SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qormadii Abdikarim Ahmed Huseen
Guud Mar Dagaaladii Sokeeye ee Somaliya.

Hordhac;

Waa marka ugu horaysee waa inaan xusaa inaanan ahayn qof taariikhyahan ah (Historian). Waxaa taas macnaheedu yahay in waxyaabaha hoos ku qorani ayna ahayn fikradayda iyo fahmideyda shakhsiyeed, iyo waxaan usoo taagnaa toona, balse uu qoraalkani yahay ururin guud oo aan ku sameeyay bugaagtaas qalaad ee faraha badan ee aan nasiibka u yeeshay inaan akhriyo.

Maadaama ay hadaba siyaasadii Soomalidu ay 150 sano ee u danbeesay ay ku salaysnayd kuna dhisneyd qabiil ama qabyaalad, ayaa waxaa lama huraan noqonaysa in lamagacaabo qabiiladii ama shakhsiyaadkii kaalinta laxaad ka ciyaaray burburka Soomaaliya.

Inkasta oo aanan wax aflagaado ah ku samayn qabiiladaas, hadana waxaa mararka qaarkood ka fursan waayey inaan faaqido siyaasadoodaas gurracan anigoon u aabo yeelayn magaca qabiilkooda ama darajada shakhsigaas.

Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Soomaaliya. PART 3

Qorayaal farbadan ayaa isku dayay inay wax ka tilmaamaan asalka dhibaatada Soomaliya ku habsatay. Qaar kale waxay isku hawleen iney fasiraan asbaabaha burburiyaya qarankii Soomaaliyeed. Qaarna waxay aad ugu kuuro galeen sidii daawo loogu heli lahaa caalirka haleeyay lafdhabarka jiritaanka midnimada Soomaaliya.
Hase yeesha, Anigu waxaa muuqata inaan la kali noqday baarista, lafgurka iyo garashada unugyada xambaarsan jeermiga ku faafay jirka Soomaaliyeed halistana ku ah jiritaanka magaceeda.

Waxa maanta Soomaaliya loo yaqaana dhulka ay ku fadhido Dawladii ka dhalatay isu tagii labada gobol ee Woqooyi iyo Koonfur markii ay taariikhdu ahayd 1/7/1960. Cudurka ay qaranimada Soomaalidu u dhimatay magaciisa waxaa la yidhaahdaa ( Qabyaalad ), waxaana lagu daaween kara oo kali ah ( Qabiil ).

Somalilanda waxa kaliyah ee ay dunida ugu faanta ee ay isku qiimayso waxa weeye inay tahay dal nabad galyo ka jirto oo ku faanta oo ah waxa qudhah ee ay dunida ka iibnayaan, iyagoo ictiraaf raadis ah.

Sidaa darteed waa in mushkilada Soomaaliya taala maaraynteeda loo maraa unko gole wada tashi oo ay qabiilooyinku u dhanyihiin kana kooban dad leh karti aqoon iyo doonis qaran adag oo Soomaaliyeed. Golaha dhexe ee ay qabiilooyinku u dhanyihiin waa in uu ahaada ka gacanta ku haya maamulka dalka dhinac walba. Waana in uu gollahaasi lahaada guddi dhexe ( gole madaxtooyo ) oo dhawr qof ka kooban kuwaas oo wali kala metelaya qabiilooyinka oo leh awood siman iyo gudoomiye ( madaxweyne ) wareegto ah oo muddo gaanbana mar la bedelo oo aan gudoomiyenimada ku soo nqon ilaa ay gudida oo dhan jagadaasi soo wada marto.

Xubnaha golaha waxaa golaha ka saari kara oo kali ah afar sababood ; Geeri, Shaqo ka tegid, Maxkamad qaran oo ku cadaysay dembi ka qaaday jagadaa iyo qabiilkii soo dirtay oo kalsoonida kala noqda. Golaha qabiilooyinka isugu yimaadeen isna waa in uu markiisa magacaaba gole kale oo ka kooban aqoonyahano awood iyo aqoon u leh hawlaha uu u baahanyahay qaranka cusubi, kaas oo dadka maamulka gacanta ku haya kala talinaya dhinac walba, una ifinaya toobiyaha loo baahanyahay in cagta la saaro.

Qof kasta oo daneeya lana socda colaada sokeeye iyo ayaan darrada dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku habsatay taas oo ah xaalad cusub oo an dunida casriga hore usoo marin, wuxuu si joogto ah isu weydiinaya jawaab caqli gal ahna u raadiyaa waxyaalaha keenay dhibaatada intaa le,eg ee qaran dhan mood iyo noolba lumisay. Waxaa kale oo si joogto ah la is waydiiya sababta amma sabaha keenay in colaada xal loo waayo.

Waxyaalaha dadka arrimaha Soomaaliya isku taxalujiyaa yaabka ku noqdaa oo maskaxdooda gali waaya waxa ugu weyn, dadka Soomaalida oo aan lahayn kala duwanaan diineed, asal dhaqan, af, midab iyo waxyaalaha la midka ah ee lagu yaqaano in ay bulshooyinka soo koraya ka dhex abuuraan colaada iyo dagaalada sokeeye.

Iyada oo aanay kala duwanaantaasi jirin ayay haddana colaada Soomaaliya ka aloosani noqotay mid ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa uguna qallafsana ee qaarada Afrika iska daaye, dunida oo dhan soo maray, hadiiba ay jiraan kuwo la babar dhigi karaa.

Maalintii ay dadka Soomaalidu goosteen in ay is gumaadaan, dalkooda dumiyaan, qaranimadoodana dalluun ku tuuraan,midabki,diintii,asalka, dhaqanki iyo magacii ay wada lahaayeen ee lagu xasdi jiray oo ahaa liibaan ay yartahay bulsho dunida ku dhaqan oo haysataa, waxba kamay tarin joojinta amma yaraynta dhibaatadii soo foodsaartay.

Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.

Maxaa Dhacay Xilliyadii 1991-2000
Wuxuu sanadkiani ku bilawday dhibaatadii ugu balaarnayd ee Soomaaliya ku habsata, maaha kaliyah midda ku dhacday dadka iyo hantidoodi, iyadoo burburku soo socdey mudda dheer ama aan iraahdo dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay dad iyo maalba aafa dagaal ku naafoobeen, gumaad iyo geeriyina soo foodsaaartay, hadana tobankan sano waxaa ku burburay dhamaan hab nololeedkii Sooomaalida, waxa hana qaaday sumcad xumadi Soomaalida ee adduunka wada gaartay iyadoo noqotay tuke canbaar leh oo laga yaqyaqsado, dhaqankii Soomaaliyeed oo gabi ahaan u burburay, oo aduunku u qaadan waayay in binu aadmi sidani jiro, waxa laga leexday diinta Islaamka oo ay la yaabeen wixii micnaha diinta Islaamka garanayay, waxay Soomaalidi soo baxday dad ka haray sida aadmigu u noolyahay, waxa la yaab ahaa dawladii oo dhankeeda dadka ka xasuuqaysa iyo kii doonayay in uu xukunka kala wareego oo isna dhankiisa ka xasuuqaya, dawlada ajnebi ah oo xasuuqayadaas taageeri jirtay. Maaha wax laga sheekayn karo wixi dhacayay.

Bishii Janaayo 26keedi 1991, waxaa sida daadka u soo galay xaruntii madaxtooyada dad diidaya xukunka Dawlada oo lagu soo kiciyay hab qabiil, wixii ay arkeen cagta soo mariyey, raggi uu madaxweynuhu isku halaynayay horay ayeey u wada goosteen oo nin waliba wixii uu haleeyay ayuu ka baxsaday, midna kan kale dib uma eegin, waxaa ku soo haray Jeneral Maxamed Siciid Xirsi -Morgan- iyo ciidan kooban oo uu wato kuwaas oo magaalada ka saaray madaxweynaha 27/1/1991, isagoo ula baxsaday dhanka Kismaayo, USC Muqdisho oo uu hogtaaminayo Cali Mahdi, waxay ku guulaysteen inay soo galaan xaruntii madaxtooyada oo markiiba bililiqaysi loogu dhaqaaqay, halkaas oo Cali Mahdi kursigii madaxweynaha haleelay.

Waxaa magaaladi hareeyay gumaad loo gaysanayo wixii aan ahayn USC ama loo aqoonsado in ay ka soo jeedaan qabiilkii Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa qabiilka Mareexaan, kuwii horay ugu kacsana iyo kuwii kale ee la jiray looma kale aabe yeelin, qof waliba oo reer Daaroodka ahi wuxuu toos u abaaray ama toos u aaday kii deriska la ahaa, oo isagu ahaa qabiilo kale sida Shiikhaal, Galgalo, inta dadkii la gumaday ama la laayey hantidoodi guurto iyo maguurtaba lagala wareegay nooc kasta oo dhibaato iyo fara xumayn ahna loo gaystey.

Maxamed Siyaad Barre wuxuu tegay Kismaayo, waxa uu u tegay odayaal reer Kismaayo ah oo uu ka dalbaday in uu markab taagan raaco oo dalkii iskaga baxo mar haduu xaruntii ka soo cararay. Dadka qaar ayaa ku celcelin jiray madaxweynaha, "Madaxweyne maxaad xaruntii uga soo baxday" Madaxweyne Siyaad hadalkaas kuma qancin oo wuxu uu isna ku jawaabay " Dalka anaa Madaxweyne ka ah inta aan dalka gudihiisa joogo meel kasta aan jooge" waxaa talda ugu jiray in uu mar rogaal celiyo oo xaruntiisi mar labaad kasoo jeesto. Markii hadalkii laga deyn waayay wuxuu ku dhaqaajey dhanka Gedo bal si uu dib ugu habaysto ciidamo isagoo waliba ku beer laxawsanaya qabiil.

Mudaba laba goor ayuu in tihiyey in uu Muqdisho dib ugu laabto, mase suura gelin, oo hadba dhan ayey kala daacdey iyadoo rag badani ku dhintey, ugu danbayntiina General Caydiid ayaa ka libin sheegtay in Madaxweyne Maxamed siyaad dalka xoog kaga saaray, isagoo u gudbey xadka Kenya , maalmo ka dibna wuxuu ka helay magangalyo dalka Nayjeeriya oo uu ugu damayntii ku geeriyooday 2/1/95, waxaana lagu aasay magaalada Garbahaarey ee gbolka Gedo maalmo ka dib.

Gabagabo

Qof kasta oo waayo aragnimo u leh Soomaaliya, goob joogna u ahaa xaaladihii aynu soo taataabana ee ay dalka iyo dadka Soomaalidu ku jireen dhinacyada nolosha oo dhan, caad kama saarna wacdiga maanta yaala in aanu ahayn wax iska yimid iyo lama filaan ee uu yahay wax uu caqli bani aadam keenay iyo qabiil Soomaaliyeed.

Cadaawadii bulshada lagu kala abuuray, dulmigii muddada dheera lagu dhex dabaalanay, qabyaaladii siyaasadeed ee dabarka iyo hogaanka goosatay, hubkii xad dhaafka ahaa ee gacmihii dad weynaha ku dhacay, shaqo iyo wax barasho la,aanti ay boqollaal kun wadooyinka isu tubeen, kumanyaalkii dembiilayaal ahaa ee wax walba u samaynayay in aan maamul caafimaad qabaa gadaashooda iman si aan loo dabo galin, dadkii Dawlada ridayay ee aanay u cadayn sida ay wax u hagaajin doonaan, shisheeyihii ilaa bilawgii siyaasada dalka faraha kula jiray dhinacyada is hayana u kala hiilinayey, cabsidii uu qabiil walbaa qabiilka kale u qabay, xaladii waxbarasho iyo wacyi ee bulshada ee weli hooseeysey, saboolnimadii qof walba nolashiisu qof kale ku xirantay, waxaas oo dhani waxay gaadheen meel aan caqligu rumaysan karin, dabadeedna mar keliya ayey sidii baaruud dab lagu qabtay wada qarxeen waxayna ahaayeen sabaha aasaaska u ah dagaalka Soomaalidu in uu noqdo mid aan dhamaad lahayn. Maaha wax laga sheekayn karo wixii dhacayay markaas.

Miyaa la ilaabay;
Miyaa la ilaabay halgankii dheera ee xoriyada Soomaaliya ragii usoo maray ee aan maanta Ifka aan joogin.
Cabdullahi Ciise soo ma ahayn ninkii warqada liqay si ay Soomaaliya xornimo u hesho awgeed.
Halgamaagi Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalle Xasan halkee martay xasuustiisi.
Dhagax Tuur iyo Xaawo Taako, Maxamed Soomaali iyo Axmed Gurey xagee martay taariikhdoodi.
Abwaankii Murtida "Kanna siib kana saar" Cabdullahi Suldaan Timacadde iyo halgamaagi faraha badnaa ee xubnihii SYL xagee martay xasuustoodi.

Alle ha u naxariisto dhamaan dadkii Dalkeena usoo halgamay, dadkii xornimada usoo dagaaltamay, waxaan u rajaynaya inuu Janadii Firdawza Alle ka waraabiyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Hadaad dhinacaaga ku aragto walaalkaayo la gawracayo oo aanad waxba u qaban karin, walaalkaayo Guintanamo lagu ridayo oon cidna u hadlayn, dumar iyo caruur la gawracayo, reer aan waxba galabsan oo bam ku dhacayo, masaakiin meel iska taagan oo la rasaasaynayo ama bam gacmeed lagu soo tuurayo.
Mushkilada ha u arkin, waayo Alle waa arkaya SW.

Nabi Muxamed CSW ayaa noola isagoo saxaabadiisa lagu dhinac tumayo, oo markii Bilaal dhagaxa la saarayay Nabigu Makka ayuu joogay, Bilaalna isla Makka ayaa lagu ciqaabayay.
Illahayna waa la socda xaalka Soomaaliya, balse waa imtixaan adiga ku sugaya sidii aad u hori marin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga Soomaaliyeed.

Akhriste hadii aad tahay qof Muslim ah oo Salaada tukada, fadlan Illah u bari in uu Soomaaliya nabad kusoo celiyo, marka aad rukuucsanatahay ee aad Ilaahay usujuudayso, waayo markaas ayaa Ilaah loogu dhawyahay oo aqbala ducada adoonkiisa.

Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.

Q/Abdikarim Ahmed Huseen.
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockhlom

Qoraalladii hore ee qoraaga halkan ka akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS