SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Isbahaysa Dibuxoreynta Soomaaliyow: Midooba

Waxaa hubaal ah qof kasta oo fakartoosan lihi uu dareemi karo dhibaatada uu leeyahay khilaafku. Ayadoo taasi jirto ayaysan sinaba macquul u ahayn in uu idin soo kala dhex galo khilaaf nooc kasta oo yahayba. Maanta xilligii la is qabqabsanlahaa, oo la wada murmi lahaa ama la isku farfiiqi lahaa lama joogo. Maanta waa markaan midoobi lahayn oo aan noqon lahayn ul iyo diirkeed oo aan isku geyn lahayn maskaxdeena, maankeena, iyo maalkeena sidii aan dib ugu xoraynlahayn dalkeena-sida magaciinuba ka turjumayo- oo uu ku soo duulay cadow aad u foolxun, kaas oo adeegsnaya damiir laawayaal ka arradan damiirka suuban, kuwaaas oo sheeganaya magac soomaalimo.
Maanta waxaa lagu jiraa marxalad aad khatar u ah.

Ma qaadanayo dadka soomaaliyeed wax dhalin kara madmadow idin soo kala dhexgala.Mana filayo inay idinka qaadanayaan cudurdaar ama sharaxaad kasta oo aad isku daydaan inaad ku sababaysaan khilaafkiina.

Waxaa wax aad looga xumado ah inuu maanta qaarba qaarkiin kale ku tilmaamo sifooyin xun, sida khiyaamo qaran iwm. Ama in qaarba qaarka kale eeda dusha uga tuuro sidiiyo darajo ku helayo.

Waxaa loo baahanyahay inaad qiimaysan xilliga lagu jiro , waa inaad ka fogaataan wax kasta oo idin kala geyn kara una guntataan inaad fikradiina ka adhigtaan sidii mid ka soo fushay hal qof. Waa inaad isu garowdaan, waa inaad tixgalisaan walaalnimadaa, soomaalinamada iyo danta guud. Waa inaad mar walba xisaabta ku darsataan in khilaaafkiina uu ku farxayo cadowgeenu uuna caloolxumo iyo naxdin ku abuurayo ummadeena.

Hadalka waxaan ku soo koobayaa walaalayaal midooba oo noqda kuwo isku duuban sidii ay yeeleen geesiyaashii SYL, waa geesiyaashii hilmaamay wax kasta oo ku sal leh aniga, reer hebel ,iwm. Una horay naftooda qaaliga sidii ay uga tuuri lahaayeen dadkooda heeryada gmayasiga. Waa kuwii u diyaar ahaa in fideeyaan naftooda dalkooda iyo dadkooda(akhri taariikhda SYL :Dhacdadii markii Cabdullaahiu Ciise la yiri waa la talaalayaa). Walaalyaaal waxaa loo baahanayahay samir badan iyo dulqaad. Waxaa loo baahanyahay inaad tusale ka dhigaataan geesiyaashaas baalka dahabka ka galay taariikhdeena. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu idinka dhigo kuwii midooba oo ka digtoonada dhagarta cadowga, oo aad noqotan kuwo tusaale fiican u noqda ummadooda.Aamiin
Soomaaliya guul , midnimo.

C. Aadan
calisomali@live.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 27, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS