SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Assalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuhu,
Cinwaan: Doonta Nabadda
Ujeedo; Xasan Daahir Awesow, Esias Dan kuuma Hayee Doonta Nabadda Soo Raac

Sidaan ognahay guul baa laga gaaray shirkii Soomaalida ugu soo xirmay magaalada Jabuuti afar maalmood ka hor, Allaah baa mahad dhammaanteed iska leh.

Waxaan dhegaystay khudbooyinkii raggii madaxda ka ahaa shirka dib u heshiisiinta Jabuuti, waxaan dhegaystay codkii shacabka Soomaaliyeed oo British Broadcasting Corporation la dhex martay makarafoon iyagoo waydiiyay dareenkooda ku aadan heshiiska la gaaray, waxaan dhegaystay niman in dheer garad ah oo iyagoo jooga magaalada Washington British Broadcasting Corporation su’aalo ka waydiisay siday u arkaan heshiiska labada dhinac wada saxiideen. Waxaan kaloo dhegaystay Sh. Xasan Daahir Awes oo British Broadcasting Corporation ka waraysatay aragtidiisa ku aadan heshiiska kor ku qoran.

Dadkaas oo dhammi, marka laga reebo Sh. Xasan Daahir Awes, waxay aad ugu faraxsanaayeen heshiiska lagu gaaray Jabuuti, waxayna rajaynayaan inuu Soomaali guul u horseedo.

Intaas ka dib waxaan fartiinta soo socota u dirayaa Sh. Xasan Daahir Aweys
Sh. Xasan, waxaad tahay nin da’ wayn oo muslim ah, waliba waxaad wadataa aqoon diineed, diinta islaamku waa nuur waxayna kala caddaysay xaqqii iyo baadilkii, sixii iyo qaladkii, Allaah wuxuu yiri, macnaha “Xaqqii iyo baadilkii waa kala caddaadeen (2;256).

War bixintii aad siisay BBC-da dorraad waxaa ka mid ahaa arrimo aan la qaadan karin;
sida aayad qur’aan ah oo aad soo qaadatay, macnaha “… haddaad xanuunsanaysaan iyaguba waa xanuunsanayaan Allaahna waxaad ka rajaynaysaan wax ayan ka rajaynayn” (4:103) waa wax aad looga murugoodo in aayaadka jihaadka loo soo daliishado in muslimiinta lagu laayo. Waa kuwee iyaguba? Adduunka oo dhammi wuxuu marag ka yahay in waxa xanuunsanayaa yihiin shacabka Soomaaliyeed. Hadddii markii boqolaal Soomaali ahi dhintaan hal ama labo Itoobiyaan ahi la dhintaan laguma tilmaami karo inay yihiin waxa xanuunsanayaa Itoobiyaanka. Midda kale Itoobiya askar baa ka dhimata, Soomaaliduna waxay waayaan naf iyo maal.

Waxaad kaloo tiri "annagu Soomaali la dagaalamimayno", oo yaad la dagaalamaysaan, yaad bara kicisaan, yaad miinada u aastaan, yaad mid mid iyo kooxba u laysaan oo si walba u rafaadisaan? Dadka Soomaaliyeed, siiba kuwa Xamar ku nooli, waxay halis ugu jiraan inay u dhammaadaan xabad, gaajo iyo cudur, dalka Soomaaliyeedna dawlado shiisheeyaa ku loolamaya. Intaas waxaa dheer ceebta aad Soomaali baddeen intiinna ka mas’uulka ka ah dagaalada Soomaaliya ka socda 18. Waxaan maqlay wiil yar oo ku koray dalka dibediisa oo oranaya war ha lays qariyo, markuu TV ka daawaday waxa ka dhacaya dalkii waalidki ka yimaadeen.

Waxaan aaminsanahay in heshiiska Jabuuti lagu saxiixay yahay tilaabo u horseedi karta in Soomaaliya soo ceshato gobanimadeedii iyo sharafteedii. Sidaas daraadeed qofka isku daya inuu dhiciseeyo loo aqoonsado inuu yahay cadow Soomaaliyeed, shacabkuna meel uga soo wada jeesto oo iska qabto.

Allaah SWT wuxuu yiri, macnaha “reer Banii Israa'iilow rumeeya waxa aan soo dajiyay oo rumaynaya waxa aad haysataan hana noqonina kuwa ugu horreeya oo ku gaalooba” (2:41)”... hana ku dheehina xaqqa baadil oo ha qarinina XAQQA idinkoo ogsoon” (2.42).

Su’aal haddii ujeedada aad u dagaalamaysaan tahay in Itoobiya ka baxdo Soomaaliya, heshiiskay ku qorantahay, waxaad ogtahay haddii maanta Itoobiya Soomaaliya ka baxdo iyadoo aan ciidama kale badalin sida xaalka Soomaalidu noqon karo. Xabad aan xigmadi la jirin waa soo daashatay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaad tiri "annagu muqaawamo maahin ee waxaan nahay gobanimo doon", runtii Sh. Xasan waxaad tihiin shacab gumaadayaal, dadkooda guul daro u horseedayaal. Adiga Xasan ahi meeqa goor baad ku hogaamisay dhallinyarada Soomaaliyeed dagaal lagu khasaaray?. Waxaa hubaal ah haddii shareecada islaamku talinayso in laysugu kiin tagilahaa adiga iyo cid kasta oo heshiiska diida ilaa aad u hogaansantaan nabadda, qur’aan (49:9). Allaah SWT wuxuu ku yiri Nabigiisa (CSS), iyadoo gaalo jihaad lagula jiro, hadday garabka nabad u raariciyaan gaaladu adiguna u raarici.

Sh. Xasan Soomaalidu waxay tiraahdaa carrab dalab leh laga garan og xagal dalab leh, doontii nabaddu, in shaa Allaah, waa shiraacadtay ee soo raaca inta goori goor tahay.

Waxaan ku xusuusinayaa ninka aad martida u tihiin waa nin jiran oo shacabkiisii 30-ka sano dagaal ugu jiray inay xoriyad iyo xurmo helaan, laga dheregsanyahay meeshu dhigay. Waxaa intaas u dheer dawladaha dariska la ah buu midba maalin ku duulaa. Maanta waa kaas Jabuuti ku duulay, waxaan Allaah ka baryayaa inay Jabuuti siiso ninkaas waalan darsi lama ilaawaan ah si uusan dal dambe ugu duulin.

Waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, meelay joogaanba, inay ka tashadaan mustaqbilkooda, kuna dadaalaan sidii dalka nabad loogu soo dabaali laha, si aad ugu noolaataan idinka iyo ubadkiinnu nool ka wanaagsan, kana sharaf badan taad maanta ku nooshihiin.

Haweenka Soomaaliyeed waxaan leeyahay aan samayno banaan baxyo, aan ku taageerayno geedi socodka nabadda, uguna ducaynayno dadkeenna iyo dalkeenna.

Xaqqa Allaah hayna waafajiyo

Cabda Cabdullaahi

Cabda12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS