SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jendayi iyo kuwa Jibuuti Jooga (Ashadaaho-ka-dirir) oo isku Jaal Noqday 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Markii Tigreega lagu soo fasaxayey Soomaaliya toddobaadyo ka hor waxay Jendayi Frazer iskaga kala goosheysay Itoobiya, Baydhabo, Kenya iyo meelo kale. Maalmo ka hor qabsashadii Tigreegu qabsaday Xamar waxay joogtay Baydhabo. Haddii la-jirka Jendayi meel lagu gaarayo waxay markaas la jirtay korneyl C/hi waxayna ka soo horjeedday sheekh Shariif. Hadday Jendayi tahay halbeegga xaqa markaas waxaa saxsanaa korneyl C/hi waxaana khaldanaa sheekh Shariif. Hadda waxay la jirtaa sheekh Shariif waxayna ka soo horjeeddaa sheekh Xasan Daahir. Haddaba su’aasha la is weydiinayo waxay tahay ma Jendayi baa usoo jeesatay in dadka Soomaaliyeed loo badbaadiyo diintooda, dalkooda mise qolyaha Jibuuti jooga baa ka raadgatay wixii dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed xeerin jireen? Jawaabta qof walba waa u caddahay.  

Weraysigii ay BBC-du la yeelatay haweeneydaas waxay ku eedeysay oo kaliya “Ash-Shabaab”. Markii weriyuhu weydiiyey dhibka Itoobiya ku heysto shacabka Soomaaliyeed waxay ku jawaabtay in ciidanka Itoobiya la mid yahay dadka kale? Sheekh Shariif laftiisu wuxuu eedeeyey Eritereeya. Been maaha in Eritereeya dan ka leedahay dagaalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya laakiin waqtigaan la joogo waxaa nooga daran Itoobiya. Qofkii Soomaali sax ah waa ogyahay ineysan Eritereeya xudduud nala lahayn sidoo kalana aysan dhul iyo dad naga heysan. 

Shaki iigama jiro in haweyneydaasi ogeyd markii CIA ay lacagta siineysay dagaaloogayaasha si ay usoo xirxiraan culumada Soomaaliyeed. Weli waxaa maamulka Maraykanku dabosocdaa qorshihii ahaa Ashahaado-la-dirir. Waxaa diyaaradaha Maraykanku dukheyn u geysteen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa marar badan la sheegay in xitaa hadduu Maraykanku dilo dhowrka qof ee ay marmarsiinyaha ka dhigtaan aysan waxba ka beddeleyn kacdoonka shacabka. 

Jandayi iyo CIA-da waxaad mooddaa iney garowsadeen in taageeriddii dagaaloogayaasha ay khalad ahayd maaddaama raggaas laga nacay Soomaaliya. Hadda waxaad mooddaa in maamulka Maraykanku soo dhoweysanayo kuwa lagu sheego qunyar-socodka si loo ugaarsado kuwey u yaqaannaan “xag-jir” laakiin Soomaalidu u taqaan xaq-jir. Waxaa Jendayi aragtay dad damman oo iska dabojooga sheekha. Dammanayaashu waxay arki jireen sheekha oo Maxkamadaha horboodaya laakiin ma fahansana inuu hadda ka soo horjeedstay ragguu shalay wax ku noqday. 

Horay waxaa loo yaqaannay labo qolo oo middi tahay Ashahaado-ku-dirir (dal-jir/dal-xoreeyayaal) iyo kuwii Ashahaado-la-dirir oon iiga baahneyn sharrax. Hadda waxaa soo baxay kuwan Jibuuti jooga oon u aqaan Ashahaado-ka-dirir. Waa niman ka raadgadanaya wax diin laga ururiyo. Magac jihaad afkooda ma soo marinkaraan. Marka laga hadlayo cidda Soomaali arrinteeda looga dambeynayo inta ilaawaan Rabbigii Caalamka bey ku hadaaqaan Golaha Ammaanka ama UN-ka! 

Hadda waxaa la yaab ah haweeney shisheeye ah baa dhaheysa dadka la dagaalaya gumeysiga Tigreega waa khaldanyihiin oo waxaa saxsan kuwa Jibuuti jooga? Haweeneydaas waxay dhinaca saartay garabka Jibuuti. Yaa aamminsan in Jendayi xaq ku taagan tahay oo dadka halgamayaa ay xaq-darro ku socdaan? Maxay uga soo bixiweyday ballantey ka qaadday ururkii Ashahaado-la-dirirka? Maxay u heysaa ururkan cusub ee Ashahaado-ka-dirirka? 

Ibliis buu ahaa kii ku lahaa Qureysh waan idin la jiraa ee iska cesha nabi Muxamed (SCW). Shaki iigama jiro iney Jendayi jar ka tuureyso kuwa Jibuuti jooga. Sidaan oo kale baan horay ula talin jiray Ashahaado-la-dirirka iney ka haraan khiyaamada qaranka. Allaha u naxariistee C/hi Suldaan Timo-cadde baa laga hayaa: 

  • nin qalbi la’ Qur’aan nin u dhigay Qaaf dheh ku harraadye

Ashahaado-la-dirirku waxay ku fiicnaayeen ma khaldi karin shacabka oo waa la yaqannay laakiin hadda waxaa jira kuwan aan u aqaan Ashahaado-ka-dirirka ee ka raadgadanaya diin iyo wax ku saabsan oo raba iney khaldaan dad yar oo Soomaaliyeed oo meel iskaga dheggen. Waxay u soo qaateen cimaamado iyo qamiisyo. Marka Jendayi ma kala jecla dadka Soomaaliyeed ee waxay rabtaa iney hesho dad ay jaranjaro ka dhigato si loo burburiyo diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Ragga dumarkooda ka dhaarta waa ineysan dhaafin muddo afar bilood ah marka waa iney ka noqdaan ama fasaxaan. Marka hadda adduunkii waa isbeddelay waxaa wax fasaqaya waa Jendayi marka afarta bilood ee Jibuuti markey dhammaato waxaan filayaa in Jendayi siday uga fasaqatay kuwii Ashahaado-la-dirirka 2006-dii muddo ka yar afar bilood in ay ka fasaqandoonto kuwaan Jibuutina markii 4-ta bilood dhammaato. Marka biyaha kuwa Jibuuti jooga lulayaan ama subag dhale ama lulliin dambe looma celiyo! Marka aan dhowrno hadday ku aflaxaan kuwa Jibuuti jooga sheekada Jendayi.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Shirarka iyo Heshiisyo-siyaasadeedka Soomaalida oo laga Naxo (Jibuuti & Yemen) Akhri

Faafin: SomaliTalk.com |  July 27, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS