SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hogaanka sare Isbaheysiga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi Jimcaha, si ay ula kulmaan beesha caalamka...

Hogaanka sare ee Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugan magaaladda Khartuum ee wadanka Suudaan.

Wafdiga oo ka kooban Sh. Shariif Sh. Axmad oo ah gudoomiyaha fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, Gudoomiya Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Shariif Xasan Sh. aadan, Mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka mid ah golaha dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta,gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Gudoomiyaha Isbahaysiga, Gen Jaamac Maxamad Qaalib, Prof Cadow oo isagu ah la taliyaha xiriirka caalamiga ah ee Sh. Shariif iyo Sh. Cumar Iimaan oo xubin ka ah Golaha Dhex ee Isbahaysiga, waxaana Nairobi ku sugan oo usii gogal xaaraya wafdigaan balaaran xubno ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga, kuwaas kala ah Prof Abdiraxman Ibbi, mudane Abdul Kadir Dhaqane, iyo Mohamed Amin Osman.

Wafdiga oo casumaad rasmi ah ka helay dawladda Suudaan ayaa wararka Khartuum ka imaanaya sheegayaan in iyaga iyo dawladda Suudaan ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo ah arimaha Soomaaliya .

Wafdiga ayaa maalmaha soo socda u baqooli doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan Qaramadda Midoobay iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dawladaha Yurub ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Ilaa hadana ma cada inay wadahadal la gali doonaan hogaamiyaha cusub ee kooxda Mbagathi Nuur Cade oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana cad in wax badan iska badaleen xaga beesha caalamka arimaha Soomaaliya, ayna hada diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan xaalada dalka Soomaaliya,waxaana la filayaa in ciidamada Ethopia laga saari doono Soomaaliya, iyadoo lagu badali doono ciidamo ka socda United Nations.

Ilo wargal ah


Magaalada Jowhar Oo ay Iskood Uga Bexeen Ciidamadii Maxaakiimtu Iyo Gudoomiyaha Gobolkasi Oo Arintaasi Ka Hadlay.

Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe Ee Jowhar Oo ay maalintii shalay [Mar 26, 2008] ilaa habeen hore ay gacanta ku haynteeda la wareegeen xoogaga wax iska caabinta ee taabsan golaha maxaakiimta silaamka ayaa maanta degan kadib markii ay Ciidankaasi iskaga baxeen islamrkaana ay usoo daba mareen Gudoomiyaha Gobolka shabeelada dhexe mr-deel oo safar uga maqnaa xiligaasi uu dagaalku ka dhacay .

Mr-deel oo saaka saxaafada u waramayey ayaa shaaca ka qaaday in laga qaatay baabuurtii ay maamulka gobolkaasi lahaayeen iyo weliba qalab xafiiseedkii yaalay xafiisyada maamulka dowlada DF ee gobolka islamrkaana ay ku raad joogaan kooxaha ka dambeeyey falkaasi waa siduu hadalka u dhigaye .

Gudoomiyaha ayaa intaasi sii raaciyey in uu safar uga maqnaa gobolka islamrkaana uu kusoo laabtay Gobolkii oo dagaal ka dhacay islamrkaana laga qaatay waxii Qalab xafiiseed iyo gawaari maamulku lahaa oo dhan waanuna sheegay gudoomiyuhu inay ku raad joogaan oo ay ka Hari doonin waa siduu hadalka u sheegaye.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada dhexe ayaa kusoo beegmaya xili ay xaalado colaadeed ka jiraan Qaar ka tirsan Gobolka shabeelada dhexe islamrkaana laga cabsi qabo in xoogaga taabacsan Golaha maxaakiimta islaamka ay la wareegaan Goobo kale oo ka tirsan gobolkaasi iyo weliba Gobolada jaarka la ah sida Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha dagaal ee u dhexeeya dowlada KMG ah iyo Xoogaga kasoo horjeeda ayaa u muuqda kuwo kasoo daraya xiliba xiliga kasii dambeeya taasoo ay soo xoogaysanayaan Kooxaha wax iska caabinta ee kasoo horjeeda siyaasada dowlada iyo Joogitaanka ciidamada shisheeye .

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Safar Dhulka ah Ku Maraya Qaar ka Tirsan Gobolka Hiiraan Iyo Cabsi Ka Jirta Goobahaas .

Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) oo ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inuu safar xaga Dhulka ah ku tegi doono degmooyin ka tirsan gobolka hiiraan taasoo uu ku macneeyey safarkiisa inuu xalinayo khilaaf xaga maamulka ah oo ka jira Meelo ka tirsan isla Gobolkaasi .

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu safarkiisa ku tegi doono degmada Buulo-barde iyo degmada jalalaqsi oo labaduba kawada tirsan Gobolaka Hiiraan islamrkaana shaaca ka qaaday inuu safarkiisa ugu weyn yahay xalinta Khilaafaad ka dhex jira taliyaha Ciidamada Booliska degmada Buulo-barde iyo Gudoomiyaha degmadaasi .
Daba Geed oo hadalkiisa sii wata isagoo saxaafada la hadlayey ayaa intaasi ku daray in dhowaanahanba uu jiray Khilaaf xaga Maamulka degmada buulo barde ah uu murano soo noq noqday ay halkaasi ka jireen islamrkaana uu xalintooda u tegeyo halkaasi .

Safarka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya xili ay cabsi iyo wel wel xoogani uu ka jiro meelo ka tirsan Gobolkaasi islamrkaana ay maalmahanba deeganada Hiiraan iyo shabeelada dhexeba ee dhinaca isku hayaa ay ka jireen shaqaaqooyin dagaal oo u dhexeeya Xoogaga dowlada kasoo horjeeda iyo ciidamada dowlada KMG ah iyadoo mudo maalin iyo badh ahna ay gacanta ku hayeen Magaalada Jowhar Ee xarunta Gobolka shabeelada dhexe Xoogaga taabacsan golaha maxaakiimta islaamka islamarkaana ay iskood uga baxeen.

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com



Baaq ku wajahan abaaraha dalka ku dhuftay iyo dhibaatooyinka aadanimo

Dhamaan bulshada caalamka gaar ahaan hay'adaha samafalka ee Qaramada midoobay waxaan ku wargalinaynaa in dalka ay ka dilaacday abaar aad u xun oo dhibaato ku haysa dadka iyo duunyadaba, abaartaa waxay sababtay in deegaano badan xoolaha iyo dadkaba ugu il daranyihiin biya la'aan ba'an iyo cuno la'aan taas ay keentay inay bilaabanto dhamaanshaha xoolaha halka dadkana u ildaranyihiin

Hadaba isbahaysiga dib-u-xoreyta Soomaaliyeed wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa inay joojiyaan dabar u duwida ay shacbiga Soomaaliyeed dabag u duween xili ay u baahanyihiin gargaar aadanimo. Shacbiga soomaaliyeed waxay is weydiinayaa Ummadda Soomaaliyeed miyaysan ka mid ahayn beesha caalamka, aaway dalalka islaamk, ururaddii caalamiga ahaa

Sidoo kale waxaan baaq u diraynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay dadaalka iyo khaylo dhaanta ay kordhiyaan wax loogu qabanayo dadka ku dhibaataysan dalka

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta ee golaha dhexe ee isbahaysiga
Md Sulaymaan Colaad Rooble

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2008

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com