SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Walaalka Muslimka ahow u Gar gaar Gabartaan yar ee la xanuunsanaysa Madaxa oo ay Biyo kaga jiraan.

Asma Cali Axmad waa gabar Sanad iyo 5-bil jir ah, waxeyna la xanuunsanaysaa Madaxa oo ay Biyo kaga jiraan, iyadoo gbartaan oo Hooyadeed lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamd ay sheegtay in dhqaatiirta Soomaaliyeed oo idil ay sheegeen in gabartaan lagu daweyn karo oo kaliya dalka dibadiisa.

Dhaqaatiirta waa weeyn ee Magaalada Muqdisho ayaa gabadhaan yar sheegay in loo bahan yahay in dibadda loo qaado, hase reerka gabadhaan dhalay ayaa sheegay inaysan awoodin inay dibadda u qaadan sababo dhaqaale aawadood.



Gabartaan yar ayaa iyadu lahayn wax dhago ah iyo Indho toona, waxeyna cuuryaan ka tahay sidoo kale gabadhaan Gacmaha iyo Lugaha, mana jirto ilaa iyo hada cid wax u qabatay.

Gabartaan yar ayaa waxaa loo weyiinaa dhamaan dadka Muxsaniinta ah eek u dhaqan dibadda iyo gudaha inay soo gar gaaraan, si loo awoodo in dalka dibadiisa loogu soo daweeyo.



Hooyada dhashay gabadhaan oo lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamd ayaa sheegatay inay ka codsanayso ganacsatada, dadka Soomaaliyeed ee Ilaah wax siiyay iyo Hey’adaha Gar gaarka inay gacan ka siiyaan si gabadhaasi yar loogu diri dalka dibadiisa si loogu soo daweeyo.

Hadaba cid kasta oo doonaysa inay gar gaar u fidiso gabadhaan waxey la soo xiriiri kartaa telefanka Nmabrkiisu yahay Tel:002521-5315681 oo laga helo Hooyada dhashay gabadhaan oo lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamd.

La xiriir: Maxamuud Axmed: xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS