Gar-qaadID: XAQIIQADA DHABTA AH IYO
XAALADDA ISBAHEYSIGA (Asmara vs Jabuuti)
Naqdin ku Socota Caano-geel iyo C/waaxid
Bismillaahi
Mowduuca doodiisu taagan tahay iminka waa
KOOXDA JABUUTI AYAA GAR LEH IYO KOOXDA ASMARA AYAA JID LEH,
laakiin inta aanan go’aanka noocaasi ah ee ku dhisan RUNNA HA
sheegin beenna ha sheegin aan dul yar guud sameeyo:
Isbaheysiga Asmara lagu dhisay waxaa ku kulmay
Maxkamado (u sii kala baxa qaar aaminsan manhajka Ikhwaanul
muslimiin ama la mida xarakaadka Xamaas, Ikhwaanul Muslimiinta
Masar iwm, qaar kale oo ah salafiya jihaadiya iyo dad caadi ah
oo kheyrka jecel) waxaa kaloo ku jiray qaar dhaanraac ah, Qeybta
Baarlamaankii xorta ahaa la baxday iyo Qurba-joogta, marka guud
ahaan loo fiiriyo isbaheysiga noocaasi ah iyadoo aan lagu daalin
shaqsiyaadka ka midka ah way muuqatay in muddo aan dheereyn
dhoobadaasi kala daadan doonto.
Ugu horeyntiiba waxaa iska beri yeelay xoogaggii
Al-shabaab oo noqday koox gaar u taagan, qofkii aan ogeyn inay
weligood gaar ahaayeen doodani kuma jiro, qofkii aan la socon
inuu ajendahoodu yahay caalami oo Dal, Gobol iyo Qaaradba ay
dhaafeen yaanu is daalin, qofkii inay isbaheysigaasi wax ku
darsadaan ka sugayay ama hadda rajo ka qaba isna wax dhan baa
doc marsane yaanu dibnaha furin.
Khilaafka ay ku kala irdhoobeen Sheekh Shariif
Sh. Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir mar haddii arrintoo dhami ku
dul wareegeyso, sow uma baahna taxadar badan iyo in maqal
islaamkii loo gar qaado ee aan degegtii la wada eeday maalin
waliba dabada la sii heysan.
Ma garatay sababta Sheekh Shariif xuduudda
Kenya looga gudbiyay kadibna magaalada Nairobi loo geeyay oo
halkaas xiriirkiisa dibadda uga bilowday?.
Ma garaneysaa sababta Sheekh Xasan Daahir Doon
uga qaaday Xarardheere uu Casab ku gaaray?.
Ma fahmi karaa sababta aamusisay Xasan Daahir
afkiisuna juuqda u gabay ilaa ay xaajadu timid in go’aanno adag
la qaato iyo heshiiskii Jabuuti?.
Ma garan weysay waxa keenay in Sheekh Shariif
uga dhowaado xubnaha kale ee Isbaheysiga beesha caalamka siiba
Mareykanka, Kenya, Qadar, Masar iyo kuwo kale?.
Ma ku wareertay in umadii kale oo aan kalaam
oran ay afka buqsadeen Sheekh Yuusuf Indha Cadde iyo Sheekh
Xasan Daahir..?
Ma la yaabtaa in Ina Ceydiid, Zakariye Sharif
Salax, Jamac Cali ay wadaniyiin iyo mujaahidiin yihiin Sheekh
Shariif iyo kooxdiisana ay Dhiiggii Shuhadada iibsadeen oo
khiyaamo ku kaceen?!!!.
Ma qososhaa markaad aragto qurba joog Yurub iyo
Waqooyiga America u qaxay kuna nool cayrta dadka Kirishtaanka
canshuurtooda ka timaada oo haddana kuwa dhiiggooda iyo
maalkooda huray ee safka dagaalka caddowga ku jira gar eexasho
ku ridaya ama ijaafeynta oo ugu yaraan kala fogeyntooda ku
howlan?!!!.
Waxaan ula jeedaa qofkii aan maanta xanuunka
jira dawadiisa raadin ee haddana aqoonyahan, xog-ogaal ah
sheeganaya.
Waxaan ula jeedaa ninka ushiisu u jaran tahay
bushiga qeyb ka ah, xilliyadii dagaalada sokeeye iyo fowdadana
saameyn ku yeesheen saa waa qasaare ku shoob aanay maankiisu ku
jirin dan guud dal iyo dad.
Waxaan ula jeedaa nin taariikhda jihaadka iyo
diblomaasiyadda la isku jilaafeeyo uga bilaabanto xilligii Jen.
Ceydiid Xamar qeyb ka mida ka talinaayay een xitaa aan dib u
meerin karin geedi socodkii dheeraa ee umadda Soomaaliyeed siduu
Inj. Maxamed Cali Cibaar ugu iftiimiyay beydadkan:
-
Waa laga xanaaqaa gunnimoo wey
xaraartahaye
-
Sida Gureygii xaqiraad nacee rabay
xuquuqdiisa
-
Sayidkii xawaareynayee Xiinfaniin laliyay
-
Bashiirkii xanuunjiyay Smith ee xisaar
geliyay
-
Xasankii Barsane joogayee xabsiga loo
jiitay
-
Xalanihii xadgudub diidayee Xayle
samirsiiyay
-
Xarbigii Jabuutiyo wixii geesiyo
xijaabtay
-
Iyo wixii xiddigo nuuri jiray xawda laga
gooyay
-
Gobonnimo inaan xajisannaa noo xarrago
roone
Waxaan ula jeedaa nin aan dhiraandhirin karin in
Xamaas-ta Reer Falastiin ay xabad joojin (Hudna) la gashay
Yuhuuda oo haddaba ka socota Daanta Galbeed ayna qeyb ka yihiin
xoogagga ka sii xag jira Jihaad Al-islaami (sida Alshabaabka
Soomaaliya).
Waxaan ula jeedaa Nin aan u kuur geli karin sida
caalamku u shaqeeyo xilligan fircoonka Bush iyo xertiisa toodu
ka socoto oo ka dhego la’ arrinta Iiraan iyo reer Galbeedka isku
heystaan.
Waxaan ula jeedaa Nin aan qiyaasi karin inaysan
ASMARA ahayn dhul Soomaaliyeed Afewerki-na ahayn boqorkii
Xabasha ee Hijradii koowaad ee Islaamka Saxaabadu u hijroodeen,
talow kooxda Asmara halkee ku danbeyn doonaa haddii Yuhuudu
heshiis ka dhex dhaliso, Sow Afwerki kuma oran doono kooxda
Asmara iyo Xasan Daahir sidii Jabhadii Sharqiga ee reer Suudaan
aan idin heshiisiiyo C/llaahi Yuusuf.?!!
Intaas hoga-tusaaleyn iyo hal aan cadeynaayay
haddaan uga gudbo labada dhinac maxay isku hayaan kuna kala
duwan yihiin, maxaase kala heysta oo haddana isla haya aan guda
galo:
KOOXDA ASMARA (Sheekh Xasan Daahir iyo
Sakariye)
Waxay gar ku leeyihiin:
= Inuu cadaadis badan heysto oo qaarkood siiba
Sheekh Xasan WANTED yahay suuragalna aanay ahayn inuu
dhaqdhaqaaqo, taasoo khilaafka qeyb muhiim ah ku leh.
= Inaan lala socodsiin sidii loo baahnaa
tallaabo kasta oo ku soo kororta dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ay
u xil saarnaayeen labada Shariif iyo kooxdooda fulinta.
=- Iyo inaan markii ay qeyliyeen loo dulqaadan
oo midnimada Isbaheysiga laga hor marin wax kasta.
Waxay ku khaldan yihiin:
= Inaysan go’aanada heshiiska la galay ku sugin
Golaha Dhexe oo awood Labaabnimo ah ay adeegsadeen.
= Inay diidaan xal kasta oo aan ahayn xabbad.
= Inay aflagaado ka soo yeerto xubno waaweyn
sida khiyaamo ay galeen laba Shariif iwm.
= Inay degdegaan ilaa ay xil ka qaadis
sameeyeen iyagoon gaarin xadkii Salaad Jimco ku xirmi lahayd.
KOOXDA JABUUTI (Sheekh Shariif iyo Shariif
Xasan )
Waxay gar ku leeyihiin:
= Inay heshiisyo ku geli karaan kuna saxiixi
karaan magaca Isbaheysiga.
= Inay raadiyaan wadiiqo kasta oo dalka looga
xoreynayo Itoobiya
= Inay xilalkooda awoodda fulinta ku
shaqeeyaan.
Waxay ku khaldan yihiin:
= Inay la-tashigii loo baahnaa la sameyn xubnaha
ku haray Asmara
= Inaysan sugin inta laga keenayo Jabuuti
xubnaha Asmara ama meel kale lagu kulansiin lahaa Gole dhexe oo
inta Jabuuti fariisatay ka badan.
CULEYSKA LABADA DHINAC KALA HEYSTA:
Qof kasta arrimahan silsiladda ah inuu ka
faalloodo raba iskama indha tiri karo cadaadiska labada dhinacba
heysta, waana dhexdhexaadnimo biyo deys ah in dhinac kaliya
culeyska la saaro iyadoo dhinaca kale indhaha laga duwanayo.
GARABKA ASMARA
Waxaa culeys ku haya dowladda Ereteriya oo
dalkeeda la joogo, hantideedana bixisa, yaanan laga abaal
dhicin. Laakiin dantiisa Afewerki ayaa kala weyn tan
Soomaaliya.
Culeys kale waa kan Mareykanka oo ugaarsanaya
rag uu Xasan Daahir ka mid yahay.
Culeyska aan in badan la arki karinna waa kan
ragga danaha dalalka kale u shaqeeya ee ku dhex jira
isbaheysiga, raggaasi qaarkood kor ayay ku xusan yihiin oo uma
baahna inaan ku soo celiyo, waxayna ku xiran yihiin mukhaabaraad
shisheeye.
Waa yaabe sidee nin magaalada London musharax ka
ah jihaadka Soomaaliya dadkii hormuudka uga ahaa u hor ordi
karaa..!!?? sideese ninkii ku amray odayaasha beelaha reer
Xamarka Muqdisho inay ciidamada Itoobiya xoolo loo qalo u
keenaan, soona jeediyay in Soomaaliya lagu daro Itoobiya loo
aamini karaa..!???. mise WAA ADDUUNYO UUR LAHAAN ARKAA EE
UMULISAAN LOO ARKEYN..!!.
GARABKA JABUUTI
Waxaa culeys ku haya UN-ka, siiba ergeyga
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Axmadu Wlad Cabdalla oo inta
laga arkay daacad ka ah inay Soomaaliya dhibta ka baxdo ahna nin
muslim ah oo Afrikaan ah.
Waxaa culeys ku haya Mareykanka oo musiibadeena
mas’uuliyadda ugu weyn la saarayo, danaha Mareykanka haddii ay
fahmi waayaan oo safiirka Nairobi ka kulankiisa qiime u arkaan
waa meesheeda, rag laga fishase maaha.
Waxaa culeys ku haya dadka Soomaaliyeed ee
dhibaateysan oo aan u adkeysan karin hal maalin oo xaaladda lagu
jiro ay sii socoto, waana tan ka maqan Garabka Asmara ee
raadinaya inay Itoobiya oo ooyeysa ka baxdo Soomaaliya iyo
Meles oo leh: ha la I soo taago Maxkamadda caalamiga ah ee
Hague.
Sheekh Xasan Daahir waxaa ka muuqata inuu qaadan
waayay isagoo go’aanka ugu danbeeya lahaa inuu Sheekh Shariif ka
sugo go’aanada waana khaladkii markii hore duruurfu keentay ee
maxkamadaha ku dhismeen, haddii aysan taasi sharci iyo qaanuun
urur ku shaqeeyo ahayn, Xasan Daahir gacan togaaleysigaas
awoodeed ayaa la tegay AMAANO KUGU RAAGTAY INAAN LEEDAHAY AYAA
LA MOODAA… shuuradii islaamka iyo qof qancise waa kala laba.
Sheekh Shariif markii uu ka baxay gacan gadaal
ka baqeysa hore kama adeegato ayuu qiyaamihii ASMARA qumay waana
maalintii uu Shariifka ka soo tegay Asmara ee uu xor u noqday
go’aanada uu qaadanayo. Tusaale cad haddii aan ku siiyo.
Siyaasiyiinta Soomalida ama madaxdooda haddii
aad rabto inaad fikirkooda dhabta ah hesho waxaa loo adeegsadaa
Warbaahinta shisheeye, tusaalooyinka badan ayaana la heli karaa,
waxaa halkan quseeya wareysi uu Sheekh Xasan Daahir siiyay
Wargeyska afka carabiga uga soo baxa magaalada London ee Asharq
Alwsat taariikhdu markay ahayd: 21-kii June 2008, cadadkeedii
10798
(Halkan ka akhriso wareysiga) .
wuxuuna ku sheegay inuu isaga xilka la wareegi
doono oo booska Sheekh Shariif isugu geli doono..!! wuxuu sii
raaciyay inuu tuhun ah inuu xiriirka ka dhaxeeya Sheekh Shariif
iyo safiirka Mareykanka, isagoo caddeeyay in siyaasad ahaan ay
is fureen isaga iyo Sheekh Shariif.
Kaaga sii darane arrintu maaha Wadahadal lama
geli karo iyo mabda’ laga leexday laakiin waxaa la oran karaa
waa khilaaf gebigiisba ku saleysan wadatashi la’aan ama haddii
si kale loo yiraahdo xiriir la’aan shaqsiyaad, bal inta aan
heshiiskii Jabuuti la isla gaarin oo qabanqaabadiisa socotay
Bishii May ayuu Sheekh Xasan Daahir markii ugu horeysay sheegay
inuu khilaaf ka dhex jiro Isbaheysiga isagoo caddeeyay inuusan
ka horjeedin wadahadalka, oo wareega labaad ee Shirka Jabuuti ay
ka qeyb geli doonaan
(Halkan ka akhriso warkaasi) .
Qofkii xil isu magacaabidda Sheekh Xasan Daahir
Aweys u arka mid ka dhalatay kadib heshiiska Sanca waa kaase
runta ha arko ama ha ku dul wareego Asmaraa jid leh iyo Sheekha
Xasan ayaan taageersanahay IN KAANA DAALIMAN OW MADLUUMAN.
Khaladka Sheekh Shariif wuxuu ku saleysan yahay
farsamo iyo dadaal dheeraad ah oo kuwa qalbigoodu buuxo ka
shakin karaan, waana mid lagu sifeyn karo aragtideyda INUU
ABUURKII DUBAY ..! haddii heshiisku mira dhali waayo waxayse
ahayd in fursad la siiyo ugu yaraan si loogu khalad xukmiyo ama
loogu soo gole joojiyo.
Waa sax masiir umadeed mugdi laguma hoggaamiyo,
laakiinse mugdi maaha siyaasad iyo diblomaasiyad ka shaqeynteed
waxayna salka ku heysaa AKHAFU DARAREYN ama laba daran midkii
daran in la dhaafo oo kan fudud la qaato in waaqica jira si
xikmadeysan looga dhex dabaasho iyadoo la xeerinayo arrin aad
isugu miliqsan (mucaqad ah) oo isugu jirta: Dal la heysto, Dad
dhamaanaya iyo Duni aan kuu diir naxeyn.
Guuxii dadweynaha ee ku taliyay dhammaadkii
2006-da in Baydhaba la qabto oo mujaahidiintu ku geeraaraan
maalin cad dowladdii Doofaarey laga soo dhoofiyayna Itoobiya loo
tarxiilo isagoo aan eegin guuxa dunida kuna waaya aragnimo
qaadan wixii Soomaaliya ka raacay soo celintii Goboladda maqan
(oo laga bilaabay Somali Galbeed), la yaab maaha inuu maantana
ku taliyo Garabka Jabuuti inay khaladeem ama xitaa gaalo-raacyo
ku tilmaamo, laakiin sow wacdaraha adduunka laguma waano
qaato?!.
Qurba jooggu sidaa uma wada sal fududa oo kuma
wada ordaan sidii ay umaddan kala irdhowday qalinkooda ugu sii
kala tuuri lahaayeen…. ee waxaa jira qaar badan oo danta umadda
u taagan daneystase yeelkiis…
Kuwa iyagoo aqoon iyo adduunyo isku heysta
halkan yimid ee naftoodii huray oo uu ugu danbeeyay
Abdullahi Ali Afrah Asparo Allaha ka aqbalo shahaaddada keyd
bay galeen, dhiigoodana dahab bay ku qoreen.
Kuwa hantidooda bixiya ee jihaadka shidaalka u
ah waa tiir labaad oo umaddu abaal u heyso waajibaad dalkooda
iyo diintoda ka saarana gudanaya.
Kuwa dadaalka ku jira ee labada dhinac aan ka
quusan Soomaalinimo, karti iyo dadnimana isku darsaday aanba ka
tilmaamee Prof. Ibraahim Xasan Adow iyo saaxibaadiis faraha
badan bulshadu beerka ayay ka ogsoon tahay.
Kuwa niyadda ka jecel Soomaali oo midowda iyo
dalkoo xorooba waa iimaanka ugu yar.
Dhinaca kale :
Kuwa safka dagaalka ku jira ee qadiyadooda
darteed loo dilay magacood ha jiro waxaan duco ahayn ma mudna.
Kuwa weli safka ku jira ee is qadimay hoggaan
iyo jundi waxaan taageero ahayn ama dhinac gal xaq uma laha.
Kuwa hoggaanka wada hayay ee is khilaafay aragti
ama adduunyo waxaan nasteexo ahayn iyo sulux uma qaadmaan.
Kuwa Gumeysiga ka dhiidhiyay ee halkii ay
Golaha Baydhaba dhex fadhin lahaayeen kuna sugi lahaayeen
sanuudda UNDP ka door biday inay wadaniyad muujiyaan waa
mahadsan yihiin.
Kuwa TFG-da ugu jira inay dhibkeeda iyo
sharteeda umadda ka yareeyaan (Nuur Cadde, Axmed C/salaan iyo
saaxiibadood), dadka qaarkood murtadiinba ha ku sheegaane
iyaguna rijaal iga dheh.
Intaas wixii ka soo haray ee u taagan inay
rajadii umadda iyo iftiinkii ay sugayeen tashwiish ku abuuraan
oo qalinkooda gar eexeed iyo gardarro ku qeybiyaan waxaan
leenahay: AAMUSA INTA IKHYAARTU WADA HADLEYSO… WAR AAMUSA INTA
AHLU XALI WAL CAQDIGA ISLAAX RAADINAYAAN, AFKIINA HEYSTA INTA
DHIIGU SOCDO EE XORIYADDA AAKAHA LAGU RAADINAYO, QALINKIIGU
KHADKA HAKA DHAMMAADO INTA KHILAAFKU JIRO KHEYR KALE IDINKA
WEYNAYE.
Haddaad aqbashaan oo is daba qabataan waa kheyr,
haddii kale FA’IN CUDTUM CUDNAA.
Saadaal iyo gabagabo
Saadaashu inay guul noqoto ku wanaagsanaan
lahaydaa C/qaasim Salaad ayaa markii doorashadii Kasarani looga
helay ee C/llaahi madaxweyne loo doortay kuna qasbanaaday inuu
aqoonsado Muqdisho ku soo laabto, shir jaraa’id oo taariikhda
galay ayuu qabtay isagoo wixii ka dhacay Kenya oo dhan eeda
saaray hogaamiye kooxeedyadii beeshiisa Hawiye, waxaana laga
hayaa: NIN BAA BERI LAGA GEERI ISMA IMA HESHEENE CUDUR BAA II
NUGLEEYAY, oo uu ula jeeday C/laahi kursi madaxweyne ma heleene
qabqablayaashan ayaa ii gacan qabtay.
Muqaawadada Gudaha ilaa hadda waa 4 qeybood:
-
Al-shabaab oo horeba uga baxay maxaakiimta
-
Maxkamadaha oo laba talis ah
-
Jabhataul Islaami fi Soomaal
-
Jihaad ka dhan ah Gaalo iyo Gaalo-raac
(murtad), haddii ay gaalo (Itoobiyaan ilaa Mareykan) baxdo
camiilkeedii waa la sifeyn oo dagaal joogsan mayo.
-
Jihaad ka dhan ah Gaalada dalka qabsatay
(Itoobiya), haddii Itoobiya baxdo Soomaalidu waa wallaalo
waana heshiin karaan, wadahadalna waa loo baahan yahay.
-
Jihaad lagu qaado Itoobiyaanka iyo wadahadal
waa inay is barbar socdaan.
-
Dagaalku waa inuu socdaa wadahadalka haddii
aan aniga hormuud ka ahayn ama aanan hageyn qeykey ma wadi
karo.
Inta dadaalka heshiisiinta madaxda is qabsatay
socdo wallow Xasan Daahir rajo xal loo helo khilaafka kooxda
Jabuuti kala dhaxeeya meesha ka saaray (Wareysi uu siiyay
Idaacadaha Muqdisho 27-kii July 08 oo uu ku yiri: “Siday u
baxeen waaye maba soo noqon karaan” ) waxaa mihiim ah in
kheyrka dhinaciisa la saadaaaliyo maxaa yeelay iyadoo intaas oo
aragti kala duwanaansho ah jirto ayaa haddana la yeelan karaa
talo guud iyo mowqif laga mideysan yahay oo loo wada halgamo.
Rajooyinkaas haddii ay guuleysan waayaan Alle ma
qadaree, markaas waxay noqon doontaa KULLU MAQAAM LAHU MAQAAL.
Waxa Qoray:
Shariif Moalim
Mogadishu – Somalia
Email:
shariif55@hotmail.com