Maxaa loo takoorayaa konfurta Soomaalida??
Denbiga ugu ween ee konfurta soomalida laga galay waa ereyadan : arrinkiinu
idinkuu idiin yaallaa , idnkaa is khilaafsan ee heshiiya.
Waa wax soo maalida u gaar ah oo laguma hayo taariihkda qolo iskhilaafta oo lgu
yiri sidas , tusaale ahaan : markii Kenya khilaafku ka qarxay dhexdooda Bishii
Yanayir 2008 . ma lagu yiri idinkaa isdilaaye hesheeya mrkaad heshiisan baan
idin cawinaynaa, xaga dhismaha dalkiina? Haddiise inta sidaas lagu dhaho laga
aamusi lahaa amma labad kooxood midkood ama labadaba lagu maal gelin lahaa
hubiyo lacag, maxaa dhici lahaa?
Laakiin Bulshada caalmku sidaas may yeelin ee wey kala celisay waxaanay ku
qasabtay inay heshiiyan dawladna wada dhistaan, waxaanu internashnal Cumunitigu
qaaday tallaabooyinkan :1) wuxuu ka cuna qabateeyey xagii dhaqaalaha oo
lajoojiyey dhammaan xiriirkii dhaqaalaha. , waxaa la xayiray wixii ay xissab
kulahaayeen Bangiyada, waxaa laga xayiray visihii dalka kaga bixi lahaayeen,
laguma dhaafin cunu qabataynta ee waxaa loo soodiray wafdi caalami ah oo ku
qasabay inay ogoladaan dhex dhexaadinta ilaa lagaa gaarsiiyey inay hal dawlo
wada dhistaan.
2- sidoo kale Hargeysa markii Madxwynihii kordhistay muddaadu xukunka sii ahyn
lahaa 10\ 4\2008. , waxaa ka soo hor jeestay xisbiyada mucaaridka kuna hanjabay
: in maalinta ay dhammaato muddadii la doortay oo ku eg 15\5\2008. aan loo
aqoonsan doonin inuu yahay madaxweynaha dalka .
Laakiin lama dhihin idinku hesheeya aarrinkiinu idinkuu iddiin yaallaa, ee waa
laga hortay intaan arriku adkaan . waxaa lagu sameeyey cunu qabteayn xaga
dhaqaalaha waxaa la xayiray lactii loogu ballan qaaday in lagu taageeero
doorashada , waxaa loo soo diray danjiraha ingiriiska ee ee Itoobiya jooga
22\5\2008. wuxuu la kulamay dhammaan dhinacyada arrinku hkuseeyo : madax weynaha
, madaxda laba xisb ee mucaaridka , iyo guddiga dorashada, wuxuu u sheegay inaan
la burburin dimoqaraadiya ka hirgashay wadanka waxaanu u ballan qaaday in loo
furayo lacagaha ka xayiran markay heshiiyaan. Waxxanu ku qanciyey inaan qolona
guul haleen , kuna qasban yihiin inay wada shaqeeyaan.
Waxay soo afjareen khilaafkoodii 1/6\2008 saddexdii dhinac ba oo kala ahaa
Madaweynaha, Axsaabta Mucaaridka iyo Guddiga doorashada waxaanay wada jir u
shaaciyeen in hkilaafkoodii dhammaaday kuna heshiiyeen waqtiga doorashada
Madaxweynaha iyo dowladaha hoos ,e dhici doonaan,
Ugu danbaystii waxaa loo soo diray 17/6/2308. wafdi UK oo heer wasaaro uu
hogaaminaayo wasiiru Daolaha arrimaha debedda waxaanu qaabilay markiiba
Madaxeynaha uu xusuusiyay wassirka taariihkduu uu ingiriisku xukumi jiray oo
dhammayd ilaa 80sano .
Marka waxaa isweydiin mudan haddii la dhii lahaa Kenya iyo Soomaali Landi
arrinku idinkuu idiin yaalla ee heshiiya, isamarkaana hub iyo lacag lagu
taageero dhinacyada ama midkood, maxaa dhici lahaa ? waa maxay sababta loogu
gaar yeelay Koonfurta Soomalida ereygan aariinku idinkuu idiin yaalaa?
Waatan Jawaabtii : sababta wadamada kale loo kala celinayaa konfurta soomalidana
la isugu Hubaynayaa waa : dalaka kale waxay hoos imaanayan labada urur ee comon
wealth iyo frankfon midkood , konfurta soomaliduna waxay ku hos jirta lisska
Afro Amerika.
Marka waxaa la gudboon Maraykanka inuu u ogolaado konfurta soomaalida inta
Ingifrisku u ogolyahay Kinya iyo inta fransiiku u ogolyahay djabuuti oo ah in
loo ogolaado inay doortan dad iyaga matilaaya iyo arrinkooda iyaga toos logala
xiriiro oon cid kale loo soo marin.
Marka haddaad doonaysid inaad fahamtid asaaska arrinkani ku dhisan yahay ahkri
artiklaka hoos ku xusan:
Xiriirkii gumaysiga Afrika oo isu bedelay xiriir Sokeeye
Markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida ,waxay go’ansadeen dowladihii ku
adkaaday dagaalka inay dejiyaan nadaam cusub oo dunida ka badbaadin kara
dagaallo danbi, sidaas baa lagu asaasay Jamciyadda Qaramada Midoobay (UNO).
sannadkii 19945tii.
Waxaana ka mid ahaa go,aanadii ugu horreeyey ee Qaramada midoobay soo saartay in
la cirib tiro gumaysiga dhammaantii oo aan la arag dad la gumasanayo dunida.
Marka si loo dhaqan geliyo Axdiga u soo celinta Qaranimada dadkii la gumaystay,
waa in dhammaan dadkii gumaysiga ku jiray xoroobaan. Afrikaana u badnayd
shucuubta Xorriyaddu ka maqan tahay.
Markaa Afrika dawladihii gacanta ku hayey waxay u qaybsanayd 3 qaybood oo kala
ah:
1- dawladihii ku guuleeystay dagaalkii labaad ..
2- dawladihii la jebay .
3- iyo dawlado yaryar oon missn culus lahayn.
Dawladihii guulaysatay waxay ahaayeen 4. kala ah Maraykan (USA), Midawgoo Sofiti
, Ingirisaka iyo Faransiiska.
Wuxuu arrinkii u dhacay sidatan:
1- Qeybtii ay gacanta ku hayeen dawladihii adkaaday waxay ballan qaadeen inay
gaarsiinayaan xornimada dadyowga ay xukumaan, waxaanay ahaayeen dawladahaasi UK
iyo Faransiiska, waanay fuliyeen ballanqaadkoodii waxayse abuureen laba
isbahaysi oo kala ah Common Wealth iyo Frankfon.
Dawlada Maraykanka (USA) Afrika waxay ku lahayd kali ah Laybeeriya Iadoon xor
bay iska ahayd , Midowga Sofiyeeti isagu wauuu ku haray Yurubta bari , kana
sameeyey dawladau saaxiib la ah oo nadaamkiisa ku shaqeeya.
2-Qeybtii ay gacanta ku hayeen dawladihii dagaalka ku jabay waxay ahaayeen
Talyaniga iyo Jarmalka. Talyaanigu wuxuu haystay laga bilaabo Kismaayo ilaa
xuduudka Tuunis oo ay ku jirto Horn Africa oo dhan marka laga reebo Jabuuti.
Waxaa kale uu haystay gobollo ka mid ah Kenya, Suudaan, Masar iyo Liibiya oo
dhan.
Markuu ku jabay dagaalkii ayaa lagala wareegay wixii xuquuq ku lahaa dalalkii
ahaystay , sannadkii 1946dii ba lagala saxeexay inaanu wax xaq ku lahayn dalakii
u u gumaysan jiray marka sidaasu ku waayey walaayadii xirrika sokeeynimada .
Sidoo kale Jarmalku isna wuxuu waayay xuquuqdii uu ku lahaa Afrika markuu ku
jabay dagalkii hore waxaana lagala wareegay 1919kii Bariga Afrika sida Tanganika
iyo Burundi. Dadkii Jarmalka ee deggana waxaa loo raray waddankoodii waxaana la
wareegay Ingiriiska. Sidaas baanay ku lahayn xireer sokeeye oo gar ah
2- Waxaa soo haray dalalkii ay gumaysanayeen dawladihii yaryaraa sida Burtuqaal
oo haysatay: dalalka Angoola, Musambiig, Geni Bisaw….. waxaa ku xigay Biljiika
oo haystay Kongo Kinshasa.
3- Marka dawldahaasi way diiday inay madax baneeyaan dadka ay gumasanayaan marka
dadkii baa la dagaallamay oo samaystay Jabhado xornimadoon ah, qaramada
midoobayna waxay ku caawiyeen siday u xoroobi lahaayeen , marka Iyagaa
isxureeyey oo may xoreen kuwii gumaysanaayey sidaasay ku waayeen xiriirkii
sokeeyanimo.
Marka wuxuu arrinkii u dhacay inay qaramada midoobay xorriyadii ku dhawaaqaan
xornimadooda.
Sidee buu isugu bedelay Xiriikii gumaysigu mid sokeeye
(الولاء لحمة من النسب)
Waxaa jira mabda’ soo jireen ah oo dunida oo dhammi ku dhaqanto kaasoo xaddidaya
xiriirka u dhexeeya qofka wax gumaysta iyo kan la gumaystay marka xiriirka
gumaysigu dhammaado. Macnuhuna waa in xiriirkii is-gumaysigu u beddelmaayo
xiriir qaraabanimo oo isu hiilin iyo iskaashi. Marka xiriirka cusub ee ka
dhexeeya dawladihii wax gumaysan jiray iyo kuwii ay gumaysan jireen waa xiriir
isu hiilin iyo iskaashi, inkastoo aanu isu dheeli tirnayn, marka dawldaha ku jra
labadaa isbahaysi ee kala ah Common Wealth iyo Frankphone dibadda lagama soo
faragelin karo iyaguna isma gumaadi karaan oo waxaa xil ka saaran yahay
Faransiiska iyo Ingiriiska. Haddii dhexdooda dagaal ka qarxo markiiba waa loo
soo gurmanayaa oo ciidan baa la kala dhex dhigayaa, loomana oggolaanayo inay is
xasuuqaan. Sidaa daraadeed, meelaha Afrika dabku ka holcayo waa inta ka baxsan
labada isbahaysi ee aan soo sheegnay.
Walaayada waxaa iska leh qofka wax xoreeya(الولاء لمن أعتق)
Cidda wax xoraysa ayaa walaayada leh, macnaha xiriirka sokeeye waxaa dhalinaaya
xoreynta , marka dawladii aan xoriyad siin shacabka ay gumaysanaysay u malaha
xaqa xiriirka sokeeye ee dhashay.
Geesku malaha xiriir sokeeye waxaan ka ahayn Jabuuti iyo Hargeysa.
Geeska Afrika cid walaayad ku leh ma jirto waxaan ka ahayn Jabuuti iyo Hargeysa.
Marka la cuskanayo mabda’a walaayada waxaa iska leh qofka wax xoreeyay.
Macnuhuna waa in arrinka geeska Afrika ku jiro liiska dawladaha aan lahayn
walaayad u hiilisa ama kala celisa, sababatoo ah dalalkii ka baxsanaa Ingiriiska
iyo Faransiiska waxaa xornimada gaarsiiyay UNO, marka ma jirto dawlad si gaar ah
xil uga saran yahay. Intuu Talyanigu gumaysan jiray wax walaayad ah kuma laha
maxaa yeelay isagu ma xoreeyn, tusaale ahaan Jabuuti lama qasi karo oo
Faransiiska ayaan oggolaaneyn sidoo kale Hargeysa lama qasi karo, maxaa yeelay,
inkastoo aanay ku jirin Common Wealth, haddana Ingiriiska ayaa xil ka saran
yahay oo xoriyadda siiyay una14 oggolaaday kuna geesi geliyey inay Soomaalida
kale la midoobaan, marka ma oggola inay iyagu is xasuuqaan ama cid kale soo
farageliso, oo haybadiisa iyo Sharaftiisa meesha dahsoon.
Marii uu ku kacay Dhega weyne xukuumaddii C/raxmaan Tuur 1991 waa la damiyay.
Sidoo kale markii C/raxmaan Tuur ku kacay xukuumaddii Cigaal waa la xalliyay.
Isla markaana Konfurta Soomaaliya waxaa loogu deeqaayey hub aan xad lahayn .
Markii ciidamdu u soo gurmadeen dadkii gaajeeysnaa sanadkii 1992dii. Waa la
diiday in hubka laga dhigo maalishyaadka hubaysan.
Waxaa la mid ah Soomaalida dalka Koongo oo laba u qaybsan xagga xiriirka xornima
gaarsiinta. Kongo Barasafil Faransiiska ayaa xoreeyay marka isagaa xil ka saran
yahay oo isma qalan karaan dibaddana loogama soo duuli karo, dhibatooyinkii ka
dhacay 1994 markiiba waa laxalliyay, laakiin Koongo Kinshaasa UNO ayaa xornimada
siiyay marka ma jirto dawlad xil gaar ah ka saran yahay sida Koonfurta
Soomaaliya cid kasta way u furan tahay inay soo farageliso. Waxaana loogu deeqay
hub aan qiyaas lahayn, sida ay caddeyeen khubaradii QM ee loo xilsaaray
arrintaas dawladihii ku xad gudbay cuna qabataytana hubka Soomaaliya, qaar ka
mida IPF ee daneeya arrimaha Soomaalida ayaa la caddeeyay inay soo geliyeen
Soomaaliya tobanaan kun oo qoriga loo yaqaan M16. Sidoo kale waxaa aad loo
hubeeyay Eritareeya iyo Itoobiya waanay is gumaadeen illa uu gaaray khasaarihii
dadka ku dhintay in ka badan 120 Kun oo maleeshiyo ah sida lagu baahiyay
warbaahinta caalamka. Haddii labadaa isbahaysi ka mid ahaan lahaayeen
dagaalkoodu heerka ma gaareen ee wax baa laga qaban lahaa.
Maabka Runta ah ee Afrikda Maanta.
Marka si dhab ah loogu fiirsado xaaladda hadda Afrika ku sugan tahay waxaa
muuqata inaynoqotay saddex geesood kala ah: Common wealth, Frankphone iyo
Afro-Amerika.
Dalaka ku jira Coman wealth iyo franki fon wey degan yihiin dhibaatoyinka ka
jiraana gacanta kama baxan . Laakiin qaybaha ku jira liika Afro Amerika waa
kuwas qaska iyo qalaasha ka bixin. marka waxaa looga bahan yahay Maraykanka in
qaybta u haysto uu igolaado inta Farnsiiska iyo Ingrissku u ogolyihiin
qaybohooda. Ha ddi arrimahaas shaki kaaga jiro ahkri artikialkan.
Marka waxaa muuqata in Maraykanku ku doodayo inuu isagu xaq u leeyahay walaayada
dalalka ka baxsan Common Wealth iyo Frankophone... Sababtoo ah, ma jirto cid
gaar ah oo xorriyadda siisay, maxaa yeelay, waxaa walaayadooda isla leh UNO.
Marka maadaama uu Maraykanku u yahay laf dhabarka QM oo xaga maamulka iyo
miisaaniyaddaba qayb libaax ka qaato, wuxuu isu arkaa inuu xaq u leeyahay
walaayada Q.M. Sida ay caddaysay wasiiraddii hore Arrimaha debedda Olberayt
markay tiri: UNO ma samayn karto wax aanay USA rabin fiir1·
Sidaa daraadeed wuxuu isu arkaa inu xaq u leeyahay :in loo aqoonsado dhammaan
dawladaha ka baxsan labadaa isbahaysi ee Common wealth iyo frankphon. Taasoo
lagu magcaabi karo Afro-Amerika ama wax u dhigma..
Gaar ahaan haddii la fiiriyo sidauu adda haqanto geeska guud ahaan ama
Soomaaliya gaar ahaan waa gobol ka mid ah USA oo hoos yimaada Dawladda
Federaalka. Sababtoo ah, haddii dawladda dhexe ee USA ay doonto inay walaayad ka
mida Maraykanka tagto waa inay ka idan qaadataa ama la socodsiiso madaxda
gobolka, laakiin xagga Soomaalida idan la’aan iyo ogaysiis la’aan ayey dawladda
maraykanku siday doonto ugu mushaaxaysa, gaar ahaan xagga hawada oo dayuuradaha
AC30 ay caado ka dhigatay inay guuxeeda ku argagixiso Muqdisho iyo hareereheeda
markay doonto, sidoo kale xeebaha soomaalida dhammaanteed waxaa gacanta ku haya
maraykanka siduu doonana ka yeeli kara. Waxaa kaloo jira madaxweynihii hore Bush
uu noqday madaxweynihii ugu horreyey dunida oo dal xor ah oo ku jira Qaramada
Midoobay intuu soo galo uu ku wereego baddiisa, barrigiisa iyo hawadiisa isagoon
hal qof oo mas’uul ka qaabilin ama la hadlin isaga baxay, taasi waxay dhacday
1dii Jannaayo 1993. Marka taasi waxay ku tusinaysa kaalinta USA kaga jirto
xaaldaha Soomaalida.
Mawqifka EU /
Haddii laga fiiriyo dhinaca EU waxaad mooddaa inay oggol yihiin in Maraykanku
qayb libaax Afrika ka qaato xagga dhaqaalaha iyo Istratijiyadaba, laakin marna
ma oggola inuu wada qaato ama la kali noqdo, gaar ahaan gobolkan G/Afrika ee
xeebaha saaran. Sababatoo ah arrinku ma aha sidii hore uu ku koobnaa UK iyo
Faransiiska, hadda Yurub way ka weeynaatay intii hore waxaanay ku xisaabtameysaa
dhumucda dawladaha EU-da ku wada jira, midda kale, dhammaantood kama maarmaan
Soomaaliya, mana jirto dunida dawlad miisaan leh oo ka maarmi kartaa gobolkaan.
Haddaan tusaale u soo qaadanno mowqifka dawladda Giriiga, waxaa dhacay in
shirkii IPF (Igad Partiner Forum) Rooma ku qabatay Nofember 1998dii loogu yeeray
inay uga soo qayb gasho goob joog ahaan, aad bay uga carootay, dawladdii Giriigu
waxay soo dirtay wasiiir ku xigeen arrimaha dibadda waxaanu si caro leh u
sheegay: inaanay aqabalayn dawladdiisu inay marti ka noqoto arrimaha Soomaaliya
looga hadlaayo annagu dano ayaan ka leenahay, waxaan rabnaa inaan ka mid noqonno
dawladaha daneeya. Anigoo ka yaabban danaha uu Griigu Soomaaliya ka yeelan
karto, ayaan ogaaday markii 18/7/2002 ay dablay hubaysani ka afduubtay markab
laga leeyahay Giriiga, markii muddo 24 berri la haystay ayay ku soo furatay $
400,000 (afar boqol kun dollar). Marka waxaan ogaaday inay danteedu tahay in
xeebahaas la sugo ammaankooda iyo waxyaalo kale oon la shaacin.
Waxaa kaloo jira in dawladaha EU guud ahaan ay wada danaynayaan gobolkaan isla
markaana aanay rabin in qolo sad bursato, marka laga reebo Ingiriiska iyo
Faransiiska. Waxaa dhacay in Jarmalku ku eedeeyay Talyaniga inuu rabo inuu ka
xigsado Soomaalida, dawladaha kale ee reer Yurub sida uu ku caddeeyay mas’uul ka
tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka oo lagu faafiyo joornaalka
Barliin ee ka soo baxa magaalada Baarliin inuu yiri: Talyaanigu wuxuu rabaa inuu
Soomaaliya naga xigsado ama isaga loo soo maro isagoo sheeganaya inuu xiriir
hore la lahaa, laakiin qaanuunka EU ma oggola xiriirka kala xigsiga. Waxaana
warkaan lagu faafiyay jariidadda Qaran 20/3/2002. Laakiin taasi ma reebayso in
talyaanigu xiriir gaara la leeyahay Soomaliya iyo Ertereya, maxaa yeelay
xiriirkii abuurmay waqtigii gumaysiga waxyaalo badan buu reebay oo saamayn ku
leh dhaqanka, dhaqaalaha iyo luqaddaba. Laakiin xagga qaanuunka iyo Axdiyada
reer Galbeedku kula dhaqmo dadyawga kale waa mid iyaga gaar u ah oo ay isku
taxgelinayaan, dadyawga Afrikaanku kaalin kuma laha, maxaa yelay iyagaa loo
tashanayaa. Waxaa u dhexeeya xuduudo aanay isu gudbi karayn ( ii soo maraw
malagaa gel)
ee xuquuqda Qaxootiga.
Gudd Ha'ada.HURCOS
Adv C/raxman Xuseen(Abu Xamsa)
odowa40@hotmail.com