SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sudan iyo Soomaalida Tahriibka ah
Liiban Cabdi Cali
Khartoum.
Hayaan_8@hotmail.com

"Kuman baa cararay oon la hayn
Ciribya jaantoode"

Abwaan Indhagelle

Erayadan waxaa uu abwaanku curiyay sagaashamaadkii oo ah xilligii ay soomaalidu bilaabeen in ay dalkooda isaga hayaamaan,manta 17 san ka dib wali waxaa socda hayaankii mana muuqdaan ifafaalo nabadeed oo dhow.naxaruusta allaahse lagama quusto.

Waa dhab oo dalkeenna soomaaliya waxaa ka dhacay colaad iyo gabood fallo qof waliba iyo qoys walba saamayn ku yeeshay. Dhibtu waxa ay soo bilaabatay muddo aan dhawayn, dhinacyada shisheeye ee cadaawadda u qaba shacabka soomaaliyeed waxay mar walba ku lahaayeen kaalin,laakiin soomaalideenna ayaa dulmiga ugu badan isu gaysannay,arrintaas oo ugu dambayntii waddada u xaartay in kacdoon hubaysan lagu rido nidaamkii ka jiray dalka.

Wixii ka dambeeyay ridistii maamulkii milatari ee Jen: Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa,waxaa dalka soomaaliya galay fowdo iyo isku dhex yaac dhan walba ah. Waxaana amni darradii is-cunkii walaalaha colloobay ay horseedday in dadku kumannaan iyagoo ah ka cararaan dalkoodii hooyo,iyagoo aan si dhab ah u ogayn halka ay ku jeedaan,waxa ay mudan karaan iyo muddada ay ka maqnaanayaan dalkooda hooyo ee colaaddu ka hurtay,balse ujeedkooda ugu wayni yahay in ay lafahooda kala badbaadaan dagaallada iyo diifta ka dhalatay,

Waddammada caalamka oo dhan ayay soomaalidu u yaaceen iyagoo maray saxariir iyo silic kuwoodii nololba ilaah u qoray,halka kumannaan kalena ay nafwaayeen iyagoo ku sii jira safar naf la cararka iyo nolol raadiska ah.

Badaha ayay badankood ku hafteen, boqollaal kalena waxaa ay harraad ugu qur-bexeen dhulal lama dagaan ah, markii gawaaridii ay saarnaayeen khasab looga daadiyay,kuwo kale warkood nolol iyo geeri lama hayo oo waa kuwaas \maalin kasta laga naadinayo barnaamijka bbc-da ka baxa ee Baafinta. Caddad kale oo aan kuwaas wax badan ka tiro yarayn ayaa iyaguna ku uray xabsiyada dalalka kala duwan ee ay soomaalidu u firxadeen.

Qaxa iyo socodka soomaalida ka cararaya dalkoodu marnaba ma joogsan,oo mar walba waxaa la soo sheegayay wararka dad soomaaliyeed oo ku haftay badaha xilli ay u sii tahriibayeen Yemen ama Europe.

Labadii sano ee u dambaysay soomaaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyin xooggan. Dalkii waxaa ku soo duulay Ethiopia oo xoog ku qabsatay, imaatinka Ethiopia iyo gumaadka ay ka gaysatay Somalia ayaana sababay geerida kumanaan soomaali ah iyo barakaca in ka badan Hal milyan iyo bar geedaha hoos jiifa baadiyaha u dhexeeya Mogadishu iyo Afgooye iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Colaadaha ka sii daray iyo duruufaha nololeed iyo dhaqaale ee ka dhashay duullaanka Ethiopia ku qabsatay Somalia,waxay horseedeen mowjado hor leh oo qoxooti ah, dalalka soomaalidu u qexeen waxaa ka mid ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia ,dadkuna kuma hakadaan dalalkaas oo way ka sii gudbaan iyagoo raadinaya meelo kale oo nolol ahaan dhaanta.sida dalalka Europe .

si ay xaqiijiyaan riyadooda ah in ay Europe gaaraanna soomaalidu waxay ku khasban yihiin in ay sii maraan safarro dhaadheer oo dhib badan,ka bilow Somalia ilaa xeebaha Italy. Dalalka ugu dhibta badan ee la sii marana waxaa ka mid ah Sudan iyo Libiya.

Haddaba qormooyin taxane ahaan doona ayaan dhowrka maalmood ee soo socda haddii alla idmo kaga hadli doonaa dibta ay la kulmaan soomaalida tahriibta ah ee soo marta dalkan sudan.

Ee la socod wanaagsan.

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS