SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya soomaali baa leh

Soomaaliya waa soomaaliya sababta aan uugu celcelinayo waa dad badan oo soomaaliyeed baa kuwareersan magacyada badan ee ay kamid yihiin puntland, Somaliland sidaas daraadeed  majiraan wax kale iyo magac kale soomaaliya waa soomaaliya.

Hadaan kulaabto ujeedada maqaalka dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa kudhacay dhibaato taas oo kadhalatay markii wadankooda soomaaliya ay kadheceen dagaalo sokeeye kuwaas oo ragaadiyay horumarkii bulshada laakiin dhibaatada uugu badan waxay dhacday markii ciidamada itoobiya ay gudaha usoo galeen wadanka soomaaliya halkaas oo ay ka gaysteen xasuuq baahsan hadaba waxaa haboon in dadka soomaaliyeed iswaydiiyaan intee katimid dhibaatadaan markeedii hore maxaayeelay hadaan la ogaan dhibaatadu meesha ay katimid laheli mayo dawadeeda sidaas daraadeed waxaan rabaa inaan halkaan kusoo bandhigo fakarkayga gaaban sida loo xalin karo dhibkaan. Sida aan wada ognahay wadankasta ama qaran kasta oo caalamka kajira waxaa jira wax yaabo tiir u ah qaranimadiisa kuwaas oo ay hal fikrad ama al aragti kaleeyihiin shacabkiisu tusaale ahaan wadanka soomaaliya xilligii dawladihii rayidka ahaa ama dawladii siyaad barre waxay hal mabda ka ahaayeen qadiyadda dhulalka maqan iyo siyaasa arimaha dibada shacabka soomaaliyeedna sidaas oo kale way kamidaysnaayeen madaxbanaanida wadankooda iyo xoraynta dhulalka maqan wixii kahoreeyay dawlada kmg ah iyo maamul goboleedyada itoobiya taageersan kuwaas wax laga gudbay kadhigay wixii soomaali udagaalaysay waligeed sababna unoqday inlawaayo dawlad soomaaliyeed, 

habeenkii aadan cadde ladoortay waxa uu yiri kadaali mayno raadinta soomaaliweyn mudane cabdi rashiid sidaas oo kale ayuu yiri maxamed siyaad markii uu afgambiga kula wareegay talada soomaaliya waxa uu dawladihii asaga kahoreeyay kutilmaamay inay ahaayeen musuqmaasuq laakiin waxa uu sheegay inaysan isbalin siyaasadii arrimaha dibada taas oo macneheedu ahaa sidii cabdi rashiid ugu raad joogay dhulalka maqan  in loowadi doono hawsha, mabda’a kale waxa uu yahay dhowrida madax banaanida wadanka iyo tan xuduudeed intaba, tan kale waa dhowrida arrimaha gudaha ee wadankaas tusaale in wadankaasi uu arrihiisa gudaha u madax banaanyahay sida goloyaasha dawlada laamaha ciidamada iyo maxkamadiihiisuba waa in shacabka wadankaasi ay ilaaliyaan midnidamda wadanka waa in ay ilaaliyaan hantida qaranka sida dhismayaasha xarumaha dawlada, gaadiidka dawlada, xarumaha ciidamada jidadka iyo wax yaale kale oo fara badan maxaa yeelay jirintaanka wax yaalahaas waxaa kujirta sharafta umadda waa muhiin in la ilaaliyo hay’adaha dawlada maxaa yeelay hadii meeshu banaanaato waa aragnay dhibaatada ka imaan karta waa in qofkasta ogaado in jiritaankiisu ku xiranyahay jiritaanka nidaamka dawliga ah haduu rabo ha ahaado kaligii talis, waa in qofku ka hor mariyo arrimihiisa gaarka ah arrimaha guud ee qaranka, laakiin su’aashu waxaa weeye dawlad maba haynee maxaan ilaalinaa?.

Hadaba hadii aan soo aragnay sida ay muhiimka utahay jiritaanka dawladnimadu soomaaliyana aysan kajirin dawlad dhexe waxaa muhiim ah in qofkasta oo soomaaliyeed ogsoonaado waxa riday dawladii soomaaliyeed ama hortaagan dawlad soomaaliyeed inay tahay  danta shakhsiga oo kawayn danta guud hadii qofkasta oo soomali ah uu dantiisa gaarka ahi kala wayntahay danta guud oo kii madax lagadhigo eegto dantiisa iyo tan jufadiisa oo qabiilku uu qaranka ka waynyahay oo dadku ay qori wax kudoonayaan ee aysan wadahadal wax kuraadinayn oo dadku aysan ka shaqayn soomaaliweyn intay iska dhaafaan land-land-ka wallaahi oo hadana wallaahi inaan dulli iyo dar xumo laga baxayn soomaali oo dhanna waa isku mid inuusan jirin qoys sharaf ku noolaandoona.

Wq  cali maxamed diini (cali-dhuux) PERTH,  AUSTRALIA.
calidhuux20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS