SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HESHIISKA JABUUTI YAY DANI UGU JIRTAA YAASE DIIDAN 

Waxaa bishaan Juun sagaalkeedii (09/06/08) lagu saxiixay Magaalada Jabuuti heshiis dhex maray Isbaheysiga Did u Xoreynta Soomaaliya iyo Dowlada KMG ah oo uu muddo wadahadal uga socday Jabuuti, kaas oo ay soo qabanqaabisay Qaramada midoobay iyo dowlado kale.

Ka dib ku dhawaaqidii qodobada heshiiska oo dal iyo dibadba aad loo dhowrayay ayaa inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkuba aad u soo dhaweeyeen, halka dadka qaarkii muujinayeen taageero balse sheegeen in ay shaki ka qabaan qodobada qaarkood iyo hirgalinta heshiiska, inkastoo ay jiraan koox ka tirsan Isbahaysiga oo ku gacansayrtay heshiiska la gaaray kuna dooday in aysan waxba ka jirin. 

Waxaan wada ogsoonahay in Isbahaysiga sida magabaciisaba ka muuqata uu ahaa kooxo is bahaystay oo kala ahaa Golihii Maxkamadaha, Xildhibaanadii DFKG ka tagay, Bulshada rayidka ah iyo Qurbojoog  ee uusan aheyn urur ama hal koox. Waxaa taa u sii dheer in qolo walbaa ka koobaneyd kooxo badan sida Golahii Midowga  Maxkamada oo ay isku urursadeen ilaa iyo labo iyo toban koox, arintaa oo Isbahaysiga ka dhigayso goor walba mid u nugul ismaandhaaf iyo khilaaf.  

Ulajdeeda loo aasaasay Ishaysigani sida ku cad Axdiga Isbahaysiga waxay aheyd “Dib u xoreynta dalka iyo dib u heshiisiin dhab ah oo u danaynaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo  in la sugo nabadgelyada muwaadinka Soomaaliyeed…… in wadahalku uu ka mid yahay wadooyinka loo marayo gaarista hadafkaas iyo in qadiyada ummada Soomaaliyeed wajigeeda saxda  loo soo bandhigo bulshada caalamka loona raadiyo taageero dhinac walba ah”. Waxaana taa  bilowgeedii noqday wadahadalada ka furmay Jabuuti, oo ay soo dedejisay ka dib markii guulo laga  gaaray gudaha wadanka iyo jabka iyo fashilka  uu la kulmay cadowga ee xag militari iyo xag maalmul intaba. 

Intii aanan la gudagalin howlihii wadahalada ayaa waxaa markiiba soo booday oo si lixaad leh cirka isugu shareeray khilaaf iyo qaylodhaan ka soo yeertay xubno ka tirsan Isbaheysiga oo u muuqday wax qorsheysan marka laga fiiriyo sida ay isku dabajoogeen.

Digniinta iyo dareenka ay sheegeen xubnahaas wuxuu ahaa in halgankii iyo dib u xoreyntii dalka la duminayo iyo in Axdigii lagu tuntay ummadiina la khiyaanayo!! Inkastoo markaa aysan dhacin wax kulan oo dhaxmaray labada dhinac. 

Waxay dadka intooda badan muujinayaan dhibaatada iyo dhabarjabka ay leedahay arintaan, inkastoo waxgarad badani u arkayeen in uu lama huraan yahay khilaafkan lana filayay  maadaama halganka lagu jiro uu galay marxalad xasaasi ah oo ay ku adkaaneyso kooxaha Isbahaysiga qaarkood in ay la jaan qaadaan. Qeylo dhaantan ka soo yeertayna ay tahay uun qorshe ay kaga soo horjeedaan wadahadalka iyo waxwalba oo ka dhasha mustaqbalka maadaama aysan ka dhaxmuuqan. 

Waxaa si aan gabasho laheyn isu soo hor taagay warbaahinta Yuusuf Siyaad ‘Indhacade’ oo ah Xoghayaha Gaashaandhiga ee Isbahaysiga oo  ay ka muuqatay dhaqankii lagu yaqaanay qabqablayaashii dagaalka, waxa uuna ku dooday halhayskoodii “ ANAGU SHUQUL KUMA LIHIN” “ LAYGALAMA TASHAN” “WAXBA KAMA OGI” iyo“ NAMA MATALAAN” iwm.

“Hasha geela cuntee cabaadda” Idhacade wuxuu aad uga digay dhibaatada khilaafka gaar ahaan waqtigaan uu leeyahay  balse wuxuu noqday ninka khilaafka hor keenay ummada kana hadlay warbaahinta gudaha iyo dibada, isagoo raacsaday codsigiisii uu dowlada Jabuuti ku weydiistay in aysan marti galin madaxda isbahaysiga oo ay  soo kala eryaan !!! Waxaase nasiib wanaag ah in Soomaali aqoon fiican u leedahay Indhacede ayna xasuusatana dhibaatooyinkii uu dhaxalsiiyay ummada intii uu horjoogay.

Kalsoonida Indhacade iyo ragga la midka soo saartay waxaa la ogaa in ay yeelaneyso rag gadaal ka jooga, waxaana isla markiiba hadlay Sh. Xasan Daahir Aweys. 

Sh. Xasan waxa uu rabo marar badan ayuu sheegay oo ah in uu dowlad Islaami ka dhiso dalka  balse waxay ummada Soomaaliyeed xaqiiqsatay in  fahamkiisa dowladnimo iyo fikirkiisa siyaasadeed ee ku saleysan laablakaca iyo arigtidiisa gaaban ee waaqica adduunkan in uusan u heyn wax qorshe cad ah oo ummadan dhibaataysan badbaadin kara xalna u noqon kara. Dowlada uu ka hadlayana uu isagu yahay ruuxa ugu horeeya ee caqabada ku ah, marka laga fiiriyo natiijooyinka habdhaqankiisa. Waxaana taa cadeeyay howlgaladiisii dhowr iyo tobankii sano ee tagtay ee laga dhaxlay burbur iyo dhibaato si gaar ah u taabaneysay dadkii mustaqbalka u noqon lahaa ummada iyo maskaxdii dhalinta yareyd ee daacada aheyd ee badbaadin laheyd. 

Waxaa soo raacay kooxo kale oo ka tirsan Isbahysiga sida Xuseen Caydiid oo ahaa dagaal-ooge hore iyo raga la midka ah oo sida dabeysha marba meel u socda. U maleyn maayo in wax badan iyaga looga fadhiyo  waayo go’aanada ay qaadanayaan waa la garan karaa wax ay salka ku hayaan. Waxaa wax lala yaabo noqotay in rag uu ka mid yahay Sakariye Maxamuud Xaaji (Ku xigeenkii Gudoomiyaha G. Fulinta) oo xaafadaha magaalada London dhax wareegagay bishii tagtay si uu u helo cod uu uga mid noqdo golaha Duqa magaalada London, ka dib markii uu ku guul dareysatay in isla bishii gudaheeda uu Asmara ka soo jeesto isagoo eed iyo dambi kii ugu weynaa oo ah khiyaano ummadeed  iyo khilaaf Axdigii Isbaheysiga dusha uga tuuray masuuliyiintii ka sareysay oo uusan mudaba la meel joogin!!!   

Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiqo ah in halgankan muqadaska ah loogi jiro xoreynta dalka iyo dadka, soo celinta sharafta iyo karaamadii ummada  iyo joojinta dhiiga ummada ee qulqulaya in uusan u joogsan doonin koox gaar ah, ayna waajib tahay in loo maro wada kastoo oo sharci oo ay dani ugu jirto ummada iyadoo aan cid looga heybeysaneynin. Waxayna ummada Soomaaliyeed intooda badani aaminsan yihiin in heshiiskani uu horseed u noqon karo in dalkeena loogaga saaro mugdiga ay galiyeen cadowga iyo damiir laawayaashii u adeegayay, islamarkaana uu suuro galinayo in qadiyada Soomaaliyeed ay yeelato taageerayaal caalami, taas oo fududeyn karta in cadowga wadanka laga saaro.

Haddaba waxaa lama huraan ah in maamulka Isbaheysiga iyagoo kalsooni ku qaba Ilaahay iyo shacabkooda in ay muujiyaan karti iyo dadaal joogta ah iyagoo maskaxda ku haya silaca iyo saxariirta ay ummada ku jirto una horseedaan badbaado iyo horumar, taas oo lagu gaari karo wadatashi iyo ismaqal, iyo tan igu muhiimsan oo ah si looga miro dhaliyo heshiiska uuna u noqda mid u adeega maslaxada iyo danta ummada in marxalad kasta oo uu marayo loo helo dadkii  ehelka u ahaa ilaalinta howshaas maadaama uu yeelanayo koox badan oo ku howlan har iyo habeen fashilintiisa. Ummaduna dankama laha magacyadiina ee waxay idin kula xisaabtami doontaa waxqabadkiina  .  

Sidoo kale waxaan u soo jeedin lahaa waxgaradkii iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed inay ka soo baxaan kaalintooda kaga aadan badbaadinta dadka iyo dalkaba, howshani ma aha arin kooxi si gooni u leedahay waa masiirka ummadeena, waxaana lama huraan ah si degdeg ah loo galo abuubul ku aadan arintaan iyo hirgalinteeda. 

Ugu dambeyntii waxaa kula talin lahaa kooxdan ku gacansayrtay heshiiskan la gaaray ee Asmara in ay ummadaa dhibaataysan Ilaahay uga baqaan, taageeraan dadaalada ay waxgaradku wadaan si loo xakameeyo khilaafkan, caqli iyo xikmadna ay isticmaalaan si ay dadkooda u badbaadiyaan, waxna ka bartaan wixii ay soo mareen iyo inay ka hormariyaan danta guud mida gaarka ah, waxaana hubaal ah in taasi soo dadagin karto in laga mirodhaliyo heshiiskan. Waxaadna ogaataan in ummadeenu aysan ku xuroobeyn in lagu kala jiro dhufaysyada Itoobiya iyo Eritariya, waana xaqiiqo in qolowalbaa danteeda wadato.  

Wabilahi Towfiiq

C/qaadir Xaaji Xuseen 
cxxuseen@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS