SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Gabooye Minority Organisation Europe and North America

Head Office London U.K,

www.gabooye.org

13-06-2008 
 

GABOOYOOW HALKANI WAA HARGEYSEE HOO BARIISKA!! 

Waxaynu ognahay  marka qofka bini aadmiga ahi gaangaadho ama uu ilaa 18 jir gaadho inuu xumaanta iyo samaanta uu kala garto hadaanu waalneyn. Haddaba Soomaliland oo sideed iyo toban jirsatay ayaa waxaanu eegeyney in ay Dulmiga, Cunsuriyadda, Dilka, Dhaca, Cadaalad la'aanta, Mag la'anta iyo Baro kacinta ay ka waantoowdo ama ka korto, waxaase wax laga xumaado ah in ay intaas aan soo sheegayba sii kordheen oo maalin walbana dulmigii uu sii badanayo. 
 
Beesha Gabooye ee maanta ku nool Hargeysa iyo dhibaatada haysata waxay la mid tahay  dhibaatada lagu hayo dadka ku nool Falastiin iyo Daarfuur. Iyadoo dhammaan magaalada Hargeysa lagu bahdilo Dadka Gabooyaha ayaa meelaha ugu daran waxaa ka mid ah Xaafada Daloodho. Dadka Xaafadan degan ayaa askartu u isticmaalaan inay ku shiish bartaan oo hadalkaba aaney u quudhin inay toogtaan mooyee. Waxaa kaloo intaas u dheer inay askartu guryaha u dhacdo oo ay haweenka ka qaadato lacag baad ah. Markii ay Askartu Marqaanto ama Dubaabku galo ama uu qaadku ku badhgo’o waxaa sidii lo’ haraad badan haysa ay u soo dareeraan Xaafadaas iyagoo ku sii balaamaya inay dadka Xaafadaas degan aaney la hadlin ee ay Tareesada u badiyaan si wixii ay hayaan looga daadsado.  

  • Waxaa dhacday Bishii Janaayo 2008 in wiil la yiraahdo Cabdi-casiis Xariir Muuse oo jooga aroos ay ku lahayeen Xaafada Daami ay Islaweyntu qashqasheeyn. Markii  Askartii timid ayay rasaas ku fureen dadkii arooska lahaa waxaana ay rasaastii ku dhacday Cabdi-casiis oo lagaga cararay isagoo goobtii aroosku ka dhacayey yaala.
     
  • Waxaa dhacday Bishii Abriil 4-dii Xaafada Daloodho ee lagu xasuuqo Gabooyaha ayaa waxay Askarta dhiigyacabka ahi ka soo horbaxeen Wiil Gabooye ah oo magaciisa la yiraahdo Khadar Cabdi Libaax waxayna rasaar kaga dhufteen Xiniinyaha dushiisa iyo Bowdada kadibna Wiilkii oo dhaawac ah ayaa dhkhtarka loola cararay. Askartii ayaa waxay Reerkii wiilka dhalay u geeyeen badhigooyo, laakiin dhoowr beri kadib ayaa waxaa Wiilkii iyo 4 wiil oo kale oo Gabooye ah lagu soo oogay inay Askarta Somaliland sharftoodii meel uga dhaceen kadib markii ay damacsanaayeen inay hareereeyaan oo dhibaato u geystaan. Wiilkii oo dhaawac ah ayaa xabsiga la dhigay waxaana laga daba keenay 4-tii wiil ee kale iyadoo lagu qarinayo dhibaatadii ay Askartu geysteen si denbiga wiilasha loogu rogo. Waxaa loo diiday Wiilasha inay Damiin kusoo baxaan kaasoo ahaa amar kasoo baxay Qaadiga. Wiilka dhaawaca ah iyo kuwa kale ayaa ilaa iyo haatan lagasoo wareejin Xabsigii Xaafada Daloodho. Maalinba inta maxkamada la keeno ayaa dib loogu celiyaa xabsiga iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo in waraaqaha iyo cadeymaha lagu soo eedeeyey wiilasha ay kala dhiman yihiin. Wiilashan ayaa waxay xiran yihiin ilaa 2 bilood iyagoo denbiga ay galeen ee keliya uu yahay inay Gabooye yihiin kuna nool yihiin Magaalada Hargeysa. Magacyada 4-ta wiil ee kale waxay kala yihiin:-
  1. Khadar Cabdi Bashiir
  2. Haliil Abiib
  3. Khadar Awl
  4. Mustafe Rashid Cabdi
  • Waxaa dhacday Bishii May 8-dii in Askar baabuur saaran ay soo galeen Xaafada Daami kadibna ay si bareer ah rasaar ugu fureen dadkii shacabka ahaa. Waxaa rasaastaas ku dhaawacmay wiilka la yiraahdo Cabdi Maxamed Ciid iyadoo ilaa iyo haatan aaney jirin cid ka hadashay ama isweydiisay.
  • Waxaa dhacday isla bishaas in nin 30 jir ah oo ka dhashay Beelahan Isla Weynta ah uu 2 Tooriyadood ku kala jeexay Wiil Gabooye ah oo isla bartiina ay naftu kaga haaday. Cid isweydiisay ama ka danqatay ama loo qabtayna aaney jirin.

Dhibaatooyinkan aan la soo koobi Karin iyo kuwo kasii xunxun ayaa lagula kacaa Beesha Gabooye ee ku nool Magaalada Hargeysa. Hanjabaad joogta ah iyo Bahdil joogta ah ayay Askartu ku hayaan Shicibkan aan hubeysneyn ee nabada jecel. Waxaa arrimahan oo dhan ka danbeeya Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Mr. Yusuf Ciise Talaabo oo isagu amaro ku bixiya in Beeshan cadaadis la saaro si ay ama uga guuraan Magaalada Hargeysa ama aaney usoo faragashan Siyaasadda Somaliland. Waagii hore waxaa xasuuqa Gabooyaha u qaabilsanaa Mr. Ismail Faqash iyo Mr. Cige oo kala ahaa Wasiirka arimaha Gudaha iyo Ka Booliska sida ay u kala horeeyaan, laakiin haatan si loo muujiyo in Somaliland cadaalad iyo Xuquuqul insaan ka jiro ayaa waxaa Xasuuqa Gabooyaha lagu wareejiyey Mr. Talaabo oo isagu sheegta inuu hogaamiyo Wasaarada Cadaalada iyo Diinta. 

Waxaanu u sheegeynaa Mr. Talaabo in il gaar ah aynu ku hayno Cadaalad xumada iyo waxyaabaha aan Diinta waafaqsaneyn ee uu kula kacayo Beesha Gabooye ee ku dhaqan Somaliland. Waxaanu la yaabanahay Darajada iyo Magaca Wasaarada uu ku magacaaban yahay iyo sida ay u khilaafsan tahay waxyaabaha uu sameynayo. 

CADAALADA IYO DIINTA UU Mr. TALAABO U ADEEGO MA TAASAA! 

Mr. Naasir Moxammed Ciise

Gudomiyaha Belaha Gabooye ee Q/Yurub iyo W/America

Gabooye.org99@hotmail.co.uk 

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS