SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

GOLAHA MIDNIMADA SOOMALI WEYN [G.M.S.W]
[LONDON –UK,19/06/08]

BAAQ KU SOCDA ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA EE KU KALA SUGAN JABUUTI & ERITREYA.

Golaha Midnimada Soomaaliweyn isaga oo tixraacaya qoraalkii & fariimihii uu u gudbiyay hadda kahor labada dhinac ee Isbahaysiga 21/05/2008 ee ku saabsanaa xakamaynta khilaafka soo kala dhexgalay Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya, kaas oo ay ka mid ahaayeen qodabadii goluhu kula kala taliyey labada dhinac ee Jabuuti & Asmara oo sida hoos ku xusan u qornaa:

A.. Xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan Jibuuti:

Waxaa idinku waajib ah in aad midnimada dhaxdiina ah iyo mowjifka Isbaheysiga mideysaan ka hor inta aan shir la galin si loo xakameeyo khilaafka.
In wadahadaladiina aad ku adkeysataan mowqifka ah in Itoobiya Soomaaliya laga saaro.
In marnaba aan la isticmaalin warbaahinta si looga hadlo khilaafka dhexdiina ah

B. Xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan Asmara:

Waxaa idinku waajib ah in aad midnimada dhaxdiina ah iyo mowjifka Isbaheysiga mideysaan, aad kana fogataan qalad aad gashaan oo ah isticmaalka warbaahinta oo lagu muujinayo khilaafkiina.
In aad wada hadalo deg deg ah wada gashaan oo dhaxdiina ah
In mardanbe aan la isticmaalin warbaahinta si looga hadlo khilaafka jira.

HADDABA HAATAN GMSW:
Ø Markale Golaha Midnimada Soomaali Weyn isaga oo maskaxda ku haya duruufaha adag ee uu ku jiro wadhanku iyo marxaladan xasaasiga ah ee ay marayso qadiyada ummada Somaaliyeed, kana walaacsan saameynta uu ku yeelan karo khilaafka iyo kala duwanaanshaha sii fogaaneysa.
Ø Isaga oo fahamsan in tani ay wiiqeyso cududa Isbahaysiga isla markaana daciifinayso mowqifkiisa siyaasadeed waxaan ku talinaynaa in dhowrkan tilaabo ee soo socda la qaato si loo dhameeyo khilaafka loona badbaadiyo
midnimada isbahaysiga iyo danta Soomaaliyeed ayuu ku baaqayaa:

In la joojiyo abaabulka & shirarka labada dhinac ee xambaarsan kala qaybinta Isbahaysiga.
In la ogolaado dhexdhexaadinta ay wadaan waxgaradka Soomaaliyeed ee ku salaysan isu soo dhoweynta xubnaha Isbahaysiga.
In laga feejignaado mu’aamarada & dabinka gumaysiga iyo cadowga Soomaaliyeed ay la damacsanyihiin wiiqitaanka halganka lagaga saarayo Itoobiya dalka Soomaaliya.

Dr. Cabdi Caydiid, Gudoomiyaha Golaha M.Soomali Weyn

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS