SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ma SAX baa in Sh. Shariif & Shariif Xassan xilalkii laga qaaday???

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Alxamdu lillaah wassalaatu wassalaamu calaa rasuuli laah

Intaa ka dib

Waxaa hubaal ah in cid walba oo xil qabata xilka laga qaadi karo haddii loo baahdo, laakiin waxaa muhiim ah in marka hore la fahmo yaa xilka qaadi kara yaase laga qaadi karaa?.

Marka doorasho dhacdo oo qof lagu doorto, waxaa xilkaa sii haya qofkii la doortay inta doorasho kale ka imaneyso, amaba dadkii doortay inta ka fariistaan hadday u arkaan in sharcigii lagu tuntay in markaa sidaa looga xayuubiyo laakiin marka hore la caddeeyo in SAX tahay khaladka dadkaa lagu soo oogay.

Su'aashu waxay tahay Sh. Shariif iyo Shariif Xasan xilalka la sheegay in laga qaaday, ma laga qaaday mise weli iyagaa xilalkaa haya? Sideyse SAX ku tahay xil kaqaadista aan maqalnay?

Waa su'aalo muhiim ah in la is weydiiyo Inkastoo dadku qaarba si u arkaan haddana waxaad arkeysaa qaar iskala soo boodaya waa laga qaadi karaa iyo lagama qaadi karo, iyagoon eegin sharci ahaanshaha arrinkaa in qofka xilkaa qofka laga qaaday iyo inkale.

Bal intaan anigu fikirkeyga ka dhiiban arrinkaa aan dib u jaleecno kala aragti duwanaanshaha labada garab.

Waxaan la soconnaa in ururkii dib u xoreynta uu laba garab noqday. Garab waa kan Jabuuti fadhiya heystana mudanayaasha intooda badan ama aan iraahdee afar meelood saddex. iyo garab ASMARA ku haray oo aan badneyn. Waxbaa la isku qabtay qolaba waxay sheeganeysaa in fikradeedu saxan tahay. Ummaddu ma sinna qofba si buu wax u arkaa, Sh. Shariif heshiis ayuu galay waxuuna noo sheegay si ummaddu u badbaaddo Ethiopia-na u baxdo in heshiiskaa u galay laga war sugo sida ay wax uga hir galaan. Waa hadal macquul ah una baahan in loo dulqaato, lama sugine dacaayad iyo war xumo ayaa lala daba istaagay. Waxay-na hadda arrintu mareysaa xilkiiba waa lagaa qaaday… iyo yaa ka qaadi kartaan. Cajiiib,

Haddiiba labada shariif la yiri waa khaldameen xilkana halaga xayuubiyo,kuwa iyaga ku hadafka ah ee tirada intaa le-eg ah, heshiisyadana wax ka saxiixay iyaga maxaa lagu magacaabay? ma laga ceyrshay kamid-ahaanshahii ururka mise arrintu labada shariif oo keliya ayay ku kooban tahay? Waa su'aal kale oo iyadana u baahan in la falanqeeyo.

Markii la isugu yimid shirkii SANCA waxyaabaha la isku qabtay ayaa waxaa ka mid ah in laga noqdo heshiiskiii Jabuuti oo ay kooxda Sh.Shariif qalinka ku duugeen, fikraddaasna waxaa la yimid ergadiii ASMARA laakiin waxaa ku diiday ergadii Jabuuti oo u arkay in ay iyagu yihiin majority-ga kadibna arrintu waxay ku soo gabagabowday meel dhexe aynu isugu nimaanno oo markii dambe lagu heshiiyay. Waxaa inoogu xigtay xilalkii waa laga qaaday.

Sh. Shariif oo arrintaa wax laga weydiiyay wuxuu sheegay in aysan heysan qeybta ASMARA sharci ay cid xil uga qaadi karaan iyaguna yihiin hoggaamiyaysha sharciga ah. Aniga waxaan la qabaa Sh. Shariif arrinkaa, dad badan oo la tirin karinna sidaa ayay qabaan, laakiin su'aashu waxay tahay xilka Shariifyada sidaa ma ku weyn karaan?

Waa dhici kartaa in xilkooda sidaa ku waayaan waayo waxaan nahay Soomaali waxaana nagu yar aqoonta aan wax kukala saari karno oo hal dhag ayaynu wax ka maqalnaa haddii idaacadaha ay BBC-du ka mid tahay laga maqlo {Hoggaamiyaha ururka dib u xoreynta Soomaaliya Sh Xasan Daahir Aweys ayaa……) maalintaa wixii ka dambeeya waxaa nin walba maskaxdiisa ku qufulnaaneysa taas. Sidoo kale ma saadaalin karno haddiiba arrintan loo riyaaqo maxaa u dambeyn doona Ururka Dib-uxoreynta. Ma sii dhisnaan doonaa mise foolxumo tan ka weyn ayaa laga dhaxli doonaa? Waxaa aniga ii muuqda in arrin dad badan ka nixi doonaan ay soo socoto haddii sida wax lagu wado aan wax laga badalin lagana tashan isla markaana la joojin anaa atoore ah, iyo adigu waxba ma tihid.

Fikrad kale ayaa ah, haddiiba Sh. Shariif sidaa ku tago (ma aqaan siday ku dhaceysee!) armay hadhow ka dhacdaa "Duqii doona ducana ugu dara waad na …………" oo hadhoow meel Sh. Shariif laga doono la waayaa illeyn adduunyo waa wax walba ka filo'e.

Ururkan dad badan oo Soomaaliyeed ayaa taageeray halgankooda siyaasadeed, dadkaas qaar-ba si' ayay ku taageereen, qaar daacad ayay ka tahay oo waxay doonayaan in Soomaaliya xukun Islaami ah ka hirgalo, qaar baa laf dhuun-gashay waxaa ku noqday hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ee dhiig miiradka ahaa oo waxay rabaan in kuwaas wax ka wanaagsan oo bedela la helo,qaar baa dano gaar ah ama reereed ka leh. Haddaba qeybta dambe ma ahane labada qeybood ee hore IWM, waxaa u muuqda in uu ururku mugdi cagaha la sii galayo, arrinta looga badbaadi karaana keliya ay tahay iyadoo alle la talo saarto sharciga-na la raaco loona hoggaansamo.

Sh. Shariif ilaah haka raali noqdee waa hoggaamiyaha sharciga/saxda ah. Shariif Xasan-na sidoo kale waxaa labadoodaba lagu doortay kooram buuxa oo ugu yaraan 190 qofi fadhido. Dabcan waxaa sax ah in intaasoo kale la helo marka xilka laga qaadayo iyaga, wixii intaa ka soo harana ay tahay sharci darro. Haddiise aynu weli kala saari la'nahay sharci iyo sharci darro waxaa hubaal ah in Soomaaliya arrinteedu noqoneyso fari kama qodna faanoole. Sida ay Ethiopia ku baxdaana laga raadin doonno meel aan dhaweyn haddaan hadda oo ay arrintu soo dhawaatay fiiro gaar ah loo yeelan.

Waxaa sidoo kale iga yaabiyay wareysi uu Xuseen Ceydiid siiyay idaacadaha oo uu ku sheegay in Sh. Shariif uu khiyaano galay, xilkana laga xayuubiyay. Arrintu ma ila qosol baa mise mas'uuliyadda ayaa sidaa ugu muuqatay. Xuseen sow ma aheyn kii afkiisa laga maqlay Ethiopia iyo Soomaaliya hal baasaboor ayay qaadanayaan xuduudahana waa la isku furayaa. Sow ma aheyn kii mar walba argigixiso ku dikrin jiray sidii haddii uusan soo qaadin kelmaddaa uu Jahannamo u hoyanayo. Sow mahan kii Ethiopia dhowr-ka sanadood hotel iska raaxeysanayay, waqtigii Salballaar mantana afkiisa ku leh Ethiopia waa cadow. Khiyaanada intaa ka weyn ee Sh. Shariif lagu hayo yaa ii sharrixi kara? Nin baa markuu dariiqa soo maraba wuxuu arkaa Sagaaro ka sii ordeysa isaguna ugaarsiba uma socdo markii dambe wuxuu yiri "Sow Sagaaro ima barato!" Xuseenoow Soomaali sow kuma barato.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, Soomaaliyeey nin jecleysiga iyo daneysiga intaan ka tagno, iskana deyno caqligu ha shaqeeyo,danta iyo Maslaxadda Soomaaliyeed meesha ay ku jirtana hala taageero xitaa haddii ay ku jaqeyso. Runi Rag kama nixisee arrintaa xilkaqaadista SAX MA AHANE ha laiska iloobo ayaan ku talin lahaa.

Ilaahay talada wanaagsan hana waafajiyo AAMIIN.

Wabillaahi towfiiq.

Farhan Warsame

Melbourne, AUSTRALIA

Bile1971@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 24, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS