SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Khilaafku goormuu Dhammaanayaa Shacabkuna ay Nabad helayaan?


Su'aashani waa mid uu qof waliba is wediiyo maalin walba hase ahaatee noqotay fajaciso soo noqnoqota oo aan lahayn jawaab rasmi ah maxaa wacay haddii Kacdoonkii ugu rajada wanaagsanaa ee ka dhashay Midowgii Maxaakiimta Islmaanka iyo Isbahaysigii Dib u Xoraynta ee Dalka ay is Khilaafeen Shacabkani kumaa u maqan? runtii raxmadda lagama quusto laakiin rajada laga sugayey iyo lama filaanka ku yimi iyo Khilaafka ka dhex abuurmay Hoggaanka sare ee Midowgii Maxaakiimta Islaamka waa mid aan la filayn waxayse guul u tahay Cadowgga Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Maxaysatada ee Itoobiya.

Haddaba, maxaa la gudboon inay la yimaadaan labada dhinac ee uu Khilaafka u dhexeeyo ee hore isku mowqifka ahaa ,marka hore inay isla gaaraan go'aan midaysan oo lagu badbaadinayo Shacabka ay Codkooda ku hadlayaan ee ah Ummadda Soomaaliyeed ee maanta ku sugan Xaalad murugsan aysan haboonayn inay is khilaafaan ama iska horyimaadaan , marka labaad inay joojiyaan wararka dhaadheer ee ay ku faafinayaan Saxaafadaha Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaanibta ah iyo uusan uga faa'idaysan warxuma tashiilka iyo Cadowgga Ummadda Soomaaliyeed ,Tan seddexaad inay raali geliyaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed oo ka Murugsan Xaaladan Siyaasadeed ee Janjeedha ee ku timi Hoggaanka Sare ee Dib u Xoraynta Dalka iyo Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa wuxuu kaloo hammi ku abuurayaa Qabqablayaashii Dagaalka ee Calankoodii dhacay oo doonayo inay dib ula soo noqdaan awoodoodii la wiiqay muddo laba sano ka hor haddaba u dhimrinta Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah waajib kaddib markii aanu aragnay Xaaladda Murugsan ee Dalku ku sugan yahay ,ayaannu waxaannu u soo jeedinaynaa dhammaan Dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya inay isu Tanaasulaan maadaama ay Ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Dalka Soomaaliya muddo imminka inaga xigto laba bilood ,lana joojiyo Xabadda ay ku la'anayaan Dadka raydka ee aan waxba galabsan Maatida iyo Carruutana la badbaadiyo ,Diinta Islaamku waa Diin Nabadeed ee ma aha Diin Dagaal iyo Collaytan "Suluxu waa khayr "ayuu leeyahay Alle raxmaan Quraanka dib u eega.

"Dagaal Wiil kuma Dhasho ee Wiil baa ku Dhinta " Haddii Dadkii laga sugayey nabadda ay iyagu is baacsadaan kuwee baannu Nabada ka sugaynaa? Soomaaliyeey horumar ma gaarayno ilaa keenna Khaldani aanu qabano Dalkeenuna ma Xoroobayo weligii Qof waliba waa inuu ku dadaalaa sidii Nabad loo gaari lahaa kaddibna la dhisaa Dowlad loo dhan yahay oo Caaddil ah oo Dalka ku Xukunta Kitaabka Alle , Khilaafkani wuxuu awood sii siinayaa inay DFKMG ahi la doorto muddo Shan Sano kale oo hor leh taasina ay noqoto in Dalka laga waayo nabad iyo Xasilooni buuxda ,haddaba waa inay Isbahaysigu si deg-deg ahi Xal ugu helaan Khilaafka dhexdooda ah si ay awooda ula Qaybsadaan DFKMG ah ee Soomaaliya maadaama ay ogolaatay inay ka saarto Dalka Ciidamada Itoobiya ee Cadowga ah.

Sidaa darteed, aragtida maqaalkani waa mid aannu ku turxaan bixinayno khilaafkan soo wajahay Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka iyo Madaxda Sare ee Maxaakiimtii Islaamka ee Soomaaliya waxaana wanaagsan in marka hore ay Alle u noqdaan ogaadaana inay Mas'uulka yihiin Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan kalsoonidaasina ay ku heleen Xilkii iyo Dadaalkii ay u galeen Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed darteed howshiina weli waa qabyo ma dhammaan Dalkii weli Gumeysi ayuu gacanta ugu jiraa ,haddaba waa inaad Midowdaan Xaq dhowrtaan Shacabka Soomaaliyeed oo Kalsoonida idin siiyay kuna dadaashaan sidii aad Shacabka u Badbaadin lahaydeen.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS