DOORKA XAQ-U-DIRIRKA (Hanqaraarac lug uma dhutiyo) Qaddiyadda
Soomaaliya Wey Ka Weyn Tahay Laba SheekhHordhac
Waxaa mahad leh Allaah sareeye guusha siiyay xaq-u-dirirka, kadibna
waxaa mahad mudan xaq-u-dirirka dhiigooda u huray difaaca, diinta, dadka
iyo dalka Soomaaliyeed.
Wixii ka dambeeyay ridistii maamulkii milatari ee Jen: Maxamed Siyaad
Barre madaxda ka ahaa,waxaa dalka soomaaliya galay fowdo iyo isku dhex
yaac dhan walba ah. Waxaana amni darradii is-cunkii walaalaha colloobay
ay horseedday in dadku kumannaan iyagoo ah ka cararaan dalkoodii
hooyo,iyagoo aan si dhab ah u ogayn halka ay ku jeedaan,waxa ay mudan
karaan iyo muddada ay ka maqnaanayaan dalkooda hooyo ee colaaddu ka
hurtay,balse ujeedkooda ugu wayni yahay in ay lafahooda kala badbaadaan
dagaallada iyo diifta ka dhalatay.
Labadii sano ee u dambaysay soomaaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyin
xooggan. Dalkii waxaa ku soo duulay Ethiopia oo xoog ku qabsatay,
imaatinka Ethiopia iyo gumaadka ay ka gaysatay Somalia ayaana sababay
geerida kumanaan soomaali ah iyo barakaca in ka badan Hal milyan iyo bar
geedaha hoos jiifa baadiyaha u dhexeeya Mogadishu iyo Afgooye iyo meelo
kale oo dalka ka mid ah.dadkasoo aan cidna u maqan aysan jirin.
Hadaba Waxaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay muuqday khilaaf soo
kala dhex galay isbaheysiga la baxay 'Dib U Xoreynta Soomaaliya' ee
sanadkii lasoo dhaafay lagu aasaasay magaalada Asmara ee dalka
Ereteriya.
Xubnaha ku bahoobay isbaheysigan oo tiradoodu gaareyso 191 qof ayaa ka
kooban koox qurbo-joog ah, koox ka tirsanaan jirtay baarlamaanka
Mbagathi, koox la magac baxday bulsho rayid iyo koox wadaaddo ah.
Inkastoo hal qeyb oo qura ay isbaheysiga kaga qeyb gashay magaca
'qurbo-joog' misana waxaa muuqata in dhamaan 191-da qof ee uu
isbaheysigu ka kooban yahay, marka laga reebo shakhsiyaad faro ku tiris
ah oo Soomaaliya ku sugan ay haatan yihiin qurbo-joog ku nool wadamada
Ereteriya, Jabuuti, Qatar, Imaaraadka Carabta, iyo wadamada galbeedka.
Isbaheysiga oo haatan u muuqda mid u kala jabay laba qeybood: (1)
Isbaheysiga Asmara, iyo (2) Isbaheysiga Jabuuti ayaan maalmihii lasoo
dhaafay waxba isula harin, iyagoo hadallo aan munaasib aheyn isu mariyay
saxaafadda.
Inkastoo uu Isbaheysigu leeyahay laba guddoomiye, guddoomiye guddiga
fulinta iyo guddoomiye gole dhexe, misana awoodda rasmiga ah ee
isbaheysiga waxey aheyd mid ay lahaayeen laba Sheekh, Sheekh Shariif iyo
Sheekh Aweys.
SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED
Wuxuu sumcad iyo magac yeeshay xiligii ay Maxkamadaha ka talinayeen
magaalada Muqdisho waana shakhsi aftahan ah. Waa nin dulqaad badan diin
iyo daacadnimana lagu sheegay.
Waxaa Sheekha lagu eedeeyay go'aanka uu ku qaatay in wada hadal lala
galo Kooxda Mbagathi iyo heshiisyo qarsoodi ah oo la sheegay in uu la
galay dalal ay kamid yihiin Mareykanka, Yeman, Sacuudiga iyo Masar.
Ka faalloon meyno go'aanka uu Sheekhu ku gaaray in uu wada hadal la galo
Kooxda Mbagathi waayo taariikhda ayaa mustaqbalka xusi doonta sax iyo
khalad miduu go'aankaasi ahaa, balse waxaan ka faallooneynaa doorkiisa
hoggaan.
Maadaama Sheekh Shariif yahay guddoomiyaha guddiga fulinta isla markaana
ah guddoomiyaha isbaheysiga, isaga ayey mas'uuliyaddiisa aheyd in uu
isku hayo isuna soo dhoweeyo xubnaha isbaheysiga.
Xubnaha ugu dhow dhow Sheekha ee isbaheysiga ku jira waxaa kamid ah
Sheekh Xassan Daahir Aweys, Sheekh Cumar Iimaan iyo Jeneraal Jaamac
Maxamed Qaalib. Haddii uu Sheekh Shariif ku guul dareystay in uu
xubnahan aadka ugu dhow dhow ku qanciyo go'aanka uu gaaray, sidee buu
Soomaali ugu qancin karaa go'aanka xasaasiga ah ee uu qaatay?.
Haddii Sheekh Shariif go'aanka uu qaatay uu sababay burburka golahii uu
madaxda u ahaa isla markaana uu ka madax adeygay la tashi uu la yeesho
xubnaha golaha uu madaxda u yahay, su'aasha la is weydiin karo ayaa
waxey tahay yuu qancinayaa Sheekhu, kaba sii darane haddii Sheekhu kala
diray golahii uu madaxda u ahaa sidee buu isugu keeni karaa Soomaali?.
Waxaan aaminsannahay in Sheekhu yahay shakhsi daacad ah, balse siyaasad
ahaan, ma qabno in uu yahay nin karti, xirfad iyo aqoon u leh in uu
hoggaamiyo Ummad Soomaaliyeed.
SHEEKH XASSAN DAAHIR AWEYS
Sheekh Aweys waa shakhsi magac ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed, waa
halgame door weyn kasoo qaatay ka shaqeynta wanaagga iyo la dagaallanka
xumaha.
Sheekh Xassan waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay la dagaalanka
xumaha laga soo bilaabo 1992-dii, markaas oo uu la dagaalamay
dagaal-ooge Cabdullaahi Yuusuf.
Sheekh Xassan wuxuu saameyn weyn lahaa markii uu ku sugnaa gudaha dalka,
balse haatan oo uu qurbo-joog yahay saameyntiisu ma gaarsiisna halkii uu
jeclaan lahaa.
Maadaama uu Sheekhu yahay nin door weyn ku leh isbaheysiga waxaa
habbooneyd in khilaafka ka dhex jira gudaha isbaheysiga uu kala xaajoodo
Sheekh Shariif ee aanu idaacadaha kala dagaalamin wadaaygiis.
Maadaama Sheekh Xassan aanu jago sare ka hayn isbaheysiga lama saari
karo eedeyn lamid ah midda Sheekh Shariif.
DOORKA XAQ-U-DIRIRKA (Hanqaraarac lug uma dhutiyo)
Sida muuqata lana xaqiijiyay, afartii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa
ahaa todobaadyadii weerarada ugu badan lagu qaaday ciidamada gumeysiga
Itoobiya. Todobaadyadan weerarada ugu tirada badan leh loo geystay
Itoobiyaanka waxey ahaayeen todobaadyada ay hoggaanka isbaheysiga Asmara
isku mashquulsanaayeen oo ay idaacadaha iska weerarayeen.
Arrinkan ayaa kuu muujinaya in 'Hanqaraarac aanu hal lug u dhutin' isla
markaana halganka Ummadda Soomaaliyeed kaga soo horjeeddo cadowga
Itoobiya yahay mid ka weyn isbaheysiga Asmara.
Si Kastaba ha ahaatee Isbaheysiga Asmara waa mid Qurbo-joog ah, halganka
xaq-u-dirirkana wuxuu ka socdaa gudaha dalka, sidaa daraadeed is
qabqabsiga iyo kala qeybsanaanta isbaheysiga wax saameyn ah ku yeelan
meyso halganka xaq-u-dirirka ah ee lagaga soo horjeedo ciidamada
gumeysiga Itoobiya.
Guushu wey dhowdahay Allaah idanki ee dulqaad hala yeesha
Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesbrug
South Africa