SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magaalada Baydhabo oo laga taageerey Urur cusub oo looga dhawaaqey London


Kulan ujeedadiisu tahay shaacinta iyo ayidaada (UNITED SOCIEYT OF DIGIL IYO MIRIFLE) oo looga dhawaaqey 8/03/2008-da Magaalada London ee dalka Ingiriiska, islamarkaan taargedkiisuna yahay, badbaadinta Shacabka iyo soo celinta midnimada Qowmiyada Digil iyo Mirifle, dhisme nidaam dowladeed oo shacabka la xisaabtamikaro, soocelinta sareynta shacabka iyo kala dambeynta Qowmiyada, wax kasta oo keenikara Musuqmaasuq, Eex, Cadaalad-daro iyo kala Fuquuqa bulshada dhexdeeda iyo sidii xiriir wanaagsan ay ula sameyn lahaayeen Qowmiyadaha kale ee Soomaalida oo loona tusi lahaa xaalada dhabta ah ee uu maraayo shacabka Digil iyo Mirifle, iyadoo mar walba la hormarinaayo danta shacabka ay matalaan ayaa lagu qabtey Xarunta Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Beelaha Digilmirifle ee Magaalada Baydhabo 20/03/2008-da.


Xasan Xaaji Abuukar

Gudoomiyaha Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Digilmirifle Prof. Heeroow oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegey “in ay ayidsan yihiin ku dhawaaqista Ururkan cusub iyo Afkaarta ay wataan, islamarkaana ay yihiin kuwo isku Afkaar ah, ayna ka midaysan yihiin qodobo taargadeedk ay higsanayaan”.


bidix Max'ed Muqtaar Cabdi, Midig Xasan Xaaji Abuukar

Md. Xasan Xaaji Abuukar oo ka socdey Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee dalka Canada oo hadalo kulull ka jeediyeen halkaasi ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “dowlad kasta oo la soo dhiso adinkaa laydinku kala qeybiyaa, waadna ka qadaan dhismaheeda”.


bidix fowsi, dhexda Cawil, midig Prof.Heerow

Gunaanadkii kulankan ayaa waxaa layskula soo qaadey sidii looga qaybqaadan lahaa qaabka dhisme dowlad Gobleedka Koofur Galbeed iyo xaaladaha kala duwan Gobolada iyo degmooyinka ay ku baahsan yihiin Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaa uuna ku dhamaadey kulankan jawi is Af-garad iyo mid xamaasadeed oo dhinacyo kala duwan taabanayey, hase ahaatee kulamada noocan oo kale oo ka dhaca inta badan dalka gudahiisa iyo dibadiisa oo ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxay dhaliyaan oo kali ah, qorshe dadka iyo dalka Soomaaliyeed u horseeda Bur bur iyo kala fogaansho weyn oo ay ka faa’iideysanayaan Dowladaha sii murjinaya jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo qaybo ka tirsan Dowladaha waaweyn ee Dunida, hadii aan wax laga qaban arimaha noocan oo kale, hawshu waxay keenidoontaa mid in badan lays-weydiindoono mudooyinka soo socda.


dhammaadkii kulanka

Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo ka socda Qorshe looga hortagayo lacago mac-mal ah oo la sheegey in lagu soodejiyey Xarun Goboleedka J/hoose ee Kismaayo, oo la doonayo in lagu baahiyo Gobolada Jubooyinka, sida Kismaayo, Bu’aale, Gedo, Bakool iyo Baay, oo la sheegey in tiradooda ay gaareyso 100-laal Milyan oo Sh.S0 ah, waxayna leeyihiin waa qorshe lagu Abuurayo Bur bur dhaqaale oo ku dhaca Shacabka ku nool Goboladan, islamarkaana qaar ka mid ah dadkan oo aan la sheekeystey waxay leeyihiin “waxaan soo jeedinaynaa inaan Gobolka Baay laga bixin nooc kasta oo ka mid ah Xoolaha Nool iyo Miraha ka soo go’ay Beeraheena xitaa Hal madaal, si aysan ugu faafin lacagtaasi faalsada ah Gobolada shacabkeena”.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com,fatxumaaliky@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2008

 

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com