SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WARQAD FURAN KU SOCOTO URURKA DANLEYDA SOOMAALIYEED EE CASMARA IYO JABUUTI           

Waxaan ugu horeeyn u tacsiyeeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogtaba, intooda ay daacada ka tahay halgankii Dib-u-Xoreynta ee wejiyada badnaa. Halgankaasoo inta waday iyo inta taageersanayd ay war isu hayn, oo qoloba si ugu fasirneyd. Sidoo kale waxaan u tacsiyeeynayaa agoonta Soomaaliyeed ee aabayashood ay ku dhinteen Alle waxaan u weydiinayaa inuu ka aqbalo waxay dalbayeen, sabir iyo iimaana uu ka siiyo intii ay ka tageen. Waxaa la yaab leh kuwii baday dhibaatadaan baaxada weyn shacabka Soomaaliyeed afkana ugu ridey amxaar in ay maanta u dhaqmaan sidii calooshood la cayaarkii 17ka sano umadan haligay ee ahaa hogamiye kooxeedyadii aafeeyey ummaddan. “Amxaaraa iyo asxaabtoodaa lala heshiiyey---sheikh sharif ayaa qalad galay, sheikh xasanaa qaadan waayey----sancaa lagu dhexdhexaadinaa---jabuutiyaa shirkii sanca lagu ansixinaa---xaramkaa heshiis lagu saxiixaa----qoladii asmara ka biyo diidey—sheikh shariifaa xilkii laga xayuubiyey---sheikh Xasanaa gudoomiye loo doortay—!!!!!!!!!!!!!!!!!. Alla maxay dhegaha ummaddan wareersan qaabdaro ka dheregtey.

Hadaan u soo dhaadhaco warqadan ku socoto ururka dibuxoreynta Soomaaliyeed oo runtii dibuxoreyn aan meesha lagu heynin ee la oran karo DANLEYDA SOOMAALIYEED, ma been baad noo sheegeyseen shalay markaad diinta huwanaydeen, mise masraxa siyaasada ayaad ku soo koreyseen, ma iloowdeen intii ku nafweysey manhajka aad dadka u sheegeyseen, ma iloowdeen in maanta ay jiraan boqolaal kun oo aad buulkooda ka saarteen inteydaan imaana harka ku jirey, ma iloowdeen diinka aad dadka u sheegeyseen in uu idin qabanayo hadaad ka been sheegtaan, hadaad idinka raaxo ku nooshihiin waaba ognahay inaad ku nooshihiin oo ilmihiina iyo xaasaskiinu ay carabaha ku tamashleeyaan iyo casmara iyo jabuuti, ma ogtihiin in ummad ey keynta ku nooshahay oo col (amxaar+copy Amxaar), gaajo iyo hoy la’aan ay la hiinraagayaan. Koleey xoolo kiina ah iskuma heysataan qof aad dan u heeysaana ma jiree walaalayaaloow ama culimadii horaay ee u xuubsiibatay siyaasiyiinta ummaddaan ha haligina ummaddaan, dhibaato intaas ugu filan ee laba kala doorta;              

A) Ka run sheega wixii aad dadka u sheegi jirteen oo qilaafkana joojiya, wax kastoo isku feker laga aheyna u celiya sunnada nabigeena salalaahu calayhi wasalam. Tana cashar ha idiin noqoto, ogaadana halganka wuxuu eersaday  danleyda aad jaalka la noqoteen ee indha xumo idilkeed soo taagnaa hadana durbaanka idiin tumaya, casmara ha joogeen ama jabuutiyee

B) Haday idinku adagtahay walaalayaaloow idinkoo ummaddan u turaya, dhibaato kalena aan u horseedeeyn isaga hor wareega intii hartay ha tashatee.

Sidoo kale xarfaanta taqasuskoodu yahay qilaafaadka iyo kala taga, ee weligood soo taagnaa meel kastoo marin habaabin ka jirtay mustaqbalkooduna yahay macaash iyo magac aan meel munaasab ah laga raadineyn (baarlamaanka xoorka ah), fadlan u tura shacabka dan daraysan, koley hadaad u tureysaan maydnaad ogolaateen in amxaaro wadanka qabsato.

Rijaasha gudaha joogtana waxaan leeyahay yeeysan idin saameeyn qilaafaadkan ogaadana idinkaa xalin kara waayo awoodiina waaye waxa lagu gorgortamayo una hogaansama hogaankiina gudaha jooga, iskana fogeeya kuwa dhexdiina tafaraaruqa ka abuuraya ee had iyo goor iska hadaaqa jecelna in la kala tago’un.

Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay ha niyad jabina, imtixaankaan waa laga baxayaa oo nasrigu waa dhowyahay, xaqana u hiiliya, dadku wuu diriri jiraye, oo dabadeed heshiin jiraye.

Wabilahi towfiq

Qore:Mohamed Dahir Farah
mdflife@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS