SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ASMARA GAR LEH

Dhihi maayo siddii Maxamed Ibraahim Cigaal uu yiri markii isaga iyo ciidamo Tuur taabacsani ay ku dirireen Waqooyiga waa laba mashruuc, dhihi maayo siddi Suldaan Axmed Cali Guuleed guriga Suun Dhurwaa sokeeyaha iga galaye ma galeen, dhihi maayo sidii Cabdulaahi Fiidoow Cali gar leh, Caydiid gar leh, waxaanse leeyahay Asmara gar leh waxaana ku cadaynaya faaladan hoos ku qoran

1- sharcigii iyo suluxii yaa dilay?

2- Xilka sheekha yaa ridey?xageese u danabyn?

3- U ekaa macnuhu

SHARCIGII IYO SULUXII YAA DILAY?

Ma gole dhexe u soo bandhig la,aantii shirarkii Sheekh Shariif gooni u galay ee ka dhacay dalka Qadar, Masar iyo Kenya dilay dastuurka mase xilka qaadista maanta?,ma jabintii qodobka dastuurka isbahaysiga ku yaal ee ah lama qaabili karo kooxda doofarey ilaa Itoobiya dalku ka baxaya dishay dasturka mase xil ka qaadista maanta?ma saxiixi Jabuuti dilay oo ay ku jiraan waxyaabo badan oo xitaa iska daa dastuurka isbahaysigee ay ku jiraan wax yaabo ka hor imaanaya diinta mase xil ka qaadista manta dishay ? Mase go,aanka Asmara Sheekh Shariif xilka looga qaada dilay, kaasoo lagu jabiyey qodob oranya saddex ka laba ka yar ilaa la helo xilka lama qaadi karo?

Aniga waxay ila tahay qanuunkii wax lagu dhisay iyo mabaadiidi halgankaba ragga Jabuuti baa dilay ragga Asmara galiin, qaylo dhaan iyo nasteexayn kadib bay jabiyeen qodob dani ku kaliftay.

Suluxii cullimadda guduhu waday waxa isaga toos u jabiyey ragga Jabuuti waayo maalintii koowaad ee Sheekh Shariif Jabuuti ku soo laabtay waxuu xubnaha Jabuuti jooga qabteen shir ay ku ansixinayan qodobadii heshiiskii Jabuuti, taasina waxay ku tusinaysa inay shax bulshadda caalamku u soo dajiyeen wateen ee aysan tixgalin wixii lagu soo gaarey Sanca.

Inay xaq iyo baadil isku barxeen looga gar leh Jabuuti, inay sharciga asal ahaan ujabiyeen looga gar leh Jabuuti, in xitaa go,aanka ay soo qaadeen uusan ka hir galayn bulsho caalam looga gar leh jabuuti, inay talo wadaag ka doorteen kali talis looga gar leh jabuuti, , xagga daliilka diiniga marka la fiiriyo looga gar leh Jabuuti , xitaa caqli marka lagu eego luuqada iyo qaabka shirka jabuuti u qoran yahay looga gar leh, in heshiiska jabuuti yahay mid u hiiliniya yeeydii gumaysiga keentay ee C/laahi u horeeyo looga gar leh.

2- XILKA SHEEKHA YAA RIDAY?XAGEESE U DANBAYN?

Ma garab markii sharcigaa riday?ma dhalanteedka bulshadda caalamku ku hodeen baa riday?ma gartii Sancaa riday?ma dulmi laga galay riday? Ma reer Asmara ridey?

Anigu waxaan qabaa reer Asmara sabab unbaa looga dhigay saddex arrimood baa sheekha xilka ka qaadey, tan koowaad waxay tahay wixii lagu heshiis ahaa buu garab marey iyadoon talo galin jirin ,xilkii loo igmadey ee Alle dartii umaddu ku aamintayna waxuu ka door bidey gurbaan dhalanteed ah oo cadowgii umaddu u garaacay waa bulshadda caalamkee tiiyoo ay waliba jirto in karaamadiisu badbaadi lahayd haddii Itoobiya hadal lagu bixiyo balse taasi waa riyo maalmeed xaqiiqda ka fog, waxaan kaloo qabaa raggii sharafta badnaa ee Sanca dhexdexadinta ku qabtay xilka sheekha iyagaa ridey waayo laba wadaa fureyd sheekoow waad qaldantay ee ka soo laabo qaladka inay yiraahdan, iyo inay yiraahdan xitaa hadey qalad tahay xal baan u aragnaye ha la raaco oo ay ragga kale xukmiyaan, balse taasi ma dhicine heshiis dad kale kala dhexeeyey sulxiyeen..

sheekha wax dulmi ah lagama galin marka laga reebo waagii uu shirarkuu ku soo galay dalalka aan kor ku soo xusay qarsadey intaan Nayroobi dhicin baa rag xoooga dowladda Eretareya qaniinsiiyen. Halgankii Siisii ka soo bilowday riyadii bulshadda caalamka jabuuti buu ku soo afjarmay, Hadraawi baa gabay kiisa waxaa ku jiray ‘maxaa degdeg wiil ku yimid dusheeda ku foos burburay’

Aniga waxay ila tahay ragga Shariif hor kacayo afar midkood bay noqon in ay hankooda ah in Itoobiya war lagu bixiyo ay ku guulaystaan taasina keento xisbi siyaaso ahaan najaxa inay noqdaan wallow aysan aniga ii muuqan in arrintaasi dhinaca bulshadda caalamka ka suurtoobayso, in atooraha killinka lixaad xilka la qaybsadaan sidda ay shaxda bulshadda caalamku u dagsadey taas hadey ku dhacan waxba ka duwanaaan maayan kuwii horey gumaysiga u raacay, taas hadey diidan waxay noqon doonaan xisbi siyaasi ah oon wax saameyn ah ku lahayn ciidanka , waxase laga yaaba qaybaha hubaysan ee aragtidooda ka mid ihi inay culays ku saran inay garab hubaysan noqdaan ,inkastoo arrintaasi ay diidayso xiriirka ay la leeyihin bulshadda caalamka oo u diidaya inay noqdaan garab dagaalama,sidoo kale waxaa u didaya inay noqdaan garab dagaalama godadkii ay wax ka heli jireen waa soo xirmayaan maadama ay garab mareen wadadi jihaadka, ama aan dhaho dowlad sidda Ereteya dhinaca saanada ka taageraysa ma jirto, waaxase war ka jooga beelaha si dhamaystiran cududoodi ula raacay inay ku dhici doonto wixii 1991 ku dhacay oo ahaa in caqliga iyo cududooda kala tagaan cudududana ay dib ugu laabato raggii diriraya iyagoon wax talo ah ku lahayn .

U EKAA MACNUHU

U ekaa inta kale noo daa ee xoogaan hubaysan kala furtii ina Caydiid la yiri oo xitaa sidda xanta siyaasaddu sheegto uu ogaa markii Itoobiya Baydhabo ku soo duulay SNA dii joogtay, maanta abaal marinta siyaaso ee uu ka helay qof walboo macnee, u ekaa inta kale noo daadii Caato lagu yiri ee Caydiid meel saar ee markii Caydiid dhintay kaar casaanta la siiyey ee xitaa aan cadkii walaalki dille loo diidey, u ekaa markii Geedi xilka codod looga qaadi waayey ee la yiri inta kale noo daa anagaa xilka Cabdulaahi kuu dhiibaynee adigu kan ka tanaasul oo uu maanta wali hadalkaa afkaa ku sugayo Nayroobi, manta sow madaxdii muqaawamo lama oran inta kale noo daayee saxiixa heshiiskan, markay saxiixeen dhabarka loo jeediyey ,sow lama oran garabkan xagjirkaa ka taqalusa inta kale noo daaye, u ekaa dhamaadkii wareysi uu siiyey ra,isul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayuu ku yiri ,’Soomalidda wadaniyadda ku yar, maanta hadaan isu wada raacno riyadda Jabuuti waxuu dhihi lahaa Soomalidda diintu waa ku yar tahay. [wareysiga ZANAWI WAXUU DHACAY DHAMAADKII 2007, WAXAANA LA YEESHAY JARIIDADA NEWSWEEK EE MAREYKANKA KA SOO BAXDA.]

Gabagabdii dad badan baa maanta ka muragaysan halka qilaafku gaarey iyo saameynta uu ku yeelan karo halgankii umaddu ugu jirtay xornimadeeda inay helaan, aniguse maanta ma nixine horaan u naxay markaan arkay rag loo xil hayey falalkay ku dhaqaaqen, waxaana qabaa xal haddii la rabo kow waa inay gabi ahaanba shirka fashilmay ee Jabuuti daba socoshadiisa laga tanaasula , kadib wax kastoo isaga ka dhashay waa dhamaan, waxaan kaloo qabaa guud ahaanba ha la badalo qaabka isbahsigu u dhisan yahay hana laga dhigo gole wadani oo xubnihii baarlamanka , qurba joogta iyo siyaasiyinta kale ee Soomaaliddu leeyihin, golihii maxkmadahana siddisi ha loo soo celiyo oo laba Sheekh midba xilkuu hayey ha qabto, kadib haddii ay rabaan wada shaqayn ha yeeshen ama gudoomiye guud ha samaysteen, gar aan xaq ahayn ee insaan lagu raali galinayo ama xaq daro loogu garbaynayo arrin ku xalis mayso ee yaan umadda la jahwareerin.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com

:::CAANA-GEEL U KAADI. | Qoryooley

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

:::SARBEEBTA SANCA IYO SEERIGA XOGHAYAHA GUUD | caanageel

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS