SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Turaabi iyo Sheekh Shariif, Maxaa isaga dan ah? 

Waxaan aqriyay maqaal uu qoray C/waaxid C/lahi Khalif oo uu u magac daray (Turaabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif). Maqaalka waa mid baaxadwayn isla markaana taabanaya meelo badan oo aan hal maqaal lagu kulmin karin, sidoo kale waxuu qoraaga oga gollahaa qoraalka, inuu canbaareyo Sh Shariif isaga oo u marayo maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Hal dhagax labo shimbir ku dil”. Waxaa hubaal ah in qoraaga u khasaaray xaqiijinta ujeedadii uu ka lahaa qoraalkiisa.

Qoraaga; maqaalkii kan ka horeeyay, waxa uu cadaystay inuu ka soo horjeedo dadaalka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, ee ay Isbahaysigu Dibu-xuraynta Soomaaliya madaxdiisa ka qayb qaateen. Sidaa darteed waxa laga sugayo waa inuu cadeeyaa fikradihiisa xagga diiniga ah ama siyaasiga ah, ee keenay inuu ka soo horjeesto, natiijada ka soo baxday shirka Djabouti. Waxaan aad ugu amaanayaa qoraalka inuu qaar kamid ah taabtay, sida arinta Sulxul-xudaybiya, inkasta oo uu uga hadlay una loodiyay dhacdada Siirada sidii uu isaga jeclaa.

Waxaan rabaa inaan faallo ka bixiyo qaybo ka mid ah qoraalka dheer, ee isku furan, ee uu qoray walaal aan ixtiraam weyn u hayo, aana rumaysnahay inuu daacad ka yahay, arinta Soomaaliya, uuna la doonayo wanaag. Balse go’aan dagdag ah, oo aan meel dayin iyo dacaayad kadhigtay gabaad.

  1. Sheekh Xassan Al-turaabi & Sheekh Shariif: Qoraaga waxuu isku dayaya inuu ku ifiyo falalka iyo go’aanda Sheekh Shariif, kuwii uu horaan u sameeyay  Dr. Xassan Al-turaabi. Waxaa layaab iyo amakaag igu dhalisay sida dhala-weelka ah, ee dhumucda lahayn ee uu uga hadlay qoraaga, aqoonyahanka weyn ee Islaamka Sheekh Xassan Al-turaabi, isaga oo tixay oo kaliya wax’yaabo uu hubo in dadka hadduu la wadaago, ay uga didi doonaan Sheekh Turaabi. Sidoo kale; hadallada Sheekha uu ka qoray oo dhan waa dacaayad rakhiis ah, waxaa intaa sii dheer, in hadallada dhan ay daba-go’an yahiin, oo Sheekha siduu u yidhi, oo ay amaano ku jirto aan loo soo gudbin. Aayada Qu’aanka kariimka ah, ayaa wareer dhaliya haddii aan la sugin biyo dhacooda. Maxaad ka filli hadal qof Ibni-adam laga sheegay?

Sheekh Turaabi; maha qof waxii la doono laga sheego, oo waxuu leeyahay kitaabo maraajic ah oo buuxiyay maktabadaha aduunka, ninkii doonayo inuu wax ka ogaadana waxaan ka codsanayaa inuu u laabto kitaabadaas.

Sheekh Turaabi; waa baxar xagga aqoonta Islaamka, taa micnaheedu maha inuu hadalkiisa oo dhan ceeb ka saliim yahay, oo kamal Ilaah (s.w) ayaa iska leh, oo culumo ka waaweyn isaga, oo uu ka mid yahay Ibnu-taymiya ayaa waxuu qabaa, aragtiyo qofka muslimka ah uu la yaabayo markii uu arko, laakiin markii guud ahaan la fiiriyo waxa uu soo kordhiyay Sh Ibnu- Taymiyya, waxaa la dhihi karaa Mujadid ayuu ahaa, sidoo kale; Xassan Al-turaabi. 

Arinta ah inuu Turaabi mar taageero badan lahaa Suudaan….ama cadaadis iyo xilka xayuubin lagu sameyay…ma muujinayso in ninka xunyahay, oo badanaa waxaa cadaadis lagu sameeyaa dadka samadoonka ah.

Fikradda ah in Sheekh Shariif iyo Sheekh Turaabi ay wadaagaan fakir, waxay amaan u tahay Sheekh Shariif, oo waxaad ku tilmaantay bisayl iyo inuu aqoon durugsan u leeyahay Islaamka.

  1. Colaad saadaalin: Qoraaga sadarada ugu dambeeyo qoraalka waxuu saadaaliyay in dagaalo Abgaal & Habar-gidir soo noqon karaan, mar haddii Sheekh Shariif iyo Xassan Daahir kala jabeen!!!!

Arinta iyada ah waxay muujinaysaa in qoraagu uusan ka korin caqliyada guracan ee Soomaalida, moodayana in haddii labada nin is khilaafaan mecnaheedu noqonayo in saf iyo saf beeleed laysaga hor-imaanayo.

Taloow Sheekh Shariif iyo Sheekh Xassan ma dagaal ogayaal hore ayay ahaayeen? Ama qoraaga caqliyadiisa guracan darteed; aqriskiisa uusan dhaafsanayn qabyaalad? Miyuusan qoraagu ogayn in xilligii dagaaladii qabiilada ya dhamaadeen, oo la galay xilligii herdanka fikradaha? Taana ay keentay inaad talaabada Sheekh Shariif uu qaaday aad ku matashay tan Turaabiga Suudaan.?!!!!!

  1. Qoraagu sidoo kale; waxuu ku nuuxsaday, in khayaamo jirto,waxuuna uga digay kooxda dagaalka hadaf ka dhigtay, inay iska jiraan khayaamooyin kale oo ku dhaca, sida inay madax ka dhigtaan dad Shariif oo kale ah. Waxaan qabaa dad Muslimiin ah haddii ay kala argti noqdaan, inaan laysku tuhmin gaalnimo, khayaamo, munaafaqnimo. Arintaan iyada ah; ayaa keentay inaan dhiiga dhaxdeena baneeysano. Waxaa haboon in arinta lagu daayo kala aragti duwanaan iyo in mid-walba doonayo wanaaga.

Dalmar Hassan Sheekh

Dalmar25@hotmail.co.uk 

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS