SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

  • Ganacsiyo eey dad Soomaali ah leeyihiin oo lagu boobey dalka K/Afrika.
  • Macadka tarbiyada  islaamka iyo maadooyinka cilmiga ee agoonta SWACRO oo la gudoonsiiyey deeq lacageed.
  • Banaanbax Maarso 7, 2008 ka dhacay Geneva
  • Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga

Ganacsiyo eey dad Soomaali ah leeyihiin oo lagu boobey dalka K/Afrika.

Ugu yaraan 2 qof oo muwaadhiniin Soomaali ah yaa xabsiga loo taxaabay, ku dhawaad 20 ganacsi oo ey Soomaali leedahayna waa cagta ayaa la mariyey kadib markii dad caraysan eey ku xoomeen gobo ganacsi oo eey Soomaalidu lahayd, Tuulada Worcester (dhawaqa= wusdha). Ee duleedka Cape Town.

Sida uu khadka taleefoonka iigu xaqiijiyey Maxamed Saxane Sugule, oo goobta gaaray barqanimadii Sabtidii (Mar 8, 08), nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdi C/lahi dukaan uu joogey ayaa fiidnimadii habeenimadii Sabtidu soo geleysey waxaa soo weeraray burcad hubeysan oo rabay in ay dhacaan, balse tacshiirad la’is weeydarsaday ayaa la sheegay in uu ku geeriyoodey mid ka mid ah ragii burcada ahaa, arrintaasi ayaa dadka deegaanka ka caraysiisey, kuwaasoo waa barigii Sabtidii kusoo kalahay in ee boobaan ganacsiyada Soomaalida eey ku lahayd tuulada Worcester oo 100km koonfurta ka xigta Cape Town. Hase yeeshee dadkii caraysnaa lamaysan kulmin iska cabin la’aan, qaar ka mid ah Soomaalidii ayaa jilibka dhulka u dhigey oo dukaamadooda ku difaacay hub eey heysteen, waxana la sheegey in ugu yaraan 2 qof dadkii laga dhawaacay. Sida uu maxamed Saxane ii xaqiijiyey inta baddan dukaamada Soomaalida ayaa goobka laga gurey ka hor inta eeysanba dadka weerarin.

Police-ka ayaa xabsiga u taxaabaya 2 nin oo ganacsato Soomaaliyeed ah oo lagu eedeynayo in eey fal dambiyeedyo geeysteen, mid waxaa lagu magacaabaa Cabdi C/laahi oo la sheegay in uu yahay ninkii xabadiisu eey tuugada dishey, kan kale waxaa magaciisa lagu sheegey C/raxmaan Sh. Maxamed Aw Kaahin, oo isaguna xabsiga la dhigey, sababtuna eey ahayn sida la sheegay in uu ka mid ahaa ragii tacshiiradeeyey dadka caraysan ee qaar dhaawacay.

Xaalada ayaa aad u kacsan, iyadoo dadka soomaaliyeed ee ganacsiyada baaxada leh ku leh Cape Town, waxaana la sheegey in in dhamaan Soomaalidii tuuladaasi joogtey eey kasoo wada qaxeen. Waa dhacdadii 4 aad ee isla sanadkan guduhiis ganacsiyo Soomaali leedahay lagu booboo, isla tuuladaasi waxaa jirey isla todobaadyo ka hor in dad caraysan eey sidaan oo kale isku dayeen in eey boob geystaan, hase yeeshee la baaciyey. Waxaa kale oo todobaad ka hor gobolkaasi tuulo ka mid ah laga ceeyriyey dhowr nin oo ganacsiyo ku lahaa, tuuladaasi oo laakiin wax qasaaro badan eeysan jirin ayaa waxaa lagu magacaabaa Vahlalla.

Waa dhibaato hor leh, una muuqata mid faraha kasii baxaysa, xalka loo hayana uu yaryahay, heerka shisheye naceybka dalkani ayaa meeshii ugu sareeyey sanadkani gaaray, iyadoo dadka si wadar ah eey u beegsanayaan qof kastaa oo loo arko inuu shisheeye yahay, waxaana xusid mudan in ka hor inta aan wax fal ah dhicin marka hore lasoo diro rag burcad ah oo wax dhaca, haddii la waxyeeleeyana cagta la mariyo wixii ganacsi ah ee dadka shisheeyaha ah eey heystaan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in ururka jaaliyada dalkani eey todobaadkani ku guuleysteen in eey fashiliyaan fal lagu booby lahaa ganacsiyo Soomaali leedahay, sida lagu faafiyey Barta internetka ee ururkaasi leeyahay ee lagu magacaabo www.somaliasociation.org, tuulo lagu magacaabo Parys oo ku taala gobolka Freestata ayaa illaa 12 ganacsiyo oo Soomaali ledahay waxa eey ka war heleen in la qaban rabo dibad bax iyagu lagu booby rabo, oo dhici lahaa manta oo axad ah, kadibna jaaliyada soo wargaliyey, taasoo keentey jaaliyada in eey wargaliso dowlada, kadibna eey dowladu fashilisey damacii boobka ahaa. Waxay aheyd arrin dhif iyo nadir ah in Soomaalidu eey kasii warhelaan waxa kusoo socda.

C/nasir Saxansoxo. Somalitalk.com Johannesburg. Email: southafrica@somalitalk.com or saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2008


Macadka tarbiyada  islaamka iyo maadooyinka cilmiga ee agoonta SWACRO oo la gudoonsiiyey deeq lacageed.

Maarso 7, 2008: Dadka Soomaaliyeed oo ku nool dibadaha oo mudooyinkaan dambe looga bartey inay gacan siiyaan dadkooda ku dhibaateesan gudaha soomaliya ayaa Jaaliyada soomaalida dalka Finland gaar ahaan Magaalada Vantaa ayaa waxay deeq lacageed soo gaarsiiyeen Macadka Tarbiyada  Islaamka iyo Maadooyinka Cilmiga ee agoonta (SWACRO)    Somali Women And Children Rescue Organazition waxaana deeqdaan lacageed la soo marsiiyey Masjidka Shif ee ku yaala dalka Finland waxaana ardeyda oo u badan ogoon iyo kuwa sabool ah  Gudoonsiiyey Guddi loo xilsaarey gudoonsiinta deeqdaasi oo ku sugan Degmada Afgooye.

Dugsigan oo ku yaala Degmada Afgooye ayaa Deeqdii lacageed ayaa ardeydii Dugsi loogu iibiyey Agabkii waxbarashada qeybahooda kala duwan waxayna xaflad ku saabsan gudoonsiinta Deeqdaa ay ka dhacdey Macadka waxaana ka soo qeyb galay maamulka dugsiga macalimiinta iyo ardeyda waxaana erayo mahadcelinta ah ugu horeyna halkaasi ka soo jeediyey Maamulaha Macadka Yaasmiin Mayow Maxamed oo ahna wakiilka Hayada SWACRO ee Soomaliya waxayna ugu horeyntiiba u mahadcelisey intii isku soo howshay amaba isku soo dubaridey deeqdaasi lacageed waxay kaloo sheegtey in deeqdaani aysan aheyn deeqdii ugu horeysay ee Macadkaasi la soo gaarsiiyo waxa kaloo ka Hadley gudigii loo xilsaarey in ay lacagtaasi gaarsiiyaan Macadkaasi waxaana u Hadley Nuur Cumar wuxuuna isna u mahadceliyey Jaaliyada Soomaliyeed oo ku nool dalka Finlnad gaar ahaan Magaalada Vantaa wuxuuna ilaah uga baryey in  ugu badalo mid ka Kheyr badan.

  Qeyb ka mid ah lacagtaasi waxaa lagu balaariyey Dusgiga oo lagu kordhiyey qeybo kale ee waxbarasho maadaama ay sii kordheysa baahida waxbarasho ee caruurta agoonta iyo saboolka  iyadoo madaxa SWACRO ee Soomaliya Yaasmiin Mayow ay sheegtey in Hayadooda ay wado qorshayaal ay ku taageereyso caruurta ku dhibaateysan gudaha Soomaliya waxayna ugu dambeyntiina u soo jeedisey Jaaliyadaha soomaliyeed ee ku nool dibadaha in ay gacan siiyaan caruurta Soomaliyeed ee ku nool gudaha soomaliya kuwaas oo ay saameeyeen dagaalada xadka aan laheyn ee ka socda dalka Soomaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Banaanbax Maarso 7, 2008 ka dhacay Geneva 

Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland ayaa qabatay Banaanbax si heer sare ah loo soo agaasimay shalay oo aay taariikhdu ahayd 07da bisha Maarso ee sanadkan 2008. Dibad baxan ayaa ka dhacay  xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva iyadoo halkaasi uu ka socday shir caalami ah oo lagaga hadlayay Xuquuqul Insaanka. Ujeedada banaanbaxan ayaa ahayd sidii indhaha caalamka guud ahaan gaar ahaana Qaramada Midoobay loogu soo jeedin lahaa dhibaatada xad dhaafka ah oo uu gumeysiga itoobiya ku hayo shacbiga aan waxba galabsan ee Soomaalida Ogaadeenya 

Inta uu banaanbaxani socday ayey xubnaha jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland ku qeeylinayeen erayo ka dhan ah gumeeysiga itoobiya iyagoo is la markaana muujinayay garab istaagida shacbiga dulman iyo taageerada eey u hayaan halganka xalaasha oo aay umada Ogaadeenya ugu jirto sidii eey uga hoos bixi lahayd gacanta gumeeysiga madoow. 

Waxeynu halkan u nimid in aan ku dhiiri galino masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee shirkan ka qeeyb galaya in la gaadhay xiligii bulshada caalamka wax ka qaban lahayd xad gudubyada badheedhka ah oo uu ku kacayo taliska gumeeysiga itoobiya is la markaana ka samata bixin lahayd umada dulman ee Ogaadeenya dhibaatooyinka kale oo  uu wali talaskani la damacsan yahay, ayeey tiri haweeneey ka mid ahayd banaanbaxayaasha iyada oo u waramaysay jaraa’id ka soo baxa dalkan Switzerland. Iyadoo hadalkeeda ku xustay in umada Soomaalida Ogaadeanya yihiin umad la gumeeysto xalka kaliyana uu yahay mid siyaasadeed. 

Waxaa xusid mudan in taliska arxanka daran ee itoobiya, ka sakoow, dilka dhaca kufsiga, xadhiga, iyo la wareegida hantida shacabka uu in ku dhow sanad xayiraad xaga gaadiidka ganacsiga iyo isu socodka ku soo rogay shacbiga Ogaadeenya. Taas oo uu macnaheedu yahay  in taliskani go’aan saday in uu macluul umada ku laayo. Intii lagu guda jiray dibad baxan ayeey ka soo qeeyb galayaashu qeeybinayeen qoraalo ku xusan yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee loo geeysto muwaadhiniinta Ogaadeenya. 

Ugu danbeeyntii masuul ka socday Qaramada Midoobay ayaa la gudoon siiyay qoraaladii cabashooyinka rasmiga ahaa isagoo u gidbin doona haweeneeyda lagu magacaabo Mme Louis Arbour oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka. Dalabyadii laga dalbanay bulshada caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa : 

  • In Doowladaha xorta ah hadh cad canbaareeyeen dhaqan xumada dowlad ku sheegta itoobiya.
  • In dowlad ku sheegta itoobiya cadaadis lagu saaro in eey shuruud la’aan qaado xayiraada ula kaca ah oo aay ku soo rogtay shacbiga Ogaadeenya.
  • In Qaramada Midoobay u diraan Ogaadeenya ciidamo nabad ilaalineed oo shacabka ka difaaca waxashnimada gumeeysiga itoobiya.
  • In Qaramada Midoobay dirto gudigii xaqiiqo raadinta ahaa oo eey kal hora ku baaqeen wufuudii QM ka socotay ee booqotay Ogaadeenya dhamaadkii sanadkii tagay.
  • Iyo ugu danbeeyntii in bulshada caalamka ku kaalmeeyaan umada Ogaadeenya in badaxbanaanidooda helaan taas oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo dastuur ku sheega itoobiya.

A.M.
Geneva/Switzerland 
 


Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 March 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Dhibaatooyin gumaysigu shacbiag u gaystay
Qaramada Midoobay oo gargaar u dalabtay Ogaadeenya
Roob-doon seddex maalmood ah
Masuuliyiinta JWXO oo gudaha shirk u yeeshay
Jaaliyadda Switzerland oo banaanbax ku hor qabatay xarunta QM ee Geneva.

======================


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga

Wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada dac-darraysan ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

05/03/08 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Koore, oo degmada Awaare ka tirsan, waxaana laga dilay 3 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.

04/03/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Jugle, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/03/08 waxaa weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Gabagabo, waxaana lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

02/03/08 dagaal ka dhacay Iidadow, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 02/03/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Boholka-Garbo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

01/03/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar si fiican loo qorsheeyay oo mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Galaalshe, waxayna weerarkaas kaga dileen 27 askari, 19 kalana way ka dhaawaceen. Ciidammada gumaysiga ayaa weerarkan lala beegsaday iyagoo fiilo ku jira.

Sidoo kale 01/03/08 dagaa adag oo ka dhacay Gol-dhabiley, oo ka tirsan degmada Garbo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 16 kale.
Isla taariikhdan kor ku xusan waxaa sidoo kale weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan La-helow, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

28/02/08 dagaal ka dhacay Laan-dheer, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/02/08 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Boodha-waysaley, oo Garbo ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Shilaabo, waxay6na u gaysteen kahsaare aan faahfaahintiisa la haynin.

24/02/08 dagaal adag oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Geenyo-eri, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhibaatooyin gumaysigu shacbiag u gaystay

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

01/03/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh lagu magacaabo Shuun Maxamed Khayr-sheeg. Waxay sidoo kale dhaawac u gaysteen ninkeedii oo isagana lagu magacaabo Maxamed Sheekh.

Isla 01/03/08 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Ina Haybe C/llaahi Nuur oo magaceeda hore aanaan haynin.

28/02/08 Gafuurro-xun, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Aw Nuur.

01/03/08 magaalada Galaalshe waxay ciidammada gumaysigu dhaawac xun ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Maxamed Macalin Afrax iyo#
2- Makhtal Sh Daahir

24/02/08 Dar-dheer, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu dhaawac ugu gaysteen Rukni C/llaahi.

05 - 02/03/08 Cayuun, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ruqiya Maxamed Sh Cali
2- Faadumo Gamaadiid
3- Bishaaro Aaqil
4- Ina C/fataax oo magaceeda hore aanaan haynin.
5- Caddow Askar
6- Afey Wali Muuse
7- Shanfool Seed
8- Khadar Maxbuub
9- Maxamed Cunabuur
10- Ina Wali Deeq Cali oo magaceeda hore aanaan haynin
11- Nimco Maxamed Sh Cali
12- Sahra C/llaahi

01/03/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
Dhagoole Khaliif Dhagawayne iyo nin Ina Qarsade naloogu sheegay oo magaciisa aanaan haynin, kaasoo ahaa wade baabuur. Waxay sidoo kale halkaas ku xidheen nin waalan oo magaciisa aanaan haynin.

23/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Malabley, oo degmada Dhanaan ka tirsan, ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Xasan Muxumed
2- Dhuurre C/llaahi Guud-wayne
3- Yuge Cabdow Macalin iyo
4- Mawliid oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

Isla 23/02/08 Bacaad, oo Dhanaan ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed Ibraahim Cabdi iyo
2- Xareed Ibraahim Cabdi
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u gaysteen;
1- Axmed Xareed Ibraahim iyo
2- C/raxmaan Xareed Ibraahim

Qaramada Midoobay oo gargaar u dalabtay Ogaadeenya

Qaramada Midoobay ayaa daboolka ka qaaday in dad 1 milyan oo qof ka badan ay dhibaato biya la’aaneed ku hayso Ogaadeenya, sidaas waxaa arbacadii lagu soo saaray qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Arrimaha Bania’aadaminada ee Qaramada Midoobay OCHA ayaa qoraalkan ku sheegay in la dejiyay qorshe lagula tacaalayo dhibaatooyinka abaaraha ka dhashay ee ay ka midka yihiin caafimaadka, biya la’aanta, xoolaha nool iyo beeraha.

Xafiiska OCHA wuxuu deeq bixiyayaasha adduunka ka codsaday in lala soo gaadho in ka badan seddex boqol oo milyan oo Doollar oo lagu daboolo baahida degdegga ah ee Ogaadeenya muddo lix bilood ah.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa khamiistii iyaduna soo saartay bayaan ay ku soo dhawaynayso baaqa Qaramada Midoobay ee la xidhiidha abaaraha Ogaadeenya.

Bayaankan waxay Jabhaddu ku sheegtay in baaqa Qaramada Midoobay uu soo baxay xilli ay ciidammada Itoobiya siday doonaan ugu tagri-falayaan cuntadii iyo agabkii kale ee gargaarka loo geeyay Ogaadeenya.

Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in dhibaatada Ogaadeenya ayna gargaar bani’aadamnimo oo kaliya ku xallismin Karin, balse loo baahan yahay in la raadiyo xididdadeeda oo la hirgaliyo talaooyinkii uu 2007 soo jeediya guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee Ogaadeenya loo diray, kaasoo dalbay in Ogaadeeny loo diro guddi madaxbannaan oo soo baadha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya ka jira.

Deegaannada ay abaaruhu sida ba’an u waxyeelleeyeen waxaa ka mid ah deegaanno badan oo Shilaabo hoos yimaada, sida Caleen, Balli-wariiri, Xodayle, Qarsoodi iyo Balli-midgaan. Waxay sidoo kale dhibaato ba’ani ka jirtaa tuulooyin hoos yimaada magaalada Wardheer, sida Dannood, Caado iyo Qorile.

Meelaha kale ee dhibaatada abaaruhu saamaysay waxaa ka mid ah deegaanno badan oo hoos yimaada Awaare iyo Dhagaxmadow. Waxay sidoo kale dhibaato ka jirtaa Galaalshe iyo deegaanno hoos yimaada Qabridaharre iyo dhinaca Shabeelle, sida Qallaafe, Mustaxiil iyo Feerfeer.

Deegaanno Nogob ka mid ah waxaa iyaga abaaraha u waheliya cudurro dadka iyo xoolahaba aad u haya, kuwaasoo xoolo badani u le’deen.

Roob-doon seddex maalmood ah

Gobollada Ogaadenya oo dhan waxaa laga hirgalin doonaa Roob-doon seddex maalmood soconaysa, taasoo Ilaahay lagaga baryayo inuu Roob siiyo adoommadiisa ku dhaqan Ogaadeenya, isla markaana ka kor-qaado dhibaatada abaaraha iyo macluusha.

Barnaamijkan Roob-doonta ah ayaa gobollada Ogaadeenya oo dhan ka billaaban doona maalinta talaadada ah ee taariikhdu ku beegan tahay 11/03/08, waxaana la soo gabagabayn doonaan maalinta khamiista ah ee taariikhdu ku beegan tahay 13/03/08.

Masuuliyiinta JWXO oo gudaha shirk u yeeshay

Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ee ka hawlgala gudaha iyo Taliyayaasha Qaybaha CWXO ayaa shirk u yeeshay Xarunta Dhexe ee JWXO.

Shirkan, oo socday intii u dhaxaysay 01 – 05/03/08, waxaa lagu qiimeeyay hawlihii halganka ee dalka gudihiisa laga hirgaliyay 12kii bilood ee u denbeeyay iyo dhibaatooyinkii uu cadowgu u gaystay dadwaynaha Ogaadeenya.

Markii qiimayn dhinac walba ah la sameeyay waxaa la isla qiray in halganku uu muddadaas gudeheeda horumar wayn sameeyay, haddii ay noqon lahayd dhinaca siyaasada, bulshada iyo millatarigaba. Waxaa la isla qiray in CWXO ay guuldarro ba’an badeen ciidammada gumaysiga Itoobiya, isla markaana ay ku fashiliyeen hawlgalladii bahalnimada ahaa ee uu dalka ka hirgaliyay.

Shirkan waxaa lagu qiimeeyay in dilkii, xidhaygii, xayiraadii iyo dhicii uu dadwaynaha u gaystay ee uu doonayay inuu ku nugleeyo ay muuqato inuu ku guuldarraystay, iyadoo shacbigu ay dhibaatooyinkaas oo dhan u dhabar-adaygeen.

Shirku wuxuu CWXO iyo dadwaynaha geesiga ah ee Ogaadeenyaba ku bogaadiyay sida sharafta leh ee ay u guteen waajibkooda, isla markaana ay ciidammada gumaysiga ee dhiig-miiratada ah ugu beeniyeen qorshihii ay ku doonayeen inay ku naafeeyeen halganka xaqa ah ee Ogaadeenya. Shirku wuxuu CWXO iyo dhacabka Ogaadeenyaba ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan kartida iyo dhabar-adayga ay muujiyeen.

Shirku wuxuu sidoo kale digniin kama denbays ah u diray dhuuni-qaatayaasha cadowga la shaqaysta ee kala ah maamul ku sheegga Kililka, Malleeshiyooyinka Dabaqoodhiga iyo Jawaasiista, kuwaasoo loogu baaqay inay si dhakhsa ah faraha ugala baxaan denbiyada halganka ka dhanka ah ee ay ku jiraan.

Shirku wuxuu dadka noocaas ah u fidiyay cafis taam ah haddii ay kaga soo baxaan hawlaha ay ku jiraan inta ka horraysa 07/04/08, haddii kale laga qaadi doono tallaabo adag oo u dhiganta denbiyada ay dalka iyo dadkiisa ka galeen.


08 March 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari


 

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com