SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xarun Laga Daawado Aflaanta Oo Ku Taala Degmada Xamar Ja-jab Oo Qarax Lala Beegsaday

Goob Laga daawado aflaanta Qalaad Oo ku taala Degmada Xamar ja-jab ayaa habeenkii xalay waxaa lagu dhex Tuuray bam gacmeed halkaasoo y ku nafwaayeen Hal Qof halka dhaawacana lagu sheegay In ka badan 5-qofood .

Goobaha Aflaanta Lagu daawado ayaa badanaaba lala beegsadaa bam gacmeedyada iyadoo Bulshda qaarkeedna ay Xiligan ka daawanayaan Ciyaaraha Qarmada Yurub islamrkaana ay ku mashquulsan yihiin Bulhso badan oo ka tirsan deegaanada ay ku yaalaan goobaha Filimaanta Laga daawado .
Sidoo kale Qaraxa kadib ayaa Goobtaasi waxaa soo gaaray ciidamada dowlada KMG ah oo halkaasi an ka dheerayn waloow aysan jirin Cid ay usoo qab qabteen falkaasi Lamana Oga Cida ka dambaysa Qaraxan.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii Ugu Horaysay ee Qarax noocan oo kala ah lala beegsado goob laga daawado filimaanta Iyadoo ay ugu dambaysay Goob Filimaanta laga daawado Oo ku taala magaalada marka ee xarunta Gobolka shabeelada Hoose Loo gaystay Qarax bambaano islamrkaana ay halkaasi Ku waxyeeloobeen In ka badan tobaneeyo Ruux oo isugu jira dhaawcyo iyo dfhimasho

Raysal-Wasaare Nuur Cadde Oo Sheegay Inay Ciidamada Ethiopia Ee Dalka Soomaaliya KuSugan Ay Ku Bixi Doonaan Xiligii Lagu Balamay

Raysal-wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday Inay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan wadanka soomaaliya ay ku Bixi doonaan Xiligii lagu balamay ee lagu kala saxiixday shirkii Dhowaan ka Dhacay dalka Jabuuti islamrkaana aysan xilina ku darsan doonin waa siduu Hadalka U dhigaye isagoo Intaasi raaciyey in xataa hadii ay Qaramada Midoobay Ciidamada soo dhamays tiri wayaan ay ciidamadu dalka ka baxayaan .

Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde ) oo maanta shir jaraa,id Ku qabtay xaruntiisa ku taala magaalada Muqdisho ayaa farta Ku Fiiqay heshiiskii dhowan lagu gaaray dalka jabuuti ee ay Xoogaga Mucaaridka Iyo Dowlada KMG ahi kala saxiixdeen qopdobada dhowrka ah taasoo Uu tilmaamay raysal-wsaaruhu Inay rjeynayaan Inuu Heshiiskaasi Noqdo Mid Miro dhala.

Sidoo Kale Raysal-wasaaraha ayaa intaa ku daray in Ciidamada Qaramad Midoobay ee dalka la keenayo ay bedalayaan Ciidamada Ethiopianka islamrkaana ay bixi doonaan Ciidamada Ethiopia waqtigii loogu balamay xitaa hadii ay soo dhameystirmi waayaan Ciidamada Qaramada Midoobay sababta oo ah ayuu Yiri raysal waraasruhu hadii aan lagaga dhabayn waxaa buraya heshiiskii lakala saxiixday

'"Hadii si wanaagasan nabada looga shaqeeyo isla markana la waayo baahi keeni karta in ciidamada Ethiopia ay ku sii joogaan dalka soomaaliya Waxaa ay ciidamada Ethiopia ku baxayaan waqtiga lagu balamay xataa hadii aysan soo dhameystirmin ciidamada Qaramada Midoobay " ayuu Yiri Nuur Cadde.
Dhinaca kale Col.Nuur cadde ayaa shacab weynaha soomaaliyeed Ugu baaqay Inay taageeraan Shirka Jabuuti ee dib U Heshiisiinta si loo helo xal waara iyo nabad gelyo waa siduu Hadalka U dhigaye .
Si kastaba ha ahaatee raysal-wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa hadalkiisani waxuu Kusoo beegmayaa xili ay Weli socdaan dagaalo ka dhan ah Ciidamada ethiopia ee dalka soomaaliya Ku sugan .
Si kastaba ha ahaatee raysal-wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa hadalkiisani waxuu Kusoo beegmayaa xili ay Weli socdaan dagaalo ka dhan ah Ciidamada ethiopia ee dalka soomaaliya Ku sugan .

Qarax Lala Beegsaday Gaari Tikniko ah Oo ay Lahaayeen Ciidamada Dowlada KMG ah

Gaari Nooca Loo yaqaano Cabdi bile Oo ay saarnaayeen koox Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa lala beegsaday Qarax Miino Taasoo ay Ku Naf waayeen 3-kamid ah askartaasi halka la sheegay Inay Ku dhaawacmeen 4-kale .

Qaraxan oo ka dhacay degmada dharkaynley gaar ahaan xaafada Xoosh ayaa laga wada maqlayey Guud ahaan deegaanka qaraxu ka dhacay kaasoo la sheegay inuu ahaa miinada dhulka Laga hago ee rimuudka .

Sidoo kale gaarigan qaraxa Loo gaystay oo ahaa gawaarida Tiknikada ah ee ay sida gaarka ah U leeyihiin Ciidamada dowlada KMG ah ayaa Ku shuf beelay halkaasi mana cada Cida ka dambaysa qaraxan .

Qarxayada Loo gaysto Gawarida Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa si caadi ah ka noqday magaalada caasimada ah ee Muqdisho tan xiligii ay Dowladu soo gashay Muqdisho oo ay dagaalada kala Hor yimaadeen xoogaga kacdoonka ee kasoo horjeeda siyaasada dowlada iyo Ciidamada shisheeye.

yaasiin maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
somalitalk Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS