SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HESHIIS MA XUMA EE YAA HESHIIYEY?

Waa shirkii lagu magacaabay dibu heshiisiinta ee 9kii June 2008 ku dhex

Jabuuti maray Isbahaysiga Dibu Xoraynta Somalia iyo TFG     - 

Waxaan ula jeedaa heshiiskii dhexmaray xubno sheegay in ay ka socdaan Isbahaysiga dib u Xoraynta Somalia ee ka yimid Asmara, Eritrea iyo xubno ka yimid Muqdisho oo sheegay in ay matalaan qolada isku magacawda dawladda federaalka ku meel gaarka ah (TFG). 

Ugu horrayn, khaladka ugu horreeya oo ay labada qolaba galeen waxa uu ahaa in ay heshiis u wada fariistaan iyaga oo aysan labada dhinac isu aqoonsanayn maskabka ay sheeganayso qolada kale.  Haddii aynu si kale u niraahno waxaa loo baahnaa: 

  1. in ay Isbahaysiga dibu Xorayntu si cad miiska ula yimaadaan in ay aqoonsan yihiin jiritaan “dawlad Somaliyeed oo ku meel gaadh ah”
  1. in sidaas oo kale ay miiska wada hadalka yimaadaan qolada sheegatay in ay ka socdaan dawlad Somaliyeed iyaga oo aqoonsan in ay Isbahaysiga dib u Xorayntu yihiin mucaarad rasmi ah oo iyaga ka soo horjeeda. 
  1. ilaa iyo intii aysan soo wada fariisan miiska wada hadalka ee Jabuuti waxaynu la wada soconnaa in Isbahaysiga dib u Xorayntu ay qolada sheegata dawladnimada ay yihiin midiidin ama daba dhilif Ethiopia
  1. sidaas oo kale, qolada sheeganaysa dawladdu waxa ay iyaguna Isbahaysiga dib u Xoraynta u yaqaaniin argagixiso
  1. labada qolo midkoodna malaha marjac ama meel ay ula noqdaan oo ka aqbalaysa waxa ay ku soo oggolaadeen kulankii Jabuuti marka laga reebo in ay qolada ka socotey xukuumad ku sheegtu ay xabashida iyo Cabdullahi Yusuf ula noqdaan guul ah in ay is dhiibeen Isbahaysigii dib u Xorayntu. Haddii aynu sii faah-faahino qodobkan waxa aynu wada ognahay xaqiiqada arrintaas oo ah:
  • in wafdiga uu hoggaamimayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ay kooxdooda Asmara uga soo tageen tashi la’aan isla markaasna uu ka daba yimid baaq ama qaylo dhaan ka soo yeertay xubno sarsare oo ku dambeeya xarunta ku meelgaarka ah ee Ururka ee Asmara ayna ka mid yihiin Sheikh Xasan Dahir Aweys iyo Zakariya Xaaji Maxamuud kuwaas oo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Shariif Xasan Sheikh Aden iyo ragga la socda ku tilmaamay in ay yihiin gooni u goosato  aan matalin Isbahaysiga dib u Xoraynta.  Waxaa intaas dheer, in wafdigaas uu hoggaaminayey Sheikh Shariif ay sidaas oo kale cod dheer ku caaradeen kooxaha iyaguna qaybta ka ah Maxaakiimta oo lagu magacaabo Al-Shabaab ee iyagu koofurta Somalia ka wada dagaalka qaraar ee looga soo horjeedo ciidammada Ethiopia ee ka dagaallamaya gudaha Somalia.  Waxaa iyaduna aad isu dhintay niyadii taageero ee ay dad badan oo Soomaali ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda Somalia oo iyagu u arka in uu Isbahaysigii dib u Xoraynta uu ku yimid dhaawac weyn oo u keeni kara burbur khatar ah haddii aysan si dhaqso ah u xallin khilaafka hadda soo dhex galay. 

    Haddii aynu wxoogaa qiil ah u raadinno qoladii ka socotey Isbahaysiga Dib u Xoraynta oo ah sababta ku khasabtay in ay si dhaqso ah wax ula oggolaadaan kuwa TFG waxa aynu oran karnaa waa cadaadis (pressure) uga yimid:

  • Qarammada Midoobey
  • Dawladda Jabuuti
  • Dawladihii kale ee goob joogga ahaa
  • Iyo duruuftii ay ku sugnaayeen 2da Shariif iyo kooxda ay hoggaaminayaan oo aan dib ugu noqon karin Asmara isla markaana aan haysan meel ay xarun ka dhigtaan
  • Iyo malaha iyaga oo watey dano inaga maldahan oo iyaga gaar u ah 
  • in wafdiga uu hoggaaminayey Axmed Cabdisalaam oo lagu sheegay in uu yahay ra’iisul wasaare ku xigeen ka socdey qolada isku magacawda xukuumadda Somalia uu yahay wafdi aan huwanayn ee ka qaawan awood iyo haybad dawladeed midna isla markaana aan lahayn meel uu ula noqdo wixii uu ka soo qaatay kulanka Jabuuti.  Dhowr sababood ayaan ku fasirayaa hungadaas. Ta kowaad, waxa ay cid waliba ogtahay in ay si daran isu khilaafsan yihiin nimanka sheegta in ay madax ka yihiin kooxda sheegata dawladnimada gaar ahaan kornayl Cabdullahi Yusuf ee isagu sheegta in uu yahay madaxweyne iyo Nuur Cadde oo isna lagu magacaabo ra’iisul wasaare.  Bishii la soo dhaafay ayuu kornaylku u hawl galay sidii uu Nuur Cadde uga qaadi lahaa jagadaas.  Labadaas nin waxa ay yimaadeen Jabuuti maalmo kala duwan waxayna ku yimaadeen diyaarado kala duwan.  Waxaa iyaguna meesha ka maqan kooxda ku xabbisan Baydhabo oo lagu magacaabo baarlamaanka oo iyaga uu xilkoodu ku soo ururay in ay shaqo ka saarid ugu codeeyaan hadba ninkii ay doonaan in ay xilka ka fariisiyaan Janan Gabre ee isagu waqtigaan awoodda xukun ee Somalia uga hooseeya ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi iyo kornayl Cabdullahi Yusuf. Nuur Cadde waxa uu eeday erayadii nabad raadinta ee uu ku hadaaqay ka dib markii lagu magacaabay jagada ra’iisul wasaaraha isla markaana uu ku daray in uu la kulmi doono Maxaakiimta isaga oo aan kala saarin. Ta labaad, Ethiopianku ma dooneyn in uu shirkuba qabsoomo haddii uusan noqon mid ay ka dhex arkaan dantooda sii joogitaanka Somalia.  Waxaa la xusuusan yahay in ay askarta xabashidu si naxariis darro ah madaafiic ugu duqeeyeen suuqa Bakaaraha halkaasna ay ka geysteen xasuuq dad kor u dhaafay 30 qof, boqollaal dhaawac ah iyo burburin hantidii tiil Suuqaas oo manta ah isha kaliya ee dhaqaale ee Muqdisho. Duqayntaas suuqa Bakaaraha waxa ay xabashidu ku beegeen iyada oo uu socdo shirkii Jabuuti taasoo ahayd farriin ay Ethiopianku u dirayeen shirkaas, farriintaas oo micnaheedu ahaa: “ha ku wada hadlina shirkana ha ka soo saarina wax dhan ka ah Ethiopia”, sidaas ayayna dabcan wax u dhaceen.

Aragtidayda, waxa ay labada qolo midba shirkaas ka kasbatay sida soo socota: 

  • qoladii ka timid Asmara ee ku socotey magaca Isbahaysiga dib u xoraynta Somalia waxa ay shirkaas ka dhaxleen burbur iyo kala qaybin ay u soo hooyeen xoogaggii u halgamayey la dagaallanka Itoobiyaanka ku soo duulay Somalia iyo niyad jab ay ku beerantay dadweynaha Somaliyeed oo ay ka luntay rajo dhow oo ay dalkooda uga baxaan ciidammada cadowga Ethiopia. Nasiib darro, waxa ay Isbahaysigu si fudud oo dhaqso badan u lumiyeen kalsooni badan oo ay u hayeen aqlabiyada Shacabka Soomaaliyeed oo aysan siin fursad la tashi ka hor intii aysan madaxdoodu ku talo xumaysan ka qaybgalka shirkaas.

Haddii wafdigii ka socday Isbahaysiga dib u Xorayntu uu shirka imaan lahaa iyada oo uusan jirin khilaafka hadda soo kala dhex galay xubnihiisa, waxay lahaan lahaayeen meel ay ula noqdaan wixii ay ku oggolaadeen ama ay ku diideen shirkii jabuuti taas oo sii xoojin lahayd mowqifkooda siyaasadeed ee gudaha iyo dibeddaba iyo gaar ahaan kalsoonida ay ka haystaan dadweynaha Soomaaliyeed. 

  • Qoladii ka socotey TFGda waxa ay la noqdeen labo arrimood oo kala ah iidheh (publicity) ay ayaamo ku sii noolaadaan iyo ta labaad oo ugu muhiimsan oo ah in ay ciidammada Ethiopia ku sii nagaadaan Somalia.

Saamaynta ay Qarammada Midoobey ku yeesheen shirkaas iyo guud ahaan arrimaha somalia 

Cidna kama qarsoona in Qarammada Midoobey aan lagu tilmaami karin in ay dhex-dhexaad ka ahayd shirkaas balse waxaa muuqata in ay si cad ula safatay dhinacii TFGda. TFG ma aha xukuumad aqoonsi ka haysata aqlabiyadda dadka Shacabka Soomaaliyeed sidaas darteedna wakaalad sharci ah uma haysato in ay Shacabka Somaliyeed u matalaan shirkaas iyo arrimo kale oo caalami ah toona taas caksigeedna waxaa loo arkaa in ay shirkaas wakiil uga yihiin Ethiopia oo ay xulafo ama danwadaag ku yihiin arrimaha Somalia maadaama eysan xabashidu si rasmi ah u fariisan Karin kulanka shirka (wallow ay si dadban isugu dayday markii uu soo fariistay safiirka u fadhiya Jabuuti). 

Dhaqanka lagu yaqaan Qarammada Midoobey waxaa ka mid ah in ay si doqon ma garato ah uga faraxashaan meeshii ay ka baqayaan in ay ka raacdo dhaleecayn loo soo jeediyo, markaana ay tartiib uga siibtaan dal ay dhibaato ka taagan tahay iyaga oo u qabanqaabiya heshiis ku sheeg ay iyagu kharajkiisa bixiyaan goob joogna ka noqdaan doodo dhex mara dad u dhashay dalkaas dhibaataysan.  Saraakiisha Q M waxa ay dabadeed hoteellada iyo barsadaha ugu kala dab qaadaan dhinacyada is haya si ay uga soo dhaadhacsiiyaan sida ay iyagu wax u doonayaan ka dibna waxay kulammadaasi ku soo gabagaboobaan in ay Q M wax u farsameeyaan ama u dhisaan qaabka ay iyagu rabaan oo laga yaabo in uusan dan u ahayn shacabka dalkaas iyaga oo waliba ku abaal sheeganaya si hadhow ay eedda dusha uga tuuraan si guud ummadda dalkaas, tusaale ahaan waxa aynu maqalnaa iyaga oo leh “dadka dalkaasi waa in ay iyagu ka tashadaan arrimaha siyaasadeed ee dalkooda”. Q M waa ay ku khaldan yihiin in ay marka hore dayacaan ama ay qasaan dhibaatooyin ka jira waddan ka dibna tartiib uga siibta isla markaasna wixii khaldamay dusha uga tuura cid kale. Fadlan faqrada soo socota ka eeg tusaale khaas ah oo ku saabsan eedaynta aan u soo jeediyey Q M. 

Haddii aan haddaba dib ugu noqdo mowqifkeedii shirkii Jabuuti, Qarammada Midoobey kuma khaldana in ay u hiilliyaan TFGda marka loo fiiriyo waxa ka dhexeeya.  Waa in aan la illaawin in ay Q M iyagu abuureen ama dhiseen TFGda 2004tii taas oo ka dhalatay Qabqableyaashii dagaalka ee Somalia ee iyagu ay ku marti iyo maalba geliyeen Kenya muddo labo sano ah.  Q M waxa ay waqtigaas dunida u tusiyeen in ay Somalia ka saareen dhibaatadii dawlad la’aanta ee ay ku soo jirtey muddada dheer.  Q M waxa ay waqtigaas iska mayrayeen ceebtii ka soo raacday markii ay 1995kii isaga soo baxeen Somalia oo ku jirta dagaal sokeeye kii ugu darnaa ee dunida soo mara.  Sidaas darteed Q M diyaar uma aha in ay qirtaan khaladkii ay hore uga galeen Somalia 2 jeer (markii ay ka soo baxeen dalka 95tii iyo markii ay dhoodhoobeen TFG) ama is buriyaan ee waxa ay weli ku adkaysanayaan khaladkoodii sidaas darteedna way taageerayaan TFGda si ay uga nabad galaan dhaleecayn loo jeediyo mar kale.  

Haddii bulshada caalamka ay dhab ka ahaan lahayd in ay Somalia ku soo dabbaasho nabad kana saarto ciidanka Ethiopia oo uu Maraykanku ku soo hoggaamiyey, waxaa habboonayd in ay Q M iyo Ethiopia kala saxiixdaan heshiis cad oon mugdi ku jirin si cadna loogu qeexo waqtiga ugu dambaynta ah ee ay ciidammada Ethiopia uga baxayaan Somalia.  Heshiiska noocaas ah looma baahna in ay dhinac ka noqoto Soomaalidu.  Dhinacyada Somalidu waxa ay kulmi karaan marka ay ka madax bannaan yihiin faragelin ama ku dhexjirid (influence) shisheeye.   

Dhinacyada Somalida ee laysugu keenay Jabuuti ma aha kuwo heshiiska ay gaaraan uu waqtigaan nabad ka dhalin karo Somalia xataa haddii ay wax kasta isugu raacaan shuruud la’aan.  

Cidda ay arrimaha Somalia manta wax ka go’aan waa dawladda Ethiopia waxaana loo baahan yahay in ay wada hadlaan iyada iyo Qarammada Midoobey waxna isla meel dhigaan, waa marka ay Q M daacad ka noqdaan qaddiyadda Somalia.   

Qarammada Midoobey waa in ay la yimaadaan dhaqan ka baddalan “qowda maqashii waxna haw qaban”. Shirarka noocaas ah ee aysan Q M ama dawladaha waaweyn daacadda iyo dhexdhexaad ka ahayn waxay noqdaan kuwo si dadban loogu hoosaasiyo ama loogu gafuur qabto dhinaca la xaqirayo. 

Tillaabada ku xigta shirkii Jabuuti oo loo dhoofiyey dalka Boqortooyada Sucuudiga 

Xeeladaha Q M ayay ka mid tahay in hawlaha noocaan oo kale ah ay ku soo gunaanadaan jawi loo sahamiyey oo ku habboon.   

Sucuudi Caraabiya waa saaxiib weyn ee Qarammada Midoobey sababta oo ah waa saaxiib dhab ah ee Maraykanka sababaha loo xushayna waxaa ka mid ah aragtidayda: 

  • In ay Sucuudigu si buuxda u taageerayaan fikrad kasta oo uu ka dambeeyo Maraykanku iyada oo la wada ogyahay in aysan  Q M ka madax bannaanayn USA
  • In Sucuudiga la filayo in uu bixiyo kharajka ku baxaya shirka oo dhan marka lagu daro kharajka safarka ka qaybgaleyaasha
  • In Soomaalida oo Muslimiin ah halkaas looga raadinayo caadifad soo jiidasho muslinnimo maadaama ay halkaasi ku yaalliin goobaha barakaysan ee ay Muslimiintu wax ku caabudaan
  • Iyada oo aan la oran karin in ay meesha ka maqan tahay in laysku dayo in xubnaha Somalida ee danyarta ah ee halkaas tegaya laga xishoodsiiyo

Sacuudi Caraabiya jacayl iyo xurmo midna uma hayso Ummadda Soomaaliyeed waxaana tusaale inoogu filan dhacdooyinka soo socda:

1991kii oo ahayd markii uu burburay Qarankii Somalia isla markaana uu meesha ugu daran marayey dagaalkii qabaliga ahaa, bal iska daa in ay soo dhoweyso dadkii ka qaxayey dagaallada ee waxa ay dawladda Sacuudigu dalkeeda ka soo cayriyey oo soo tarxiilay Soomaalidii yarayd oo ku noolayd dalkooda kuna soo daadisay goobihii ay ka socdeen dagaalladu halkii ay marti galin lahayd xataa haddii ay dalkeeda ku joogaan sharci darro.  Waxaynu xasuusannaa, in ay Soomaalidu u qaxday dalal badan oo gaalo ah kuwaas oo bal in ay soo cayriyaan kuwii hore u sii joogey dalalkooda ee waxay soo dhoweeyeen, dejiyeen isla markaana siiyeen sharciyo ay ku joogaan dalalkaas. 

Sucuudigu tarxiilkaas ayuu ku wadaa dadka Soomaaliyeed oo ay nasiib darradu geysey dalkooda 18kii sano ee la soo dhaafay. 

Waxaa kaloo jirta, in ay cid waliba xasuusato, in muddo hadda laga joogo labo sano sida aan filayo (fadlan i sax akhristow), in ay Sucuudigu madaxa ka jareen koox wiilal Soomaaliyeed oo dhallin yaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay wax xadeen. 

Waxaa hubaal ah in aysan Sucuudigu qoorta ka jareen wiilal Maraykan, Ingiriis, Jarmal ama Faransiis ah, hase yeeshee kuwa Soomaalida waxay ogyihiin in aysan jirin cid ka daba hadlaysa bal cabasho iyo dacweyn iska daaye.  Akhristow hal eray oo ay kiiskaas foosha xun ka soo qaadeen ma ka maqashay qolada hadda sheegata in ay yihiin xukuumadda Somalia? Waa hubaa in ay jawaabtaadu noqon doonto maya. 

Gunaanad 

Ra’yigayga gaaban waxa aan shirkaasi ku oddorosi lahaa ama la meel dhigi lahaa kulankii ay isla Sucuudigu ku dhex-dhexaadinayeen labadii urur ee Falastiin ee Xamaas iyo Fatax oo iyagana sidaas oo kale loogu khasbay in ay halkaas tagaan loona yeeriyey wax aan u cuntamin oo la oran karo waaba laysku diray bal iska daa in la heshiisiiyee ka dibna waynu la soconaa natiijadii halaagga ahayd oo ay isku baabi’iyeen Xamaas iyo Fatax. 

Saadaalintayda, sheekada loogu yeerayo Somalida waxa ay noqon doontaa wax la yiraahdo “xukun qaybsi ama dhismo xukuumad midnimo qarani” (national unity government) sidii loogu soo yeeriyey Falastiiniyiinta.  Ama waxaa la oran doonaa: “haddii aad tihiin mucaaradka waxaa jagooyin laydinka siinayaa xukuumadda sida wasiirro iyo wixii la mid ah”; ama waxaa loo soo jeedin doonaa in ay noqdaan xisbi mucaarad ah oo aan hubaysnayn ka dibna isu diyaariya in uu ka qaybgalo doorashada ‘khayaaliga’ ah ee 2009ka ee ay ku hadaaqaan Maraykanka, Ethiopia iyo qolada TFGa”.  Haddii ay intaas diidaanna waxaa loogu hanjabi doonaa in kulligood loo aqoonsan doono “argagixiso”.  Arrintu waxa ay markaas u egtahay: “heshiis ma xuma ee yaa heshiiyey?” 

Sidaas darteed waxa uu shirku noqon doonaa mid aan dhibaato sii kororta mooyee aan Somalia u soo wadin nabad iyo dawladnimo, waxaa dalka ku sii nagaanaya ciidammada xabashida waxaana sii fogaan doonta rajadii laga qabey in uu dib u soo noolaado Qaran ay ku midaysan tahay.  Waqti ayay qaadan doontaa in mar kale la abaabulo urur gobannimo doon ah oo dadku aammino ama uu dib u soo noolaado kii Isbahaysiga ee hadda sida xun u dhaawacmay.  Khatarta taas ka dambaysaana waxa ay noqon kartaa in Somaliland loo aqoonsado dawladnimo buuxda oo lagu abaalmariyo nabadda iyo kala dambaynta ay haysato sannado badan mar haddii koofurta oo lala sugayey aysan ka soo socon nabad iyo dawladnimo midna.  Puntland iyadu haddaba cago kuma taagna waxa ayna doon la saaran tahay fawdada ay ku jirto Somalia inteeda kale marka laga saaro Somaliland. 

Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com

June 2008

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS