Qormo kaftan siyaasadeed ah DAAWO SIRTA KHILAAFKA LABADA SHEEKH.....
"wada akhri si aad u wada fahamto muhiimada qormadan" note-ka qoraaga"
By Abukar Albadri
Saxafi madaxbanaan:
Anigoo aad uga murugeysan masiibada ku habsatay hoggaanka halgankii dib u
xureynta ayaan si hal haleel ah ku seexday, tiiyoo aaney hurdo fiicanba iga soo
dhicin ayuu ii yimid haatuf, shaki iyo cabsi weyn ayuuna igu beeray.
Cabsida aan dareemay darteed baan riiraxyo tirtay, wejigana sacabkaan mariyey,
hareeraha ayaan eeg eegay misana meel aan iga fogeyn oo horteyda ah ayaa waxaa
dig ku soo yiri shimbir ii wada dhambaal ku sajilan baqshad.
Haddiiba baqshadii ayaan furay, waxaana ku jirey cajal CD ah oo ay dusha kaga
qoran tahay "DAAWO SIRTA KHILAAFKA" waan yaabay, indhahaan markale sacabka
mariyey, hadana dib baan u eegay si aan u hubsado inuu qoraalkani sax yahay iyo
in ay indhaheyga yihiin kuwa beensheegaya, laakiin hubsaday cinwaankii cajalka.
Dabadeed maxaa dhacay...? Durba waan furay, waan shiday, daawashaan u galay,
intaanan ka gudbin boggii 1-aad ee cajalka ayaa waxaa iga soo horbaxay codsi
aniga igu socday oo u qornaa (FADLAN NOQO NABAD-JIRE OO DHAXGAL LABADA SHEEKH)
Waan sii eegay oo waxaa codsiga soo direy doolli yar oo intuu ka qaxay Muqdisho
ku dhibaateysan duleedka xeebta Jasiira, misana rajo wanaagsan ka qabay
heshiiskii Jabuuti.
Doolliga wuxuu aad uga walaacsanaa inuu ka sii qaxo meesha uu maciinka biday, ka
dibna aniga oo qiimeynaayey xaaladdii ayaan aqbalay codsigii doolliga.
Waxaan isu diyaariyey inaan NABAD-JIRE noqdo oo aan dhaxgalo labada Sheekh ee
talada ka halaawday.
Si nabadda aan raadinaayo iyo xaalka sida uu yahay aan wax badan uga ogaado
ayaan u sii dhaadhacay guntii hoose ee cajalkii, waan daawaday dhammaantii si
qumaati ah, cajalka wuxuu lahaa qeyb 1-aad iyo qeyb 2-aad oo ka kooban jilliino
kala gedisan.
QEYBTA 1-AAD
Cajalku wuxuu ka bilaabanayey koox culimadda suufiyadda ah oo meel siyaaro ah ku
digrinaya, cayaal ku cayaarayey meel iskuul ahaan jirtay iyo hooyooyin safaf
dhaadheer ugu jirey goob caafimaad oo ay dhakhaatiir ka yihiin niman madmadoow
oo wejiyo qalfoof ah leh.
Anigoo intii la yaaban ayuu cajalkii sii socday, waxaana horteyda yimid qeyb
cusub oo anigii cajalka daawanaayey ka dhax muuqdo, (graphic content....) waan
yaabay, waxaan gashanahay dhar cad cad, wejigana waxaa iigu xiran maro cad oo ay
ku qoran tahay "WAXAAN AHAY NABAD-JIRE"
Waxaan bilaabay geeddigii aan ku baadi goobaayey sidii aan ula kulmi lahaa
labaddii Sheekh ee aan dhaxgali lahaa arrintooda.
Ugu horeyn waxaan ka soo bilaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaan iska soo
xaadiriyey xafiiskiisii, markii aan u sheegay xogheyntii in aan ahay NABAD-JIRE
doonaya inuu Sheekha la kulmo ayey ii sheegeen inuu jiro liis lagu qoro dadka
doonaaya in ay Sheekha qaabilaan, liiskii ayaan isku qoray, waxaana ahaa qofka
1000-aad (kumaad) ee liiska ku qornaa, welina dad baa iga sii dambeeyey.
Maalmo ayey igu qaadatay in aan sugo la kulankii Sheekha, xogheyntiina
warkeygiiba way diideen, anigiina maadaama aan balan ku soo galay in aan nabad
ka dhaxdhaliyo labada Sheekh iima furneyn jid kale oo aan ka aheyn inaan la
kulmo, anigoo kaashanaya Allaah.
Ileen Soomaali laalaab kama dhamaadee,markii aan xaalka ku jahwareeray ayaan
bilaabay inaan si laalaab ah ku raadiyo la kulanka Sheekha oo aan iska dhaafo
liiska baas.
Qolka uu Sheekha ku jirey wuxuu lahaa afar irdood oo mid walba ay jiho ku taalo,
iriddii waqooyi ayaan kaga imid, balse waxaa safka igaaga soo horeeyey nin la ii
sheegay inuu yahay ergayga Eritrea u fadhiya isbaheysiga dib u xoreynta,
gadaashiisna waxaa taagnaa safiirka Iiraan u fadhiya Midowga Africa oo uu
jeebkiisa ku jiro sawirka madaxweynihii hore ee ruushka Vladimir Putin, waxeyna
horteyda meeshaasi taagnaayeen dhawr maalmood, waxaa loo sheegay inuu Sheekhu ku
jiro hawl qaran oo aad u muhiim ah.
Dhankii qiblada markaan ku soo shiiday, waxaan iska soo xaadiriyey illinkii
galbeed, dadka dhooban darteed waxaanba is iri mudaaharaad ayaa ka jira, waxeyna
indhaheyga qabanayeen wasiirka arrimaha dibadda Yaman iyo kan Masar oo isla
taagan, misana gunuunacaya, is-hiifaaya oo leh, "ma shakhsi Soomaali ah ayaan
intaan ka badan u taagnaan karnaa" laakiin safiirkii Yaman baa ku jawaabay
"anagaa dan leh", Sheekhiina weli hawshiisii qaran ayuu ku jirey.
Halkiina waan ka soo quustay, ka dibna waxaan imid afaafkii koofureed ee
xafiiska, meeshan waxaa joogeen niman sita calamaanta Kenya, Tanzania iyo
Rwanda, waan yaabay, waxaan is iri Sheekha tolow ma madaxweynuu noqday.
Haseyeeshee waxaa halkaas iiga soo horeeyeen dad dhawr ah oo Soomaali ah, iyagu
rajo beel ayeyba taagnaayeen oo bishiiba mar ayaa albaabkaasi koofureed ee
xafiiska Sheekh Xassan la furaa ayey igu yiraahdeen, bishana waa calaf oo qofka
nasiib u yeesha ayaa ka galaaya.
Markii aan ka quustay sedaxdii albaab ayaan u dhaqaaqay albaabkii dhanka bari ku
yaalay, waa albaabkii ugu dambeeyey ee aan isku dayi lahaa in aan sheekha uga
soo galo.
Albaabkani ma dad badneyn, waxaa taagnaa nin isugu keey sheegay inuu yahay
Suudaani, wuxuuna usha u hayey nin indhoole ah oo Ugandhees ah, indhoolka
Ugandhees wuxuu dusha ku xambaarsanaa wasiirka arrimaha dibada Itoobiya Siyuum
Misfin oo ay afka ugu jirtay masaasad (caagadda caruurta la nuujiyo) oo uu dusha
kaga sawiran yahay calanka Mareykanka, meel aan sidaas uga fogeynna waxaa
taagneyd Jenday Frezer oo cayaarsiineysa ninka dusha lagu waday, indhaha ayey ka
cayaarsiineysa sida ay hooyooyinka caruurta uga cayaarsiiyaan ayeyna u
cayaarsiineysay, isagana wuu qoslaayey.
Waan ka naxay qoladan, waxaan weydiiyey "maxaa meeshan idin dhigay?" waxey
yiraahdeen Sheekha ayaan doonaynaa, dan la yiraahdo IGAD ayaa isku keen soo
qasabtay laakiin isku dan ma nihin sedaxdeena ayeyna ii raaciyeen.
Waxaan eegay Albaabkii waxaa ku qorneyd ALBAABKA RAJADA, markiiba waxaan
istaagay halkii ugu horeysay ee albaabka, waan garaacay, waxaana iga furey nin
xogheyn ah, markii aan u sheegay in aan ahay NABAD-JIRE doonaya inuu Sheekha la
kulmo wuu isoo dhoweeyey, wuxuu ii gudbiyey qolkii Sheekha, waxaan soo galay
qolkii Sheekha, misana Sheekha nin ajnabi ah ayaa wuxuu gudaha ku barayaa
luuqadda Ingiriiska, wuxuuna doonayaa inuu qaabilaadda bilaabo marka uu barto
wixii uu kula hadli lahaa madaxda safka ugu jirta.
Sheekha waxaan u sheegay inaan muddo maalmo ah u joogay banaanka xafiiskiisa
sidii aan ula kulmo, wuxuuna iigu cudurdaartay "walaaloow tarjumaanadii baan ka
shakinay, waxaan go'aansaday inaan si koorso deg deg (Intensive Course) ah ku
barto luuqadda Ingiriiska oo aan wax dambe la ii tarjumin, waana hawl qaran"
Waxaan ka codsaday inuu iga ogolaado inaan dhaxgalo isaga iyo Sheekhii ay
iskhilaafeen, wuuna iga yeelay, laakiin wuxuu shuruud ka dhigay in heshiiska ay
qeyb ka ahaato Eritrea haddii la doonaayo in uu meel maro.
Waxaan la fajacay inta dhib ee aan u maray Sheekha la kulankiisa iyo inta
dimpolaasiyiin banaanka u taagneyd iyo ... luuqadda Englishka.
Sidii ayaan kaga soo ruqaansaday dhankii Xafiiskiisa, waxaana iska soo
xaadiriyey Xaruntii Sheekh Shariif si aan ula kulmo isagana oo aan uga raadiyo
nabad.
Sheekh Shariif ma laheyn xafiis oo wuxuu si KMG ah u deganaa Hoteel, isla
hoteelka ayuu hawshiisa qaran ku watay, wuxuuna dadka ku qaabilayey fadhi yar oo
qolkiisa qeyb ka mid ah yaalay.
Markii aan imidba waxaan xogheyntii u sheegay in aan ahay NABAD-JIRE doonaaya
inuu Sheekha la kulmo, layma daahine waa la ii gudbiyey, waxaana ugu soo galay
qolkii uu ku jirey.
Weji furan ayuu igu qaabilay, waxaa qolka kula jirey nin Carab oo gashan koofid
uu ku sawiran yahay calanka dowladda Qadar, carabku wuxuu Sheekha tus tusaayey
Album sawiro ah oo ay ku jiraan madaxda reer galbeedka iyo xulufadooda Carabta.
Albumka korkiisa waxaa ku qornaa qoraal English ah oo u dhignaa "You are either
with us or with them!!!"
Sheekh Shariif ayaan codsigeyga u bandhigay, laakiin wuxuu igu dhahay "haddii
aad ka soo dhameysato Axmadu Walad Cabdalla anaga waxba kama qabno, nabadda waan
kaa qaadanaynaa".
QEYBTA 2-AAD
Qeybta labaad ee cajalka waxey ka bilaabaneysay Qanyare iyo Muuse Suudi oo
taleefoon ku sheekeysanaaya.
Qanyare oo la yaabay khilaafka ka dhax aloosmay labada Sheekh ee isaga iyo
asxaabtiis kol hore ka qabsatay Muqdisho ayaa taleefoon ku wacay Muuse Suudi
wuxuuna leeyahay "Muuse ka waran wadaadkii iyo cayaalkiisa waxa ka dhax dhacaya,
waan dareemayey in CIA aysan ku sabreyn in anaga nalaga adkaaday oo qura,
hadeertan waxaan fahmay in dhamaan danley la wada yahay oo qof mabda' lagu
raacaay uusan jirin"
Muuse Suudi ayaa ugu jawaabay "Kuwaan armey na siraayaan oo aysan khilaafka
runtooda aheyn" Qanyare oo khilaafka ku raaxeysanaaya ayaa intuu koob kafee ugu
jirey soo qaaday si haaneed lehna u kabooday wuxuu yiri "Walle waa ka dhab,
waaba xarfaan kuwan, anagaa fahmi weynay maahee waa raggedii...!!!"
Muuse Suudi wuxuu hadlakiisii ku soo koobay "Mineey xarfaan yihiin Bashiir Raage
ayey isfahmi lahaayeen"
Qanyare oo ku raaxeysanayey hadalkii Muuse ayaa wuxuu la sara istaagay qosol
dheer oo sababay in xildhibaano hurdaayey oo ay ka mid ahaayeen Salaad Cali
Jeelle iyo Cumar Finish soo kacaan.
Jilliinka xigay qeybtan wuxuu ahaa Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Md.
C/Rasaaq Xaaji Xuseen oo ku dul ooyaaya qabrigii Madaxweynihii hore ee
Soomaaliya Aadan Cadde dushiisa Allaah ha u naxariistee.
Aniga C/Rasaaq Xaaji Xuseen aqoon uma laheyn, laakiin waxaan weydiiyey "adeer
maxaad halkaan ugu oyneysaa?" wuxuuna iigu jawaabay "ninkan wuxuu igala dhintay
fure muhiim ah, markii uu noolaa waan hilmaansanaa, laakiin markuu dhintay ayaan
soo xasuustay, hadeerna iima soo noqonayo".
Jilliinka xigayna wuxuu ahaa nin Australian ah oo u shaqeeya hay'ad ka mid ah
hay'adaha gargaarka oo duceysanaaya, wuxuuna leeyahay "Ilaahoow Soomaaliya nabad
hasiin ilaa aan guri raaxo ka dhisto magaaladda Melbourne"
FILLIMKAN QEYB MUHIIM AH BUU LAHAA OO LAGU JILAAYEY MADAXTOOYADA.
Jilliinkan waa ay igu adkaatay in aan galo madaxtooyadda, waayo dhinicii aan is
iraahdo ka soo gal waxaa qori kala soo jeeday askari itoobiyaan ah oo
difaacanaya Madaxtooyada, irrideeda waxaa ku qorneyd Soomaali "No" Itoobiyaan,
Ugadhees iyo Burundi "Free"
Gudaha madaxtooyada waxaa ka socda hawlo kala duwan, qeybta ugu horeysa marka
ganjeelka laga soo galo waxaa lagu tababarayey dhallinyaro Itoobiyaan ah oo ku
lebisan darees ciidan, waxaana la baraayey sida meelaha ay dadka rayidka ahku
badan yihiin madaafiicda loogu garaaco, mar marna si baroobo ah ayey dhanka
Suuqa Bakaaraha ugu tijaabinaayeen qoriga BM-ka.
Gadaashooda waxaa joogay saraakiil Soomaali oo Janaraalo ah iyo rag wasiiro ka
ahaa TFG-dii Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo cunto u karinaayey askarta
itoobiyaanka ah ee tababarka u socday.
Saraakiishaasi waxaan ka aqoonsaday General Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Ismaaciil
Buubaa.
Qeybtii xafiiska madaxweynaha ee uu fadhiisan jirey Madaxweyne Maxamed Siyaad
Barre waxaa laga dhigay baar weyn oo ay ka cunteeyaan niman caddaan ah oo dharka
ay ku lebisan yihiin ay ku qornayd CIA, FBI iyo MI6.
Dalabka qadada maqaayadaasi laga helaayey waxaa ugu qaalisnaa hilbo iigu muuqdo
lugo iyo gacmo caruur ah oo dhaylo ah (hilib dad), kuwaas oo lagu iibinaayey
qiimaha ugu sarreeyey.
Maqaayadan waxaa kookayaal ka ahaa Maxamed Dheere iyo Cabdi Qeybdiid, waxaana
kabaryeeriyeyaal ka ahaa Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere), Jeneraal
Moorgan iyo Sheekh Aadan Madoobe.
Calooshaa i hurtay markaan arkay hilbihii caruurta oo lagu qadeynayo, waan
yalaalugooday, balse ma hunqaacin.
Qeybtii hoyga madaxtooyadda oo ay ku jiraan C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde
irideeda waxaa joogay Jeneral Darwiish oo kabo caseysanayey.
Gudaha qolka C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde waxey aad ugu mashquulsanaayeen oo
fiirsanayeen filimka kartuunka ah ee (TOM and JERRY), waxeyna ku murmayeen
"anigaa JERRY ah iyo ma tihide anigaa ah", waxaana aktooda fadhiyey Axmed
C/Salaam oo u tarjumaayey wixii hadba Mukulaasha iyo Dooliga filimka jilaaya ay
iskula hadlaan.
Jilliinka iigu yaabka badnaa ee cajalkaasi ku jirey wuxuu ahaa qaar ka mid ah
madaxda muqaawamada ee ku sugneyd gudaha dalka, waxey yeelanayeen shir deg deg
ah, waxeyna ku shirayeen duleedka magaaladda Muqdisho iyagoo ka wada xaajoonaya
hadladii ka soo kala yeeray labada Sheekh ee ugu sarreeyey muqaawamada.
Mid ka mid ah raggii Muqaawamada hogaankoodii ahaa ayaa wuxuu kooxdii kale
weydiiyey su'aal, wuxuuna yiri "madaxdeena way is khilaafeen ee anagana ma
haddaan is khilaafnaa oo kala baxnaa mise markaan iska dhicino ciidamada Copy-ga
ah ee dhowaan la keenay ayaan kala baxnaa?"
Nin ayaa ku jawaabay "hadaan hadda iskhilaafno waa nalagu kala tagaaye, intaan
iska deyno nimankaas hoteelada qaboow ku jira warkooda maku heshiinaa in aan
dhisano isbaheysiga dib u xoreynta garabka Muqdisho?"
Meel gees ah ayuu Abuu Mansuur gacanta ka taagay oo yiri "anaga haddaan nahay
Al-Shabaab awalba kama mid aheyn wax la yiraahdo isbaheysi dib u xoreyn, haddii
uu jihaadja dhab idinka yahayna waxaan idinku boorinayaa dhamaantiin in aad
anaga nagu soo biirtaan"
Hadalkooda marna wuxuu noqonayey muran marna degganaan ayey ku wada hadlayeen,
waxaana laga carooday "nagu soo biira"
Inta ay doodahaasi kulul yeelanayeen kooxda muqaawamada ah waxaa meel geed
hoostiisa ah oo u dhaw meesha uu shirka ka socday fadhiyey oo ooynayeen Sheekh
Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey iyo Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ku
calaacalayey "Ma hadduu jihaadkii isu rogay kursi doon?" si dhakafaar ah ayeyna
dhabanada u heysteen.
Iyadoo aan waxba lagu heshiin oo weli doodu tahay "Yaa haray oo hadlaaya" ayaa
waxaa bilaabatay Xabad, waxaana laba jiho ka soo weerareen ciidamada Dowlada
KMG-ka ah oo soo maqlay in ay Muqaawamadii shireyso, sidii ayeyna kulligood ku
galeen dagaalkii, iyagoo aan heshiis ka gaarin qodobkii ay ka shirayeen,
welibana isku af garan magaca lagu dagaalamayo iyo SHEEKHA-KOOXEEDKA laga amar
qaadanayo.
Qeybta ugu dambeysa filimka ayaa wuxuu ahaa meel u ek xerooyin ay ku nool yihiin
dad qaxooti ah, waxaana ka muuqday dhawr qofood oo feero qaawan, macluulsan,
misana daruufta heysa darteed aanu jirin mid u jeeda midka kale.
Dhinacyada Kaamka waxaa ku yaalay qabuuro ay ku sharaxan yihiin tabeelayaal
hay'adeed, waxaana ku qornaa tilmaamo ay ka mid ahaayeen QABUURAHA WFP,
QABUURAHA UNDP, QABUURAHA UNICEF, QABUURAHA MSF, QABUURAHA CARE INTERNATIONAL,
QABUURAHA DRC, QABUURAHA JUUJ WA MAAJUUJ, QABUURAHA HUMAN RIGHTS-KA, QABUURAHA
LOCAL NGOs iyo kuwo kale.
Inta uusan dhamaan filimka ka sheekeynayey SIRTA KHILAAFKA waxaa jira tabeello
weyn oo xayeysiin ah, waxaana ku qorneyd "WAA BEEC, WAANA KIRO" waxaana hoosta
tabeelaha ku sawirnaa Soomaaliya oo loo kala gooyey sedax meelood, laba meel oo
kiro loo rabo iyo meel beec ah.
Dhanka badda waxaa is daba taxnaa maraakiib la iigu sheegay in ay wadaan dadkii
Soomaaliya u dhashay oo loo daabulaayo Jaziiradaha la kala yiraahdo (SILAC iyo
QUUS)
Ugu dambeyntiina waxaa ku qornaa isla baaqii uu doolliga diraayey oo ahaa
NABAD-JIRE NOQO OO DHAXGAL LABADA SHEEKH.
Waxaan laba jibbaaray dadaalkeygii aan ku raadinaayey nabadda, anigoo is leh bal
orodka badi ayaan raacay duulimaad, intaan cirka ku maqnaa ayaa meeshii aan ka
duulay hortey baddii ku soo fatahday (dilaacday) dhulkiina bad ayuu noqday, meel
aan ku soo dego ayaan waayey, aad ayaan u naxay, ka dibna naxdintii ayaan
hurdadii kaga soo toosay.
Hal dhib baa jira, haddii aan hurdadii ka toosay ma hayo hawsheydii
NABAD-JIRE-NIMO, haddaan hurdada ku laabtana ma leh dhul aan ku soo dego oo aan
hawshii ku wado, dhulka aan soojeedka ku heystana kama maarmo, hawsha aan
hurdada ku dhaxwadayna waa muhiim.
Akhristayaasha ayaan laga sugayaa jawaabta qormadan...
Wixii talo iyo dhaliil ah...
abukar.albadri@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan