SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Taabacsan Golaha Maxaakiimta Islaamka Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Jowhar....

Xoogaga taabacsan Golaha maxaakiimta islaamka ayaa dagaal xoogan kadib la wareegay gacan ku haynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe iyo weliba degmada mahadaay ee isla gobolkaasi iyadoo Halkaasi ay ku geeriyoodeen inta la og yahay in ka badan 2-qof halka dhaawacana lagu sheegay 7-qofood oo rayid ah .

Dagaalkan Xoogan ee lagula wareegay Gacan ku haynta Xarunta Gobolka shabeelada Dhexe ee Jowhar ayaa la sheegay inay Xoogaga kasoo hor jeeda siyaasada dowlada iyo Joogitaanka ciidamada shisheeye ay kasoo galeen deegaanka degmada mahadaay islamrkaana si lama Filaan ah dagaal laysu adeegsady hubka daran dooriga u dhaca ay gacanta ku dhigeen degmadaasi iyo deegaanada ku hareeraysan .

Sidoo Kale Xoogagan Hubaysan ayaa la sheegay inay durbadiiba gacanta ku dhigeen Saldhiga degmada Jowhar islamrkaana kula wareegeen Dhowr baabuur oo la sheegay inay lahaayeen ciidamada Booiska degmadasi Jowhar iyo Hubka Ka kooban Qoryaha garbaha lagu qaato oo aan Tiradooda la shaacin.

Dhinaca kale Afhayeenka Golaha Maxaakiimta islaamka C/raxiim Ciise Cadow Ayaa Saxaafada u xaqiijiyey In Magaalada Jowhar Iyo Mahadaay Ay Gacanta Ku Dhigeen islamarkaana sheegay inay ku nagaan doonaan oo aysan ka Bixi doonin waa siduu hadalka u sheegaye .

Ma Jiraan war kasoo baxay dhinaca dowlada FKMG ah ee xilagan lagala wareegay Gacan ku haynta Qaar ka Tirsan Gobolka shabeelada dhexe.

yaasiin maxamed cali faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

LAQANYO: CASMARA UMA SOCDO WAXAAN AHAY  MASUUL KAMIDA DFKMG
Waxaan ahay masuul kamida Dowlada FKMG ah, Casmarana uma socdo shaqana kuma lehi. Wixii ka khaldan anaga dhexdayada..............Akhri mar 26

Hogaanka sare ee Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo marti qaad ay ka heleen dowlada Suudaan ku jooga magaalada Khartuum. Mar 26

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2008

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com