SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHAMBAAL

Dhanbaal Furan (Xasuusin Waajibaad Dowli ah)

Ref: 001/BQS/07/08                               Date: 28.07.08

KU: GOLAHA AMAANKA EE UMADAHA MIDOOBAY

KU: GOLAHA GUUD EE UMADAHA MIDOOBAY

KU: XOGHAYAHA GUUD EE UMADAHA MIDOOBAY

KU: XUKUUMADDA IYO SHACABKA MAREYKANKA 
 

UJEEDDO: Baaq (Xasuusin Waajibaad Dowli ah). 

Qore: Dr. Farah Abdullahi

Qolyaha Warqaddaan furani sida tooska ah ugu socoto waa jihooyin Jamciyaddu is leedahay waxaa saran, (ama fuuli kara), waajibaad caalami ah oo u dhigma miisaanka ay ku leeyihiin Siyaasadda Caalamka, waxayna leeyihiin awood qaanuuni ah oo ay tallaabooyin ku qaadi karaan, ama ku sixi karaan howlo hadda si khalad ah loo agaasimo. 

Haddii Mas’uul kasta ee dowladeed, ama kooxeed, waajib ka saaran yahay dowladda ama kooxda uu mas’uulka ka yahay, lagulana xisaabtamaayo hab dhaqankiisa ku aaddan bulshada uu mas’uulka ka yahay, waa in, sidoo kale, mas’uuliyaddu qabataa qolyaha ay warqaddaani ku socoto, maadaama ay yihiin, xilligan la joogo, cidda ay suurtowdo in ay mas’uuliyad caalami ah saarnaan karto, haddiiba ay mas’uuliyad caalami ihi jirto. 

Saas darteed, Jamciyaddu waxay iskeed u garatay in ay baaq xasuusin waajibaad u dirto qolyaha ay warqaddaani ku socoto, waxayna garatay in saxaafaddu tahay waddada ugu munaasabsan in baaqan la mariyo, maadaama ay si sahal ah, dhaqsna leh u gaarsiin karto jihooyinka ay khuseyso, oo waqtigan la joogo xiriir toos ah iyo mid dadban midna aysan Jamciyaddu la lahayn.

GOLAHA AMAANKA EE UMADAHA MIDOOBAY:

Sida ku cad Axdiga Hey’adda Umadaha Midoobay, Golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waa hey’adda ugu sarreysa ee Dunida u xil saran Ilaalinta Nabadgelyad Caalamiga ah, fulinta qaraarrada kasoo baxana waa waajib, ay isku waajibiyeen Umadihii saxiixay heshiiskaas. Haddaba waxaa xil ka saran yahay in Goluhu ka fariisto wax kasta ee keenaya in khalkhal uu ku yimaado Amniga Caalamiga ah. 

Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, oo dhacda marin badeedyo caalami ah (Badda Cas iyo Badweynta India), muhiimad weyna u leh dhaqdhaqaaqyada loogu kala gooshayo dunida shanteeda qaaradood, ayna ku xeeran yihiin Dowlado dhowr ah oo xuduud kala leh xagga Badda iyo Berriga labadaba, Arrimaha ka taagan ee khatarta ku ah Shacbi weynaha degen geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaanna Shacbiga Soomaaliyeed, isla markaana hadda isu sii rogeysa iney saameyn ku yeelato danaha Caalamiga ah, taas oo ka dhalaneysa nidaam iyo qaanuun la’aanta ka taagan Soomaaliya muddo ku dhow 18 sanno oo xiriir ah, miyeysan ahayn waajibaadkii uu u xil saarnaa wax ka qabashadeeda Golaha Amaanku, ee ku cad Axdiga UN-ka. 

Waxaa Golaha Amaanku ogyahay in si naxariis darro ah loo xasuuqayo Shacbi weynaha Soomaaliyeed ee maatida ah, si cadna loogu tumanaayo Xuquuqda Insaanka Soomaaliyeed, dalkana ay meelo kala gedisan ka socdaan dagaallo aan hadaf iyo itijaah midna lahayn ee waalli oo kale ah, Xaaladda maanta Soomaaliya ka taaganna ay ka xuntahay midda ka jirta Daarfuurta Suudaan. 

Waxaan maalin kasta aasnaa tiro fara badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah ee ay laysay rasaasta Arxan darrada loogu ridaayo, waxaa Cusbitaallada daadsan dhaawac tiro badan, waxaa guryohoodii ka bara kacaya dad aan tiro lahayn, waxaa iskuulladoodii, aan markii horeba habeysneyn, ay ka xirmeen kumanaan ka tirsan carruurta Soomaaliyeed, waxaa Badaha qatarta badan ku halaagmaya kumannaan kale oo ka cararaaya musiibada ku habsatay dalkoodii.  

Miyaan Golaha Amaanka xil uusan ka saarneyn arrimahaas oo dhan wax ka qabashadooda, miyeysan Soomaaliya ahayn Xubin ka tirsan Umadaha Midoobay, miyeysan Shacbiga Soomaaliyeed ku xuquuq ahayn Shacabka Daarfuur, Shacabka Ivory coast, Shacabka Ciraaq, …, Mise qawaaniinta iyo Xeerarka UN-ka ayaan isku si loogu caddaalad faleyn Shucuubta Caalamka. 

Madaxweynaha Golaha Amaanka ee Xilligaan, Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Amaanka, iyo dhamaan Xubnaha ka tirsan Golaha amaanka ee 15ka ah waxaan ugu baaqeynaa in ay arrinta Soomaaliya si dhab ah u fiiriyaan oo ay fiiriyaan sawirka guud ee xaaladda, ayna arrimaha qallafsan ee Soomaaliya ka jira oo dhan ay wada falanqeeyaan, ee aysan fiirin oo keli ah qeybo yaryar oo ka dhashay dhibaatada guud ee Soomaaliya heysata, sida: waxa lagu tilmaamo Burcad Badeed, Argagixiso, …, IWM, kuna dadaalaan, kuna dhaqaaqaan tallaabada ku haboon sidii dhibaatada Soomaaliya ee 20 jirsatay, xal waara looga gaari lahaa. 

GOLAHA GUUD EE UMADAHA MIDOOBAY

In kastoo qaraarrada Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa aysan ahayn qaar ay fulintoodu waajib tahay, sida kuwa Golaha Amaanka, haddana qaraarradoodu waxay leeyihiin Xurmad Akhlaqeed, waayo Golaha guud ee Ummadaha Midoobay wuxuu wakiil ka yahay Dowladaha Caalamka dhamaan. 

Maxaa Golaha guud ee Ummadaha Midoobay u milicsan waayey arrimaha murugada leh ee ka jira Soomaaliya? Caalamka oo dhan miyaa ka raalli ah xasuuqa iyo Barakaca ku socda Shacabka Soomaaliyeed? Si golaha guud uga doodo qaraarna uga soo saaro arrimaha ka taagan Soomaaliya, mala waayey cid Mooshinkaas keenta Golaha guud hortiisa? 

Xitaa haddii aan loo daneyn Shacabka Soomaaliyeed, sow meeshaan aan Maamulka iyo kala danbeynta lahayni Qatar uga iman meyso Caalamka guud ahaan, iyo waddamada gobolka? 

Waqti ayaa ina soo dhaafay Dhibaatada Soomaaliya ka taagan si sahal ah wax looga qaban karay, intii aysan xaaladdu gaarin heerka murugsan ee ay maanta taagan tahay, in maanta wax laga qabtana weli waxaa loo heli karaa waddooyin kala duwan, waase haddii loo istaago, hase yeeshee markey Xarun u noqoto Maafiyada Caalamka, iyo cid kasta ee dani ugu jirto ka dhuumashada Qaanuunka iyo kala denbeynta, ayna ka abuurmaan kooxo awood leh oo Sharciga moog, kana dhiga dalka oo dhan meel mugdi ah oo aad u khatar badan, markaas beesha Caalamku waxay muteysan doontaa dhibaato hadda ka fog oo wax ka qabashadeeduna ay aad u culus tahay. 

Waxaan Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ugu baaqaynaa in arrinta Soomaaliya ay ka baaraan degaan, gutaanna waajibka ka saran fulinta Qaanuunka Adduunka iyo baaqyada caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, si Shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo dhibaatada Gaamurtay ee isugu jirta Xasuuqa, Gaajada, Tahriibka, Bara kaca, … IWM, Beesha Caalamkana looga nabad geliyo dhibaatada ka dhalan karta in Soomaaliya hoy u noqoto Maafiyada Caalamka, iyo Burcad Badeedda. 

XOGHAYAHA GUUD EE UNka:

Mudane Xoghaye Guud; Waxaan shaki ku jirin in aad adiga iyo Shaqaalahaagu gacaanta ku heysaan howlaha maamul ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaa Golaha Amaanka iyo Golaha Guud ee Jamciyaddu darsaan warbixinnada aad soo habeysaan, mana aragno qaraarro wax ku ool ah oo laga soo saaray arrimaha Soomaaliya, marka laga reebo qaar aad u tira yar oo ay ka mid yihiin Cuna qabateyntii Hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya, ee aan weliba waxba laga fulin, aanna soo dhaafin waraaqihii lagu qoray, maadaama hubka kiisa fudud iyo kiisa culusba si isdaba joog ah ugu soo qulqulaayo Soomaaliya, kana soo galaayo Bad iyo Berriba, Caalamkuna wada ogyahay, welibana raalli ka yahay. 

Haddaba xaggee Silsiladda Macluumaadku ka go’an tahay ee hor taagan in Macluumaadku si is daba jog ah u taxnaado? Ma wakiilkaaga Soomaaliya ayaan Report sax ah oo dhameys tiran kuusoo qorin? Ma culeyska Mashaakilaadka caalamka ee kale ayaa kaa mashquuliyey dhibaatada baaxadda leh ee Soomaaliya ka jirta, (ee Xasuuqa ah, ee Bara kaca ah, ee Abaaraha ah, ee Fara gelinta Shisheeyaha ee Sharci darrara ah)? Mise Golaha Amaanka iyo Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ayaanba fiirin warbixinnada ku saabsan Soomaaliya, iyo dhibaatada ka jirta? 

Mudane Xoghaye Guud; waxaan kuugu baaqaynaa in aad gudato xilka kaa saaran Shacabka Soomaaliyeed, iyo dhibaatada Caalamka ku iman karta haddii meeshaani iska sii ahaato meel sharci moog ah, maadaama aysan nidaam iyo kala danbeyni ka jirin, aadna hor dhigto Golayaasha Jamciyadda (Action Plan) Ujeeddadiisu tahay sidii Soomaaliya looga kicin lahaa kuftintaan ku dheeraatay, loogu Abuuri lahaa nidaam iyo kala danbeyn, Qaanuunkana loo hir gelin lahaa. 

XUKUUMADDA IYO SHACABKA MAREYKANKA.

Dowladda iyo Shacabka Mareykanku waxay caddeeyeen in ay dagaal kula jiraan cadow ay ugu yeereen Argagixiso tan iyo 11kii September 2001, hase ahaatee muddo intaas kasii horreysay lagu waday hab qabow oo qarsoodi ah, dagaalka ay caddeeyeenna waa mid ka gedisan dagaalladii horay caalamku u yiqiinnay ee lagu duuli jiray cadow la ogyahay meesha uu degen yahay, taasina waxay sababtay in Dowladda Mareykanku siyaabo kala gedisan ula dagaasho cadowga ay maldahatay, Jabhadna ay ka furto dhamaan Caalamka meeshii ay doonto. 

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ay u calaamadeysay dagaalkeeda ay uga soo hor jeeddo Cadawgeeda dhalanteedka ah ee ay ugu yeertay Argagixiso, waxayna ka bilowday Soomaaliya dagaal guud oo isugu jira mid Siyaasadeed, Dhaqaale, iyo Bulsho, waxayna cadaawadda Ameerika ay ka waddo Soomaaliya ka gudubtay xuduudii ay ku sheegtay la dagaallanka Argagixisada, wuxuuna hubkeeda calculus ee ay u isticmaaleyso si toos ah iyo si dadbanba, si aan naxariis lahayn u wax yeelleynayaa Shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan, waxay maal gelineysaa xabadaha Shacabka lagu xasuuqaayo, waxaana ku dhimanaaya rasaasta laga soo bixiyey canshuurta Shacabka Mareykanka carruur yaryar, hooyooyin, iyo dad da’ ah oo aan waxba galabsan, warna aan u heyn dagaalkeeda aan naxariista aqoon. 

Waxaa Dowladda Mareykanku ay cuna qabateysay Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad ahaan, iyo dhaqaale ahaan, waxayna baasiin la daba taagan tahay hurinta dabka ku baxaaya shacabka Soomaaliyeed ee ay dagaalladu halakeeyeen, weliba si aan qarsoodi ahayn, caalamkuna wada ogyahay. 

Waxay Dowladda Mareykanku hor taagan tahay, si toos ah iyo si dadban-ba in Soomaaliya system dowladeed yeelato, mana ahan taasi mid ay Dowladda Mareykanku Qarsaneyso, waxayna taraan-turro aan hakad lahayn la daba taagan tahay wax kasta ee isku day ah ee Umadda Soomaaliyeed ku damacdo in ay ku sameysato nidaam iyo kala danbeyn, mana weyso wax ay ugu marmarsooto. 

Waxaan Dowladda Mareykanka ugu baaqeynaa in ay dib u eegaan qorsheyaalkooda ku aaddan Soomaaliya, kana fikiraan qaab ka macquulsan midka ay hadda ku shaqeynayaan, una wada dan ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Umadda Mareykanka. 

Waxaan Shacabka Mareykanka ugu baaqaynaa in ay si dhab ah uga fiirsadaan in Shacabka Soomaaliyeed u yahay cadow ka mudan in ay si naxariis darro ah u xasuuqaan, iyo in ay yihiin Saaxiib ka mudan in ay gacan ku siiyaan ka kicista dhibaatada ay maanta ku sugan yihiin. 

Soomaaliya waxay Dowladda Mareykanka siisay Saldhigyo Milatary oo ay ka koontoroolaan Badda Cas xilligii Dagaalkii qaboobaa, si aysan daneheeda wax u noqon markii Midowgii Soofiyeeti Saldhigyo waaweyn ka sameystay Dowladdii Yementa Koonfureed iyo Xeebaha Badda Cas ee ay Itoobiya ka talin jirtay (Eretria), Tallaabadaas ay Soomaaliya SaldhigyoMillatari ee Mareykan ku bixisay waxay sabab u noqon kartay in Soomaaliya ay hadaf u noqoto Sawaariikhda Nukliyeerka ee Itixaadkii Soofiyeeti. 

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalweynaha Mareykanka weli laguma tuhmin in ay ka qayb qaateen waxa ay Ameerika u taqaan falalka argagixiso, ama dhibaato ka dhan ah shacabka Mareykanka, balse waxay ka haayaan dalkaas howlo muhiim ah; waa Professors wax ka dhiga Jaamicadaha Mareykanka, waxayna ka shaqeeyaan ilaha dhaqaale ee Mareykanka, haddaba, waa yaabe, xaggee ayey ka socotaa Cadaawadda Mareykanku u haayo Shacabka Soomaaliyeed?

Agaasimaha Guud ee Jamciyadda 
 Dr. Macallin. F. A.
firxi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS