SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Weriyayaasha Soomaaliyeed oo Koonfur Afrika Ku Qabtay Kulan Tacsi Loogu sameeyay Wariye Nasteex

Sawirada Halkan ka daawo...

magaalada Cape Town ee dalka S/africa ayaa waxaa lagu qabtay kulan Tacsi loogu dhigay Allaha u naxariistee Wariye Nasteex Daahir Faarax oo dhawaan lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Kulankaasi tacsida ah oo ka dhacay xaafadda Belvelle ee magaalada Cape Town ayaa waxaa soo qaban qaabiyay koox wariyaal Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka S/africa .

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay taariiq nololeedkii Wariye Nasteex Daahir Faarax iyo doorka uu kulahaa saxaafadda Soomaaliya .

Wariyaasha kulankaani soo abaabulay ayaa muujiyay dareenka muragada leh ee ay ka qabaan dhacdadaasi oo ay dhanka kale sheegeen in aysan hakin doonin in bahda saxaafadda joojiyaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ka dib ka baroordiiqaasi ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen wariyaashaasi oo gaarayay illaa 16-wariye ayaa waxaa ay dhanka kale isla gaarteen in ay sameeystaan gole ay ku mideysan yihiin oo ay isaga war qaataan wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalka S/africa .

Falaanqeyn dheer ka dib waxa ay wariyaashaasi isla meel dhigeen in ay ku dhawaaqaan gole lagu magacaabo xariirka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee S/africa .(Somalian Jounalism Asocation Of S/Africa.

Golahaasi ayaa lagu sheegay in ujeedka loo yegleelay ay ay tahay sidii wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool S/africa ugu suura gali laheyd in ay wataan howshooda saxafinimo iyo sidii looga gudbi lahaa haddii ay jiraan caqabado muuqda oo ka hor taagan in ay wataan howshooda saxafinimo .

Golahaan xariirka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee S/Africa ayaa waxaa kale oo ujeedka loo dhisay ay tahay sidii bulshada Soomalaiyeed ee ku nool dalkaani u heli lahaayeen meel ay kala socdaan waxa dalkooda Hooyo ka dhacaya ama ay xogo isku weydaarsadaan .

Ku dhawaad 16 wariye oo badankooda ka yimid magaalada Muqdisho qaarkoodna markii dagaalada ka bilaawdeen Soomaaliya soo galay dalkaani ayaa ugu dambeeyntii Gudoomiye ugu doortay golahaani Maxamed Deeq Muuse Nuur(Deeq Darajo).

Kulankaai oo wariyaal ay u suura gali weyday in ay goobta soo xaadiraan sababo la xariira magaalooyinka ay joogaan oo fog ayaa qadka taleefonka uga qeybqaatay barnaamijka iyadoo golahaani uu yeeshay gudoomiye ku xigeen iyo Afhayeen iyadoo Gudoomiye ku xegeen loo doortay C/qaadir Axad halka Afhayeena loo magacaabay Wariye Cismaan Xasan Cali(Fantastic).

Gudoomiyaha golahaani cusub ayaa xaqiijiyay in maalmaha soo socdo ay ku dhawaqaayaan ilaha kale ay wada shaqeynta rasmiga ah la yeelan doonaan taasi oo micnaheedu yahay in ay wada shaqeyn la yeelan doonaan uradada kale oo saxaafadda ee ka jira dalka Soomaaliya .
Magacyada wariyaasha ururkaani ku bohoobay
:
Cismaan Xasan Cali(Fantastic)
C/qaadir Axad
Maxamed Deeq Muuse
Zakiriye Xaaji Xasan
C/xakiin Mursal faarax
Maxamed xasan Bakistaan
Xasan Cismaan Cabdi
Faarax Daahir Cilmi
Maxamed Nuur Geedi (Diida)
C/qaadir Maxamed Cali
Maxamed Muuse Nuur
Xadiis Xaaji Aadam
Maxamed Nuur warsame
C/laahi Xaaji Maxamed
Gacal Ayman Gacal
Hanad Guuleed
Maxamed Xuseen (Xaaji Tahriib)
C/naasir Shiikh Axmed (Saxansaxo)
Maxamed Ismaaciil
Xasan Yeey
Saciid Xiirow

Waxa ay wariyaasha ku balameen in kulan kale oo weyn mar kale ay isugu yimaadaan si howlaha loo dar dargiliyo kaasi oo dhacaya maalamaha soo socda 


Tacsi Wariye Nasteex iyo asaasida gole ay ku midaysanyihin saxafiyiinta soomaalida oo ka dhacay Shalay Magaalada cape Town ee dalka KoonfurAfrika

Kulan balaaran oo eey isugu yimaadeen saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa uu Shalay ka dhacay magaalada Cape Town, kaas oo ahaa kulan loogu baroor diiqayay geeridii naxdinta lahayd ee wariye Nasteex Daahir oo 7dii bishan kooxo hubeysan ku qaarijiyeen gurigiisa agtiisa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose, Kulanka ayaa sidoo kale loogaga dhawaaqay gole mideeya saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku Nool Wadanka Koonfur Afrika.
Kulankaasi baroordiiqa ah oo ka dhacay xaafadda Belvelle ee magaalada Cape Town ayaa waxaa soo qaban qaabiyay koox wariyaal Soomaaliyeed ah oo ku nool Wadanka Koonfur Afrika.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay taariiq nololeedkii Wariye Nasteex Daahir Faarax iyo doorka uu kulahaa saxaafadda Soomaaliya .

Wariyaasha kulankaani soo abaabulay ayaa muujiyay dareenka muragada leh ee ay ka qabaan dhacdadaasi oo ay dhanka kale sheegeen in aysan hakin doonin in bahda saxaafadda joojiyaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ka dib ka baroordiiqaasi ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen wariyaashaasi oo gaarayay illaa 16-wariye ayaa waxaa ay dhanka kale isla gaarteen in ay sameeystaan gole ay ku mideysan yihiin oo ay isaga war qaataan wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalka S/africa .

Falaanqeyn dheer ka dib waxa ay wariyaashaasi isla meel dhigeen in ay ku dhawaaqaan gole lagu magacaabo xariirka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee S/africa .(Somali Journalists Association Of S/Africa.)

Golahaasi ayaa lagu sheegay in ujeedka loo yegleelay ay ay tahay sidii wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool S/africa ugu suura gali laheyd in ay wataan howshooda saxafinimo iyo sidii looga gudbi lahaa haddii ay jiraan caqabado muuqda oo ka hor taagan in ay wataan howshooda saxafinimo .

Golahaan xariirka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee S/Africa ayaa waxaa kale oo ujeedka loo dhisay ay tahay sidii bulshada Soomalaiyeed ee ku nool dalkaani u heli lahaayeen meel ay kala socdaan waxa dalkooda Hooyo ka dhacaya ama ay xogo isku weydaarsadaan .

Ku dhawaad 16 wariye oo badankooda ka yimid magaalada Muqdisho qaarkoodna markii dagaalada ka bilaawdeen Soomaaliya soo galay dalkaani ayaa ugu dambeeyntii Gudoomiye ugu doortay golahaani Maxamed Deeq Muuse Nuur(Deeq Darajo).

Kulankaai oo wariyaal ay u suura gali weyday in ay goobta soo xaadiraan sababo la xariira magaalooyinka ay joogaan oo fog ayaa qadka taleefonka uga qeybqaatay barnaamijka iyadoo golahaani uu yeeshay gudoomiye ku xigeen iyo Afhayeen iyadoo Gudoomiye ku xegeen loo doortay C/qaadir Axad halka Afhayeena loo magacaabay Wariye Cismaan Xasan Cali(Fantastic). Xoghaye Xadiis Xaaji Aadan.

Gudoomiyaha golahaani cusub ayaa xaqiijiyay in maalmaha soo socdo ay ku dhawaqaayaan ilaha kale ay wada shaqeynta rasmiga ah la yeelan doonaan taasi oo micnaheedu yahay in ay wada shaqeyn la yeelan doonaan uradada kale oo saxaafadda ee ka jira dalka Soomaaliya .
Magacyada wariyaasha ururkaani ku bohoobay
:
Cismaan Xasan Cali(Fantastic)
C/qaadir Axad
Maxamed Deeq Muuse
Zakiriye Xaaji Xasan
C/xakiin Mursal faarax
Maxamed xasan Bakistaan
Xasan Cismaan Cabdi
Faarax Daahir Cilmi
Maxamed Nuur Geedi (Diida)
C/qaadir Maxamed Cali
Maxamed Muuse Nuur
Xadiis Xaaji Aadam
Maxamed Nuur warsame
C/laahi Xaaji Maxamed
Gacal Ayman Gacal
Hanad Guuleed
Maxamed Xuseen (Xaaji Tahriib)
C/naasir Shiikh Axmed (Saxansaxo)
Maxamed Ismaaciil
Xasan Yeey
Saciid Xiirow

Si Kastaba ha ahaatee Kulankan lagu asaasay golahan cusub ay ku midobeen Dhalinta Saxafada Somaliyeed Ee Koonfur Afrika kasakow, waxaa horey u jirey urur kale sida la sheegey, laakiin ka xubno yar, kaas oo sanadkii hore la sameeyey, balse aan xiligaasi kadib wax howl ah iyo kulano aan qabanin, madaxdii ururkaasi oo qaarkood ey dalka ka dhoofeen, ayaa laakiin qaar kale oo ka mid ahaa maamulka cusub eey iminka kamid noqdeen , taasina waxay ka dambeeysay kadib markii ay ka tanasuleen ururkii hore, oo in baddan oo saxafiyiinta golahani cusub ka mid ah eeysan qeyb ka aheyn, qaarkoodna aysan dalkaba joogin, ururkii hore ayaa lagu magacaabi jirey Union of Somali Journalists in South Afrika (ururka saxafiyiinta soomaaliyeed ee koonfurta afrika), ururkani ayaa isla markii la asaasay ku biirey uruka kale ee Soomaaliya ka jira Asoj, balse kan cusub lama oga ururka uu ku biiri doono.

Xadiis Xaaji Aadam
Cape Twon
South Afrika

iyo  saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS