SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA WAX LALA QAYBSADAA | Caanageel

Anqaastii qalashaan dib u cabeeyay, hal abuurkaygii irmaan gaagaxay baa maaxdiisi bilaabatay , sadaradaan dhig dhigi jiraan dib boorka uga jafay, Hadraawi baa laga hayaa markay dani meeday tiri waydiiyey nin meel ka dayey, awal waxaan is lahaa cullimada inaga wakiil ah oo xaraf qaldami mayo hadase waxaa ii muuqatay inaan la hurayn in sooyaalka iyo saadasha ka hadalkeeda marxaladda taagan lagu daro si aan meer meertada siyaasadda tabcanayaashu(dabadhilifyadda) ugu adkaan.

Guuxa dadka taageersan ragga Asmara ka tirsan ee shirka Jabuuti ka qayb galayaa waxuu leeyahay nidaamka dhexdiisa halaga diriro taas oo ay ula jeedan wax halala qaybsado C/laahi iyo ragiisa, waxayna daliil ka dhiganayaan Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaan siday xeraddda dhexdeeda ugala dirireen eeg, waxay ku goodinayan ninkii shirkan diida dhaqdhaqaaqa safaradda waa laga xiraya, intaas iyo dood ka badan ayaa suuqa loo soo iib geeyay, intaa kadib waxaan iswaydiiyay yaa wax lala qaybsanaa, saddex kooxood Maraykan oo madaxda kooxda, Itoobiya oo cududa gudaha joogta iyo xerta C/laahi bal aan mid mid u dhig dhigo sida wax loola gadan karo.

Mareykanka siyaasadiisa dibadda ee dalalka muslinka ku wajahani waa laba xaraf aniga wadadayda raac haddii kale argagixisaad tahay falsafada markaan saaray cabir wadani ah macnaheedu waxuu noqday adigu wax ma lihid, hoboladeenu waxay dhihi jireen Dal dadkiisiba iska leh taa waa in lagu badalo dal shisheeya iska leh suurtagalna ma ahan, miisaan diini ah markaan saarayna daliil lagu qaadan karo waayey, tan labaad Mareykanku dal wax soo gumaystay ma ahan sidaa darted waxaa ka maqan sidda dadka taagta yar loola dhaqmo oo arrimahooda loogu daayo, tan saddexaad waxaan garan waayey nuuc dowladeed oo Mareykan Soomaaliya ka rabo waayo Cabdulaahi isagoo jooga waa sagii raggii la dagalanka argagixisadda la baxay qandaraas siiyey markay iyagu fashilmeen buu qandaraaskii Itoobiya iyo Cabdulaahi siiyey walina ma arag qaab dowli ah oo uu C/laahi Mareykan ula macaamilayo , Itoobiya soo jireenka iyo haatan midna jiritaan Soomaaliyeed ma ogolayn waxa kali ah oo manta Jabuuti looga gadanayo waa laba arrimood waa jabnayey qolo anagoo sharaf leh na bixisaan rabnaa iyo tan labaad oo ah tabcanayashayda masraxa ha ku sii jireen si aan masiirka Soomali kor uga maamulno.

C/laahi wax halala qaybsado dhinacyo badan baan ka eegay, markay nabaddu qaaliga ahayd qaladkan yaa keenay?jawaabta ii soo baxday waxay noqotay dadkoo bulsho kacaan ah waa sagii inqilaab abaabulay markuu ku fashilmayna jabhad qabiil ninkii ugu horeeyay oo Soomaliya u dhisay ahaa, nin raggii jabhadda la noqday oo abwaan ah ayaa waxuu ku gabyay’ Jabhadana mid baan oranaya marag ma doontaaye, Soomaalidda la kala miiray iyo qaran maqaar saarka, midiyaha la soofeeyay iyo waran mubaaxsiinta, adinkaa masuul ka ah hadaan xaqqa ku maansoodo’, markii diin islaam loo kacee lixdii bilood la helayna isaga cadow dalkii u saxiixay, xitaa markii uu malatari ahaan isaga iyo cadowgii ragii ka soo horjeeday uga adkaadeen gob xishoota ma noqone wixii dhacay baa isaga iyo raggii la socday maatadii ku faleen ilaa xabsiyadda dadka lagu iibsadey, mar labaad baan iswaydiiyay raggay mabda isku raaceen suu ula dhaqmay ilaa Cabdiraxmaan Caydiid ilaa Geedoo u danbeeyay geeri iyo gacan banaan buu uga tagay, waxaan iswaydiiyey birimagaydo siduu ku yahay? Waxaa ii soo baxday ninkii suldaan Hurre dayn waayey nin uga fog maxaad u malayn, waxaan iswaydiiyey dastuur dhowr suu ku yahay?SSDF xeerkii ay dhigteen markay kula heshiin waayeen bay iska xireen, Puntland waa kii doorashadii Jaamac Cali Jaamac diidey, haatan oo awooda fulinta ra,isul wasaaruhu leeyahay maalin shaqadooda uma dayn,su,aaluhu iguma margane mar kalaa waxaa igu soo dhacday wadaniyad suu ku yahay?Diktaytarkii wadaniga ahaa Maxamed Siyaad ayaa dagaalkii 1977 soo baxaydii markii ay dhacday waxuu isagu yeeray jananadii ciidanka markaasu waydiiyey see wax loo badabaadiya waxay ku yiraahdeen ciidan Doolow Itoobiya joogay oo C/laahi taliye u ahaa weerar ha soo qaadeen si culayska cadowgu u kala jabo waxuu Ina Siyaad ku yirri C/laahi waa Itoobiya , Itoobiyana waa Cabdulaahi ogow inqilaab ma dhicine, manta waa kaas hankiisi cadaystay.

Waxaan iswayndiiyey isaga gartay raga ka danbeeyay ka waran? Waxaa ii soo baxday waa abaalmarintii xumaanta oo barlaman loo fakada kama danbeeyo ama aan dhaho waa salaamula xala Xujaaj, waxaa igu soo dhacday qofkuusan aqoon siduu u salaama ?yaa tahay buu war uga bilaaba, xilligii Cumar bini qadaab dowladii muslinka xukumayey ayuu booqday gobol Saciid binu Jurayxa madax ka ahaa markaasuu su,aalay dadkii gobolka ka warama gudoomiyihiina eedihii ay u soo jeediyeen waxaa ka mid ahaa todobadda maalmood maalin buusan noo soo bixin, markuu Amiirki muslimiintu Ilaah ha ka raali noqdee Saciid su,aashi waydiiyeyna waxuu ku jawaabay hal maro ayaan dhar ka qabaa maalintaas ayaan dhaqdaa, hadda C/laahi oo sanadkii ugu yaraan afar bilood isbitaal jiifa hogaan ma lagu halayn karaa, ugu danbaytii waxaan iswaydiiyey maxuu ku fiican yahay ?waxaa ii soo baxday warkiisa siyaasddu waa cad yahay oo lab lab ma leh, dadka siyaasadda xoolaha ka rabana ma ahan.

Gabagabadii dalka waxa ka burburay isku kalsoonidii iyo is aaminkii bulshada Soomaaliyeed baa ugu wayn iyana cadaaladda ALLE oo dastuur laga dhigto waxaan ahayn laguma soo celin karo , xaaladda hadda jirtana ragii dhigay in loo gacan galo loogama bixi karo ee sidaan horay maqaalo ugu iri dalkoo dowlad kale laga dhiso , Itoobiyana laga saaro xal kama sokeeyo, dab dhafoorka lagu gubo duumo laguma ciribtiro ee xawaaraha ha la dhigo si amalka dadka iyo dalka loo sugo haddii kale yaan dib laga cataabin.

:::HELLO SHEEKH SHARIF HAL MA KU IRAAHDA | Caanageel

WQ CAANAGEEL
EX SUXUFI.
caanageel@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS