

Xalinta Siyasadeed ee gudaha. 

      Waxaa hir galey talaabooyin badan oo dib u heshiisiin ah, Heshiiskii Kenya eey ku wada saxiixdeen Dawaladda & Mucaradka (SPLA) waxuu baajiyey Dagaal Qarni barki socdey, waxuuna noqdey mid lagu diirsadey, waxaa dib u ifey Magaalooyin badan oo ay Dagaaladaa Aafeeyeen, labada garab ee heshiiyey waxey qeybsadeen si dastuuri ah dhamaan waxii Qaran lagu wadaagay, taaba Galka Heshiiskaana ma xumeyn Qiimeyn ahaan labada dhanba.  kuma ekeyn heshisiinta dhanka Koonfureed oo kali ah , waxaa wadaaga  Jabhada Bari ee tagaeerada ka heli jirtey Ertria, waxeyna ku soo noqdeen Caasimada Dalka Ayagoo Boosas muhiim ka qabtey Dawlada dhexe,  laakiin Dhibaatada Galbeedka (Darfour) ma damin , mana hirgalin heshiis la taabto oo baajiya Masiibada ka taagan Gobolkaa. 

    Arinta Darfour Maqaal hore ayaan ugu dheeraaday, laakin gunteedu waa dhibaato taagan aan wadadeedi loo mareyn, waqtigan la joogo Dooda Darfour ma,ahn mid ka dhxeysa dadka degaanka & Xukuumada eey ka sheeganayaan, Faragalinta Caalamaka ee arintaa waa eey macno tirtey. 

     Dawaladu waxey heshiis kol dhaw la gashey hogaamiyaha Xisbiga Umadda Sadiq El-Mahdi oo aah nin qadar weyn ku leh Gudaha Sudan, lehna raganimo Fac dheer ah, heshiiskaa wuxuu soo nooleeyay rajada laga qabo in siyaasada Sudan eey xasisho, shacabkuna si weyn buu u soo dhaweeyey, ansixintii Baralamaanka ee Qaanuunka Doorashooyinka dalka ka dhici doono waxey aheyd talaabo muuqata oo ifisey Talo wadaag ku dhisan wada tashi & wax wada qeybsi.  Dhamaan Xisbiyada Mucaaradka ahan waxey wadaag ku yihiin golyaasha Hogaanka Dawlada sida: Baarlamaanka, Kan wasiirada & qaar Hogaanka Maxkamada Sare.  

Madxweyne Bashiir & Sudan 

        Albashiir Xukunka waxuu ku yimi Awood milateri uu uga tuurey Dawaldii wadaaga aheyd Sanadkii 1989, wax yar ka dib markii uu sugtay Hogaanka Dalka  waxuu baa bi,iyay Golhii Kacaanka ee Inqilaabka dhaliyay, Rag muhiim ayaa ka caroodey arintaa ,  laakin  waaaa hirgaliyey oo Dawaladii waxuu ka dhigey mid looga taliyo Golayaal sharci ah oo la isku og yahay, waxaa lagu sheegaa in uu yahay Shakhsi jecel wada tashiga, uma eka Madxweyne xoog ciidan ku yimi, taladuna waa wadaag ka dhaxeeya Asaga & Raga Xisbiga eey ka wada tirsan yihiin, oo in badan ayaga ka mid ah lagu tilmaamo rag siyaasadda u bisil Aqoon ahaan & Farsamo ahaanba, una muuqda Qaarkood in eey hayaan hogaanka dalka ugu sareeya, wadanka Sudan waa Adag tahay in aad aragto Sawirada Madxweynaha oo goob walba suran, sida lagu yaqaan wadamada ka tirsan Dunida sadexaad, arintaa waxey soo jiidey in Madaxweyne Bashiir uu tixgalin ka helo Bulshada dhexdeeda, taasoo u suuro galisey Naf ahaantiisa in uu si fudud ula dhaqmo Bulshada uu xukumo, waxuu ka qeyb gala Goobaha la isgu yimaado si fudud oo aan dareen la heyn, sida: Masaajida, Xafaladaha Aroosyada, & waliba Goobaha Tacsiyada oo Bahweynta Sudan eey aad u qiimeeyaan.

Sudan maxaa lagu maagay..???? 

      Laga soo bilaabo markii  xukunka Dalka uu la wareegay Xisabiga Islaamiga ah , Sudan waxey aheyd Caalami ahaan mid ka go,an, dhawr jeer baa Cunu qabateyn la saaray, wax xariir ahna lama la heyn hey,adaha caalamiga  ah. Waxaa filan waa noqotey in arimahaa dhanba uu san saameyn horukacii dalka, wax haba yaratee Culeys ahna uusan ku nqoqon xisbiga dalka haya. 

     Arinta Darfour ma aheyn mid ku cusub dalka, waxaa ka dhici jirey dagaalo u dhaxeeya Beeraleyda degan & reer guuraaga Carabta u badan  asala ahaan, laakin aan waxba u dhaxeyn ayaga & kuwa Asal ahaan Afrika ka soo jeeda, Dagaaladaa waxaa lagu xalin jirey Qaab beeleed, dawaldihii horena sdiaa ayeey uga talaabi jireen, laakin kadib xisbigan dalka hayaa markuu yimi waxey noqdeen kuwa qaatay qaab siyaasadeed oo gaaray ilaa heer caalami ah. 

      Dawalado badan ayaa arintan aad u buun buuniyey, waxeyna u muuqatay in eey noqon karto wado  cusub oo lagu wiiqo karo dawlada Sudan ee Caalka loowaayay, ugu dambeyntiina waxey gaartay in Malafka Darfour loo wareejiyo maxkamada Aduunka si loogu gar qaado Dawalada & mucaradkeeda,  waxaana  ka dhashay  codsiga ah in Dawalddu  eey soo gudbiso laba qof oo  muwaadiniin ah oo uu mid yahay Wasiir ka tirsan dawalada.  ayadoo eey taa dood ka taagan tahay ayaa Asbuucan waxaa lagu dhawaaqay in la joojiyo Madaxweynihii dalka si loo hor keeno maxkamada Aduunka. 

        Dacwadan ka dhanka ah Madexwenahii dalka, waxey shaki galisey jiritaanka Sudan, waxaana ka dhashay in si mideysan loga soo horjeesto, xataa Xisabiyada Mucaardka badankood waa ka dhiidhiyeen , waxeyna u arkeen in eey tahay qaranimadii dalka oo la u gaarsanyo,  sababtoo ah sida la filayey ayaa aheyd in Hogaanka siyaasada ee  dalka uu wax iska badelayo ka gadaal Doorashooyinka sanad kadib dhacaya, sidaa ayaa loogu  arkey dacwadan ka dhanka ah Sudan in eey tahay mid aan nadiif aheyn marnana ka talineyn maslaxada dalka, ama xal u keeneyn Dhibaatada raagtey ee Darfour. 

GaboGabo. 

Tusaale Xun ayuu noqdey go,aanka Maxkamadda Aduunka ee uu ku dhawaaqay Xeerilaaliyaheeda Guud Mr: Louis Okambo , ma,ahan dhanka Qaanuunka kali ah, xiliga & goobtuba Munaasab ma aheyn , waxaase xasuus ma reebta u ah Somalida Qaabka Cadaaladda Aduunku uu eg yahay Xiligan, marna dib looma fiirin Dambiyada dagaal ee ka dhacay Somaliya , waxaadba moodaa in Caalamku Dhiiri galinayo, miyuusan Mareykanku aheyn kii taageeray Dagaal oo gayaasho Rubac Qarni ku dhawaad ka dagalamayay Somaliya,  Marna mala is weeydiiyey waxa Soamliya ka dhacaya & waxa eey geesnayaan Ciidamada Kala duwan ee kor fadhiya Guryaha shacabka & Goobta eey u aroori la haayeen !!!!!!!. waan sugeynaa Xiliga Booska Danaha Gaarka ah uu dhaco Somaliya si eey u dhiiri galiso in Cadaladda la hor keeno  dhamaan Dambiilayasha dagaal & waliba Taagerayaahsooda Caalamka . miyeysan marka arintu aheyn in Maxakamadda cadaladda ee aduunku u baahan tahay Cadalad qaad dhab ah oo leh miisaanka sawiran ee cadaaladda….  
 

  Mahdi Muse
hagar132@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 23, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS