SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sh. Shariifoow xaal baan ku siinnay

Farhan Warsame
Melbourne, Australia
bile1971@hotmail.com

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alxamdu Lilaah wassalaatu wasalaamu calaa rasuli-laah (SCW)

Intaa kadib

Turaabi iyo Sheekh Shariif, Maxaa isaga dan ah? | Dalmar

Waxaan aniga iyo dad badan oo wax ka akhrista Somalitalk fajiciso iyo amakaag nagu noqotay maqaaal uu qoray C/waaxid Khaliif uguna magacdaray Turaabiga Soomaaliga Sh. Shariif. Maqaalkaas aad ayuu u dheeraa macno badana ma xambaarsaneyn waxa kaliya oo aan ka fahmay ayaa waxay tahay waxyaabihii dadka soomaalida horey loogu bartay oo aheyd si laguu barto soo qor dacaayad ama haddaad doontaba dil qof magac ku leh Bulshaweynta Soomaaliyeed.

Soomaaliya sidaan la soconno waxaa ragaadiyay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday macno uu usocdana la fahmi la'yahay ilaa iyo hadda, dad wada islaam ah haddana isku af ah oo aan is jecleyn, is dilaya weliba kan ugu macquulsan ummadda xabbad dhafoorka laga saarayo. Ogow Akhriste in qofka qalinka wax ku weerarana weliba wax ka sheega dadka aqoonta u leh Diinteena suuban uu kuwaa la mid yahay amaba ka sii daran yahay. S. Shariif Sh. Axmed oo halganka ka bilaabay kadib markii wiil ardaydiisa ka mid ah oo kooxihii ummadda gumaadi jiray ay af-duubteen, si uu wiilkaa uga soo furtana uu isagu iskiis isu xilqaamay.

Markii uu arkay dhibaatada shacabka lagu hayo wuxuu go'aan ku gaaray in uu ummadda ka qabto qabqablayaashii dhiigga ummadda ku qubaysan jiray. Dad badan ayay fajiciso ku noqotay in wiil dhalinyaro ah oo Ilaah mooyee cid kale aan isku haleyneynin uu heerkaa gaaro muddo aad u gaaban. Haddaba ma u maleyneysaa in Sheekha oo ka carooday wiil ardaydiisa ka mid ah ama lababa dheh uu sidaa u difaaco ummad dhanna uu meel cidla ah uga dhaqaaqo?? Waa Kaaf iyo kala dheeri. Ma kula tahay in qof Sh. Shariif oo kale ah oo aan illaa iyo hadda wax dambi ah lagu heyn marka loo fiiriyo waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya lagu dacaayadeeyo NABAD ayuu qaatay, maxuuse ka filayaa kana rajeyneysaa Soomalida nadiifka ah qofka sidaa u dhaqma iyadoo tii Alle meel u taallo?

Weli ma ka heysaa Sh. Shariif oo cid shakhsi ah af-lagaadeynaya noocuu doono ha ahaadee? Isagoo ay cid is heystaan? Isagoo gaadaa dhacleynaya? Wareysiyadiisa ka waran! hadalada xikmadda leh isagoo aan cidna af-lagaadeyn hadafkiisa siyaasadeed amaba diini ku meel marinaya? Saaxadda Soomaaliya weli ma ka heysaa qof sidiisoo kale u hadlay amaba u dhaqmay18-kii sano ee dagaaladu socdeen? Ma u maleyneysaa in dad badan oo Soomaali ah oo aan Sh. Shariif horay u aqoon ay ku raaceen kalmadihiisa cajiibka ah ee caqliga fiyoow ka yimid. Sow taa macnaheedu ma ahan xadiiskii rasuulka CSW ee ahaa Kalimatu dayiba Sadaqa. Kalmadda wanaagsani waa sadaqo in Sheekhu ku taagan yahay. Maxaa u diiday in Sh. Shariif la hadlo United Nations-ka haddiiba xal lagu helayo.

Ma diinteena Islaamka ayaa diidan in nabadda la raadsho? Maxaad ugu maleyneysaa in Sheekhu go'aamkaas qaato isagoo waxyaabihii la ogaa ummadda u soo qabtay? Ma isleedahay dadka qaarkii fudayd xad-dhaaf ah ayaa ku jira? Su'aalahaa iyo kuwo ka badan ma is weydiisay markaad akhrisay qoraalka C/waaxid. Ma jecleyn in aan manta qoraalkaa soo qoro iyadoo soomaalida oo dhan ka dheregsan tahay Sh. Shariif halgankiisa laakiin markaad aragto gardarro aan geed loogu soo gabban oo qof Sh. Shariif iyo Xasan Alturaabi oo kale lah lagu sameynayo ma ku qabataa dhagta iyo dhabanka maku dhufataa??

Soomaalidu waxaa halheys u ah Cilmigu waa Caqliga oo la fiirshay!! In Sh. Shariif uu aqoon fiican u leeyahay cilmiga Islaamiga ah waxaa kuu sheegaya adoon meel kaleba aadin Caqligaaga. Sh. Alturaabi-se waa nin noocee ah? Maxaa lagu xiray? Lagu cadaadiyay? Illaa iyo haddana loo daba taagan yahay? Ma u maleyneysaa in uu heerka Dr. oo ah darajada ugu sareysa aqoonta ka gaaray diinta Islaamka? Qof noocaa ah sidee ugu sifeyn-kartaa qof diinta Islaamka ku cusub tahay? Cajiib!!!!!!

Waxaan qoraaga maqaalkaas soo qoray u sheegi lahaa Haddiiba aad aad is bar-bardhigtay Sh. Shariif iyo Sh. Xasan Alturaabi waa ilaah Mahaddiis waxaa nooga sii darnaan laheyd adoo Sheekha mujrimiinta Soomaaliya la mid dhiga. Inkastoo is barbardhigaaga aan ka dhadhansan karno naceyb aad u fog oo aad u qabto Sh. Shariif Laakiin meel laguma tago horumarna laguma gaaro. Ogow in ay jiri doonto maalin lagu xisaabinayo wixii aad hormarsateyna laguugu abaal marinayo. Haddaad London dagan tahay oo aad nabad iyo nolol ku heysato ka fakir kana damqo boqolaalka kun ee soomaalida ah ee kudayacan Soomaaliya iyo dunida qaar iskana daa iska horkeen-ka aad ummadda ku dhexwaddo. U fidi gacan gargaar kuwa meel ay roobka ka galaan & wax ay cunaan aan heysan intaad dab aad shiddo dhibkaa ugu sii jiri lahaayeen. Ogoow Soomaali qofka wax taray iyo qofka dibindaabyada ku wada wey kala taqaan waqtigeeday-na la sugi, isku day in aad raali-galin buuxda siiso Sh. Shariif iyo weliba dadka aad-ka uga naxay qoraalkaaga degdeggu ka muuqdo ee si aan ka fiirsadasha laheyn loo qoray.

Waxaan rajeynayaa in intaasi talo kuugu filan tahay.

Wabillaahi Toqwiiq

Farhan Warsame
Melbourne, Australia
bile1971@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS