SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JABUUTI, JALAAD MAYA, JIHAAD MAYA

Maxamed Deeq Barre | fiyoore@hotmail.com

Jarabanaha cadowgu markii uu jiida dagaalka ku riiqmay oo jid walbaa Alle Janee Mujaahid ah jabshe iyo waxaan loo kala garan kala soo jeestay kasoo min Jig jigo ilaa Xafaada Jamhuuriya kaga dhigay jeexdimo cadowga lagu Aaso kana cunaqabateeyey jiscinkii ay quudan lahayeen cadowga gaamuray ayaa jaalaheygoo jaha aan la fileyn jabuuti laga keenay.

waa wax meesha ku jiraa wal walka guusha xanbaarsan iyadoo Shacabka Soomaliyeed hadal hayaan guulaha Mujaahidiinta gaareen tasoo har iyo habeen kor usocota kana dhigtay wiilkaan ku hadal qabsaday maqaalkeygii aan qoray sanad kahor ee magaciisu ahaa "saldanada taangiga saadanbe magaartaa" mid saamaha horey u sii sikiyey isagoo saban xanbaarsan isla markaana seyraya rasaas cadowga caloosha gubtay sankana u saaran in uu saldhigyada lixda ah ee ku yaal xamar gudaha ugalaa iyo kuwa afarta ah ee Gobolada kuyaal balse sikale oo xeeladeysan cadowgu ugu soo jeestay si uu unaafeeyaa Sinta.


Intaasoo Naruura ah maxaa Naarta kugu shiday Shacabkiiyow? sow ma`ahan Ragii Culimada ahaa in ay af libaax Dalkii galiyeen oo Saxiixeen heshiiskii baqdinta ama aan iraahdee heshiiskii Tarbiyada Siminaarka kasoo gacmaha dahsoon min Sudan ilaa Jabuuti waday ku cadaadin kuwa aan caamada wax dhaamin ee Cilmigii Alle siiyey iyo cududa walaalahood ee cadowga u babac dhigay in ay ku badashaan waxoogaa lacag ah iyo xilal dhal dhalaalaya iyagoo sidii Ibliis Adaan maqlay dhagaha ka qabsaday talada uga imaaneysay Shacabkii ku doortay dariiqa toosan ee dhiigooda Alle ka iibsaday cadowga gumeysi baradka ahna la hor taagan Qori.

Waxaad la seexan weyday shacabkiiyow qodobada Qaa`inimada ee ah Axmaar hajoogo adna Xabad haku ridin tasoo udhiganta haka toosin hurdada uu kaga nasanayo daalka iyo walaalhowga Mujaahidiinta ku rideen isagoo hurda sariirtada, cunadana ha u dar duurto siduu rabay ilaa uu ku iloobaa gaajadii abasiiniya ka keentay, Dalkana ha meereysto meshuu rabo oo Xeebta dheer haku Qabri cabo hana iska fawaaxisho mudo Afar Bil ah isagoo dhuujisanayo boolasha ay dabciyeen Mujaahidinta, tiiyoo lagu sii laray in aysan baxeyn inta UN yimaado waliba shuruud looga dhigay in ay noqdaan ciidan Amaanka ku filan lana sii raaciyey in ay xaladaa fulinteeda leedahay qolada daba dhilifka oo hadey doonaan aanba suubineyn kana dhigeysa qodob malinkastaa laga sugo aanse loo socon ileen Odaga Imbgathi iyo asxaabtiisi hore awalba owlaadoodey ahaayeen umana socdaanee,"Subxaanalaah" waliba waxaa kusii daba calaqan in ay Sodon Bari kadib labada shariif iyo kooxdooda humaaga iska xaadirindoonaan Sucuudiga si xilalkooda loogu sheego, walee waa amuuro Alle iftiinka ka qaadaayo.

Ogow heshiiskaa shirqoolka ah loogama hadal Ragii Gumaaday Shacabka in ciqaabtooda lamariyaa waxaana taa badalkeeda laga hayaa in ayba la wadaagidoonana Xukun iyagoo ay noqotay kuwa awalba kursi usocday balse aan usocon isku xukunka shareecada islaamka iyagoo ka amar qaatay ahlu dalaal kuna biiraya maamulka murtadka ah jalaadka(Qur`aanka) Ebaheyna ku badashay waxey kufaari soo dhoo`dhobtay xitaa aan xisaabta ku darin in ay la`tashi ugula noqonayaan isbaheysiga inteysan saxiixin kahor ileen waa Rag casuumanee ma`adaa cod deeqsiin kara,waxaa Aqristow kuusoo baxaaya in wixii ay rabeen xabashidu lagu saxiixay Jabuti waliba aysan meel usocon Itoobiya Dalkana ay hantisiiyeen kuwa umashxaraday ee masraxa kooxda Gumeysiga lagu soo dhaweeyey Allese ma dhihin midaa horana waa uga digeen xaq`udirirka.

Jabuuti waxey noqotay halka loogu waqlalay in ay labada Qolo ee lakala watay soo hormarsadaan laba nin oo ka siman Jufo iyo Jihaad naceyb iyagoo ay usoo dheer tahay in ay yihiin qolada Gaaladu ay ku amaanaan Islaamka Ilbaxa ah,"Acudu Bilaah" kuwaas oo ay rakaabkooduna ku jiraan kuwa aayahooda xumaaday, waxaase su`aala ma`iyagaa qoriga loo siday oo lagu raali galinaayey ragga heshiiska shirqoolka saxiixay, mase Rabbi Subxaanahu watacalaa si Ardadiisa Muslimka laga qabsaday ee ay kusoo duushay Dowlada Masiixiga ah looga Xoreeyaa oo Culimadiisa iyo Caamadiisaba ay sharaf ku nooladaan?.


Amuurihii in badan guntiga lagu qarinaayey ayaa banaanka yimid Nin kasta oo hubsiina badnaana bidhaansi ku arag Shirqoolka dhacay, waxa Bakaarta laga soo faqayna noqotay in kuwii in badan lahaa hala Jihaado iyo gacma dhiig ka qubanaayo lama kulmeyno in ay Bilad gudoonsiiyaan kuwa Alle ka fogaaday ee gumaaday ciroole iyo caruur Gabrana u madaxda yahay tasoo farsamadeeda gacanta uu lahaa walad cabdale kuna hubsaday hog sumeysan sidii lagu yaqaan ama loogu doortay xilkan waxaanse wal wal ka jirinba in Mujaahidiinta ay udar banaandoonaan sidii ay Salka ugu jari lahayeen Saldanada Kufriga wal waalayo maadama shirqoolkii Jabuuti wixii kasoo baxay ay noqdeen Jalaad maya Jihaad maya.

Maxamed Deeq Barre | fiyoore@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS