SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bariga Itoobiya (Soomaaliya)

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Dhulkaan ku dhashay waxaa hadda loo yaqaan Bariga Itoobiya. Waagaan dhashayse waxaa loo yaqaannay Soomaaliya. Degmadaan ku dhashay waxay u dhowdahay halka la mariyey xariiq-beenaadka aan ugu yeeri jirnay Soomaali Galbeed. Fasalka koowaad ee dugsiga hoose markaan dhiganayey waxaa hees gobannimo-doon ah noo qaadday gabar dhimatay Allaha u naxariisto oo dhiganeysay fasalka siddeedaad.Waxaa heestaas miraheeda ka mid ahaa: 

  • Dhudub iyo Gallaadiyo
  • howdka geelu daaqiyo
  • Soomalida Galbeedka
  • waxay gaar u leeyihiin
  • biciid geesa weyniyo
  • gaabantii ugaareed
  • gaashaan-dhiggeenoow wey wey
  • hubka garabka saartoo
  • hurda gana’a ha siinnina
  • jeeraad gacan ku qabataan
  • gobollada dalkoo maqan

Alloow kuu naxariiso. Maalmo ka hor guddoomiyihii goblka aan gadhasaas iyo anigu ka soo jeedno, Mudug waxaa iska kaxaystay ciidanka Tigreega iyagoon fasax cidna weydiisan! Degmadaas, Galdogob oo markaas yarayd ooy joogeen dhowr askari oo booliis ah keliya ayaa waxaa Xabashidu u imaanjirtay ilaalo meesha xariiqu maro oon aad uga fogeyn degmadaas laakiin kumay dhicin in ay hal tallaabo usoo gasho gudaha. Hadda Gaalkacyo iyo Galdogob waxaa loogu yeeraa Puntland. Maaddaama Gabre Xamar heysto, ma aha Puntland keliya meesha Tigreegu iska soo galo laakiin hadda waxaa la leeyahay Tigreegu waxay iska kaxeysteen guddoomiyihii Gobolka Awdal ama kii Boorame. Riyaale iyo dadka u ol’oleeya goosashadu waxay sheegtaan iney madaxbannaan yihiin. Laakiin xornimada ay ka hadlayaan waa mid mar loo noqay ah marba haddii guddoomiyayaashoodii Tigreegu dacay iska gashanayaan! 

Hadda waan u xiisay magacii Soomaali Galbeed. Ileyn markeynnu lahayn Soomaali Galbeed waxaynnu heysannay dhul xor ah (Bariga Soomaaliya). Qabsashadii Xamar kaddib ma jiro wax la yiraahdo Soomaali Galbeed maxaa yeelay ma jiro dhul Soomaaliyeed oo xor ah marka hadda waxaa loogu wada yeeraa Bariga Itoobiya. Kan Kenya naga heysato waxaa la dhahaa Waqooyi-Bari Kenya. Dhulkii Soomaaliya la oran jiray waa Bariga Itoobiya. Yaa i dhihi kara waa beentay? Qofna. 

Been beynnu sheegi jirnay markaan dhihi jirnay dhulka hooyo. Marar badan baa dadkii shisheeyaha ahaa ee Soomaaliya joogay la yaabbanaayeen dadka Soomaaliyeed sida ay waddaniyaddu ku tahay. Waxba isu qarin meyno. Ogaalkey, Soomaalidu waa dadka ugu dhul-hooyo neceb. Waxaa taas daliil u ah dad badan oo maalaayiin gaara baan weli u arag in wax Soomaaliya gumeysi ku jirto. Malaayiin kalana waxay u leeyihiin Itoobiya baa Soomaaliya heysata waa iyagoo ku nacaynaya madaxweynaha laakiin haddii qabiilkoodu Xabashida soo gelin lahaa dhib umaysan arkeen. Maxaa dadkii Soomaaliyeed ka soo haray? Kumannaan! Kumannaan keliya baa fiican! 

Makhaayadaha markii la fadhiyo, ninka keliya ee Xabashida Soomaali soo gashay waa madaxweyne C/hi. Awal mar mar baa Geeddi la xusi jiray laakiin haddii Geeddi meesha ka baxay waxaad mooddaa in arrintu C/hi isugu soo biyo shubatay. Anigu waxaan aaminsanahay in marka laga reebo kumannaankaas Soomaalida ah in inta kale oo dhami soo wada gasheen Tigreega! Qof kasta oo shirkii Mbagathi u tagay jago waa qof Tigree waddanka soo gashay. Qof kasta oo shirkaas lacago ama si kale ku caawiyey waa qof wax ka soo gashay cadow. Qofkii shirkaas u riqaaysanaa waa qof wax ka soo gashay Zenawi. Qofkii aan shirkaas wax ka oran waa qof ka aamusay Soomaaliya iyadoo cadow ku soo socdo. Waxaa iigu yaab badan oo C/hi Yuusuf igala daran waa nimanka xubnaha baarlamaanka sheegta oo inta soo guddoomiyeen keeniddii ciidamo shisheeye oo Soomaaliya la keeno haddana leh waxay ka soo horjeedaan ciidamada shisheeye! Waxaa kuwaas kasii caqli xun waa shacabka inta horfariistaan nimankaas wax ka dhegeysanaya.  

Nimankaan xubnaha baarlamaanka sheeganaya ee waddanka Itoobiya u saxiixay intay jagada ku sugayeen Kenya ayaan waxaan isku duway qormo ka hadleysa qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida. Qormadaas iyo maqaalo kale ayaan ka dhigay buug si aan uga gaarsiiyo intaan madaxweyne lagu magacaabin Kenya. Si qof kasta u fahmo xitaa kuwa aan wax akhrin ayaan waxaan buugga jaldigiisa ku sawiray shantii Soomaaliya oo labadii gobol ee ugu dambeeyey (Koonfur iyo Waqooyi) holcayaan dabadeedna Itoobiya oo booyaad shidaal ah wadata iskana dhigeysa iney damineyso laakiin ay baasiin ku sii shubayso. Arrintu sheeko xariir igama ahayn laakiin waxaa arrintaas ila fahmayey kumannaanka aan iri waxay ka nabad galeen caadifadda qabiilka halka malaayiintii Soomaaliyeed ay si toos ah ama si dadban ku taageereen soo gelitaanka Tigreega. Marka dad badan oo dhibkaas arkayey waxay iska doorbideen iney reer tolkood iskaga dhexjiraan si aan loo mucaaradin laakiin waxaan u arkaa arrintaas naf-jecleysi. Ka warran qofka dhulkiisa oo gumeysi ku soo socdo madaxa hoos iskaga rogta? 

Waxaa taas ka sii daran weli Maraykanku waa ku qanci la’yahay dhibka heysta Soomaaliya. Waakaas har iyo habeyn cabsi ku haya dadkii soo qaxay ama dadkii reer guuraaga ahaa. Waxaa ka sii daran, kuwa dowlad isku sheega ah oo leh: annagaa u fasaxnay Maraykanka inuu cabsi geliyo shacabkaas dhibta iyo abaartu heysato! 

Hadda waxaa iskaga key qasmay faraqa u dhaxeeya dagaalooge iyo dad badan oo Soomaaliyeed. Waxaan internetka ku arkayey dad ku shiraya Uganda oo leh waxaan ka hadlaynaa nabaddeynta Soomaalida! See ku dhici kartaa madaxweynaha Ugaandha oon waxba ka dhicin Zenawi xagga dhibka Soomaaliyeed in la yiraahdo marti baan ugu nahay shir looga hadlayo nabadda Soomaaliyeed? Waxaan aaminsanahay in qolyaha sheegta bulshada rayidka ah ay iska rabaan magac iyo gunnooyinka habeyn dhaxyada ah. Haddeysan arrintu taas ahayn waxaa la arki lahaa iyagoo inta Cimro u baxaan ku shira Xarameynka si aan la isu khiyaamin. 

Haddaad fiirisid saxaafadda waa kasii liitaan dagaaloogayaasha. Yaa taageeri jiray nimankii Ashahaado-la-dirirka ee Xamar? Boggoggaas maanta waa kuwo xaq-u-dirir ah. Dagaaloogayaashaas in badan oo ka mid ah waxaa taageeri jiray Zenawi. Marka xaq-u-dirirkii waxaa lagu soo koobay qofkii la dagaala qof khaas ah. Weligiin ma aragteen bog laga leeyahay Somaliland oo amaanaya Puntland? Ama mid Puntland laga leeyahay oo amaanaya Somaliland? Ama mid Hawiye leeyahay oo amaanaya Daarood? Ama mid Daarood leeyahay oo amaanay mid Hawiye leeyahay?  

Weli dad baa u qaba inaan Soomaaliya gumeysi ku jirin! Dadka waxaan ugu necbahay waa nimankii inta Soomaaliya cadowga wax ka soo gashay maalin kasta hoos taagan kuwii waddanka Itoobiya ku fasaxay. Ka warran nimanka la leeyahay waxay la shiraan senetarada Maraykanka? Soow Bush ma aha ninka Soomaaliya ku fasaxay Zenawi? Marka waxaan dadweynaha qurbaha jooga kula talinayaa ineysan soo dhoweyn dadka noocaas ah. Maaddaama aan qurbo joogno waxaan ku ciqaabi karnaa inaan la tegin meel ay joogaan. Haddii taladaas la diiddo waxaan filayaa ineysan nagu cusbeyn dagaaloogayaal caayaya dagaalooge kale oo muddo kaddib la arko qaar ka mid ah iyagii oo kii ay shalay caayayeen ku leh waa “mujaahid”! 

Zenawi wuxuu dhaawicii ku sii daray caay. Wuxuu rabaa inuusan Koonfur keliya heysan. Wuxuu Soomaalida tusay in wax la yiraahdo Puntland iyo Somaliland aysan jirin. Markuu rabo buu inta galo magaalooyinkey xukumaan wuxuu rabo ka sameeyaa. Marka hadda qof kasta godkiisaa biyo ugu galeene meesha ma ka kacnaa oo inta qabiilkaan la isku waxyeeleynayo la iska daayo qaranimo ma u guntannaa? Haddii kale soow gabadhii aan kor kusoo xusay Allaha u naxariistee nagama fiicna? Ileyn Koonfur iyo Waqooyi oo xor ah bey dhimatay. Hadda gabdhaheennu maxay ku heesin? Ma yaa xoreeya wasaaraddii Gaashaandhiga ee Xamar? Ma Ballidoogle? Ma Daynuunaay? Wasaaraddii Asluubta? Marka dadkeenna Bariga Itoobiya u dhashoow war baa la inna ka rabaa.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com