Shirka Jabuuti: Fursad Nabadeed Oo
Mudan Taageero Muuse Yuusuf
Dadka qaarkiis marka ay ka
sheekeysanayaan dalka Jabuuti, arrinta
ugu horreysa ee maskaxdooda ku soo
dhacda waxay tahay in Jabuuti uu yahay
dal aay baaxadiisu aad u yar tahay kuna
yaala Gacanka Cadmeed. Dhul saxaaro lama
degaan ah, oo oon iyo kuleyl badan. Dal
sabool ah oo aan laheyn kheyraad
dhabiici fara badan; in badan oo
muwaadiniinteeda ka mid ahna ay weli u
halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen
waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha
banii’aadmka sida biyaha, cuntada,
caafimaadka, waxbarashada iwm taasoo ay
kala mid yihiin dadyowga waddamada
saboolka ee soo koraya. Markii loo eego
yaraanta baaxaddiisa, saboolnimada,
kheyraad la’aanta, iyo qallafsanaanta
deegaanka, Jabuuti ma aha meel aay dadka
caadiga intooda badan u hilooban ama ay
siiyaan muhimad dheeraad ah balse waa
meel ay si fudud iskaga illaabaan oo
eysan siinin wax qiimo sidaas u sii
weyn.
Hase ahaatee dadka nabada jecel gaar
ahaan Somalida badankeeda,Jabuuti waxay
u tahay goob muhiim ah. Goob laga
abaabulo nabad iyo kheyr – gaar ahaan
nabadeynta Somaliya oo muddo dheer ku
jirta dagaal sokeeye. Dadkaan, oo aan
aniguba ka mid ahay, Jabuuti waxay u
tahay rajo aan dhamaaneyn, himilo
nabadeed, iyo awoodda uu banii’aadamku u
leeyahay is-cafinta, heshiinta, iyo
is-afgaradka oo ah waxyaalaha ay dadku
uga duwan yihiin xayawaanka. Sida la
wada ogsoon yahay ma aha markii ugu
horreeysay ee ay Jabuuti martigeliso
shir nabadeed Somali. Laga soo bilaabo
1990-shagaashaneeyadii ilaa iyo manta
waxaa lagu qabtay Jabuuty shirar badan.
Waxaa xusid mudan kii magaalada Carte ee
lagu soo dhisay dowladdii ku meel gaar
aheyd ee ka horreysa tan hadda jirta.
Inkastoo shirar badan lagu qabtay
waddamo kale sida Masar, Sacuudiga,
Ethiopia iyo Kenya waxaa la doodi karaa
in shirkii Carte uu saldhig u yahay
bilaabashada wax lagu tilmaami karo
dhaqdhaqaaqyo nabadeyn runta ah. Haddii
aad fiiriso shirarka lagu qabtay Masar
iyo Ethiopia waxaad arkeysay iney
ahaayeen kuwo ay isugu imaan jiraan dad
isku sheega iney matalayeen dadkooda,
laakiin dhab ahaantii ay ahaayeen dad
naftooda un matalyey. Hase yeeshee
shirkii Carte waxay aheyd markii ugu
horreysay ee la isugu keenay dad fara
badan oo matalayay bulshada qeybaheeda
kala duwan sida culumaau’ddiinta,
ugaasyada, isimada, suldannada, ururrada
bulshada, saraakiishii dowladdii hore,
ururada haweenka iwm. Laga bilaabo
abaabulkii shirka ilaa iyo dhamaadkiisa,
dowladda Jabuuti iyo dadkeena waxay
muujiiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin
wax ka qabashada dhibaatada Somaliya
iyadoo Jabuuti ku daadashay iney isu
keento intii weji and magac ku lahay
bulshada Somaliya. Sida la ogyahay waxaa
halkaas ka dhashay dowlad inkastoo ay
dowladdaasi dhicisowday oo ay gaari
weyday himilladdii loo dhisay. Waxaad u
maleysaa in shirkii Carte dardar geliyay
qabashada shirarkii kale iyo habka
qabashadoodi sida kii lagu qabtey Kenya.
Shirkani wuxuu raacey tubtii habkii
Carte oo waxaa la isugu keenay in badan
ee magaca iyo muuqaalbka ku leh bulshada
Somalida, waxaana halkaas lagu soo
dhisay Dowladda Federaalka Ku Meel
Gaarka ah ee haatan jirta.
Haddaba iyadoo aysan aheyn markii ugu
horreysay ee shir-nabadeyn lagu qabto
dalka Jabuuti, ayaa su’aash in leys
weydiiyo u baahan tahay waxay tahay:
muxuu shirka Jabuuti uga duwanaan karaa
kuwii hore? Iyo maxay yihiin arrimaha ku
qasbi kara ama culeys ku saari kara
labada dhinac iney wada hadlaan oo ay
soo fadhiistaan miiska wada xaajoodka?
Waxaa jiro arrimmo muhiim ah oo rajo
weyn siin kara shirka, kana jawaabi kara
su’aalaha kor ku qoran, waxaana ka mid
ah:
- Waxaad mooddaa in Qaramada
Midoobe ay waayahan dambe xoogga
saareyso wax ka qabashada dhibaatada
Somaliya waayo waxaa u caddatay in
mushkiladda Somaliya ay ka mid tahay
tan ugu adag dhibaatooyinka haatan
ka taagan Qaaradda Afrika haddii
laga reebo arrinta Daarfuur.
Qaramada Midoobey ama bulsahda
caalamku waxay ilaa iyo xad ku
guuleysteen qaboojinta ama daminta
dabkii ka holcayey wadanka Rwanda
iwm. Bal akhristoo ma rumeysan
kartaa in dhibaatadii Rwanda oo ka
fac yar tan Somalida balse ka baaxad
weyneed markii loo eegoo gumaadka ka
dhacay in la xasiliyay oo wax laga
qabtey, hase ahaatee tii Somalidana
aan weli la xallin? Culeyska ay
Qaramada Midoobey saareyso xallinta
arrinta Somaliya waxa horseed u ah
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay u qaabilsan Arrimaha
Soomaaliya Danjire Ahmedou
Ould-Abdallah. Danjiruhu wuxuu si
hagar iyo daal la’aan ugu guntaday
heshiisiinta dhinacyada isku haysta
siyaasada Somaliya isagoo aad
arkeysid sida uu warqado furan ee uu
ka codsanayo bulshada Somaliyeed
iney taageerto nabadeynta uu si
isdaba joog ah ugu faafiyo
warbaahinta Somalida. Golaha Amniga
ee Qaramada Midoobey waxay
ayaamahaan dambe ka wada hadlayeen
sidii ciidamadu nabad-ilaalin ah loo
keeni lahaa Somaliya iyadoo aad
moodid in Goluha ay u caddaatey in
joogitaanka ciidamda Ethiopiyanku
uusan xallin karin dhibaatada
Somaliya, iney sii cakiriso mooyee.
In ciidamdii laga filayey iney ka
yimaadaan Ururka Midowga Africa
eysan soo socon taasoo ay ugu wacan
tahay waxyaabo badan oo ay ka mid
yihiin dowladihii Afrikaanka oo aan
diyaar u aheyn arrinta, kharash
la’aanta etc. Sidaas darted
Qaramada Midoobey waxay haatan ku
qasban tahay in si degdege wax ay
uga qabato arrimaha Somaliya. In
kastoo ay Golaha Ammaanka u
qorsheysneyd iney taagaan dalal
Afrikaan ah ayaa hadda tegitaankooda
la filayo iney tagaan Jabuuti
siineyso shirka muhiimad dheeraad
ah. Marka waxaa la habboon inta
nabadda jecel in laga faaiideyso
arrintaan iyada ah oo aan fursadaan
la sii deyn.
- Waxaa muuqata in bulshada
caalamka ay ka go’an tahay in
Somaliya ay yeelato dowlad maadaama
eeysan suurta gal aheyn amaba eysan
oggolaan karin in waddan uu ahaado
dowlad la’aan muddo 17 sano ka badan
saa darteedna ay bulshada caalamku
taagereyso qaab dowladeed kasta oo
ka jira Somaliya. Waxaa taasi
muujinaya sida qaar ka mid ah
dowladaha adduunku sida Fransiisku
iyo Sacuudiga ay u taageerayaan
Dawladda Federaalka. Waxaad u
maleysaa in DFKMG ay u eg tahay tii
ay ka bilaabaneysay saan-saan
dowladeed taasoo la rajeynayo iney u
horseedo dowlad loo wada dhan yahay
oo soo celisa qaranimadii iyo
midnimadii Somalida. Waxaad mooddaa
in bulshada caalamku ay arrintaan
ogsoon yahay, ayna u isticmaaleyso
aalad ay ku xoojiso helitaanka qaab
dowladeed. Iyadoo ka
faa’iideysaneyso arrintaan ,dowladdu
waxay iyaduna si xirfad leh u
hergelisay iney ka furato safaarado
waddamada qaarkood, taasoo ugu
yaraan soo celin karta astaamihii
dowladeed.
- Inkastoo aanan jecleen inaan
Somalida u qeyb-qeybiyo
qabiil-qabiil, ayaamahan dambe
waxaa moodaa in colaadihii ka
dhexeyey qaar ka mid ah qabiillada
Somaliyeed ay soo yaraaneyso iyadoo
ay taasi sabab u tahay dhacdooyin ay
ka mid yihiin shirarkii la qabtey,
soo gelitaanka iyo joogitaanka
ciidamda Ethiopiyaanka, iyo iyadoo
qabiilladdi dareemayey in lagu
waxyeeleeyay dagaallladi dhacay
dhamaadkii 1980-naddi iyo horraantii
1990ka uu xanuunkoodi soo
bogsanayo... oo ay qabaai-ilku is
cafinayaan inkastoo run ahaantiiba
eysan jirin dagaal u dhaxeeya
qaba’ilka Somalida ee ay aheyd un in
siyaasiyiin daneystayaal ah ay ka
dhex oogayeen dagaal qabaa’ilka.
- Waxaa u caddaatey dhinacyada
isku haysta siyaasadda Somaliyaa
ineysan markasta ku dheganaan karin
mowqifkoodi hore ha noqoto kii ahaa
is-aqoonsasho la’aanta iyo
is-inkiridda, joogitaanka ciidamada
Ethiopiyan-ka, awood-qeybsasho, iyo
iyadoo qaar ka mid ah hoggomiyaasha
mucaaradka sida Sheekh Shariif
Sheekh Ahmed ay dareemeen- iyagoo ku
mahadsan - in heshiis la’aantu ay
sii xumeyneeyso xaalada cakiran ee
dadkii barakacey sidaas darteedna
loo baahan yahay in la wada hadlo si
xal siyaasadeedna la gaaro, dabka
loo damiyo, dadka dhibaateysan loo
daryeelo.
- Joogitaanka ciidmada Ethiopianka
– waxaa muuqata in DFKMG ay ka
dheregsan tahay in joogitaanka
ciidamda Ethiopiyanka uusan xal u
noqon karin dhibaatada Somaliya
waayo waxaa laga jooga muddo hal
sano iyo bar markii ay ciidamadu ku
soo duuleen Somaliya ilaa iyo
haddana wax xal ah ma keenin ha
noqoto wiiqidda awooddii xooggagii
ay ugu yeereen argagixisada amaba ku
soo dabaalidda dalka nidaam,
xassillooni iyo kala dambeyn.
Dowladdu waxay ogaatey in aysan
markasta ku tiirsanaan karin
ciidamda Ethiopiyaanka. Arrintani
waxay niyad iyo dhabar jabba ku
noqotey qaar ka mid saraakiisha sar
sare ee dowladda sida Cabdullahi
Yusuf oo aaminsanaa in xoog wax lagu
maquunin karo...Bal akhristoo waxaad
moodda in ciidanka Ethiopianka oo ka
mid ah kuwa ugu xoogga badan Qaarada
madow...uu ilaa iyo hadda wax weyn
ku soo kordhinin nabadeynta iyo
xassilloonida Somaliya ee aan ahayn
iska-horimaadyo joogta oo ay ku
hayaan kooxaha wax iska caabinta...
Waxaa kale oo xusid mudan in qaar ka
mid ah saraakiisha sar sare ee
dowladda ay aaminsan yihiin in
ciidamada Ethiopia ay isaga baxayaan
Somaliya marka ugu dhow ee suurto
-gal ah, sidaasna waxaa qaba oo
marar badanna ku elceliyay Raiisul
Wasaaraha Nuur Cadde.
- Iney jiraan qaar ka mid ah
saraakiisha DFKG oo si dhab oo
daacad ah u aaminsan in sida keliya
ee lagu nabadeyn karo Somaliya ay
tahay wadahadallo iyo wadaxaajood.
Garabkaan uu hoggaaminya Raiisul
Wasaraha Nuur Cadde oo dhowr jeer ku
celceliyay sida uu diyaarka ugu
yahay wadahadallo, iyo ciidmada
Ethiopinku ka baxaan Somaliya muddo
24 sacadood ka yar haddii ay
Somalidu sidaas rabto, xalkuna uu ku
jiro gacanta Somalida, iyo in uu
isagu raali ka yahay inuu jagada ka
dego haddii taasi ay keeneyso xal
siyaasadeed. Hadal macaanta Nuur
Cadde ee ay ku dheehan tahay daacad
iyo niyad wanaag waxey sameyn weyn
ku yeelatay fikirka qaar ka mid
saraakiisha mucaaridka. Tani waxay
keentay iney qaarkood ka soo
tanaasulaan mowqifkoodi ku aaddana
joogitaanka ciidamada Ethiopian.
- Waxaa kale oo aad moodda in
saraakiisha mucaaradka ay ogaadeen
in bulshada caalamku sida Midowga
Yurub, Mareykanka iyo Qaramada
Midoobeyba - waloow ay u jeedan in
joogitaanka ciidamda Ethiopianku
uusan xal aheyn – balse in wakhtiga
la joogo eysan rabin in ciidamdada
Ethiopiyaanku ka baxaan Somaliya
iyadoo aan marka hore la helin
ciidamo nabad-ilaalinta oo la wada
oggol yahay oo beddeli kara kuwa
Ethiopiyaanka. Sababtoo ah ka
bixitaanka ciidamda Ethiopianku
waxay keeni kartaa khatar kale oo ah
awood-kala dhantaalan (power vacuum)
tasoo keeni karta in dagaal kale uu
dhaco oo lagu burburiyo dhismaha
DFKG oo ah qaab-dowleedkii yaraa ee
ay bulshada caalamku dhoodhoobeysay!
Maxaa yeelay sida horeynba aan u soo
sheegay - bulshada caalamka waxaa
ka go’an in Somaliya yeelato dowlad!
Marka fikirka bulshada caalamku waxa
waaye iney ciidmada AMISOM ay sii
joogaan Somaliya ilaa iyo inta
ciidamo la wada oggol yahay la keeno
Somaliya ama ay Somalidu heshiis
siyaasadeed gaaraan. Mucaaridku
arrinta way ogyihiin, waxayna
arrintaan qaarkood ku qasabtay iney
ka tanaasulaan mowqifkoodi hore.
- Waxaa muuqata in khilaaf adag uu
kala soo dhexgalay mucaaradka taasoo
keeni karta in cududoodii kala sii
jabjabto. Iyadoo ay u mooddid in
khilaafka ka dhexjira DFKG uusan
aheyn mid sidaas u sii buuran.
Arrintaani, waxay sii adkeyneysaa
mowqifka dowladda waayo waxaa soo
caddanaya ineysan jirin xoogag
midaysan oo mudan in lala hadlo.
Tani waxay daciifineysaa
mucaaradka.
- Dowladda Ethiopianku waxay
ogaatey, horeyna ay u ogeyd in
joogitaanka ciidamadeed Somaliya
uusan aheyn wax suurta gal ah oo sii
socon kara muddo dheer markii loo
eego arrimo fara badan oo ay ma mid
yihiin siyaasad gobalka Afrikada
Bari, ammaanka iyo xassilloonida
gudaha Ethiopiya,
dhibaata-xuduudeedka kala dhaxeyso
dalka Eritrea, is-beddel ku dhici
kara siyaasadda adduunka ee ku la
dagaalka waxa loogu yeerey
argagixsa, mitaal ahaan haddii uu
isbeddel siyaasadeed ku yimaado
maamulka Mareykanka oo wakhti la
joogo lagu eedeeyo inuu maalgeliyo
duulaanka iyo joogitaanka ciidamda
Ethiopiyaanka. Ka soo qaad, haddii
la doorto Sen. Barack Obama
kaddibana uu go’aansado qaboojinta
ama deminta holaca ka baxaya
dagaalka la dagaallanka
argagexisada. Taasi waxay mechaneedu
tahay in mar alla markii uu
Mareykanku ka goosto macaawinada la
sheegagy, in dowladda Ethiopianku
ku soo dhaceeyso bannaan cad oo
cidla ah taasina keeni karto in
ciidamadeeda laga saaro Somaliya
iyagoo jab iyo ba’a dusha ka saran
yihiin. Taasina ay keeni karto
degenaasho iyo xassillooni la’aan ka
dhalata gudaha Ethiopiya.
Maadama ay jiraan arrimaha kor ku
xusan iyo arrimo kale oo aan halkaan
lagu soo koobi karin ee dardar cusub
gelinaya, siinayana wadahadallada
fursad wanaagsan, ayaa waxaan u soo
jeedinayaa labada dhinac arrimahaan
soo socda:
- In labada dhinacba ay ku
dhawaaqaan xabad joojin degdeg
ah si loo baajiyo dhiigga baxaya
maalin kasta. Tani waxay u
horseedi karta in wadahallada ku
sii socdaa jawi nabad oo
xassilloon.
- Iney ka faa’iideystaan
muhiimada ay Qaramada Midoobey
siineyso arrinta Somaliya maxaa
yeelay waa fursadaan qaaliga ah
oo run ahaantii u horseedi karta
nabad iyo xassillooni. Iney u
isticmaalan quwadaha caalamiga
ee halkaas isugu yimid sidii
xal looga gaari lahaa dhibaatada
Somaliya waayo haddii fursadaan
ay lunto waxaa laga yabaa in
dhibaatada Somalida ay sii
cakirsanaato muddo dheer.
- Iney ogaadaan in maanta
arrintu ka weyn tahay
is-khilaaf, is-jiidjiidasho, iyo
is-eedeyn ee loo baahan in lala
yimaado xikmad iyo caqli ka
sarreeya khilaaf iwm. Waxaa loo
baahan yahay in lala yimaado
dabacsanaan, is-cafis,
isu-dulqaadasho idinkoo markasta
maskaxdiina ku haaya sidii loo
badbaadin lahaa caruurta iyo
maatada ay maalin kasta xabaddu
dileyso amaba u dhimanayo gaajo
iyo macluul.
- In la diyaaro qorshe lagu
dhisayo dowlad ku meel gaar ah
oo ka kooban dhamman dhinacyada
isku heysta siyaasadda Somaliya
si markaas dowladdaasi ay uga
shaqeeyso sidii loo qabanqaabin
lahaa doorashooyin xor ah oo ka
dhaca Somaliya mustaqbalka dhow.
- Inaad danta guud ka
hormarisaan tiinna gaarka ah
waayo bulsha-weynta Somaliyeed
wey idiin eegeysaa weyna og
tahay ciddii dan gaar ahaaneed
wadata, mar un beyna la
xisaabtami doontaa!
- In bulshada caalamku ka
shaqeeyso habka ugu fudud oo ay
ciidadamada Ethiopiyaanku uga
bixi lahaayeen Somaliya iyo in
la diyaariyo ciidamo dhexdhexaad
ah oo beddeli kara ciidamada
dowladaha safka hore.
Muuse Yuusuf
Myuusuf3@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2008
|