SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Kala jabka isbahaysiga Asmara: Ifafaalo rajo. 

Dadka Soomaalida ee wadaniyiinta ah ee halganka kula jira gumeysiga Itoobiya waxay kala hor-tageen kala-jabka ka soo yeeray isbahaysiga Asmara,  cabsi, shaki, niyad-jab aan loo meel-dayin, iyaga oo ku doodaya in kala jabka uu ka faa’idayo cadawga umadda oo kaliya, balse aysan fursad siinin dadaalka lawado ee looga golleeyahay in xal lagu gaarsiiyo Soomaalida, loogana saaro cadawga Itoobiya dalka. 

Waa xaqiiq in kala-jabku guud ahaan aanu wax wanaag ah lahayn, hase ahaatee arimaha qaar waxaa laga yaabaa in xalkuba ku jiro kala-jabka laftiisa. Ilaalinta midnimada darteed ayaa maxaakimta waxay galiyeen kooxo mayal’adag, dagaalkii cadawga Itoobiya ay ku qabsatay Soomaaliya, dad badan oo Soomaalinimo doon ah oo ka mid ahaa maxaakimta ama taageersanaa, ayaa ka aamusay xilligaa isaga ah, dagaalka ay dhankooda ka iclaamiyeen kooxdan aanan akhriska fiican u lahayn diinta Islaamka iyo aduunka aynu maanta joogno labadaba.  

Wacyi la’aantaasi waxey ina dhaxalsiisay waanu ujeednaa, gumaysi, sharaf-dhac, burbur, malyan iyo bar Soomaaliyeed oo ku tabaalaysan, macaluulna ku haayso duleedka caasimadoodii Muqdisho, qax iyo barakac ka dhacay dhamaan magaalooyinka koofurta Soomaaliya iyo Itoobiya inay u hibeeyeen hadiyad ay waligeed raadinaysay oo ah in aduunka u xalaaleeyo galitaanka Soomaaliya. Itoobiya waxay ku heshay taageero aduunka badankii waxay ka gaysatay Soomaaliya, dawladaha carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ugu horeeyay wax taageera weerarka gardarada ah ee Itoobiya, oo ay hor kacayaan Masar iyo Sacuudiga. Reer-galbeedka oo ah quwadda jirta waxay Itoobiya u garab istaageen si buuxda. 

Sababta keentay in aduunka inooga hiiliyo Itoobiya, ma aha mid si fudud looga jawaabi karo, sida dad badani oo Soomaali ah ku doodaan oo ah in aduunka xilligan yahay gaalo iyo gaalo raac. Haddaba ma Soomaalida maanta, ee iyadaba is cunaysa ayaa ka muslinsan dunida muslimka inteeda kale? 

Arintu intaa ka culus!!!! 

Jawaabtana waxay noqon kartaa, in dunidu ku guul dareysatay inay fahmaan garabkii markaa majaraha u hayay talada maxaakimta sida ay doonayeen in dunida uga mid noqdaan, caalamka waxuu ka filayay inay ku hadli doonaan codkii Soomaaliyeed ee dunida ka maqnaa mudo todobo iyo toban sano ah, balse waxay dunida la kulantay dad ku hadlaya cod kale, calankii buluuga ahaa hoos ayay u dhigeen, luqadii Soomaaliga waxay sheegeen inaan loo baahnayn, dhaqankii Soomaalida waa la inkiray, xuduudii aduunka inagu yaqiinay mugdi ayaa galay.  

Iyadoo cadaabka la baday shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koofurta Soomaaliya uu ka sii darayo, ayaa dunida markale soo jaleecday Soomaaliya ka dib dayradii warbaahinta iyo qaylo dhaantii aduunka nabadda jecel, laakiin waxaa nasiib daro ah dadkii shalay nabaddii iyo xuriyadii ceelka ku riday inay doonayaan inay haddana ka arimiyaan dadaalka cusub ee nabad raadinta, doonayaana inay caqliyadoodii guracnayd ku sharxaan dhibka Soomaaliya maanta ka taagan. 

Wadahadalka ma aha doonista garabka Djabouti oo kaliya, ee waa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteed; waxay iila muuqataa in garabka hadda jooga Djibouti ay galeen xaalad adag:Inay ilaaliyaan midnimada isbahaysiga Asmara iyo inay qadiyada iyo shacaka Soomaaliyeed dhankiisa xigsadaan, go’aankoodana; waa ifafaalo rajo fiican oo ku soo biirtay goobaha lagu kariyo siyaasada Soomaaliya. 

Hadaba sababaha hoos ku qoran iyo kuwo kale oo badan ayaa dhiiri galinaya doorashada tubta wadahadalka:

    • In dhibaatada Soomaaliya lagu xallinwaayay qori la yuurur, oo waxaan haysanaa khibrad dheer oo la xiriirta arinkaan.
    • Sheekada Itoobiyaanka; ma aha Itoobiya qabsatay Soomaaliya ee waa Itoobiyaan u qabtay aduunka kale Soomaaliya, wayna cadahay beesha caalamka iyo kaalinta ay ka cayaarayso mushkilada. Sidaa darteed; waxaa muhiim in lala fariisto beesha caalamka oo lagu qanciyo in Itoobiya wadanka laga saaro.
    • In loo dhago nuglaado xasuuqa iyo macaluusha ku habsatay shacabka Soomaaliyeed. Markii heshiis la galayana waxaa lama huraan ah in la tixgaliyo dareenka, duruufaha dadka qadiyada ka dhaxeeyso.
    • Dagaalka mar walba oo uu sii daba dheeraado, kornayl Gabra na uu ka arimiyo caasimada Muqdisho, waxaa mugdi sii gali doona dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

Hadafka ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed waa in Itoobiya dhulka laga saaro, taana waxaa lagu gaari karaa xanuujinta cadawga oo la joogteeyo iyo in laga garab furo dadaal diblimaasiyadeed. Waxaa intaa oo dhan ka sii muhiimsan in laga koro caqliyadii keentay xaalada maanta wadanka iyo dadku marayo. Waana qodobkaas kan lagawada xaajoonayo shirarka dib-u-heshiisiinta ee Djabouti ka soconaya. Lagu heshiiyaa ama lagu kala tagyaaba waxuu mudan yahay in la tijaabiyo lagana dhursugo waxa ka soo baxa. 

C/raxiim C. Shaafici

Email: shafieuk@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS