SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Colka Waraf ma lagu deyay         Thursday, June 05, 2008 

    Dagaal maaha yoolka loo socdiyo dooda qaayahe e

    Doorkiisu waa xeel wadada daaha kuu fura eh 

Baadigoobka loogu jiro hanashada qaranimanda soomali, marna ma aahan mid lagu helayo dariiq sahlan. Haddiiba uu jiro ama uu jiray baadigoob dhab ah oo mar uun rag dal yaqaan ah loo dumay si ay u soo hawadiyaaan Jannadii luntay.  

Hal halaleeka loo dumo, hadba, kooxo duruufo adag, damac rageed iyo dani isu geysay wuxuu mar walba soo dedejinayay dumida daar aan aas aaskii hore si fiican dhidibadda loogu duugin. 

Aadane waa rajo ku nool, Allana lagam quustee, markii yididiilo bilaabataba haddana, yahe , waxbaa ka dhex yuusa dabadeedan sida yaxaas afwayn yam ka siiya ama kala yaaciya. 

Yaanan waxba sidii yala tuke ah hadba meel yaxoobsanine, yoolkaygu wuxu yahay waa in la yagleelaa nabad, wanaag la yaboohiyaa oo Soomali manta yaabiska laga rogaa.

Waa wajib Insaani, islaami iyo weliba Soomaali ah in maata danaha soomaalida oo KELIYA laga shaqeeyaa. Ajnabiga iyo inta awrka nagu kacsanysa waa inay irridda ka baxaan ama aysanba imman halka lagu irkayo unuga ayaaheena. 

Waa dood quursi ku ah qofka soomaaliga ah in lagu dodo in ajnabi aan ahayn inta dhexdhexaadinaysa ay madasha shirka Jabuuti yimaadaan. Iyagoo weliba kuwaasi yihiin kuwo hagardaamo la daba jooga qaranka Soomaaliyeed 

Safiirka Ethiopia inuu soo galo shir soomali ku heshiinayso waa wax mudan in laga gadoodo, laga gilgisho welibana gaashaanka loo daruuro. 

Waa liidasho aan meel loo helayn in la ogolaado in ninkii laga tashanayay uu wada tashiga ku jiro. 

Su’aasha meesha taal waxay tahay : maxaa Xabashiga keenay meesha Xabashi side loo saaraa looga tashanayo? 

Waal agama maarmaan inay gartaan raga Ethiopianka jaalka la ah in arinta Soomaaliya ay u geed fariistaan iyaga oo Kaliya oo aan hoos joogin harka dad shisheeye ah. 

Waa in la helaa Dhiiranaanta iyo hal adayga Sheekh Shariif iyo inta la fakirka ah ay muujiyeen mid la mida ah.

Waxay maraysaa colka waraf ma lagu deyaye fadhigaan uga kacayaa go’aankii geesinimada ahaa ee ay ku doorteen inay wadahadalna bal ku dayaan in dalka soomaaliyeed dib u hanto qaranimadiisa Ethopiana dalka looga saaro. 

Waa muhim in laga sal gaaro ka saarida Ethopianka ee dalka geed dheer iyo mid gaabana loo fuulo iyadoo indhaha lagu hayo dhibaatada baahsan ee haysata ummadda Soomaaliyeed.  

Dhamaan ummadda Soomaaliyeed waxay indhaha ku haysaa maxsuulka ka soo baxa shirka Jabuuti iyo sida loo maareeyo. 

Inkastoo qof walba oo Soomaali ah ay ushiisu meel uga go’antahay isagoo oo kaliyana khabiir ku yahay xalku meeshuu ku jiro haddana , Shirkan Jabuuti wuxuu halbeeg u noqonaysaa halka hawshu ka socon la’dahay iyo cidda hor is taagan in halaaga soomaaliyeed dhamaado. 

Hussein Salad
dalas2@hotmail.com

Riyadh Saudi Arabia 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS