Maxaad ka taqaanaa
qaabka ay Tigreegu ula
dhaqmaan dadka ay ku
adeegtaan
Gumaysi kasta oo aduunka
soo maray waxa uu iska
racsan yahay ixtiraam
la'aanta iyo bahdilka
joogtada ah uu kula
dhaqmo dadka u adeega
iyo jaajuusiinta,
inkasta oo gumaysigu uu
ogyahay in adeegihiisu
uu fulinayo dantiisa
hadana mar walba waxaan
u cad in shakhsi
dadkiisii cadaw ku ah uu
yahay shakhsi aad uxun.
Xukuumaddii Mangistu
Xayle Maryan iyo tii
kasii horaysay ee Xayle
Salaase marka labarbar
dhigo Tan Tigreega,qaab
dhaqanka adeegayaashooda
iyo jaajuusiinta way ku
kala duwanaayeen.
Hadaan marka qaab
dhaqanka ukala qaadno
labadan qaybood:-
-
Qaabka ay ula
dhaqmaan cidda
maamulka ah
-
Qaabka ay ula
dhaqmaan
shakhsiyaadka
adeegaha ah
Qaabka ay ula dhaqman
Shakhsiga adeegaha u ah
1-Ninka Adeegaha u ahaa
waxaa jiray sad ama
mushaar fiican oo ruuxa
marar badan ka dhigi
jiray
in uu shaqadiisa
ilaashanayo,laakiin
adeegayaasha Tigreegu
waa dadka ugu nolosha
xun,oo shakhsigu mahelo
wax mushaar iyo gunno ah
midna,waxaa mar-mar lagu
hawl galiyaa raashinka
caawimada ah ee
dadwaynaha oo dhowr
kiish laga siiyaa,waana
shakhsi ruuxa arkaayi uu
garan in uuyahay ruux
nolosha ku dhintay.
2-Ninka adeegaha u ahaa
waxa uu askarta iyo
Axmaarada dhexdeeda
kulahaa ixtiraam
badan,oo waxaaba laga
yaabaa in saraakiisha
dawladda uu kuyeesho
saaxiibo badan oo
reerkiisa iyo
qaraabadiisaba
yaqaana,been kasta oo uu
ciidanka usheegana
lagulama dagaalami jirin
ee si walba oo uu yahay
waa lagu rabay,kuwani
kama helaan wax ixtiraam
ah haba yaraatee,waxaana
loola dhaqmaa sida ayga
oo kale,maalinka in uu
hawl qabto laga rabo waa
loo yeedhaa,markaasaa
loo balan qaadaa in
lasiin doono dhowr
kiish,sidaas daraadeed
uu shaqadaas soo
fuliyo,hadii ninkaasi uu
been sheegana waxa uu la
kulmayaa ciqaab
adag,dadka hortiisa
ayayna ku
fadeexadeeyaan.
3-Ninku adeegaha ahaa
waxa uu ku hawlgali
jiray qalab ay dawladdu
leedahay,wuxuun aaminaad
ahna way ku qabeen
Axmaaradu,laakiin kuwani
waxaa lagu adeejiyaayi
waa qoryohoodii,sahayda
la wataana waa toodii oo
majiro wax xaga Tigreega
kayimid oo gacantooda
gala.
4-Ninka adeegaya ahaa
isaga ayaa dadka xidhi
jiray,haduu damcana soo
dayn jiray isaga ayaana
ahaa,ninka inta badan
ahaa maxkamadda ruuxa
dil iyo daynba ku
xukunta,laakiin Tigreegu
ninku dadka uu isagu
jaajuusay ee lasoo
xidhay haduu isku dayo
in uu soo daayo,oo uu
layimaado hadal kii lagu
xidhay shakhsiga ka
duwan isaga ayaa
lafihiisa halis
ah,arintaas awgeed ayaa
nin adeege ka ahaa
magaalada Dhagaxbuur
waxa uu kuyidhi
jawaasiistii kale
"Nimanyohow dadka
hadaynaan soo dayn Karin
yaynaan xidhxidhin"
Qaabka ay ula dhaqman
qolyaha maamulka ah
Xukuumadihii hore
shakhsiga maamulka ugu
magacaaban meel
sida,gudoomiye
Degmo,gobol,tuulo iyo
cid kasta oo meel maamul
lagu ogyahay waxa ay
lahayn xoogaa xaqdhowr
ah oo sida in wuxuun wax
laga waydiiyo dadka iyo
dhulka uu xukumo,oo
isaga amarkiisa
la'aantii aan waxba
laqabanin.
Hadaba xukuumadda
Tigreegu inkasta oo
ladhihi karo wali waa
jabhad oo dhaqankii
jabhadnimada ee
jaajuuska necbaa ay
wataan,hadana nooca ay
ula dhaqmaa shakhsiga
maamulka ah aad buu
uqaab daran yahay
waxaana kamid ah:-
-
Shakhsiga maamulka
ahi majirto inna wax
awood ah uu
uleeyahay
maamulkiisa,hadii uu
hawl fuliyo ninka
maamulka ahi,oo
uusan lasoconin
shakhsigii Tigreega
ahaa ee lahaa
go'aanka waxa
hawshaas laqabtay ay
dambi kutahay
shakhsigii maamulka
ahaa,waxaana qasab
ku ah cid kasta oo
maamul u ah Tigreega
in ayna qaadin
talaabo aan ka
imaanin ama ayna
Ogaanin Tigreegu.
-
Askariga Tigreega ee
dablaha ahi waxa uu
leeyahay awoodd uu
madaxwaynaha
ismaamul kusheegga
uu ku garaaco ama uu
sida uu doono
kayeelo
-
Shakhsi maamul ahi
malaha awood uu
qofna ku damiinan
karo,kusoo dayn
karo,xataa uu kusoo
booqan karo.
Hadaba akhristoow marar
badan ayaa waxaan
saxaafadda ka maqalnaa
in madaxwaynihii Kilika
xilkii looga eryay
sonkor uu kutagay ama
taageero uu siiyay
nabad-diidka,inkasta oo
muddo 15 sano ah
lasheego in ay Kililka
soo mareen 9
madaxwayne,waxaa aqliga
fayoobi iswaydiin
karaa:-
-
Maxay tani ku
dhacday?
-
Raggan oo dhani
miyay wadi waayeel
maamulka,mise sonkor
bay wada dhunsadeen?
-
Dhamaantood ma
xidhiidhbay lawada
yeesheen jabhadda
ONLF?
Su'aalahan iyo kuwo kale
oo badan oo dadka
Ogaadeenya iyo
caalamkuma iswaydiiyo ma
aha arintu waxa ay
Itoobiya kasheegto
saxaafadda,inkasta oo
ragani ay yihiin kuwa
door biday in ay u
adeegaan cadawga hadana
in ay ceeb dhex
istaagaan way ku qasban
yihiin,waayo waxaa qasab
ku ah in uu wax
xumeeyo,oo markaas lagu
eedeeyo,shakhsiga
maamulka kililka kamid
ah ee hawshii loo
dhiibay si wacan uguta
ma sii waaro oo waxaa
lagu eedeeyaa in uu
kamid yahay shuftada.
Nin kamid ahaa maamulka
Kililka ayaa waxa uu ii
sheegay in nin maamul ah
lacag loogu dhiibay in
uu iskuul kasoo dhiso
degmada Awbarre ee
Gobolka Jigjiga,hase
aheetee lacagtii loo
dhiibay 30% ayaa ku
filnaatay dhisidda
iskuulkii loo diray,waxa
uuna kunoqday jigjiga.
Hase ahaatee ninkii
markii uu ka warbixiyay
waxqabadkiisii ee uu
miiska soo dhigay
lacagtii soo
hadhay,bartii ayaa
shaqadii lagaga
qaaday,gaadhigiina
lagaga dhigay,waxaana
markiiba lagu wareejiyay
nin kale,oo shaqadii loo
magacaabay,looma sheegin
waxa uu eeday,inkasta oo
qolyaha shaqaha ka
qaaday ayna ahayn Tigree
hadana waxay fulinayeen
shuruucda ay Tigreegu
raalliga ka yihiin ee ah
in mudaanta uu leeyahay
ninka lacag cunka badan
ee waxqabadka yar.
Tigreegu waxa ay xoogga
saaraan horumarinta
musuqmaasuqa iyo in cid
walba ay cunto lacagta
gacanteeda soo
gasha,waxa kale oo jira
ninka laga dhigo
madaxwaynaha wakhti yar
kadib waxa ay Tigreegu
usameeyaan mucaarad iyo
qolyo ku eedeeya wixii
la isla wada ogaa ee
musuqmasuqa ahaa,markaas
ayay Tigreeguna aad usii
buunbuniyaan illaa marka
dambe xilka laga qaado
ninkii oo loo dhiibo
mid ay sugayso tii hore
oo kale.
Midda kale waxaa kale oo
ay Tigreegu sameeyaan
waxa ay aad ubadiyaan in
isha ninka mamulka ahi
ay mar walba qabato
ninka Tigreega ah si uu
mar walba maskasdiisa uu
culays usaarnaado.
Wada hadalkii
udheexeeyay dawladda
Tigreegu ku adeegto ee
Soomaaliya iyo xoogaga
akasoo horjeeda 4 tii
June 2008 ayaa waxaa
shirka soo fadhiistay
safiirka Itoobiya
ufadhiya Jabuuti,hadaba
sababta meesha keentay
safiiska Itoobiya ayaa
waxaan ku macnayn karnaa
maadaama labada dhinac
ee isku haya siyaasada
Soomaaliya ay yihiin
Soomaali,hadii ay isku
kaliyaystaan waxaa dhici
kara
isutanaasul,khaastan
ergada dawladdu hadii ay
ishoodu qaban waydo
Tigreega waxaa laga
yaabaa in ay is
dabciyaan.
Si hadaba ayna taasi
udhicin oo qolada
dawladda matalaysaa ay
unoqdaan "Hal libaax
arkaysaayi ma godlato"
ayay lama huraan utahay
in Tigreegu goob joog ka
ahaadan wadahadal
kasta,shirarkii faraha
badnaa ee Soomaalida ee
soo fashilmi jirayna
waxaa sabab u ahaa
qolyaha siyaasada isku
haya ee hadana Itoobiya
saaxiibada lawada ahaa
oo mar kasta ishoodu
qabanaysay ama ka
baqayay Tigreega.
Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa
lehqoraaga ku saxiixan